WARBIXIN:- HA NOQON YARE..!!! .BY:- MJA



BY:- MJA

Aadmiga ama insaanka waa maqluuq uu illaah u sameeyay Suurad qurxoon & karaamo, waliba isugu daray Maskax & Qalbi oo keyd & hal-abuur xoogan leh, waxaase sida caadiga ah kala duwanaada Aragtida, Midabka, Jinsiga, Dabeecadaha & mabaadiida diimeed ee guud ahaan Insaanka, hayeeshee marka aan si toos ah u abaarayo dullucda & ujeedada Qormadan oo la xiriirta dad Wadaaga Diir, Diin & Deegaan Qudha, waxaan u kala qaadayaa sifooyinka dadka 3-nooc oo kala ah, 1- Same, 2- Xume & 3- Yare, waana hab lagu daraaseeyay cilmi-nafsiga oo tilmaamo durugsan ka bixiyay arinkan.



Ka dhigo tusaale Naftaada, waayo adiga waxaad noqon kartaa qof samaha jecel oo ay bulshadu kuu taqaano Same, ama waxaad noqon kartaa qof xumaha u janjeera oo lagu sifeeyo Xume, kaba sii darane waxaad yeelan kartaa Astaamaha Yare, oo ah heerka ugu sii liita ee uu qofku gaaro inta uu noolyahay, sidaa awgeed Ha noqon Yare!

Waa Maxay Yare?

Micnaha ” Yare” ma’ahan mid ka hadlaya ama la xidhiidha muuqaalka & da’da aadanuhu, ee waa mid ku saleysan Garashada, Caqliga & shaqsiyadda uu Qofku yeelan karo, si la mid ah waa mid ka tarjumaya miisanka shaqo ee Maskaxdda Qofka & Damiirka uu ruux leeyahay.

“ Yare ” waa kana an kala garan dantiisa & dhibtiisa, xuquuqdiisa & waajibkiisa, Karaamadiisa & Bahdilkiisa, wuxuuna had & jeer gacmihiisa ku soo gurtaa Xaabada uu ka dhasho dabka Guba Naftiisa, wuu dareemaa xanuunka gubashada lakin kolnaba ma fahmo sababta gubtay Naftiisa, marwalba waa mid ka qeybgala shirqoolka Noloshiisa isagoo u maxabeysana wuxuu wakhti badan ku lumiyaa inuu dabin adag u dhigo naftiisa, ‘Yare’ kama baxo daal & dood kamana Qado dayac & Daruufo adag!.

Astaamaha aad ku soo saari karto Yare waxaa ka mid ah malahan Dareen & aragti shaqsiyadeed oo uu xaqqa ku fahmo, isagoo wakhti kastana diidmo & dacaayad ula taagan waxa ay dadku wada rabaan ama ah Danta-guud ee umadda uu ka tirsanyahay, uma helo daliil waxa uu diidayo umana hayo karti waxa uu doonayo, dadka wuxuu nacaa qofka runta & talada wanaagsan u sheega, wuxuuna sacabada u garaacaa kan dulmiya ee daday Qalbigiisa, sida dhabta ahna waxaad arimahaas ka garan kartaa inuu Yare yahay mid hoos yaal dabacsan u ah “Xume” oo had & jeedh u adeegsada si daciifnimo ah.

“Xume” oo ah daneyste u dagaalama danahiisa gaadhka ah isagoo aasaya Danta-Guud ee ka dhaxeysa Dadweynaha, si uu danahiisa u gaaro ayauu Xume waxa uu u isticmaala dadka nooca ah Yare, asagoo ku beerlaxaawsada sheekooyin uu usoo fikiray sida Qabiil & damaaci ka dhigan riyo maalmeed, xume oo ah xariif siyaasado badan ayaa si uu uga guuleysto Same-Wadaha wuxuu adeegsadaa Dadka ah Yare oo uu ka dhigtaa Gaashaan, Arintan waxa ay ku bareysaa Qofkasta oo loo isticmaalo baabi’inta Noloshiisa & Mustaqbalkiisa inuu yahay Nooca Yare!.

Tusaale kooban:-

Markii ay dadweynihii Mareykanka ay ka baxeen waayihii mugdiga ayaa si ay u gaaraan Horrumar & nollol wanaagsan, waxaa ay qaarkood oo ka soo jeeday goboladii waqooyi ee Mareykanka soo jeediyeen in la soiiyo xurriyadooda dadki madowga ahaa ee illaa Qarnigii 16-aad loo iibgeyn jidhay badi dalalka Yurub & reer galbeedlka ayagoo laga dhoofin jidhay dalal badan oo ka mid ahaa Qaaradda Afrika, si uu dadka u sinaado cadaan & Madow ba loona helo Wadaniyad guud ayay rabeen Waqooyiga Mareykanka, laakiin Goboladii koonfureed ee mareykanaka Baaqaas waa ay ka dhega Fureysteen ama diideen inay xoreeyaan dadkii madoobaa ee ay adoomeysanayeen, waxaa arinkaas ka dhashay Dagaal culus oo Waqooyiga & Koonfurta Mareykanka dhexmaray waxaana la xoreeyay Dadkii la adoonsanayay ee madowga ahaa, Layaabkuse wuxuu ahaa markii la xoreeyay dadkii loo dagaalamayay, ayaa inta ay Qaarkood is urursadeen waxaa ay furteen dacwado Maxkamadeed Ayagoo ku doodaya “ Maxaa loo laayay dadkii na soo iibsaday ee aan Adoomada u aheyn???”!

Bal ogow hadaba in wakhti hore caalamka uu badi dawo u helay Yare, oo laga soo gudbay, balse uu ku badanyahay bulshooyinka Qaaar ee aan wali sameyn horrumar dhinaca fikirka ah & cilmi ku filnaada wax ka badelista Noloshooda!.

Hadaba Waa Kuma Yare??


 XIGASHO:-BY:- MJA

No comments