WQ:-12/13/2011-dii
Bulshada ku nool magaalada Muqdisho waxa ay
rabtaa in ay u wada noolaadaan sida
dadyowga Caasimadaha kale u nool
yihiin, dadka rayidka ahi waxay rabaan inay iska socdaan wadooyinka, meelaha shaaha wada fadhiistan,
gadiidka wada raacaan, u kala ganacsadaan ama isku dhax mushaaxaan, hadana
waxaa jira dhaqamo waqtigu keenay oo la isku maan dhaafsan yahay kuwaasoo
maalin walba ka dhaca maqaayada, wadooyinka iyo suuqyada gaadiidka laga raaco
tusaale ahaan: maqaaayadaha hadaad qolo meel fadhida oo ku shaaheysa aad
dhinacooda ama dhabarkooda fadhiisato si aad adna shaah u cabto maadaama meeshu
tahay meel ganacsi waa qasab inaad isku dhacdaan.Ciidamada dowladda waxay rabaan inay u labistaan oo u dhaqmaan sida Ciidan Qaran , hadana waxaa jiea is maandhaaf waayoo waxad arkeysaa gaari ciidan ah oo soo galaya wado ciriiriya oo ay gaadiidku isku xayiran yihiin mid walibana uusan garaneyn halka ay wadadu ka xiran tahay , dabadeed inta soo dagaan ciidamadu ayey Xabad, Aflagaado iyo garaacid gaari waxa ay ku bilaabaan baabaaurta marka iyaga hortaagan oo iyagu aan war u heyn halka laga heysto xattaa hadii ay madax wadaan lagama yaabo inay u dulqaataan waqtiga ee waxay fiirsadaan tooda.
Sidoo kale gaadiidka wadooyinka maraayo waxa ay isku jiraan kuwo ciidan iyo kuow rayid ah, hadii aad gaari ciidan ka daba timaado waxaa lagugu qabanaayaa qoryo hadii ay kaa daba yimaadaana waxay kugu amarayaan inaad wado siiso iyagoo qoryo kuugu taagaaya si aad wadada uga leexato, taa waxaa ka sii daran , meelaha qaar waxaad arkeysaa qof dumar ah oo lagula dhagan yahay indha shareer ay sidatay, iyadoo aan looga qaadayn si asluub iyo dhaqan Soomaaliyieed xambaarsa,mana jiro wax sharci ah oo Xukuumadu ka soo saartay qaadashada indha shareerka , waxaana arintan maalin walba ka dhasha ismaandhaaf waxaana leeyahay xaaladahaas oo dhan waqtiga ayaa keenaye ha loo dul qaato.
Gawaarida AMISOM marka ay dariiqyada marayaan qof kastaa wuu cabsanayaa , waayoo waxa uu ogyahay waxa dhici kara , gaadiidka kale waa ay cararayaan marka ay arkaan ,yagu sharciga ma dhowran ee waxay maraan wadadii ay doonaan xataa hadii ay shaqo ka socoto , waayo xaalkooda waa xaalad dag dag ah oo waxay rabaan inay Soomali caawiyaan, Soomaali kalena iska ilaaliyaan mana yaqaanaan calaamado ay ku kala gartaan labada Soomaali..
Gadiidka BLka ah dadka waxay rabaan inay wadada raacaan iskuma kalsoona xataa si furan uma wada sheekeystaan ,qof kasta waxa uu indhaha la raacaayaa dadka saaran gaariga, marka uu soo koro si uu isaga hubiyo naftiisana ugu qanciyo inay yihiin dad caadi ah, tan kale hadii uu soo raaco gaariga qof gaacanta ku sita bac , jawaan, kartoon IWM oo alaabi ugu jirto inta gaariga saaraan iyagoo aanba ku balamin ayay tashuush ku furaan , taana waqtiga keenaye haloo dulqaato..
Sidoo kale darawalka iyo rakaabka waxay isku qabaan dhib waayo, hadii gaari ciidan ku soo dhawaado isagaa lagu qeylinaayaa xattaa hadii laga gardaran yahay oo isagu uu seedkiisa taagan yahay , hadii AMISOM ka daba timaado iska daa warkeeda waxaaba la huwiyaa canaan iyo caay, hadii uu taayir ka qarxo waxaaba suura gal ah in lagu aflagaadeeyo oo lala dagaalamo, tan ugu sii daran waa marka u damco darawalka ama kirishboygu in uu iska dhiciyo askarta ka qaadata lacagaha baada ah ee wadooyinka taagan waxaba dhacda markaa inay rakaabka u gacan qaadaan darawalka iyagoo tooda eeganaayo , tan markaa taagana aan wax ka qaban karin, hase yeeshee waa arrimo waqtiga keenay oo u baahan in loo dulqaato.
Xarumaha dowlada, ciidamada iyo hay'adaha muhiimka ah marka laga soo tago waxaa jira shaqsiyaad xilal ciidan mid dowladeed ama ganacsi haya oo biro waaweyn ku goostay wadooyinkii dadka ka dhaxeeyay, dad badan oo lugeynaya ama gaadiid wato oo dano ka leh guryaha ka agdhaw halkaa ayaad arkeysaa iyagoo ganuunacaayo, balse waa arin waqtiga kenay oo u baahan dulqaad.
Sidoo kale hadii adoo gaari wata aad u baahato inaad
wax kasoo iibsato dukaan ama aad rabto inaad ku baakimato wadada hareeraheeda,
wey adag tahay inaad hesho meel aad dhigato gaariga, waayo durba waxaad isku
dhaceysaan rag loo carbiyay inay gaadiidka eryaan oo mararka qaar ay ay suurtagal
tahay iney hubeysan yihiiin oo iyagoon
eegin inay wadadu tahay mid ka dhexeysa shacabka kuula hadlaayo sidii inaad ku
taagan tahay wado ay iyagu dhisteen ,hadana suurtagal ma aha in qofkii gaari
wato ee doonaaya in uu dano kooban soo qabsado loo diido in uu ka dago gaariga
iyadoo aaney caqabadi jirin, taasina waxay ay keenaysaa maalin kasto
ismaandhaaf.balse waqtigaa keenaye hala isku dulqaato.
Waayoo, qof waliba waxaa uu maanka ku hayaa nabadgalyadiisa balse u fiirso nin kasta oo xil haya ama wax is bidaya waxa uu raacayaa Gaari Muraayado madow guri walba waxaa lagu gadaamay bira waa waayn, meel kasto waa la isbaarayaa, xataa Masaajidada qaar, hadii uu gabalka dhaco gaari kasto mid shibil ah ,mid ciidan ama mid qaas ah wuxuu shidanayaa labada fareejo waxaa xata ku biiray gawaarida AMISOM oo iyaguna shita fareejooyinka oo sharci ahaan ay ahayd inay shitaan Taraafikada, Ambalaasyada dhaawaca sida, gawaarida dab demiska iyo dhamaan gaadiidka xaaladaha dag daga ah ku jira , haatanse waa la wada shitay oo waxaa filayaa in waqtigu keenay.
Xawaaladaha bal u fiirso waxa ay taleefoon kiisa ka soo wacayaan qof, waxa ay ku wargelinayaan in uu xawaalada yimaado, marka uu ruuxu u yimaado waxa ay weydiinayaan sida sharciga ah magaciisa oo sadaxan, marka magaciisa oo sax ah meesha laga helo , tan ugu darani waa sheeg soo diraha, markaa ayuu qofka ku raftaa dadkii uu wax ka filaayay oo dhan, Hebel miyaa, MAYA, Hebel kale miyaa MAYA, inataba ma ahan, markaa ayaa waxa yimaada muran sida : Walaalow ma aqaane adaana taleefanka iga soo wacay, Magacaygana waa ku qoran yahaye lacagta I sii , madaxa ayaa loo ruxayaa, halkaa waxaa ka yimaada maalin kasta ismaan dhaaf, waxaanse filayaa inay tahay xaalad waqtiga keenay oo u baahan dulqaad.
Ugu danbeyntii waxaan Shacab & Madax dowlada iyo Ciidanba u soo jeedin lahaa in la isku ixtiraamo xaalada waqtiga keenay, qof kastana uu dulqaad u muujiyo kan kale iyadoo laga duulayo hal hadaf oo dhamaanteen waxtar inoo leh, taasoo ah Nabadgalyada qofkastaa siduu rabo ha baadi doono.
C/qaadir Maxamed Faarax {Dulyar}
Dulyar23@gmail.com
WQ:-12/13/2011-dii
No comments