Soomaaliya cidina ma inkiri karto in ay meel fog ka timid
meel fogna u socoto, si looga gudbo nolosha ku sidkan fowdada iyo colaadahana
loo baahan yahay in la higsado halka ay
naga jiraan nabadda iyo horumar ku,taana waxaa lagu gaari karaa in lala yimaado isku duubni iyo in qof kasta oo Soomaaliya meel kasta ha
joogee uu is garab taago dadaalada looga
mira dhalinayo helitaanka dowlad awood leh oo damaanad qaada in ay dalka ka
saari karto Maamul xumida, dagaalada sokeeye iyo sabool nimada, si aan u helno
mustaqbalka ay soomaalidu mudan tahay
waqti gaan in lagu hogaamiyo ama lagu maamulo.
Waxay ahayd sandkii
2012-kii markii aan ka talaabsanay xeyn
daabka KMG-ka oo ahaa sida aan u fahmay mid lagu soo socod barayay Madaxda iyo
shacabka Soomaaliyeed ba, si ay lugahooda
isugu taagaan aakhirka,taana waa ay dhacday oo waa la gaaray maalin madal ah oo
gole looga dhawaaqay in ay Soomaaliya
tahay dowlad buuxda oo la mid ah
dowladaha Caalamka, inkastoo aanuu macnuhu
aheyn sida dadka qaarkii u fahmeen qaabka dowlad nimada soomaaliya loo
aqoonsaday maadaama aan ka mid nahay dalalka ka soo kabanaya dagaaladii sokeeye.
Balse, hamuunta dowladnimo ee na heysay darteed iyo weliba sida dad badani u arkayeen oo aheyd in mushkiladaha na heysta aan uga bixi
karno oo qura anaga oo yeelana dowlad la
aqoonsan yahay, ayaa sababtay in Madax iyo shacaba iyadoo aan la is
weydiin jawaabaha loo heli doono
su’aalaha naga hor imaan doona mustaqbalka dhow, in aan dal iyo dibadba u
alalaasno una sacaba tumno helitaanka
dowladnimadii aan gacmaheena ku duminay
hadana tag daradeena awgeed aan
aaminay in nalaku gardaadsho mooyee in aanaan kaga bixi karin karti iyo
dadnimo mar kale soomalidu la timaado.
Dad badan oo indhow garad ahise markii horeba ka bixi taanka
KMG-ka waxa ay ka muujinayeen saluug maadaama lagu soo beegay xili ay dadka
soomaaliyeed lugaha kula jiraan dhooqa siyaasadeed oo aad u adag,xili ay dalka
ka jiraan dagaalo hubeysan,xili uu jiro khilaafaad siyaasadeed iyo murano maamul iyo caqabado kale oo tira beel ah,
waxa ayna dhinaca kale dareemayeen in dalalka reer galbeedka ee daaha
gadaashiisa ka maamula siyaasadda Soomaaliya, ay ujeedka siinta dowladnimo ee soomaaliya xilligan
murugsan uga dan lahaayeen oo qura in ay ku fushadaan dano siyaasadeed oo iyaga u
gaar ah, hadii ay ka waayaana yaqaana
qaabkii ay ku majaxaabin lahaayeen.
Taana waxaa daliil u ah,sida ay durbaba dowladii ay wax ka dhiseen iyada oo aan qaan gaar
noqon wax badana aan ka qaban qodobadii loo qorsheeyay in ay ka shaqeyso oo ahaa dhameystirka dastuurka KMG ah,dhismaha
maamulada gobolada iyo u gogol xaarka qabsoomida aftida dastuurka iyo doorashada madaxda dalka, ay
hey’daha hoos taga UN-ku u bilaabeen
dhaliilaha iyo dacaayadaha aan salka laheyn ee lagu marin habaabinayo
siyaasadda dowlada,isla markaana lagu niyad jabinayo shacabka Soomaaliyeed.
Waxaase hubaal ah in ugu horeyba ay howlaha dowladu ku bilaawday dardar iyo waji ka duwan
kuwii KMG –ka,sida Siyaasadda dibada,hogaaminta shirarka caalamka iyo
maalgashiga ka socda dalka gaar ahaan Caasimada oo ay horsed u yihiin qurba
joogta soomaaliyeed oo ku soo dhiiraday ka faa’ideysiga dowladnimada,waloow aan
la oran Karin wax walba waxa ay u socdaan sidii loogu tala galay maadaama sanadkii
koowaadba la maquurtay is maandhaaf
siyaasadeed oo ka dhex abuurmay Madaxda sare ee dalka,taana ay sababtay in uu
waqti badani kaga lumo xalinta murankaa iyo soo magacaabista xukuumad cusub oo
badasha tii la riday.
Waana sababta ilaa iyo waqtigan la oran karo dowlada Federaalka ahi waa ay ugu guuleysan
la’dahay wax ka qabashada Aminga , Cadaaladda,soo af jarida dagaalada iyo
qataraha Al-shabaab iyo hagaajinta xiriirada maamulada dalka, hase yeeshee
shaki kuma jiro in ay dad badani is weydiin karaan su’aasha ah,waxa ay ku kala
duwan yihiin awoodaha madaxda dowladihii KMG ahaa iyo dowladan ka danbeysay ee
looga baxay KMG-ka. Mar hadii aaney wax
badani iska badalin la shaqeynta
iyo hadalada siyaasadeysan ee caalamku.
Aan u daayo jawaabta su’aashaa dadka aqoonta u leh ee u heli kara sharaxaad badan, Balse dhanka
kale waxaa ayaan dara ah in mudooyinkaan danbe ay isi soo tareen Soomaali iyo
Ajaanib u soo tafa xeytay dibin daabyada iyo burburinta dowlad nimada soomaaliya,
kuwaasoo faafinaya duufaano dacaayado ah iyo hadalo lagu durayo had walba
tilaabada ay qaadaan madaxda dowladu,waxaadba
moodaa in la wada af dhowrayo hadalada ay madax deenu ka jeediyaan gudaha
iyo dibadaba waqtiyada kala duwan ee ay gudanayaan shaqa dooda,waxa uuna
dagaalka barabugaandu gaaray heer Madaxweynaha Dalka Md Xasan Sheekh Maxamuud
oo safar ku jooga dalka Turkiga in ay
dad soomaali ahi faafiyaan in uu
geeriyooday waana tilaabo muujineysa heerka dadka qaarkii ay ka taagan yihiin
Dowlad nimada.
”Xaqiiqdii macna malaha inta aad nooleyd ama aad u soo
joogtay xaaladda soomaaliya ee murugsan,balse waxaa macna leh inta aad wax ka
badashay dadkaaga iyo dalkaaga marxalada adag ee ay ku sugan yihiin’’ taa
ayaana ah mid mudan in aan ku tartano si aan helno dad tusaale u noqon kara bulshada,halka aan ku
loolami laheyn daneysiga gaarka ah,Qabyaalada
iyo dacaayadaha dib u dhigi kara dowladnimada soomaaliya
Waa dhab weli lama
joogo meel lagu qanco laguna aamino Madaxda dowlada, balse Shaqada lagu hagaajinayo dowladnimaduna weli
waa mid socota Waxaana loo baahan yahay in la sii wado dadaalka lagu doonayo
is-bedelka. Iyo Halganka lagula dagaalamayo
kooxaha mucaaradka ah. Iyo weliba
Hiigsiga siyaasdeed ee ay madaxdeenu afka ka sheegaan oo loo rogo xaqiigo la taaban karo, si looga dhabeeyo arimahaana
Dalku wuxuu u baahan yahay hay'ado
shaqeeya oo ay dadku aaminaan. Kuna shaqeeya sharciga, iyo in la soo celiyo
nabadgelyadii dowladu ugu timi dalka xiligii KMG ahaa oo la oran karo waqtigaan
waa looga sii daray ,
Si hadaba loo hubiyo
dowlad wanaagsan oo ay Soomaaliya yeelato mustaqbalka dhow, waa lagama maarmaan
in hadda la qabto shaqo adag laguna qabano si wadajir ah. Waayoo Guushu
waxa ay ku jirtaa iskaashiga ka dhexeeya Soomaalida iyo beesha caalamka- waase
hadii ay soomaalidu la timaado iskaashi dhab ah oo ay ku xambaareyso waajibaadka dowlad madax-banaani
leedahay.balse taa waxaa ka mudan
aragtideyda in ay marka hore hogaanka sare ee dalka iyo
Xukuumaduba la yimaadaan qorshe cad oo
ay wax uga qabanayaan dhaliilaha jira iyo habaca ka muuqata shaqadooda oo hadey
sii socdaan sababi kara in laga niyad jabo wada shaqeyntooda.
Waayoo ma jirto wax ka
hor istaagi kara iney xagiijiyaan Madaxdeenu guusha iyo kartida soomaalidu u
leedahay ka gudubka waqtiga adag iyo ka rumeynta riyadooda.hadiise sida hadaba
socota caalamku dhageysto soomaali ku kala hadleysa luqado iyo fikrado kala
duwan oo aan mideysneyn waxaad ogaataan in ay iyaguna idin kula shaqeyn doonaan
wajiyo kala midab ah oo uu mid waliba
maalintiisa idinka muraadsado,mid hor lehna idinku wareejiyo si uu maalmo kale idiin maaweeliyo.
Ugu danbeyntii iyadoo aan marnaba raali laga noqon doonin in
ay dowladu caburiso dadka soo jeedinaya dhaliilaha iyo wax ka sheega ku
dhisan toosinta iyo tilmaamaha,ayaan
dhanka kale waxaan Madaxda dowlada,iyo shacabka Soomaaliyeed intooda wanaaga
jecelba kula talin lahaa in aaney ku
niyad jabin dagaalka hubeysan iyo midka afeed ee lagula jiro jiritaankooda iyo
dowladnimadooda curdunka ah ee aan weli gaarin waqtigii la guran lahaa
miraheeda,si loo gaaro biseylka beertaana waa in loo yeeshaa dulqaad dadka ku howlan borobogaandada iyo
burburinta soomaaliya loona fahmaa hadaladooda in BEERTII BAXEYSA AAN GEED BUKA LAGA WAAYIN
!!!!!
=DH A M A A D/=
A/dukadir Mohomed Farah Dulyar
Dulyar23@Gmail.com
Mogdisho/Somalia
No comments