Dabcan waa hadal
heynta ugu weyn oo ay maalmahaan bulshadu isla dhex qaadeyso, waana kalmad
daadsan guud ahaan dalka,gaar ahaan
Magaalada Muqdisho oo in badan lagu soo maamulayay sharci daro iyo in shillinka
lagu meel maro magacii la doono ha loo bixiyee, maantase in sharci la soo
xasuustaa waxa ay astaan u tahay in dib loo dhisayo Dowladmino iyo in aanuu bini’aadamku noolaan
Karin sharci la’aan,hadana waa marag ma
doonto in sharciga qudhiisu uu u baahan yahay ku dhaqan iyo in shacabka loogu adeego sida uu u qoran yahay,inkastoo
aan weli la gaarin waqtigii sharciga lagu meel marin lahaa rabitaanka shacabka.
Waxaanse la
dafiri Karin in dabci ahaan soomaalidu ay tahay inteeda badan umad sharciga ka
jecel laaluushka iyo musuq maasuqa oo ah mid lagu soo dhaqmayay tan iyo markii
aan xoriyadda qaadanay, waxaadse moodaa in uu waayadaan danbe aad u soo
xoogeystay.tusaale, hadii ay ciidamada Amnigu soo qabtaan ruux dhalinyaro ah xiliyada ay howlgaka
ku jiraan,suurta gal maaha in ehelku
wiilkooda u daayaan sharciga, waayoo waa hubanti hadii aanuu
danbiile aheyn in la soo deynayo, balse si aanu wiilkoodu saacad ugu sii jirin
gacanta baarista, durba waxa ay qaraabadu ka dhex bilaabayaan ciidanka dhexdiisa
gorgortan iyo in ay shillinkooda kaga kalsoon yihiin sharciga,si looga
hortagaana waxa ay u baahan tahay in sharciga laf ahaantiisa la baro ciidanka iyo bulshadaba si loo gaaro cadaalad.
Si taa la
mid ah inta badan Xaafiisyada loogu adeego bulshada waxaa maalintaa oo dhan is
dhaafaya shillimaad sharci daro ah,xataa hadeey wuxu yihiin wax uu qofku xaq u
leeyahay waxa uu ku bixinayaa laaluush iyo shillimaad , markaa ayey shaqada oo
dhana waxa ay kuula muuqaneysaa wax uu
si gaar ah u leeyahay qofka markaa howsha maamulaya.
Tan kale,
waa dhab inaad ku jahwareereyso sida ay
wax u socdaan iyo waxa la boobayo waxa
ay yihiin, marka aad eegto cabashada ka taagan, dacwadaha Maxkamadaha,ducomintiyada muran dhuleedka, xaafiisyada bulshada loogu
adeego,sharciyada iyo canshuuraha
ganacsatada,shirkadaha, gaadiidka, suuqyada,campaniyada iyo dhamaan wax kasta
oo la doonayay in ay sharciga maraan ,oo dadka qaar maanta ay qabaan in howlahaasi aaney u socon
si cadaaladda oo sharciga waafaqsan,balse waxa lagu kala muraadsanayo ay tahay shillinka.
Sidoo kale,
waxa uu baryahaan danbe Maamulka G/Banaadir, dib dib u soo nooleeyay Ciidankii
ilaalada deegaanka ee loo yaqaanay Minushiibiyo,oo sida aad la socotaan sanado
badan howl gab ahaa una soo samrayay daryeel la’aan iyo xurma la’aan ka
heysatay gudashada shaqadooda, taas oo
ay u dheereyd in ay dad badan oo aan
dowladnimada arag u arkayeen waraaqaha canshuuraha ah ee ay sitaan xeelado cusub oo shaxaad ah oo la mid ah kan
ay suuqyada ka qaadaan dadka aruuriya lacagaha qaaraanka ama taakuleynta ah ,
Balse markaan waxaad moodaa in la soo hubeeyay
loona soo dhiibay dhamaan waxii warqadda ahaa ee ay u jari jireen bari
samaadkii cid walba oo ay quseyso, waxa
aadse la yaabeysaa durbaba dar darta iyo canaanta ay la soo baxeen iyo sida ay u dhaqmayaan oo
aaad moodo ciidan xabisnaa 22 kii sano ee fowdada, oo hada un hurdada ka soo
kacay.
Waayoo waxaad
suuqyada ku arkeysaa iyaga oo hubeysan isla markaana mararka qaar ridaya xabado,ama
si aan masuuliyadi ku jirin u gudanaya shaqadooda, markase aad dhex qaado
ganacsatada mid weyn iyo mid yarba waxa ay kuu sheegayaan in ay maalmahaan qaati
ka taagan yihiin Minishiibiyada oo si toos ah iyo si dadbanba uga qaadata
lacago joogta ah oo aan la garan Karin meel ay ka bilaawdaan iyo meel ay ku dhamaadaan, waana arin jahwreer keeni karta oo u baahan in loo hello nidaam iyo jawi dagan.
Si taa la
mid ah, Ciidanka ilaalada wadooyinka ee loo yaqaan Tarafikada, iyaguna waxa ay
ahaayeen in mudda ah kuwa aan amarkoodu shaqeyneyn oo aan laga heybeysan, balse mudooyinkaan danbe waxa ay
bilaabeen dhaq dhaqaaq ka duwan sidii hore,dhankoodana waxaa ka soo baxaya mad madoow dhaawici kara
sharciga, mar hadii danbi kasta oo lagu
galo wadooyinka ay ku xalinayaan wadadda dhexdeeda.
Saxaafadda
qudheeda ma sahlana,marka la eego sharciyada u qoran ee la rabo in uu saxafigu ilaaliyo waxaa ka mid ah Laaluushka oo sida la isku raacay ah haliska koowaad ee saxufiga ku ridda
danbiyo,una soo jiidda sharaf dhac iyo in uu ku sifoobo shaqsi daciif ah oo aan la aamini Karin warka uu bulshada
u soo gudbinayo.
Hadana,
shaki kuma jiro in maanta saxaafadu ay noqotay ganacsi qofkii aan lacag dhiibina uu warkiisu yahay
mid liita oo aan la sheegin ama hadii la
soo qaato aan loo dhigin sidii uu ahaa,
halka la buun buuniyo midka dhiiba lacagta wuxuu doono ha ahaadee, lacagtaas oo
loo bixiyay {SHARUUR} mana garan
karo halka laga soo min guuriyay ereygaan iyo cidda keentayba oo aan anigu u
arko in uu yahay magac lagu asluubeynayo laaluushka Saxaafadu qaadato, balse
waxaa cajiiba ah in masuul kasta oo warbaahineed mararka uu ka
qeyb galayo doodaha saxaafdeed ee quseeya arimahaan uu dhankiisa si aada u canbaareeyo in
wariyuhu laaluush qaato iyo in aysan ka warbaahin ahaan sharcigaba ugu jirin
iyaga. wariyihii lagu ogaadana laga
joojiyo shaqada, hadana maalinta ku xigta hadii aad u baahato warbaahinta ma
heleysid mid aan ku weydiineyn lacag iyadoo weliba lagula gorgortamayo, marka
sow arinka saxaafadduna maaha SHILLINKAA SHARCIGA KA WEYN.
Dhanka kale,
Golaha Baarlamaankeena oo duruufo jira awgood in muddo ahba lagu soo dooranayay
sifa aan aheyn kii loogu talagalay in lagu soo doorto oo ay aheyd in gobolada ama shacabka ay matalaan ay ka
yimaadaan, ayaa maadaama kursiga lacag fara badani uga baxaday waxaa la
xasuustaa in iyagana loo bixiyay {Fadlan lacag ku shubo} ogowna waa xubnihii u
xil saarnaa ilaalinta sharciga balse taa badalkeeda looga bartay marka mooshin
loo keeno ama ay is qabtaan madaxda sare in ay dhagsadaan boor uu ku qoran
yahay, SHILLINKAA SHARCIGA KA WEYN, waana
dhaqan soo socday tan iyo dowladihii KMG ahaa,
Hada, markii ugu horeysay ee la maqlay khilaafka
soo kala dhaxgalay madaxda sare ee Dowlada Faderaalka ah,dad badani waxa ay soo
xasuusteen wadooyinkii jid cadaha ahaa ee ay ku dhamaan jireen khilaafyadii hore
in lagu socdo,inkastoo si ka duwan sidii
baarlamanadii hore ee KMG ahaa ay
xaaladdan isha ku wada hayeen shacabka soomaaliyeed bal waxa ay falaan doorkaan
mudanayaasha baarlamaanku.
Hadana meesha kama marnayn sida lagu xamanayo in ay jireen qaar badan oo
ku shaqeynayay hal ku dhiga oranaya,
SHILLINKAA SHARCIGA KA WEYN, marka la fiiriyo sida loo dardar galiyay mooshinkii
Xukuumadda laga keenay markii ay labada oday is qabteen, sida ay ula kala
safnaayeen khilaafka,sida Reysal wasaarihii looga hor istaagay in uu iska difaaco eedaha isaga
iyo Xukuumadiisa loo soo jeediyay, sida ay u soo xaadireen fadhiyadaan danbe tiradii ugu badneyd ee ebed timaada kulamada Baarlamaanka, sida loo meel mariyay wixii la wada saadaalinayay ee aheyd
in shaqada laga ceyrin doono Reysal-wasaaraha,iyo
ugu danbeyntii sida dag daga ah ee uu Madaxweynuhu u soo dhaweeyay go’aankaas uguna
hambalyeeyay Baarlamaanka.
Docda kale,inkastoo
ay ka xun yihiin khilaafka soo noq noqday ee had walba ka soo
dhex muuqda wada shaqeynta Madaxda sare, waxaa jira dadka kale oo qaba in ay guul weyn oo taariikhiya u aheyd Soomaalida
shaqada Baarlamaanku qabtay,iyo sida markii ugu horeysay khilaafka madaxda sare loogu xaliyay
dalka gudihiisa, iyadoo weliba
loo marayo kalsoonida Baarlamaanka,halka waayadii hore xalka loo
raadin jiray Dalalka dariska ah, sidoo kalena
si weyn u soo dhaweynaya sidii uu Dr Saacid intii aanuu xilkiisa waayin u
cadeeyay in qalad kasta oo jira uusan ku cara baabi’i doonin nidaamka hada
jira,isla markaana uu u hogaan sami
doono ga’aan kasta oo ka soo baxa
fadhiga Baarlamaanka,markii lagu dhaqaaqay go’aankana uu u taageeray uguna
baaqay shacabku in ay la shaqeeyaan Reysalwasaaraha badli doona isaga.
Dhanka kale, mar hadii aanu la socono iskaba
daa Madax howli ka dhaxeysee, in
waalaidiintu xataa maanta marka
ay rabaan in ay adeegsadaan caruurtooda
ay ku yiraahdaan waxaas ii soo gad inta soo hartana qaado, ama anaa ku
qurxinyee maandhoow shaqadaa soo qabo,oo macnaheedu yahay in sharcigii
ama xaqii waalidku u lahaa in loo fuliyo amarkiisa in shallinku ka xoog badan yahay,waxaa
la oran karaa waa dhaqan guur kale oo u baahan in waalidiintu ka fogaadaan si
loo helo bulsho ka nadiifa laaluushka.
Ugu
danbeyntii, waxaan qoraalkeyga ku soo
gabagabeeynayaa sheekadan oo aanan hubin
run ahaanteeda balse aan u xushay oo kaliya warbixinteyda ,””Reer baa wax
ay bari ka codsadeen nin wadaada in uu guriga quraan ugu aqriyo weliba si lacag la’aan ah, balse wadaadkii
ayaa si uu u bisleyto xoogaagii uu u bartay ee la siin jiray waxa uu yiri, Anigu quraanka waa idinkugu
akhrinayaa si bilaash ah, laakiin ogaada
Aayaddu lacag la’aan ma ahaan karto, hada maadaama musuq maasuqa iyo wax is daba marinta uu
dalkeenu kaga jiro safka hore, waxaa haboon intaa badalkeeda aan is barno
sharciga, lagana dhigo xaalka SHARCIGAA SHILLINKA KA WEYN !!!!!
=DH
A M A
A D //=
FG.TANI WAA ARAGTIDEYDA.
Qalinkii :- A/kadir M. Farah {Dulyar}
Mogdisho/ Somalia
No comments