Marka la soo hadal qaado saxaafadda muqdisho, waa hubanti in ay wax badan
maskaxdaada ku soo dhacayaan, waxa uuse aqristuhu su’aal iska weydiin
karaa macnaha Booliska fikirka loola jeedo, dabcan isbadalada waqtiga iyo
waayuhu, waxa ay subax walba keenaan arimo cusub, arimahaasina waxa ay u baahan
yihiin in loo helo hal-kudhig cusub.
Tan iyo markii ay muqdisho
ka hanaqaaday Saxaafadda Xorta ah, oo ku beegneyd bur-burkii dalka, iyo
dagaaladii sokeeye, waxa ay saxaafadu aheyd mid iyana ku dhex milneyd
isbadalada dhacayay, Idaacado iyo T.V-yo dhowr ah ayaa udbahooda laga
taagay muqdisho, waxaa ka howl bilaabay saxafiyiin kala heer ah oo isugu
jira, Xirfadlayaal hore iyo dhalinyaro cusub, oo aan fursado u helin tababaro
saxaafadeed, koox walabina waxa ay ku shaqeyneysaa aragtida Mulkiilaha oo
ay suurtagal tahay in aanuu aheyn xirfadle hagi kara howsha uu horkacayo,
balse muhiimadiisu tahay in uu ka dhex abuuro dhaqaale,,inkastoo ay jiraan
Saxafiyiin rug cadaa ah oo aan raali ka aheyn sida goobta uu joogo shaqadeedu
ku socoto, balse la oran karo waqtiga ayaa ku qasbay, qaarkoodna markii
danbe.sidaa shaqada uga tagay,
Saxaafadda muqdisho, runtii waa
midd la oran karo, waxa ay huwan tahay xumaan iyo samaan, marka la fiiriyo
helitaanka wararka, barnaamijyada taleefoonada lagu qabto oo fursad u siisay
dadku in ay aragtidooda dhiibtaan, Qodobadda doodaha, iyo guud ahaan
barnaamijyada adeega bulshada ah, waxaa la oran karaa waa horumar, markase
dhinaca kale laga eego, hadii aan howshaa baaxadda leh loo habeyn si
taxadar leh oo xirfadyahanimo ah,,isla markaana uu xaalku noqdo yaan
warka lagaala hormarin iyo waxaad rabto sheeg, sida hada lagu shaqeeyo,
waxa abuurmaya dhibaato ka baaxad weyn xabadaha dhacaya.
Saxaafaddu, waxa ay waayadaan danbe noqotay,
meesha laga soo galo Siyaasadda Soomaaliya, meesha laga barto ruuxa doonaya in
uu wax mucaarado ama taageero, meesha laga iclaamiyo dagaalada, meesha la isaga
hanjabo, meel lacag ama {sharuur} hadaad siiso lagaaga baahinayo waxaad rabto. ilaa markii
danbe Saxaafadii ay muuqatay mid si cad ula kala safan
dhinacyada isku haya Siyaasadda Dalka, si kastaba ha ku timaadee,
arimahaasi iyo kuwa kaloo aan ka tagayna,waxa ay sababeen in Suxifiga iyo
Saxaafadda ay ku yimaadaan qodobo dhowr ah, qaar waa kuwa lagu xanto, qaarna
waa kuwa ka hor istaaga howshooda ama Qatar galiya naftooda,
Kuwa lagu xanto waxaa ka mid ah:- 1:-
Sharaf dhac, 2:- Kalsooni daro, 3:- In ay saxaafadu sii huriso Dagaalada iyo
khilaafaadka, 4:- In bulshadu nacdo saxaafadda ,5:- In saxaafadu ay qeyb ka
tahay mushkiladaha ka jira dalka, kuwooda ugu waaweyn una baahan tahay in iyaga
xal loo helo,iyo in ugu danbeyntii dhageystaha ama daawadaha doonaya in uu helo
xogta xudunta soomaaliya uu noqdo ruux u bareera in uu raaco diyaarad uu
ogyahay in aanuu aqoon fiican lahayn Beyloodka kicinaya,waadna dareemi kartaa
in aanuu ruuxna ku qanacsaneyn raacista hadii loo sheego ama uu ogyahay
diyaarad aanuu wadin duuliye aqoon lihi, ,halka kuwa qatartu uga
tiamadana aan ka soo qaadanayo, 1:- In koox kasta hadeey ka weyso sidii ay
horey uga baratay, ay colaadiso ama ugaarsato, sida hadaba dhacday oo
qudhooda Qatari uga timaado Garab Siyaasadeed ay iyagu shalay si qaldan u
buun-buuninayeen,dadkana bareen
Anigoo aan dooneyn in aan ku sii dheeraado dhaliilaha
Suxifiga iyo Saxaafadda Soomaaliya,maadaama aan lagu soo koobi Karin maqaal
kaliya,hadaan u soo noqdo dulucda sheekadeyda,marka aad aqriso ama aad
maqasho erayga Boolis, durba waxaa kugu soo dhacaya ciidan amaanka
sugaya, ruuxii danbi galena xabsiga u taxaabaya, balse qisadan suxufiga iyo
fikirka booliska maxaa kala heysta, waa ay ka duwan tahay sidaa,
Sida looga bartay saxaafadda muqdisho waxa ay
waayadaan danbe aheyd aalad ay Siyaasiyiinta, Aqoonyanada, Ganacsata,
Culumaa’diinka, iyo dadka caadiga ahba ku fadhi ku diriraan , kana dhiibtaan
argtiyahooda ku aadan hadba wacyiga siyaasadeed ee markaa lagu jiro, si taa la
mid ah wariyayaasha ayaa ku falan-qeyn jiray barnaamijyo gaara ah, waxa markaa
dalka ka dhacaya, qof walbaana waxa uu si xor ah oo aan baqdin laheyn u soo
bandhigi jiray waxa uu ka aaminsan yahay,
Arinkaa hada waa is badalay, oo waayoo, waxaa dad
badan loo dilay markii ay warbaahinta ka dhiibteen fikirkooda, waxaa wariyayaal
badan loo dilay ama loogu hanjabay cabiraada fikirkooda, waxaa Saxaafadda lagu
qasbay in ay baahiyaan halku dhigyo kooxo gaar ihi la baxeen qaarkoodna waxaa
lagu qasbay in dhinac ka mid ah dhinacyada is haya aaneey wararkooda
buun-buunin, oo ay dhex dhexaadnimadii Journalisamka ka fogaadaan,
Waxaa dhacday in hadii aad Fox –Pop, ama
makaroofanka la dhex qaado dadweynaha, oo markaa ruux kaa ogolaado in uu ka
hadlo mowduuca aad u soo bandhigtay,marka uu hadalka bilaabo hadii uu
ruux kale meesha soo istaago in uu aamuso, dabadeedna uu ku yiraah , {adeer
waan ka baxay,kama hadli karo} waayoo waxa uu ka baqayaa in loo waxyeeleeyo
fikirka uu ka dhiibanayo muwduuca aad xanbaarsan tahay,si taa la mid ah hadii
aad Aqoonyahanada Culumada, Cuqaahsa ama dadka caadiga ahba aad ka
codsato in ay kaala qeyb qaataan Barnaamij lagu falan qeynayo xaaladda
dalka,mid walba waxa uu si hoose kuugu sheegayaa in aan xiligan laga hadli
Karin arimahaa,halka markii hore ay ku soo kala hor mari jireen in ay
fikirkooda ka dhiibtaan marxaladda siyaasadeed ee lagu jiro ama dagaalada ka
socda Dalka.
Marka la waayay qof fikirkiisa dibada u soo
saara, afkana gariir la wada saartay, waxaa meesha ka baxay barnaamijyo door ah
oo sixid, dhaliil, iyo amaanba loogu soo jeedin jiray, waxa markaa dalka
ka socda iyo cida horkaceysaba,Suxifigiina waxa uu noqday mid codkiisa la baqa,
xataa dadka barakacayaasha ah oo awal cod dheer ku baahin jiray cida dhibaatada
ku heysa ayaa haatan su’aalahaasi in ay ka jawaabaan fartana ku fiiqan oo
ka gaabsaday, sow marka lama oran karo waxaa yimi Boliska Fikirka……..
FG:-TANI WAA ARAGTIDEYDA.
FG:-TANI WAA ARAGTIDEYDA.
C/qaadir Max’ed Faarax {dulyar}
Neyropi,
Kenya.
No comments