WARBIXIN:-WAQTIGA COLAADA, AABA YAASHU WAXEY AASAAN WIILASHOODA....WAQTIGA NABADANA, WIILASHU WAXEY
AASAAN AABA YAASHOOD.!!! ...23/08/2011
Waa
murti aan horey loo aqoon amaba aan jirin, waqtigii aan bilaabeynay dagaalada iyo fowdada,ama
buula xuuftada iyo bowdya qaawiska, balse waaya aragnimo laga dhaxlay dabadeed
la bartay, bal si loogu baadi goobo xasiloonidii aan waa hore xargaha u jarnay, waana jumlad
macna weyn xambaarsan oo anfac u leh
sida Soomaalida oo kale dadyowga ay colaaduhu ku raageen,loona baahan yahay in
kalmadahani ay u noqdaan halku dhigyo ay
ku baadi goobaan nabadda,
Bari
samaadkii Soomaaliya inkastoo wadka loo simanaa,hadana waxaa la maqli jiray
geeri da’ gaartay, sida Awoowe iyo Ayeeyo miyi ama tuulo ku go’ay,oo ay talo wada jir ah ku aaseen
Casabadoodu,ama Aabe iyo Hooyo iyo waalid kaloo kadiso iyo xanuun yar dabadii
ku geeriyooda xaafad si weyn looga wada yaqaan oo maalmo loo murugoodo,waxa
ayna dariska iyo xigtadu ahaayeen kuwa si dhab ah isku garab taaga qoyska geeridu gashay,loomana
kala hari jirin aaska iyo qurbaankaba,waxaana si weyn uga dhex muuqan jiray halkaa
ubadka ay ka tageen intooda tabar galka ah,mana daboolayo in sidoo kale
da’yartana uu mowdku ka adeegi
jiray,waase laga saameyn badnaa xiligaa,
Dhanka
kale,waa marag ma doonto in waqtiyadii dagaalada sokeeye ay ka socdeen dalkeena,
jiilka sida weyn ugu hoobtay ay ahaayeen wiilasha,welina ay yihiin, Aabayaashuna
ay u taagnaayeen hadiiba ay haleelaan sida ey u aasan lahaayeen,iyadoo ay u
dheer tahay in wiilashoodu ay u dagaalamayaan Qabiil, Hogaamiye, ama koox aan fasax ka heysan Aabaha dhalay, mar hadii ay Aabayaasha gacantooda ka baxday awoodii ay ku xukumi
jireen caruurtoodana, waxa ay sanadihii la soo dhaafay ahaayeen kuwa u toog
hayay shar iyo kheyrba waxii ka soo yeera dhanka wiilashooda,
Waxaan
ahay Aabe ku waayay dagaaladii sokeeye 6 wiil oo qaangaar ah, 7 sano gudahood
ayaana mid waliba maalin gaara la ii soo sheegay geeridiisa,ma jirin mid xanuun
iyo dharag u dhintay ee waxa ay sababsadeen rasaas ka soo dhacday wiilal kale
oo ka soo horjeeda, 4 ka mid ah gacanteydaan ku aasay balse 2-da kale waxa ay
ku go,een meel iga fog iyagoo dagaal ku jira,nasiibna uma aanan yeelan hadaan
nolosha ku waayay inaan wax ka aaso meydkooda,sidaa waxaa si qunyar iigu
sheegay Aabe ay colaaduhu garbaha ka rifeen,waana tan igu dhalisay inaan qoro
sheekadaan,
Ma
aha Aabahaa oo qura ee waxaa jira Aabayaal badan oo waqtiyada colaaduhu socdaan
soo aasay ama aasi doona wiilashooda,hadii aan la joojin dirirta, weyna dhacday marar badan in Aabe
gaari gacan loogu keenay meydka wiil uu dhalay oo xubno ka maqan
yihiin,marka uu xaqiiqsaday geeridiisana loo raaciyay in intii kale uu madfac la tagay, kuwaa maqal mooyee aan nasiib
u yeelan Raq iyo Ruux halkii ay ku danbeeyeen wiilashooda,laguna soo wargaliyay
in ay dad ugu war danbeysay markii ciidankii ay la socdeen ay ku soo jabeen dagaalkii ay ku jireen,kuwa kalaa qarsan jiray
walwalka ay qabaan, marka uu guriga ugu yimaado wiilkooda oo qori garaarsan, maadaama
aaneey ka dhigi karina, taa badalkeeda ula dhaqmi jiray sida ruux caadiya,iyaga
maanka ku haya in mar ay ahaataba lagu dili doono ama uu wax ku dili doono,
Laguma soo koobi karo qalin, calool xumadda
colaaduhu badaan waalidiinta,bal u fiirso maxaan u soo joognay Aabe si nabada
caruurtiisa kula hurda oo madfac lagu miray, dabadeedna natiijada lagu
waabariistay ay noqotay in uu halkaa ku waayo nus darsin caruura iyo hooyadood,saacado
dabadeedna xabaalo qura ku aasay, iyadoo aaney jirin damqasho la mid ah tii hore oo uu ka helay dariskiisa
iyo xigtadiisa,
Waan
ogahay in Hooyada Soomaaliyeed iyana dhankeeda ay dagaalada dalka ka
soconayay ku weyday Curadkeeda iyo
yaraankeedaba,kuwa badana ay si wadara u aaseen ubadkeeda,bale waxaan garowsaday
in aan murugadooda loo cabiri Karin qalin
sida Aabaha oo kale oo ay ka dareen fog yihiin,si taa la mid ah lama xaqiri
karo in Gabdha badan ay ku waayeen naftooda wixii dalka ka socday iyagoo aan
dagaalameen, ama loo waxyeeleeyay dumarnimadooda,
Hadaanse
u soo laabtu dulucda qoraalkeyga oo aheyd Aabaha iyo wiilka uu dhalay sida ay
geerida isku kaalmeeyaan waqtiyada lagu guda jiro nabadda iyo colaadaha,soona
qaadanaya murtidii aheyd, {WAQTIGA COLAADA AABAYAASHU WAXA AY AASAAN
WIILASHOODA,WAQTIGA NABADANA WIILASHU WAXAY AASAAN AABAYAASHOOD} oo ah
xikmad mug weyn, waxaan Soomaalida oran lahaa nagu filan wixii
la soo maray, aan u gudubno marxalad kale oo ka duwan xirfadihii dagaalada,
lana soo baxno xafiiltan dhab ah si aan
uga daba tagno bulshada asaageen ah ee cirka kala xadeysanaya,waana hubanti
hadii aan u soo wada jeesano ka
shaqeynta nabadda, in aan wadadaa cagta saari karno, bulshadeenuna ay gaari
doonto hurumar iyo barwaaqo,dabadeedna ay Aabayaasha Soomaaliyeed marka ay ajashoodu timaado
rajeyn doonaan in ay wiilashoodu si maamuus leh u aasaan,halkii ay
xiliyadda colaadaha u taagnaayeen aasidda Wiilashooda,
=
DH A M A A D=
FG:- TANI WAA ARAGTIDEYDA.!!
C\qaadir Max’ed Faarax, [dulyar]
Muqdisho\Soomaaliya.
No comments