December
17, 2011 -
FG:-XILIGAAS WAXAA TAAGNAA KHILAAFKII SHARIIF XASAN IYO BAARLAMAANKA OO UU HOGAAMINAYAY AUN MD MADOOBE NUUNOW.!!
Waa hadal murtiyeed la soo xusuusto, marka ganacsato
gadisleey ah oo dhaqaala hooda ku aaminay inay wax gadgadiyaan ay markooda la
gadoonto,waana arin ku dhacda ruux kasta oo kobociisa dhaqaale ama siyaasadeed
ku xarig xira wax gadgadin aan lahayn qorsha kale oo looga gudbo,hadaan si
kale u niraahnana waxaan soo qaadan karnaa murtidii kale ee oraneysay, {Daran dooriyaaba
Naasnaasi} oo iyana ifineysa wax kasta oo xowli ku bilowda sida ay aakhirka ugu soo dhurtaan inay gaabis ku dambeeyaan, si taas la mid ah qof kasta waxa uu
leeyahay waqti uu firfircoon yahay oo loo sacabtumo,hadii aanuu maalmahaa la
jecel yahay ugu faa’ideysan si wanaagsan oo muuqatana waa hubanti in ay soo
kadiso maalin la naco oo laga daba fooriyo,
Hadaba, waxaan warbixintan ku eegi doonaa waxyaabihii dabayaaqadii Todobaadkan ka dhacay aqalka baarlamaanka iyo sida ay mudanayaashu dharaarta cad ugu dhiiradeen in ay ku dhawaaqaan xilka qaadista ay ku sameeyen Gud/Baarlamaanka,waxaase la oron karaa 2dii maalmood ee is xigtay wixii dhacay waxay ahaayeen kacdoon baarlamaan oo cadho xanbaarsan, dhanka kalena waxa ay talaabadani hurdada ka toosisay soomaali fara badan oo aaminsaneyd inay mudanayaasha baarlaman ku ka gaabiyeen maalin loo hanweynaa in ay muujin doonaan damiirkooda,mase dhicin oo waxaa la rumeysnaa in mudadda sanadka ah ee hartay aaney jirin masuul Qaran oo wax diidi kara ama wax ogolaan kara,waxa lagu wada shaqeyn doonaana ay yihiin wixii kampala ka sooyeeray,
Dhanka kale,ma aha wax nagu cusub in marka dowlad kasta waqtigeedu dhamaado la maqlo khilaaf iyo is qabqabsi ka dhex bilowda heydaha dastuuriga ah,bal u fiirso dowlad kasta oo soomaaliya loo dhiso waxa ay mushkiladu ka timaadaa hogaanka,mana jirto cid kale oo awood u leh in ay sharciga ku kala saarto, aakhirkana waxaa lagu soo afjaraa xeer jajab
Hadda xaalku waxa uu ku fooraraa Mudane Shariif Xasan oo ah nin xariif ku ah gad gadinta siyaasada iyo rag roga meeqaamkiisa siyaasadeed,waa siyaasi mudada kooban ee uu siyaasadda ku jiro sagootiyay Madaxweyne. 4 Raysal wasaare iyo Gudoomiye baarlamaan,waxa uu sidoo kale saaxadda ka saaray saf Wasiiro ah oo la shaqeynayay mudane Farmaajo oo ay is qabteen,sidoo kale waxaa lasheegaa in uu sabab saday tiro saraakiil ah oo hogaamineyay ciidamadda, dhanka kalene waa siyaasi hadal wanaagsan xiliyada khilaaf faadku jiraan, sidaganna ulahadla saxaafadda .had iyo goorna jecel in uu abuuro kudlado siyaasadeed oo uu isagu awood buuxda ku dhex leeyahay,
Mudane,Shariif Xasan,naynaasta laraaciyo magaciisa ee ah Shariif-{Sakiin} ma aha mid uu isagu doortay ee waa mid uu ku muteystay siyaasaddiisa iyo hadal kiisa oo la sheego in ay yihiin labo aad u kala fog,dhanka caalamkana waxaa la sheegaa in uu yahay nin xidido ku leh, waxa uu ka qeyb galaa shirar caalamiya ,mararka qaar waxaa fagaarayaasha lagu arkaa isaga oo qabanaya howlihii xukuumadda ama madaxweynuhu qaban lahaa,waa nin had walba saaxiibo ku filan ku yeesha baarlamaanka iyo xukuumaddaba,waana tan keentay in mar walba ay u rumowdo riyadiisu, xiliyada uu dagaalka ku jiro.
Tanise waa xaajo ka duwan wixii uu filayay odaygu,waxa uu dagaal kiisani ka yimid ama uu ku soo beegmay waqti uu is dhigtay oo uu si dhab ah u aaminay heshiiskii Kampalla,iyo in aan mudada hartay la abuuri Karin wax khilaaf ah,waxa uu lumiyay saaxiibo badan oo uu ku dhex lahaa gudaha Baarlamaanka,waxa uu dhagaha ka fureystay la shaqeyntii baarlamaanka iyo wax ka qabashada dhaqaala xumida soo wajahday tiimkiisa ,nabarkuse waxa uu dilaacay markii xildhibaano careysani dhagaha ugu shubeen saaxiibadooda in Gudoomiyuhu islahaysiiyay Aqlkiii ka dhexeeyay furihiisiina uu jeebka ku ritay,waana tan keentay in lagu soo beego xilka qaadistiisa xilli uu dalka ka maqnaa Gudoomiyuhu,lana jabiyo albaabkii guriga baarlamaanka,oo ah fal aan horay u dhicin,
Inkastoo ay suurta gal tahay in waxa dhacay dad badani ay iska weydiiyaan su’aalo ku wajahan Madaxda AMISOM,iyo Madaxtooyada,
Marka la soo hadal qaado sida uu ku qabsoomay kulanka baarlamanku xilli Gudoomiyihii safar ku maqan yahay,ku xigeen kiisiina uusan waxba ka ogeyn,,balse iminka waa lagama maarmaan inuu Madaxweynuhu si dagdag ah u soo dhex galo xaaladan inta aaney faraha ka bixin,waayoo waxaa dhinacyada is haya ka soo kala yeedhaya hanjabaado iyo hadalo aan u wanaag sanayn dhagaha, dhanka Raysal-wasaaraha uma sahlana in uu isagu soo faragaliyo baarlamaan iyagu hardamaya kaalintiisana maaha,waxaase hubanti ah markasta oo uu khilaafkani sii fido inay sii wiiqmi doonto meeqaamka siyaasadeed ee mudanayaasha baarlamaanka iyo masuuliyiintooda,
Dhanka hey’adaha dowladda oo waqtigooda ay uga hartay dhowr –billood oo fara ku tiris ah,waxbadana aan qaban mudadii ay jireen,taa badalkeedana ay dad badani xiiseynayaan in ay arkaan wajiyaal cusub, ma jiro waqti ay uga xun tahay inay ku mashquulaan khilaaf dhexdooda ah,taas oo meesha ka saari karta saameynta ay ku yeelan lahaayeen qaabka siyaasadeed ee mustaqbalka dhow ee Soomaaliya,
Markase la soo aruuriyo warbixintii ka soo kala baxday EU-da iyo Dowladda Mareykanka,ee ku aadanaa xiisadan waxa ay muujinaysaa in ay ka biya diidsan yihiin marnaba in ay dhacdo waqti dheereyn ku timaada mudadii loo calaamadeeyay inay shaqeeyaan hayadaha Dowladu,siday ku fikir rayaan xubno badan oo xeeladahaan ku dheereeya,taana waa fariin muujineysa in beesha caalamku aaney dulqaad danbe u hayn khilaafka aan dhamaadka lahayn ee ay abuuraan madaxda soomaalidu marka uu waqtigoodu dhamaado,waxa ayna durbaba soo direen ergo xaqiiqo raadin ah kuwaasoo kulamo la yeelan doona madaxda dowlada si ay u hubiyaan halka ay taagan tahay xaraarada xildhibaan-nadii xilka qaadista ku sameeyay Gudoomiye hooda iyo sida looga gudbi karo caqabadaha yimid,
Ugu danbeyn,waxaan wax badan usoojoognay dagaalo siyaasadeed oo soo dhexmaray Md Shariif Xasan iyo Madaxweyne,Gud/Baarlamaan iyo Raysalwasaarayaal iyo sida uu isugu reerka ugu soo haray ,inkastoo masuuliyiintaasi iyaga oo aan waqtigoodu dhamaan baarlaman kana aan la soomarin, mid waliba sihoose loogu qanciyay in uu tanasulo meeshana katago, balse haatan waxaad moodaa in arinku ka duwan yahay sidii hore oo aaney xaajadu fududeyn,waayoo waxaa meesha yimi go,aan baarlaman waxa is hayaana waa hal hey’ad oo ka mid ah hayadaha dowladda dhexdeeda,,waxaa durbadiiba faafiyay saxaafadda waxaa wada ogaaday shacabka,sidaa daraadeed ma sahlana in la nasaqo go’aan si kal iyo laab ah ay u qaateen tiro baarlaman ah oo ku filan meel marinta go’aan kooda islamarkaana doodooda la xiriirinaya qodobo ka mid ah Axdi Qarameedka,sidoo kale lama dhayalsan karo culeyska lagala kulmi karo in Md Shariif Xasan laga daadajiyo xilka gudoomiye nimada,balse waxaan odayga leeyahay markaan xaalku caadi maahane sidii lagaaga bartay ‘”WAX GADGADI HAKULA GADOONTO AMA AAD GUULEY SATIDE””
= DH A M A A D =
FG.TANI WAA ARAGTI DEYDA GAARKA AH.
WQ/= C/qaadir Maxamed Faarax {Dulyar}
Dulyar23@gmail.com
Mogadishu/Somalia
hhh
ReplyDelete