WARBIXIN:-AMNIGA MUQDISHO,MA DHAGAX BAA LAGU AAMINAY.!!!


WAXAAN QORAY:-August 13,2013.
Magaalada Muqdisho waa Caasimadda Soomaaliya,dadkeeda iyo deegaankeeduna waa mid sii kordhaya ama sii balaaranaya,maalinba maalinta ka danbeysa,taana waxaa sabab u ah dhowr qodob, aanse ka soo qaato labo qodob oo muhiimah,tan koowaad waa xarunta Dowlada Soomaaliya ku shaqeyso islamarkaana ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee dalka oo uu ruux waliba ha ahaado soomaali ama Ajnabiye soo tiigsanayo bal si uu wax uga ogaado ama  uu uga helo wax uu naftiisa ku madadaaliyo, tan labaad waa magaalo lagu tuhmayo in lagu aamini karo nafta,oo uu ka jiro nidaam iyo sharci haba tabar yaraadee,isla markaana deegaan ahaan iyo dad ahaanba laga abuuri karo dhaqaale iyo fursado ganacsi,qof kasta oo ku fikira arinkaana uu u heli karo marino uu isticmaalo sida Dakad iyo Aeraport caalamiya,

Dhagax 1
Balse Muqdisho, marka aad naqshad ahaan dhuuxdo qaabka markii hore la isugu jaangooyay,waxaa la oran karay waxa ay aheyd magaalo u koreysay si miyir qab leh dad ahaan,dhisma ahaan iyo dhaqaale ahaanba,tusaale ahaan Cisbitaalada,Iskoolada,Suuqyada,Saldhigyada booliska,Warshadaha,Garoomada cayaaraha,Fagaarayaasha dadweynaha,Korontada,Biyaha,Teleefoonka,Dhismayaasha waaweyn,Wadooyinka laamiga ah ee dagmooyinka dhex mara iyo 56 da isgoys ee lagu xardhay,dhamaantood waxa ay ahaayeen kuwa ay dowlad xoog lihi iyada oo la kaashaneysa Engineero soomaliya ka fikirtay sida ay adeegyadaan u dabooli karaan baahida bulshada,

Dhagax 2
Sidoo kale gaadiidka iyo qalabka kale ee ganacsi ee soo galaya dalka iyo agabyada kale ee dalka laga dhoofinayo waxa ay ahaayeen kuwa la jaan qaadayay baahida dalka,balse 22-kii sano ee burburka,xaalku waxa uu noqday jaantaa rogan,dan guud iyo dan gaara lama kala soocin,waa lakala xoogsaday,waxaa la abuuray dagmooyin cusub,oo aan ku imaan sal mugii,waxaa durba cabasho ka soo yeertay goboladii kulaalayay caasimadda,waxaa meel walba laga aas aasay,Cisbitaalo,Shirkado,Suuqyo,Goobo waxbarasho,Hotelo,dhismayaal waa weyn oo aan si cilmiya looga fiirsan,waxaa dansan dagmooyin,waxaana la isugu yimi dagmooyin kale,waxaa soo daga gaadiid iyo qalab ganacsi oo aan loo heyn meel ay maraan iyo meel lagu dajiyo,welina waxa ay u soo qulqulayaan si indha la,aan ah,mana muuqato xoog iyo xeelad lagu kala xakameyn karo xaaladahaa cakirnaanta ah ee ka soo muuqanaya Caasimada Muqdisho,
Waa hubanti in Dowladda iyo Maamulka Gobolku ay masuuliyadani ku dhaceyso,mustaqbalkana laga yaabo In dhaawac aan daawa laheyn  ay ku noqdaan bilic soo celinta Caasimadda,balse iminka waa ay  muuqataa in aan arimahaa la ha hadal heyn,oo taa badalkeeda madaxda heer qaran iyo heer gobolba ay mashquul ku yihiin wax ka qabashada Amniga dalka iyo tan caasimadda,
Taana  waxaa daliil u ah sida ay madaxda sare ee qaranku had walba uga hadlayaan,kuwaasoo  si kala gooni gooni ah u balan qaadaya in hada wixii ka danbeeya nabadgalyada Muqdisho lagu qaban doono gacan bir ah lana diyaariyay ciidamo loo soo tababaray oo ku filan sugida amniga,hadana markasta oo ay madaxda dalka soo hadal qaadaan arimaha amniga waxaa si ficil ah uga jawaab celiya kooxaha ka soo horjeeda kuwaasoo magaalada ka fuliya falal amaan daro ah,markaa ayey shacabku is weydiiyaan halka la geeyay ciidamadii la sheegayay in loo soo tababaray amaanka muqdisho,
Dhanka kale,dhaqdhaqaaqii Muqdisho maalmahaan danbe waxaad moodaa in looga sii daray,waayoo waxaa sanadahaan danbaba xaalado jira awgood gaadiid,ganacsi iyo dadba la isugu yimi dagmooyinka ku teedsan wadada maka al-mukarama,oo hada noqotay halbowlaha isu socodka caasimadda,hase yeeshee duruufaha jira awgood waxaa dhacda in mararka qaar la xiro marka madaxi dhoofeyso ama soo dageyso,mana aha arin ugubahe  waa mid soo taxneyd ilaa dowladihii KMG ahaa,in masuul qura loo xiro magaalo dhan,mana jiro taa muran hoose mooyee cid ka keenta muran muuqda,waayoo waa lala qabsaday,
Markase xaalku sidaa noqdo, rag waa xeelado badan yahaye,waxa ay gaadiidka shacabka iyo ganacsataduba si ay danahooda u fushadaan ka dusaan dariiqyada xaafadaha,oo dadka qaar u arkaan ineyba ka marin iyo amni wanaagsan yihiin wadada laamiga ah ee laga xirtay,balse hada jidadkaa qaarkood waxa ay u dadka xaafaduhu ku gooyeen dhagxaan si aaneey gaadiidku uga jiirin digaaga iyo caruurta,maxaa yeelay xaq bey u leeyihiin iyaguba in ay amnigooda ka hor mariyaan danta guud sida  ay ka arkeen madaxdooda,laakiin waxaa la oran karaa waa  caqabad kale oo ku soo korortay caqabadihii ka jiray magaalada,

Dhagax 3

Dhagax 4Dhanka kale, iyadoo aan caqabadihii hore ee jiray xal loo helin ayaa maalmahaan Muqdisho waxaa lagu soo kordhiyay xeelado kale oo u muuqda in amniga lagu sugayo,balse loo fasiran karo macnayaal kale,Waa fikrad iyo xeelad amni oo lagu saleeyay ka hortaga qaraxyada,lagana soo min guuriyay Caasimadaha Baqdaad iyo Kaabul,oo markii loo taag waayay kooxaha ka dagaalamaya,ay dani ku qasabtay in ay madaxda  dowladahaas iyo ciidamada shisheeye ee jooga  isku gedaamaan silig iyo dhagxaan waa weyn,si ay uga  nabadgalaan qaraxyada iyo qasaaraha kale ee loo geysan karo,waxaase xusid mudan in si aaneey u dareemin culeys bulshada wadamadaasi,markii horeba xarumaha dowlada iyo kuwa ciidamadaba laga hirgaliyay deegaano gaar ah, oo aan sababi karin xanibaad ku timaada dhaqdhaqaaqa shacabka iyo noloshooda,
Tanise waa xaaja kale oo ka duwan mithaalkaa, waayoo Muqdisho waa magaalo la isku Milan yahay, dowlad,shacab iyo Ciidanba,isla markaana  ay joogaan tirada ugu badan ee ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom,lamana oga dowladailaa iyo hada ciidamo  mucaarad ku ahoo kula sugan  gudaha magaalada,oo sababi kara baqdin intaa le,eg, inkastoo aan la dafiri Karin in ay ka dhacaan falal amaan daro,laakiin waa magaalo waxa ka dhacaya loo wajihi karo,in xog iyo xooraansi  xaafadaha looga baaro kuwa geysanaya amni darada,lagana howl galiyo  ciidamo ay u dhameystiran yihiin qalabkoodaIyo dhaqaalahooda,  si hufana u gudan kara waajibaadkooda,
Balse, dad badan ayey hadda la yaab ku noqtay,halkii Dowlada soomaaliya  looga fadhiyay,in ay si dag dag ahula imaan doonto qorshe lagu howl galinayo, Ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom,si loo soo afjaro  dagaalada daba dheeraaday ee lagula jiro mucaaradka, lagana bilaabi doonocaasimada oo mudo dheer la saluugayay sababta  ay ciidamadu isugu fidin la’yihiin,si loo xakameeyo amniga, loona yareeyo culeyska iyo saxmada ka jirta  wadada Maka al-Mukarama iyo dagmooyinka ku harereysan,oo in muda ah lagu soo mooday,Dabadeedna  loo soo jeesto hagaajintabilicda caasimada iyo muujinta astaamo nabadeed,oo sahli kara in fursadoloo helo magaalada looga dhex qaado biraha kala xanibaya iyo dhagxaanta shubka ah ee lagu wareejiyay xarumaha Dowlada,Xaafiisyada Hey’adaha,Safaaradaha,Hoteelada,goobaha ganacsiga,Shirkadaha,iyo guryaha Madaxda,kuwaasoo  ah astaamaha amaan darada, balse inta howshaa meel la iska dhigay ayaa  taa badalkeeda la soo hindisay in  bartamaha wadooyinka waaweyn iyo kuwa xaafadahaba lagu sii  gooyo dhagxaan waaweyn,
Sow markaa xaalka looma fasiran karo  in kalsoonidii lagala laabtay CIidamadii Dalka, badalkoodana   lagu aaminay Amniga Muqdisho biro iyo dhagxaan.!!!
                                         DH A M A A D/=

FG:- TANI WAA ARAGTIDEYDA.


QALINKII:-C/qaadir M. Faarax { Dulyar }
dulyar23@gmail.com
Muqdisho/Soomaaliya

No comments