HALKAN KA DAAWO WARBIXINTA OO MUUQAAL AH.
https://www.youtube.com/watch?v=puBfpHc4D3U&t=285s
Marka hore waa Nasri Alle iyo Nasiib wanaag in ay si nabad galyo ah iyo rabitaankii shacabka Soomaaliyeed ay ku soo Af meeranto 08 February 2017-Ka Doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya ee lagu qabtay markii labaad Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho,mana aheyn guushaasi mid si fudud lagu gaaray ee waxaa laga soo maray dadaal iyo daal fara badan oo soo taxnaa tan iyo dowladihii KGMG ahaa oo aakhir kii suurta gal ka dhigay in aan dalkeena ku qab sano doorashooyinka.
Marka xiga ma aheyn bilowgii hore Sawirada laga helayay iyo aragtidayada laga kala bixinayay hanaanka ay Doorashada Dadbani dabayaaqadii sanadkii hore uga soo bilaabatay
6-da Maamul Goboleed iyo Caasimadaba, mid ay ku qanacsanaayeen inta badan
Shacabka Soomaaliyeed ee sida dhow ula socday sida lagu daah furay hardanka iyo
xusul duubka loogu jiray kuraasta Xildhibaanada, oo inta badan laga soo
warinayay murano iyo cabashooyin is daba joog ah, maadaama la isku adeegsaday wax kasta oo la kari karay.
‘’Meelaha qaar waa la isku awood sheegtay
,Meelana waa la isku Dhaqaala sheegtay.Meela Kalana waxaa laysaga soo saaray
isbaheysiyo Siyaasadeed oo looga gon lahaa in looga faa’ideysto doorashada
dalka,’’ …..Sidaa daraadeed dad badani rajo badan kama qabin in ay
Doorashada Dadbani ku soo idlaan doonto Natiija wanaagsan.oo waxa ay rumeys
naayeen in laaluushka iyo musuq maasuqu uu go’aamin doono cidda ku soo bixi doonta kursiga sanadkan.
Waxaase
wax walba is badaleen markii la gaaray waqtigii la wada sugayay ee lagu
balamay doorashada Madaxweynaha oo aheyd
maalintii Arbacada, waxaana loo wada dareeraray Doorashadii oo doorkan Sababo Amni darteed loogu qabtay Xerada
Ciidanka Cirka ee Afizione. waxaana goobta soo xaadiriyay 23 Musharax oo u
taagan Tartanka kursiga Madaxweynaha iyo 328 Xildhibaan oo u soo diyaar garoobay ineey u kala gar qaadan. iyo sidoo kale Xubno ka kala socday Beesha Caalamka si ay marqaati uga noqdaan Doorashada.
Bilowgiiba waxaa goobta Doorashada looga cudur
daaray Xildhibaanka kaliya ee maalintaa madasha xanuunka uga maqanaa balse AUN dhawaan geeriyooday,sidoo
kale waxaa loo yeeray 3 Murashax oo laba
ka mid ahi ay maalmo ka hor shaaciyeen ka haritaanka Musharax nimada kuwaas
oo kala ahaa Dr Abdulaahi ,Md Mohamed
Faroole iyo Md Zakariye Xaaji,
Hase
yeeshee hadal uu maalin taa goobta ka jeediyay Xildh Zakariye
ayaa noqday hadal taariikhiya islamarkaana qayb ka ahaa sida muuqatay ololihii
lagu dhiiri galinayay isbadalka sida
laga dareemayayna si wey u saameeyay Xildhibaanada.
Intaa
ka dib waxaa la guda galay Doorshadii oo u muuqatay iney si weyn uga duwaneyd
tii 2012 kii. marka laga eego tirada Baarlamaanka. tan Musharaxiinta iyo
hanaanka loo diyaariyayba. waxaana safka hore soo camiray 21 Musharax oo isku
kalsoon oo ey ku jiraan 2-Madaxweyne iyo 2-Reysal wasaare oo horay dalka uga soo shaqeeyay, Musharaxiin lagu
yaqaano Siyaasadda iyo kuwa ay wajiyadoodu nagu cusbaayeenba., Balse
hadii cabir gaar ah lagu eego u muuqday
ineey Musharaxiintu goobta Doorashada ku yimaadeen labo daraf oo kala
ahaa daraf Isbadal doon ah iyo mid Horu socod ah.
Dad
badani waxa ay si aad ah u xasuusteen soo
bixitaankii Xildhibaanada iyo sidoo kale dhoolatusyadii ay sameeyeen
waqtigii ololaha lagu jiray labada
Musharax ee loo arkayay ineey ugu tun weyn yihiin sanadkaan sida weyna ugu
xafiil tamayay masraxyada tartanka kuwaas oo kala ah Madaxweynaha talada hayay
4tii Sano ee la soo dhaafay oo isaga lagu tuhmayay dhaqaale iyo awoodo
aan loo tirineyn Musharaxiinta kale. Iyo isaga oo weliba maalin ka hor doorashada
soo bandhigay dhoolatus siyaasadeed oo aad u weyn oo ay ka sacaba
tumayeen 220 Xildhibaan.
Sidaa
si la mid ah Musharaxa labaad ee àad loo
hadal hayay waxa uu ahaa Madaxweyihii DKGM aheyd Md Shariif Sh Axmed. oo
qudhiisu xili uu kaftamayay meel fagaare ah ka sheegay Wixii lacago ah hala
qaato balse in uu isagu sanadkaan Madaxweyne ka noqon doono dalka taasoo ay dad
badani rumeysteen.
Markiise
tirinta codadku bilowdeen dad
badan ayey filan waa ku noqotay natiijada ka soo baxday Wareegii 1-aad ee Doorashada
ka dib markii uu tirada Cododka uu xaga hogaanka garabka ku soo qabtay Musharax Mohamed Abdullhi
Farmaajo oo aan markii hore laga fileyn halka uu yimid.
Sida
sharcigu ahaa waxaa Wareega 2 aad u soo baxay 4-tii Murashax ee ugu Codadka
badnaa oo kala ahaa.Md Xasan Shiikh., Md
Sh. Shariif , Md Cumar C/rishiid iyo Md Farmaajo.
waxaase
inta aan la guda galin Wareega labaad isaga hadhay Tartanka Musharax
Cumar C/rishiid goobtana ka sheegay hadal u muuqday baaq uuna ku go'aaminayay halka loo
weecin doono codadkiisa.
Mar
kalaa waxaa kabaha isla gashaday wareegii 2 aad Sadexdii Musharax ee kale
waxaana dhacay wixii dhici lahaa oo ah in ay cododku si weyn ugu
hoobtaan dhankii Musharax Mohamed Abdullhi Farmaajo.
Dhamaan
waa howl la wada qabtay marka laga reebo Musharax Xasan Shiikh Maxamuud oo
isagu ahaa Musharax taageeradiisa iyo galaangal kiisa Doorashada ku aaminay
qaar ka mid ah Madaxweyne Goboleedyadii ay soo dhistay Dowladii uu hogaaminayey iyo saaxiibadiisa gaarka ah oo qudha.
Waxaase
Arin taariikhiya aheyd oo lagu wada farxay sida geesinimada leh ee uu uga haray Wareega
3aad isla markaana uu aqbalay durbadiiba natiijadii doorashada uguna hanbalyeeyay
Musharaxii kaga guuleystay doorashada.
Dhanka
kale waxa uu Noqday Md Farmaajo. Burburkii ka dib Madaxweynihii labaad ee dalka gudihiisa lagu doorto, waxa kaloo uu noqday Madaxweyne ay si
wadajir ah mar qudha u soo wada dhaweeyaan Bulshada Soomaaliyeed waxaana ku dhawaaqistiisa oo aan la shaacin ka bilowday Dalka
gaar ahaan Caasimadda isku soo baxyo lagu taageerayo Madaxweynaha
la doortay.
Si
taas la mid waxaa iyaguna taageero aan kala hadh laheyn u muujiyay Ciidamada
Dowladda oo malaha habeenki doorashada farxad
awgeed cirka u riday rasaas maalin dagaal ka badan.iyo dadka Soomaaliyeed ee ka
daawanayay Shaashadaha kuna kala suganaa gobolada iyo dalka dibadiisaba, hase yeeshee halku dhiga sanadkaan doorashada
laga dhaxlay waxa uu noqday ARFARMAAJO
IIGEEYA. oo wiil reer jowhar ah uu ku soo caan baxay farmaajana kula kulmay.
Halkaa
marka ay taagan tahay.!!! Madaxweynaha
la doortay Md Mohamed Abdullhi Farmajo,
waxa ay Shacabka Soomaaliyeed meel kasta
ha joogee ka filanayaan filasha aad
uga culeys badan miisaan kiisa iyo maskaxdiisaba, taasoo ah in uu
u qaban doono dhaman rajooyinkii ay ku waayeen dagaalada sokooye. Sida Dowlad
wax qabad leh, wanaajinta xiriirka caalamka, Siyaasad xasiloon, Dhismaha
Ciidamada, Saarista Ciidamada Shisheeye, Abuurista ilo dhaqaale, Cadaalad,
Nabad, Midnimo, Horumar, Barwaaqo. iyo qodoba kaloo aan ka tagayba,lagana yaabo
dhamaan qodobadaasi iyo kuwa ka badanba iney shacabka u jidbeysani ka doonayaan
Madaxweynaha Cusub in uu si dag dag ah ugu
wada qabto Taasina waa mid aan suurtagal aheyn marka loo fiiriyo burburka dalka iyo dadka soo gaaray inta uu le'eg yahay.
" Xusuus noow hadaad horay u aragtay wadamo loogu
yeero dalalka horumaray kuma hor marin oo kaliya iney heleen Madax wanaagsan, ee waxaa hor
mariyay Shacab mideysan oo dhistay Wadankooda kana ilaaliyay xumaanta,
"
Sidaa
daraadeed maanta waxaa shacabka Soomaaliyeed
iyo Baarlamaan kaba la gudboon si
ay mira dhal u noqoto taageeradeedu iney si ficil ah u garab istaagaan Madaxda Sare
iyo Xukuumada soo socotaba si loo
xoojiyo shaqooyinkii adkaa ee ay dalka ka soo qabteen dowladihii isaga kala dambeeyay, una dhabawdo in awooda shacabku ay tahay mida
kaliya ee maanta wax ka badali karta marxaladda uu dalkeenu ku sugan yahay. mustaqbalka
dhowna aan ku guuleysano qeybo ka mid riyooyin keena.
"Walwalka kaliya ee
aan qabo waa inaan qaban waayo wax yaabaha ay iga rajeynayaan inaan u qaban doono shacabka
Soomaaliyeed." Sidaa waxaa yiri Madaxweyne Farmaajo xiligii uu ku jiray
ololaha doorashada,……. waana mid muujineysa Dareenka uu Madaxweynaha la doortay ka qabay
culeysyada is dul saaran ee ka jira Dalkeena iyo caqabadaha ku hor
gudban.
Dhanka kale Dunidaan aynu
joogno Siyaasi kasta oo ku Guuleystay Xil uu u tartamay kaligii guul ma keenin
ee waxa uu helay dad u heelan oo doonaya ineey guul wada gaaraan." ……waa hadal xaqiiq ah waayoo hadii aaney u heelanaanta ISBADAL DOONKA ahi ka dhex jiri laheyn
Baarlamaanka iyo Shacabkaba waa hubanti
in aysan Md Farmaajo iyo Saaxiibo diiba ku guuleysan laheyn Qorshahoodii Doorashada.
Si
kastaba,Madaxweynaha cusub waxaa Horyaala howlo aad u cul culus oo u baahan taxadar iyo go’aan
qaadasho dhab ah iyo inuu u xusho shaqada
Dowladda uu hogaamin doono shaqsiyaad
aqoon iyo Wadaniyad leh oo aan ku imaan Qabiil, Urur iyo Saaxiib tinimo,
maadaama arinku ka duwan yahay waqtigii 6 da bilood ahaa ee soo martay Md Farmaajo, oo runtii aheyd markii ay qalbiyadooda siiyeen Ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeedba.
Ugu
danbeyntii Md Madaxweyne, waxaan doorkaana ku leenayahay waan ku siinay mar kale Qalbiya deena ee Rabi ha kula garab galo masuuliyadda uu noogu kaa
dhiibay oo run ahaantii ah mid ka culus tii hore, ogoow na Alle SWTC ka sokoow Rajada kaliya ee ay maanta dadka Soomaaliyeed eeganayaan waa Adiga iyo Xukuumadda kula shaqeyn doonta,waxa ay kaa filanayaana waa ...... Dowlad u adeegta Soomaalida dal iyo dibad ba ku nool oo aan ka adeegan. isla markaana ay dadway nuhu wax ku darsan karaan, balse inta ka horeysa waxa ay ku leeyihiin Shacab kaagu:- ............. FARMAAJOW
WELI FAR BAA NOO TAAGAN.!!
=Dhamaad/=
WQ:-
Abdulkadir Dulyar
Email:- Dulyar23@gmail.com
-Muqdisho.
No comments