Waxaan Qoray:-Sunday December 08, 2013 -
Dagmada Xamarweyne, waa dagmo qadiimiya, dadkeeduna yahay dad nabadeed,waqtiyadaan danbana waxa ay ahaayeen kuwa marti galiayay qoysas iyo ganacsato fara badan oo ka soo kala hayaamay dagmooyinkoodii sababo dhanka amaanka ah dartii. Dhanka kalena dagmadaani waxa ay xudun u noqotay ganacsiga Muqdisho, hase yeeshee waxa ay sanadaahn danbaba dadka reer xamar wetyne ahaayeen kuwa dulqaad u lahaa hab dhaqanka xoola doonka ku dhisan ee kaga imaanayay kuwa loo igmaday in ay maamulaan howlaha Gobolka banaadir.
Marka aad si hoose ula sheekeysato dadka iyo ganacsatada ku dhaqan Xamarweyne, waxa ay kuu sheegayaan in xaalkoodu ka duwan yahay kuwa dagmooyinka kale, waayoo waa meel lagu tuhmayo dhaqaale iyo dad iyo nabadeed oo is barkan, sidaa daraadeed cid kasta oo u dig digleysa waxa ay hubtaa in ay maalintaa ka helayaan nolol maalmeedkooda.
Sidoo kale dagmadan, waxaa uu maamulka Gobolka Banaadir subax soo baryaba ku soo rogaa amar gaar ah, Canshuuro joogta ah, Laaluush, iyo weliba hada oo la hadal hayo in la soo rogi doono dhawaan in qof qof loo canshuuri doono ku noolaanshaha Dagmada Xamar weyne.
Hadaba, si dadka iyo ganacsatada xamarweyne loogu dul noolaado waxaa loo hindisay mashruucyo aan dhamaad laheyd, sida in todobaad la yiraahdo dhista meelo ganacsi iyadoo laga qaadanayo lacago lagu qiimeynayo hadba sida qofka waxa dhisanayaa ishiisa laga arko, hadana todobaadka ku xiga waxaa loola yimaadaa cagcagafyo lagu xaaqayo goobihii dhismahooda looga qaatay lacagaha.
Ma jiraan wax digniina ah oo ka horeeya jabinta goobaha ganacsi,lamana eego mid sharciya iyo mid sharci daro ah, ee waa hadba sida ay ushu kuu qabato, waxaadna arkeysaa baalooyin jabinayo shacab masaakiina meel ay ka raadsanayeen nolol maalmeedkooda, iyadoo weliba si loo sii bililiqeysto lagu daad gureynayo maacuuntii, dharkii, kabihii, qudaartii iyo weliba alwaaxdii iyo laamiyeeriyadii shacabka baabuur xamuul ah oo an la ogeyn halka ay geynayaan, marka laga reebo ujeedada loo qaadanayo oo dad badani u dareensan yihiin in ay tahay boob casriya oo ay soo hindiseen qubradii mudada dheer ku dul nooleyd xoolaha Xamarweyne yaala.
Hadaba 7-aadkan waxa dagmada xamarweyne ka dhacay wax la yaab leh, ka dib markii nin maskiina oo ganacsanaya goobtiisii isaga oo ku jira uu ku baraarugay cagafcagaf ku soo dumisay dabadeedna kor u sida isaga iyo maacuuntii uu ku ganacsanayay, taasoo ka fajicisay dad badan oo ku sugnaa goobta, dabadeedna loola cararay Cisbitaal si looga dabiibo dhaawaca ka soo gaaray gidaarki lagu soo dumiyay,inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in uu dhibanahaasii markii danbe u dhintay dhaawacii ka soo gaaray burburinta goobtiisa ganacsi.
Mar wax laga weydiiyay Maamulka dagmada xamarweyne, hab dhaqankan arxan darada ah waxa uu sheegay in ay howsha wataan maamul ka awood badan isla markaana aaney jirin cida iyaga wax ka weydiineysa ama ku ixtiraameysa howshooda,tasoo u muuqata in howlgalada xamarweyne ay yihiin kuwa ka soo fula Maamulka G/banaadir.
Dadka qaar waxa ay kuu sheegayaan in Xamarweyne loogu ganacsado sida loo k ala jeebweyn yahay,loona kala qancin og yahay madaxda Gobolka, waayoo waxaa aad loo hadal hayaa in howlgaladii burburinta ahaa ee ugu danbeeyay in ay ku yimaadaan, qancinta ganacsatada Ajibka Xamarweyne,oo malaha saluugay halka ay gaadiidku u soo mari lahaayeen kaalintooda shidaal.
Ugu danbeyntii, mar hadii ay howlgalada burburinta ah,canshuuraha,iyo lacagaha sharci darada ah ee laga qaato dagmadu ay noqotay mid joogta ah oo soo noqnoqotay, sow xaq uma laha dad badani in ay is weydiiyaan, XAMARWEYNE MAXAA KU DUUGAN !!!!!!
DHAMAAD/=
FG:- TANI WAA ARAGTIDEYDA>
W/Q:C/qaadir Dulyar
Dulyar23@gmail.com
No comments