WQ/- November 28, 2009
Umadda Soomaaliyeed waa bulsho muslim ah oo Sunni ah 100% sida ku qoran diiwaanadda,waxa ayna ka ab-ka ab aheyd mid iska soo dhaxleysay tan iyo markii ay geeska Africa soo gaareen Culimadii fidinta diinta Islaamka qarniyaal ka hor.
Sidoo kale Culimadu waxa ay bulshadda u ahaayeen qaarkoodna weli u yihiin astaan ay kaga daydaan:-xagga- akhlaakhda,xag- cibaado, xag-cadaalad, xag- nabadgalyo, xag- daacad-nimo, wanaaga iyo cabsida Alle,iyo tusaalooyin kaloo badan, dhanka kale waa kuwa miyi iyo maagaalaba ka suurta galiyay mowlacyo, dugsiyo iyo Masaajiddo, lagu cibaadeysto laguna barto diinta islaamka, intaa kuma koobneyne waxa ay culumaddu ahayed kuwa lagu baxsado marka xaajo xumaato, iskana xilsaara xalinta khilaafaadka bulshada miyi iyo magaalaba, iyadoo go’aanada ay soo jeediyaana ahaayeen kuwa aan laga daba hadlin qadarinta loo hayay awgood.
Marka la jaleeco doorka culumadu ay ku leeyihiin Tarbiyadda ubadka soo koraya,oo aheyd arin soo jireen ah, waxaa lagu cabiri karaa in ay tahey kaalin aad u culus, oo dabooli jirtay ama kaabi jirtay kaalintii waalidka looga baahnaa, maadaama waalidiinta badankoodu ay mashquul ku yihiin raadinta nolol maalmeedkooda,ama la oran karo waxaaba ku yar aqoonta ay u leeyihiin tarbiyenta ubadkooda.
.
Dugsiyada Quraa’nka oo ahaa kuwa ku yaalay dalka oo dhan,hadaan ka soo qaato kuwii M/muqdisho oo tira beelka ahaa, ayaa la oran karaa waxa ay ahaayeen meelaha ubadka Soomaaliyeed lagu barbarian jiray, maadaama macalimiintu ay yihiin waalidka 2-aad, ayaa waxa aan xasuustaa gaar ahaan in macalimiinta Quraa’nku,ay kormeer joogta ah ku heyn jireen oo xataa la oran karo si aaney waalidiintu ula socon ilmahooda ayey iyagu ula socon jireen dhaq-dhaqaaqooda.
.
Dugsiyada Quraa’nka oo ahaa kuwa ku yaalay dalka oo dhan,hadaan ka soo qaato kuwii M/muqdisho oo tira beelka ahaa, ayaa la oran karaa waxa ay ahaayeen meelaha ubadka Soomaaliyeed lagu barbarian jiray, maadaama macalimiintu ay yihiin waalidka 2-aad, ayaa waxa aan xasuustaa gaar ahaan in macalimiinta Quraa’nku,ay kormeer joogta ah ku heyn jireen oo xataa la oran karo si aaney waalidiintu ula socon ilmahooda ayey iyagu ula socon jireen dhaq-dhaqaaqooda.
Balse waxaa xusid mudan in waqtigaa macalinku uu ahaa mid u idman tarbiyeynta caruurta uu gacanta ku hayo, waxaana dhici jirtay waalidiinta qaar marka ay u taag waayaan qaladaadka caruurtooda, in ay ugu hanjabi jireen, {waayahay, hadaanan macalinka kuu sheegin !!}markaana ay ilmuhu dib uga laaban jireen waxa ay faraha kula jiraan,kana codsan jireen waalidka in aan arinkan macalinka la gaarsiin.
Marxaladahaas aan ka soo sheekeeyay oo tan iyo bur-burkii soo maray heerar kala duwan, maanta waa layskala soo gudbay oo waayoo !! hardanka u dhexeeya culimadu waxa uu sii xoojiyey oo sabab unoqday inay xirmaan dhamaan dugsiyadii iyo in lagu tilmaamo meel lagu duufsado maskaxdana looga badalo caruurta yaryar si ay uga qeyb qaataan dagaal diimeedyada dunida ka curtay, waxaana waalidiin fara badani shaki ka muujiyeen in ay ubadkooda geeyan dugsiyadii iyo madarasooyinkii islaamka,{subxaana-laah !!! waa arin Qatar ku ah mustaqbalka jiilka soo koraya.
Waxa ay sidoo kale dhibaatadu saameysay waalidiintii caruurtooda kula cararay dibadaha, kuwaasoo ka sokow wal-walkii ay ka qabeen in laga fasahaadiyo, maadaama iyagoo muslim ah oo jaahil ah ay u tageen mujtamac gaalo ah oo dhan walba kaga horeeya, ayaa hadana waxaa ayaan daro noqotay in maanta ay soo wajahday cabsi kale oo kaga timi halkii ay maciinsanayeen oo ah wadaadadii, ka dib markii ay ku baraarugeen wiilashoodii oo ka qeyb qaadanaya dagaalada Soomaaliya,kaaga darane waa sidii ay gaaladu rabeene iyagoo ka faa’ideysanaya cadeymo yar yar oo lagu helay kooxo wadaada ah oo dan gaar ah watay, hase yeeshee aan ka fikirin dhibaatada caamka ah ee ku imaan karta sharafta iyo nolosha islaamka, ayaa waxaa faraha lagu taag- taagay goobihii cibaadada iyo barashada diinta Islaamka.
Waana hubanti in ay waalidiintii oranayaan ,-kaan u dhiibtayba maaha !!!! xalkiina uu noqday in ay caruurtooda ilna kaga waardiyeeyaan gaaladda, isha kalena kaga ilaaliyaan wadaadadda la sheegay iney dagaal geynayaan.
Sidoo kale,falalka dhacaya, waxa ay sababeen in albaabada loo laabo masaajido iyo madarsooyin furnaa,kuwa kalena ay iminka Qatar ugu jiraan, iyo in xabsiyada loo dhaadhiciyo wadaado fidin jiray diinta, oo laga yaabo in danbi la’aan loogu mar-marsiyooday dhacdooyinkan,in dabagal iyo baaritaano lagu soo rogo soomaalida, in lagu dhibaateeyo safaradooda, in kalsoonidii lagala laabto, ka dibna lagu tilmaamo dad qal-qal ku haya amaanka dalka martigaliyay iyo la duudsiiyo xuquuq fara badan oo ay kala mid noqon lahaayeen bulshada ay la nool yihiin,
Hadii aan dhanka kale eegno, iskooladdii waxbarashada aasaasiga ah oo iyaguna ahaa halka laga toosiyo ubadka, aqoon iyo wadaniyadba,laguna kala ogaan jiray aadaabta iyo fahamka ubadka, ayaa qaar ka mid ah waxa ay noqdeen Akadeemiyo ciidan oo laga soo saaro dhalinyaro dagaalanta,dhamaan arimahaasina waa farsamooyin ka yimi qaar ka mid ah culumadda iyo xeeladdo xukun doon ah oo u qarsoonaa, hase yeeshee ay iminka la yaaban yihiin caamadu.
Aan u daadago marxalad kale iyo doorka culumada ee maanta, uma baahna sheeka dheer sida ay ku yimaadeen wadaadadu iyo isbadaladii ay soo mareen iyo weliba sida loo taageeray,balse waa hubanti in Qof waliba uu sawirtay in dhibkii dhammaaday mar haddii wadaadadu taladii dalka qeyb ka mid ah qabteen,sidoo kale, in la gaaray waqtigii ey soo afjarmi lahaayeen colaadaha Sokeeye ee Soomaaliya, in la joogo xiligii dib loogu noqon lahaa cadaaladii iyo kala dambeyntii, in uu soo dhawaaday waqtigii laga sheekeyn lahaa wixii dhacay xilliyadii dagaallada ahliga, in ay tahay saacadii dib u midoobidda iyo is jaceylka bulshada,iyo sidoo kale waqtigii soomaalidu dib u dhisan laheyd dalkii ay iska bur-burisay, si ay u higsadaan asaagood,la iskuna xukumi lahaa kitaabka Alle,laakiin waxaa badalay dhamaan rajooyinkaas fiican ee la filayay, wax aan marna qof ku fikirin in ay dhici doonaan.waloow qadarta Allana gaar aheyd.
Waayoo, Maanta waxa ay taagan tahay in wadaadadii oo la kala baxay magacyo,islamarkaana ah kuwii horay ugu sheekeyn jiray in ey yihiin rag ka damqaday dhibaatada shacabka lagu hayo, oo fiirsan waayay boobka masaakiinta, una dulqaadan waayay dadka macna darrada la isaga dilayo,ka hurdi waayay gafka diinta loo geysanayo,iyo dhaqan xumada bulshadu ku jirto,in ey iyagii ku dagaalamayaan dalkii,iyagoo aan cid kale eersaneyn, marka laga reebo faragalinta shisheeyaha ee soo jireenka ah iyo ajaaniibta qola waliba wadato,
Shacabkii shalay uhiiliyay afkii baa juuqda gabay, kadib markii ay bartanka u galeen dagaalo silsilado ah, martina u noqdeen qax ka daran kii hore, nasiibna u yeesheen in ay marqaatiga aamusan ka noqdaan, dilal qorsheysan oo ka dhacaya hareerahooda inta badana laga fulinayo Masaajidadda iyo suuqyada ilaa la gaaray heer laga baqo soo cibaadeysigii iyo dukaameysiba, is qarxin,Gowrac iyo addimo goyn, jeedal,hanjabaad iyo qal-qal galin,xukuno naxdin leh oo mad madoow ku jiro sugnaashahooda xiligan,u kala adeegid dano shisheeye,amaro waqtigoodii laga soo hormarinayo,sida in dhaqtar soomaaliyeed loo dilo xabad sigaar ah, iyo in nin sheekh ahi yiraahdo caruurtiina masaajidada ka ceshada,,iyo qodobo kale oo dhamaantood noqday kuwa ka yaabiyay caamadii.maadaama culumo kale ay dood ka keeneen iyagoo u daliilsanaya qodobo diini ah.dalkana ay ka dhacday cagteydooy ibixi,iyadoo loo qeybsamay qaar isku wareystay Qurbaha iyo qaar dalka ku haray oo is dabaalin ku jira,ka dib markii halkii caad laga filayay, ay ceeryaamo ka timi.
Dhanka kale, waxaa maanta wax lala yaabo ah,in rag culumo ah oo qaarkood aqoonta diinta meel sare ka gaaray, ineysan iswaafaqsaneyn hadaladoodii shalay iyo kuwa manta ka soo baxaya afkooda, sidoo kale ay kala hoggaaminayaan madaafiicda lagu leynayo shacabka, oo hadii wax laga weydiiyo dowlad iyo mucaaradba ay iyagoo qosolaya oo kaftamaya oranayaan,{ Annaga ayaa howl-galkaa fulinay waxaana nooga shahiiday 2-mujaahid, gaaladiina waan ka guuleysanay},iyadoo markaana mid waliba uu raacinayo Aayado Quraan’ah iyo Axaadiis, si uu u muujiyo in uu dhankoodu ku saxan yahay,markaa ayaa is dhaafsiga hadaladani waxa ay ku noqdeen caamadii wax maskaxdooda ka weyn iyo in ay ku jahwareeraan saadaalinta dhanka saxan, maadaama dhinac walba ay hogaaminayaan dad culuma ah, oo dagaaladooda waafajinaya diinta islaamka, nin la amakaagay sida wax u dhacayaan oo dad u sheekeynaya ayaa waxa uu soo qaatay murti xiligii jaahiliga laga soo min-guuriyay, hase yeeshee marxaladda maanta lagu qotomin karo, taasoo aheyd sedan:-
!!!Hadda kahor baa Islaan da’ ah oo baadi waxareed ey ku jirto laga sheegay “ Illaahow waxarteyda ha geyn xero wadaad, {Middi uu ku gowracdana waa heystaa, cilmi uu ku baneystana wuu yaqaan}!!!! Markase taariikhda dib loogu laabto, ma aha arin ugub ku ah in shacabka lagu howl galiyo carab iyo niyad aan wada socon iyadoo lagu beer dulucsanayo diin, dabadeedna lagu balan furo, horay ayey qaar ka mid ah hogaamiyayaashii jabhadaha ee ka hor yimi dowladii Kacaanku, inkastoo ay hab qabiil u abaabulnaayeen ,hadana ay ugu owr kacsadeen kelmadda ah {Allaahu Akbar} maxaase ka danbeeyay!!! Tanina waa mid la mid ah marka dhan laga eego,waayoo Maxakamadaha halku dhigoodu waxa uu ahaa {Tagbiir... Allahu Akbar,} iyo in ay cadaalad iyo nabad keenayaan,iyagoo u maraya ku dhaqanka Kitaabka Alle, maantana waxaa muuqta in iyagii ay xukunka isku hayaan,is riix-riixa u dhexeeyana u marayo heer ay Qudhoodu kitaabka Alle iska kala xigsadaan, xaaladiina ay noqotay mid ay uga dareen,ilaa ay gaartay in markii shacabka dib loo soo xasuusiyay wixii la soomaray uu xaal siiyo hogaamiye kooxeedyadii shalay,oo qudhoodu hoosta ka leh {Culimadu waxeey nagu hayeen shalay, iyagaa maanta isku haya.}
Oday Soomaaliyeed oo caan ahaa kana mid ahaa odayaashii aadka ugu ololeyn jiray kacdoonkii wadaadadda,oo markii danbe isaga lafihiisii la baxsan waayay, ayaa isagoo warbaahintu ay su’aalo ka wediineyso marxaladan, waxa uu yiri:- {Hadii caamo dagaasho waxaa hishiisiiya culimada, hadiise culumadu dagaasho, waxaa hishiisiiya cadaabta} taasina waa mid muujineysa marka aad eegto halka la kala taagan yahay mabda’ahaan iyo awood ahaanba,in aaneey jirin cid hishiisiin karta kooxo diimeedyada soomaaliya isku haya,iyaguna aaney ku kala adkaaneyn waqti dhow,in Ilaaheey quluubtooda burcad isku mariyo mooyee.
Ugu danbeyntii,macanaha qoraalkeyga iyo sifayaasha aan tilmaamay ee ka yaabiyay caamada, ulama jeedo in ay ku idil yihiin Culumada soomaaliyeed,balse waa mid u gaar ah raga maanta iyagoo ilaaheey baray cilmiga diinta Isalaamka, hadana aqoontoodii ku kala difaacaya dagaalada ka socda wadanka gudihiisa ee u dhexeeya Dowladda iyo Wadaada.
Sidoo kale, kagama soo horjeedo qalinkeyga, in dalka lagu xukumo kitaabka Alle iyo sunadda Nabi Maxamed {NNKH] qof kasta oo diinta iyo dadka ka gala danbina la waafajiyo shareecadda,waana tii markii horaba aan ku taageeray dhaq-dhaqaaqa islaamiga ah ee ka curtay K/soomaaliya, balse maanta xaalka taagani ma aha kii looga fadhiyay ama laga sugayay, waana mid ay Culimadu gees kastoo loo qaadaba kaga yaabiyeen Caamadii.!!
WQ/-C/qaadir Maxamed Faarax {Dulyar}
Dulyar23@gmail.com
Neyrobi—Kenya.
Dulyar23@gmail.com
Neyrobi—Kenya.
Abdulkadir Dulyar mahadsanid walal waana kugu boorinayaa inaad hore usii socoto nin isugu jira dadkii hore iyo jiilkan cusub intaba la jaan qaadi kara
ReplyDeleteHhhhhh waa runtaa Masuul
ReplyDelete