WARBIXIN:-QARAN KA LA II MAGACAABAY, EE QAADKA II QAAD.!!! WQ;-2009





This article was Published at: 07-12-2009 ..



 Waa run dalka Soomaaliya, waxa uu ka mid yahay dalalka caalamka, gaar ahaan Qaarada Africa, iskumana diidanin in aan xaq u leenahay in aan ka qeyb galno wax kasta oo ay asaageen isugu yimaadaan, siyaasad ahaan iyo arimo bulshaba, inkastoo ay mudan tahay in aan maanka ku heyno, in aan nahay dal iyo dad ka haray la saanqaadidda hurumarka caalamka, wixii ka danbeeyay 1991-dii.
  
Markaa oo ku beegan xiligii aan horay u socodka ka jeclaanay gadaal u socodka, lana oran karo waa midda keentay in aan shirarka caalamka iyo tartanadda Sportigaba ka noqono dadka ugu liita,waxaanse rabaa in aan qormadeyda wax kaga taa-taabto dhanka Sportiga gaar ahaan kubadda cagta.
Xiligii dowladda dhexe ama wixii ka horeeyay 1991-dii, dalku waxa uu lahaa naadiyo sports oo noocyo kala duwan leh, balse dhanka K/cagta waxa aanu lahayn ciyaar yahano lagu kalsoonaa, kuwaas oo nagu matali jiray magaca Qaranka soomaaliyeed.marka la isugu tago fagaarayaasha.iyadoo lagu xasuusto guulihii taariikhiga ahaa ee ay ka soo hoyn jireen xiliyada,waxa ay sidoo kale ciyaartoy deenu ahaayeen kuwa laga baqo oo dhinac walba ka dhisan.taas oo la oran karo waxaa sabab u aheyd, naadiyada wadanka oo lahaa heerar kala hooseeya,garoomo u gaar ah, Club-yo lagu xareeyo ama ay ku kulmaan, gaadiid, macalimiinta, iyo gabi ahaanba wax kasta oo u sahli karayay gudashada xirfadooda, iyo sidoo kale iyadoo inta badan naadi walba uu ahaa mid ku lamaansan Wasaarad ama Wakaalad si loo daboolo baahidooda dhaqaale,

Naadiyada wadanka ka jiray barigaa waxa ay sanad kasta ku loolami jireen 2-koob oo waaweyn iyo kuwa kale, si ay u helaan jiil cusubna waxa ay cayaartoyda ka soo xulan jireen, cayaaraha goboladda, dagmooyinka,iskuulada iyo tartamada xaafadaha lagu qabto,iyadoo markaana u kala qoondeyn jiray qaanadaha, Seri A-da ama Seri B-da, oo la oran karo hadii aaneey heli laheyn meelo ay ka soo ugaarsadaan, waxaa dhici laheyd dhibaatadda maanta taagan, si taa la mid ah cayaartoyda Xulka Qaranka, waxaa laga soo dhex xuli jiray Naadiyadda Seri A-da ah ee wadanka ka dhisnaa,inkastoo mararka qaar Xulka Qaranka si toos ah loogu soo dari jiray Cayaartooy laga qaatay tartanka goboladda,mana jirin laaluush garab iyo qabiil toona cayaartooy ku imaan jiray, waana talaabo ku tusineysa in aan si sahal ah lagu gali jirin liiska Xulka qaranka,balse uu muteysan jiray oo qura, in uu xirto maaliyadda Qaranka cayaartooy muujiyay xiliyada tartamadda dadaal dheeri ah isla markaana ay dhan walba ka soo eegeen iskuna raaceen gudiyada qaranku lahaa iyo macalimiin dhowr ihi.

Macalimiinta naadiyadu, waxa ay ahaayeen kuwa xooga saari jiray sidii ay cayaartooydooda uga dhisi lahaayeen, xagga jirka, maskaxda, akhlaaqda,iyo farsamada, waxa ayna u dooran jireen cayaaryahan walba meesha uu ku fiican yahay, sidoo kale cayaaryanahanda waxaa laga waanin jiray Sigaarka, Dhafarka, Galmadda tumashada ah, iyo dhamaan waxyaabaha kale ee la xiriira mukhaadaraadka,ama hoos u dhigi kara awoodda murqahooda iyo aalamiintada la siiyo, mana jirin cayaartooy tababarada iyo kulamada kaleba ka maqnaan jiray cudur-daar la`aan, waxaayna ahaayeen cayaaryahanadu kuwa ixtiraama talooyinka macalimiintooda, iyo tan cayaaryahanada kale ee ka waaya-aragsan, si hoppy ahna u jeclaa K/cagta.

Hadaan u soo noqda Maanta iyo waayaheena sporti gaar ahaan kubadda cagta,waloow aan la is bar-bar dhigi karin shalay iyo maanta sababo badan awgood, sidoo kalena uu mudan yahay Sportiga maanta in loogu garaabo, in aaneey helin fursadihii ay heysteen kuwii ka horeeyay, Sida Dowlad maamusha oo ka haqabtirta dhamaan tasiilaadka ay u baahan yihiin oo ay ugu xoogan tahay xagga dhaqaalaha iyo mooralka, taa badalkeedana maanta aan la socono in aaneey Sportiga soomaaliya heysan Dowlad, Nabadgalyo, Garoomo lagu cayaaro, iyo guud ahaan heykal Sporti oo dhisan, laguna soo bar baarin karo jiil wanaagsan oo nagu matala fagaarayaasha caalamka.

Hadana waxa ay sanadahaan danbe dhagaheenu maqalaan had iyo goor waxaa tartamada Africa ka dhacaya ka qeybgalaya cayaartooy mataleysa qaranka soomaaliyeed,waxaana sanad walba naga soo gaara jab iyo ceeb, marka la wareysto maamulka horkacaya ama cayaartooyda laf ahaantooduna, waxa ay caadeysteen in ay la soo boodaan kalmadda ah {Guuldaradu macna malaha,waxaase muhiim ah in aan calanka meesha keeno , oo uu ka dhex muuqda calamada kale,} taasoo dadka qaar marka aad la sheekeysato ay kuu sheegayaan in ay sidaan dhaami lahayd in aan calanka la keenin goob ceebeed, hadiiba la sii ogyahay in lagu ceeboobayo.

Aniga oo muddo badan la yaabanaa horumar la’aanta Sportiga soomaaliya, gaar ahaan K/cagta,warar badan oo duul duul ahna ay Iga soo gaari jireen, ayaan sanadkan waxa aan nasiib u yeeshay in aan ka qeybgalo tartanka bariga iyo bartamaha Afirica ee ka soconaya wadanka Kenya, waxaana kala kulmay Teamka Qaranka waxyaabo badan oo aan la yaabay, sida:- qaabka cayaartooyda loo soo xulay oo aan I qancin, hab cayaareedkooda,Qaab jireedkooda, mooral xumo saa’id ah, qibrad xumo,iyo iyo wliba tabar daro aan daah saarneyn iyadoo la ogyahay cayaartoyda ay ka hortagayaan awoodoodda.

Waxaan ku booqday hadaba Hotelka la dajiyay ciyaartoyda Soomaaliya, si aan ugala sii sheekeysto arimo badan oo ay ugu horayso Guul darooyin ka la huwiyo had walba iyo sababta keenta waxa ayna ii sheegeen in ay aad uga liiteen sanadkan xaga weerarka, lagana soo tagay cayaartooy muhiim u ahaa xulka qaranka sida Maxamed Shaarkeey oo ah weerar yahan wanaagsan una cayaara kooxda Al-shacab ee wadanka Yemen, iyo Ciise Dheere oo ka cayaara naadiyada heerka koowaad ee Sweden, oo isna ah weeraryahan wanaagsan, ka dib markii iyaga oo diyaar u ah ka qeybgal ka tartankan ay xiriir ku ka baqiileen in ay tikidhada ka bixiyaan, xaga tababarka iyo diyaargarowga oo aad ugu xumaa, iyo iyadoo cayaartooy badan oo qaranka loo magacaabi lahaa ay dagaalada socda awgii dalka isaga carareen, in mudda ahna aanba dalka lagu qaban wax tartan ah oo naadiyo ku hardamaan, iyo qodobo kale oo macquul ah, hase yeeshee aniga waxaa ii muuqday sababo kale oo aan hoos ku sheegi doono.

Sidoo kale waxa ay ii sheegeen in ay iminka heystaan dhibaatooyin kale sida, iyagoo tan iyo intii ay yimaadeen Neyrobi aan la siin wax lacag ah oo xataa aysan heysan qarashaad ay magaalada ku mar-maraan, ayna jiraan qaar ka mid ah cayaartooyda oo aan xamili Karin cuntada hotelka oo aad u hooseysa, markii ay maamulkooda u sheegeena anuu waxba ka qaban.halka cayaartoyda wadamada kale ee nala tartamaya. xiriiradooda oo garab taagan awgeed ay yihiin kuwa naga niyad fiican.
 
Erayadaasina waxa ay ahaaheen kuwa aan aad uga calool xumaaday, ina soo xasuusisay maadaama aaneey dowlad awood lihi dalka ka jirin, hadii ay ganacsatada Soomaaliyeed ee dhaqaalaha xoogan ku rog-rogta dalka Kenya ay wiilashooda garab istaagi lahaayeen in aan maanta xaalku sidaan ahaadeen,balse rag hiil waayay oo gacan xuni maamushay ka soo qaad, laguna cidleeyay magaca Qaranka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, cayaartoyda Soomaaliya mataleysa waxa ay Hodhelka ku jiifaan habeenkii 65$ taasoo qaar ka mid ahi ay ii sheegeen in ay ka door bidi lahaayeen in la dajiyo hotel raqiis ah si ay u helaan marka ay dalka dib ugu laabanayaan qarash gacanqabsi ah, oo aaneey isugu darsamin Gool la’aan, Guul daro, iyo Guno la’aan, waloow ayba si cad kuugu sheegayaan qaarkood in aaneey rajo ka qabin in xiriirkoodu siin doono lacag guno ah marka ay anbabaxayaan,horeyna aaneey uga baran. Iyadoo ay jiraan qarashaad FIFA iyo CECAFA, ugu tala galeen tartanka iyo qaramada ka soo qeybgalaya,hase yeeshee aan la ogeyn halka ey geeyaan xiriirka soomaaliyeed.

Si kastaba ahaatee, waxaan ogaaday sababaha guul daradu noogu soo dhacdo mar walba in ay yihiin:-

  1. Dowlad la`aan, iyo dhaqaalo xumo.
          
  2. -Madaxda maamusha Sportiga Soomaaliya oo aan ehel sporti aheyn, islamarkaana u muuqda koox ku shirkoowday mashruuc, oo aan si miyir leh u maamulin dhaqaalaha sportiga soomaaliya soo gala.
  3. -Garoomo iyo kooxo cayaartooy laga soo xusho oo aan jirin.
  4. -Nidaam la’aan iyo moral xumo ciyaartoyda ku abuuran,iyo dhanka tababarka oo ku yar loona yeero marka loo baahdo oo kaliya, iyaga oo inta kale ku dhex Milan bulshada lana wadaaga balwadaha,oo ah dhaqan markii hore looga digi jiray ciyaartoyda, maantase iska caadiya.
  5. -Qaabka loo soo xullo ciyaartoyda oo qaldan.
  6. -Iskaashi la`aan ka dhex jirta soomaalida Qurbaha joogta , Goboladda dalka, Caasimadda,iyo Xiriirar ka K/Cagta, taasoo hadii ay jiri laheyd ay suurta gal noqon laheyd in laga heli lahaa meelahaa cayaartooy wax gal oo na-matasha, maalmaha Calanka la difaacayo.iyo xoogaa dhaqaala ahba,madaama aanu ognahay qurbaha iyo gobolada dalkaba in ay ku nool yihiin ciyaartooy mustaqbal fiican ku leh K/Cagta.
Ugu danbeyn tii, Aniga oo rajeynaya in aaneey dhibsan doonin dadka ay dhibeyso qormadeydu, balse ay u qaadan doonaan sixitaan, ayaa waxa aan rabaa in aan qoraal keyga ku soo ururiyo sheekadan:-

Waxaa maalin maalmaha ka mid ah nin saaxiib keey ah ii sheegay in uu la kulmay islamarkaana uu xaafaddiisa ku soo booqday mid ka mid ciyaartoyda Xulka Qaranka K/Cagta Soomaaliya ee ka qeyb galaya tartanka ka socda wadanka Kenya, isbariidin ka dibna uu ku yiri, "Saaxiib waxaan ka mid ahay sanadkan ciyaartoyda Qaranka, balse maanta nasashaan leenahay ee si aan u sheekeysano Qaadka noo soo qaad",taasoo ugu noqotay sheeko cajiib ah uguna xambaartay in aan qoro maqaalkan,aan ugu magac daray [Qaran ka la ii magacaabaye, Qaadka ii qaad].

                                                   DHAMAAD/=

FG TANI WAA ARAGTI DEYDA/=


C/qaadir Maxamed Farax {Dulyar}
Email: Dulyar23@GMAIL.com
Nairobi - Kenya

No comments