WARBIXIN:-XUKUNKII MAXKAMADAHA ISLAAMKA SANAD KA DIB, MAXAA ISKA BADALAY MUQDISHO.!!




Hadhwanaag 2007-12-27 (Hadhwanaagnews) Sida aad la socotaan amaba aad maqasheen,waxaa bartamihii sanadkii hore ilaa dabayaaqadii bisha desembar ee sanadkii tagay M/muqdisho iyo qeybo ka mid goboladda dalka, gacanta ku hayay Golihii maxkamadaha islaamiga ah, kuwaasi oo dagaal culus iyo kacdoon dadweyne ka dib ku guuleystay in ay meesha ka saaraan awoodii Hogaamiye kooxeedyadda muqdisho oo xiligaa ku midoobay isbaheysi la magac baxay { la dagaalanka argagixiso la dirirka] marka laga reebo xil.Caato,iyo Xil.X.ceydiid, oo iyagu aan ka qeyb galin kana mid ahaa hogaamiye kooxeedya Muqdisho.


Xiligaa golaha maxkamaduhu waxa ay ku dhaqaaqeen talaabooyin rajo galiyay shacabka oo ay ugu horeyso soo celinta Amniga oo aheyd baahida ugu weyn ee ay qabeen reer muqdisho iyo inta ku teedsan,iyo soo celinta bilicdii caasimadda oo markaa aheyd bahalo galeen,waxa ay kaloo dhiseen gudi fulin iyo gole shuuro waxaana xilalkaa loo k ala dhiibay Sh. Shariif iyo Sh.Xasan Daahir,




Xiligaa waxaa jiray culesyo fara badan oo goloha maxkmadaha kaga imaanayay dalka dibadiisa iyo gudahiisa, waxaana dalal dhowr ahi shaki ka muujinayeen isbalaarinta ciidamadda maxaakiimta iyo ineey jiraan xubno danbiyo caalamiya galay oo ay gabaad u yihiin xubno ka tirsan maxkamaduhu, waloow maxkamadaha qudhooda la oran karay waxna wey wada qalanayeen, midiyahana weey kala qarsanayeen, oo waxaa jiray xubno aan xogta dhabta ah ka war heyn marka laga reebo Alla dartii, oo ahaa barnaamijka ay kuwada howl galeen.



Awoodda golaha maxkamaduhu, waxa ay soo ifbaxday ka dib markii ay maxkamaduhu ku faafeen gobolo dhowr ah oo xataa dhaqdhaqaaqoodu uu gilgilay dalalka dariska ah, dhinaca kale dowladda kmg ah ee soomaaliya ee lagu soo dhisay Neyropi,ayaa waxaa ay mudadaa waab kaga jirtay M/baydhabo,iyadoo cabsida ugu weynina ay timi markii xoogaga maxkamaduhu ay u ruqaansadeen dhanka goboladda Bay iyo Bakool, isla markaana uu meesha ka baxay wadahadal lagu dhex dhexaadinayay labadda dhinac oo ay Jaamacadda Carabtu gogosheeda dhigtay M/khartuum ee wadanka suudaan,waxa uuna mudadaa ka dib xaalku noqday keeb la yuurar iyo qoryo isku tag,



Dowladda kmg ah ee soomaaliya ee lagu soo dhidbay dalka neyropi, waxaa mudadaa garab siinayay wadamadda Ithopia, Yaman, iyo Ugaandha, halka golaha maxkamadaha islaamiga ah e garab taagnaayeen si toos ah iyo si dadbanba, wadamadda Eratariya, Jabuuti, Masar, Liibiya,sucuudiga Qadar, iyo ururka xisbulaahi, iyo kooxo kale sisda lagu xusay warbixino dhowr ah oo laga diyaarirayay xiligaa, hadaanse idiin xasuusiyo dhacdooyinkii xiligaa kuwa ka mid ah:-



9-kii desembar 007, waxaa ya 15-ka xubnood ee golaha amaankau meel mariyeen in cunaqabateynta hubka soomaaliya laga qaado,

12-kii desembar, Sh.yuusuf indha- cadde, ayaa sheegay in ay muddo todobo maalmood ah ay u qabteen in ciidamadda ithopia dalka looga saaro,

19-kii desembar, ayayna aheyd markii ugu horeysay ee ay ciidamadda maxkamadaha iyo ciidamadda dowladu isku easaaseeyeen aaga hore ee daynuunaay,

23-kii desembar Sh.Yuusuf indha cadde oo shir jaraaid ku qabtay meel aanuu sheegin ayaa ku booriyay muslimiinta xag jirka ah in ay soo galaan dalka kalana soo qeyb galaan dagaalka ay kula jiraan Ithopia, waxa uuna carabka ku dhuftay in ay qabsan doonaan Adis-apapa kuna tukan doonaan maalinta ciidda ah,

25-kii desembar, diyaarad ay leeyihiin ciidamadda cirka ee dowladda Ithopia ayaa duqeeyay Erapoorka caalamiga ah ee muqdisho,

wixii intaa ka danbeeyayna waxa ay xoogagii maxkamaduhu u muuqdeen kuwa sii tabar yareynaya oo loo awood sheegtay,



Hadaba, maadaama bishan desembar oo kale sanadkii hore ay dhaceen isbadalo meesha ka saaray awoodii golaha maxaakiimta islaamiga ah, kuwaasi oo haatan sanad jirsaday, waxaa muhiim ah in aan ka abaarno maxaa isbadalay, oo ku soo kordhay xaaladaha soomaaliya hadahaa oo kale sanadkii tagay,



Desembar sanadkii 2006, waxaa ay ku beegneyd markii ugu horeysay ee ciidamada dowladda oo ay sahmiyayaal u yihiin ciidamada Ithopia ay soo gaaraan caasimadda soomaaliya ee Muqdisho,waxa ay dadka qaar u arkayeen in imaanshahoodu ay tahay maslaxo, iyo in la heli doono dowlad soomaaliyeed oo shaqeysa, halka qaar kale oo aaminsanaa aaraada maxaakiimtu ay ula muuqatay in tilaabadani ay tahay mid looga soo horjeedo ku dhaqanka sharecadda islaamka, ayna wax ka soo maleegeen dalalka reer galbeedku,waxaa jira kooxo aqoonyahano u badnaa iyo ciidamadii hore ee qalbka sida, oo arinkaa niyad jab weyn ka muujinayay, dareenkooduna uu ka damqanayay in ciidanka ithopia ay iyagoo hubkooda wata ku dabaashaan xeebaha banaadir,


Si kastaba dhacday, waxaase soo kordhay,baa la oran karaa, in lagu hardamo caasimadda ,ayna geeriyoodaan,dhaawacmaan ama la barakiciyo, shacab rayida oo aan waxba galabsan, ka dib markii lagu dul dagaalamay,waxaana [ceeryaamo ka timi halkii caad laga filayay] waxaase marka la isku soo xooriyo la oran karaa waxaa iska badalay, desembar to desembar muqdisho nabad aan la ogeyn danta laga leeyahay,ayaa waxaa badalay dagaal aan la ogeyn halka uu ku danbeyn.!!!


FG TANI WAA ARATIDEYDA.

Wariye C/Qaadir Mohamed farah Dulyar
Hadhwanagnews Reporter
Mugadisho, Somalia
dulyar23@Gmail.com  

No comments