NB/= Waxaan diyaariyay July 12, 2011-kii
Labadii ruux ee ka sheekeysanaya afduubka siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa waxa ay ku kala tagaan aqirkii aryaa tanoo kale arkay.
Waa oraah la saari karo Caalamatul cajaaib !!! , muujineysa wax lala yaabay oo dhinac loo dhigo la waayay, haatan Soomaaliya waxa ay mashquul ku tahay kala guur iyo dastuur waana labo xaajo oo aan la dhayalsan karin marka la barbar dhigo xaalada guud aa ay iminka ku sugan tahay Soomaaliya.
Soomaalidu horey ayey u kala guurtay oo qabiilba xero u ootay waxa ayna ahayd daawada la doonayo in magaceeda loo bixiyo 'isku soo guur' si beeluhu u wadagaan dariskuna isugu soo hiloobo dabadeedna dowladnimo buuxda looga sii gudbo dowladihii taagta darnaa ee mid waliba maalin ku mayday meel cidla ah.
Tan kale dastuur waa heshiis bulsho mar hadii macnaha sidaasi yahay maxaa keenay in dastuurka la doonayo in lagu dhaqo Muwaadin kasta oo Soomaaliyeed inay karkariyaan ayna soo maraan gacmo badan oo madow iyo cadaan leh, iyadoo aan laga tala galineyn qaan gaar kasta oo qarka ka taagan halka uu dharigu yaalo.
Walwalka dastuurka ma aha mid hada soo bilowday hase ahaatee waxa uu soo maray jaranjarooyin badan , mar waxa uu taagnaa xili laga hadli karey si loo qalad saxo qadobada qaar ka mid ah dastuurka, waxaase timid in dadkii arintaasi u olaleynayay lagu tilmaamo qaswadayaal looguna daray hanjabaadyo iyo digniino.mar kale waxaa ka hadlay gudigii 6-da sano soo diyaarinayay markii ay afka kala qaadeena waxaa ku xigtay waa lakala diray waqti goodiina wuu dhamaaday iminkana lama yaqaano meel ay ku dacar-burqeen.
Mar kale oo Odayaasha dhaqanka ay isku dayeen dhaqdhaqaaq ka dhan ah dastuurka la horkeenay, waxaa iyana dhagaha loogu shubay in aysan waxna ku dari Karin waxna ka dhimi Karin xaalkooduna uu yahay marqaatiga aamusan taasina waxa ay keentay in mudo kooban oo deg deg ah ay isku dhaafiyaan ayna horgeeyaan Ergo dhan 825 xubnood si u ansixiyaan.
Maalintii koowaad ayaa dad badan oo damiir leh ka duubteen calooshooda waxa meesha ka socda kadib markii Ergada ay ka soo dhexmuuqdeen howl wadeenadii dowladda KMG oo isugu jira Gudoomiyaal degmo, Ururada haweenka iyo dhalinyarada Qaranka, shaqaalihii xafiisyada iyo karaanaiyaashii Wasaaradaha, fanaaniin iyo xubno kale oo ka mid ah laamaha dowladda.
Waxayse tan la yaabka leh tahay in Ergada ansixineysa ee xubnaha dowladda ah in shaqaale looga dhigay xubno kale oo ka tirsan dowladda KMG ah inta kale oo aanay ishu buuxin Karina waa xubno laga soo xulay beelaha, tan kale waa in ay Duhur kasta Ergada safaf dhaadheer u galaan cuno loogu tala galay oo mindhaa mecnaheedu yahay inay guryahooda dib ugula laabtaan .
Qofkii la cajabay arrimahaasi oo sheeka diisa sii wata ayaa igu yiri, waxa uu yahay magaca loo bixiyay Ergadan, Ergada ansixinta dastuurka, ee ma ahan ergadaani inay wax ka badal iyo wax ku dar ku leeyihiin dastuurka, waxaana boodhadh ka ku dhagan hoolka Shirka ugu cad cad ereyga ah ansixi dastuurka, ku darso heesaha ay Hobaladu ka qaadayaan madasha waa ansixinta dastuurka.
Tan kale ee lala yaabay waa in lasii calaamadeeyay Xildhibaanada cusub ee barlamaanka soo socda kuwaasi oo aan loo baahnayn in faraha lagu taagtaago ama la tilmaamo, hadal heyn tuna waxa ay tahay inay inta badan dib usoo laaban doonaan Xildhibaan nadii hore ee aanu naqiinay oo ay hor boodayaan Hogaamiye kooxeed yadii shalay, dad badana shaki uguma jiro in aysan waxba iska badali doonin Sanadkaan siyaasada dalka.
Tilaaba daasina waa mid dhabar jab weyn ku ah dad badan oo jooga dalka iyo dibadiisa oo rajo weyn ka qabay inuu dhaco isbdal weyn oo curduna oo caafimaad qaba oo ka unkuma dalka, si ay ugu soo tafa xeetaan lugahana ula soo galaan tartanka Madaxtinimada,halka kuwa kale oo doonayay in ay kaliya tilmaamaan sida ay wax u socdaan iminka la cabsi galiyay oo waxa ayba aamineen in cidii ka hadasha dastuurka la dili doono, arimahaanina waa kuwa sababay in labadii ruux ee ka sheekey saneysa afduubka siyaasadeed ee socda inay aaqirka ku kala tagaan Aryaa tanoo kale arkay.,
FG TANI WAA ARAGTIDEYDA..
W/D: C/qaadir Max'ed Faarax (Dulyar)
No comments