HOTEL JUBA |
ku soo
dhawaada Saaxiibo yaal Warbixin nadii taxanaha inoo soo ahaa ee aan ugu
magac daray WADA HADALKA DHISMAYAASHA,
Hadaba Q-3-aad waxaan ku eegi doonaa labada dhisme ee dariska ah waa HOTEL JUBA & EX BAAR FIAT. ....... NOW .....{ DOORBIN HOTEL}
HALKAAN KA DAAWO WARBIXINTA OO MUUQAAL AH :-
https://www.youtube.com/watch?v=3N6ebD7fCq8&t=3s
============================================================
Hadaba waxaa sida caadada ah hadalka bilaabi doona dhismaha wax guconaya oo ah HOTEL JUBA.
HALKAAN KA DAAWO WARBIXINTA OO MUUQAAL AH :-
============================================================
Hadaba waxaa sida caadada ah hadalka bilaabi doona dhismaha wax guconaya oo ah HOTEL JUBA.
=Hallo Baar Fiat.!!!!!
= Haa,! yaa waaye waxa saacaan na soo wacaya,miyeysan
aqoon nidaamka u dagsan Hotelka.....................................
= Sxb waa
Aniga waa Hotel Juba miyaad I ilowday mise magacii baa lagaa badalay.
= Ma Hotel Jubaa, Haa Sory Walaal, ma nafaqa
daraa ku heysa mise waayahaan ilama aadan socon , miyaadan u jeedin sida la iga
dhigay.mida kale magacii Baar FIATna hada la iiguma yeero ee la soco Sxb.
= Aduunyooy
xaal kaa ba’inkastoo aan duqoobay oo aanan indhaha si fiican wax uga arag,
hadana maalmahaan waan maqlayay shanqarta dhismaha weyn ee horteyda ka socda, ee
ma adiguu ahaa Sxb, maxaase laguugu yeeraa hada.
= Aniguu ahaa
Sxb, waxaana ley bixiyay DOORBIN HOTEL ee maxaan kuu qabtaa.?
= Cajiib ma Sxbkey BAAR fIAT oo aan abaar iyo aaran isla soo marnay baa
sidaan Maanta iila hadlaya.
EX BAR FIAT |
= Sorry ,!! qalad
ha iga fahmin Sxb, ee hadalka ii wad maxaa cusub.
= ,Waa yahaye i dhageyso, !! inkastoo jidka noo dhexeeya waayadii danbe la dhigay jawaano caro ah oo
aanan si sax ah u hubin in Baar Fiat oo aan wax badan daris aheyn sidaan loo
qurxiyay, hadana waa iga nasiib badan tahaye bal hadaad i xasuusato xaalka ka
waran.
= Si fiican baan kuu xasuustaa Sxb, Alxamdullilah Horta waxa sidaad u jeedo oo waa la i qurxiyay Aniga, hadii shalay la iigu yeeri jiray BAAR FIAT oo ay dadku ii soo doonan jireen Cunto fudud,
iyo adeegyo kaloo yar yar maanta waxaa la ii bixiyay DOORBIN HOTEL, ee horta Sxb mar
danbe BAAR FIAT ha iigu yeerin waan ka xanaaqaaye,!!! miyaadan u
jeedin dhismaha cajiibka ah ee la iga dhisay, tan
kale hada waxaa la iga dhex helaa Cuntoooyin nooc walba leh, waxaana ii soo hurda taga Madaxda iyo dadka lacagta
leh, waana la iga bogsiiyay wixii
burbur iyo diif ahaa ee i soo maray oo
markaan xaal keygu Sxb waa heer sare.
= Allaha kuu
siyaadiyo Sxb,!! hana i
soo xasuus sinin noloshii hore ,!! Aniguba waa baan ahaa mid ka mid ah Hotelada ugu casrisan Caasimada, waxaana la iga dhex heli jiray Adeeg kasta oo nooluhu u
baahan yahay, waxaana lahaa meelo lagu
nasto, meelo lagu ciyaaro iyo meelo lagu
dabaasho oo ay aad uga heli jireen dadka dalxiisayaasha ah, weliba Habeenka
Jimcaha ah sidaad xasuusato waxaa dhexdeyda Muusig aad u macaan ku garaaci
jiray Kooxihii Durdur, Shareero,Iftin iyo kuwa kaleba,waxaana qolal keyga
hurdada u soo tartami jiray Ajaanibta iyo Madaxda dalka, Alla maxaan aduunyo macaan keeda soo arkay,
maantana waxaa igu hoyda Bisadaha iyo Ariga, waxaana ka mid ahay mid ka mid ah
dhismayaasha ugu ayaanka darán Caasimada Muqdisho.
EX- HOTEL JUBA |
= Waa runtaa Sxb ee iska adkeyso, Aniguba waagaas waan kaa
maseyri jiray marka aan arko qurxuxdaada ,dadka kugu soo qulqulaya ,iftiinka
nalalkaaga iyo muusigaaga oo aan ku hurda seegi jiray habeenada qaarna aan
baarkeyga dhexdiisa ka dhageysan jiray ilaa waabarkii, waagii danbana waad
ogtahay wixii dagaal iyo burbur aha ee na soo maray, xataa dadkii waagaas na
bililiqeystay saaxiiboow wajiyadooda qaar baan ka sii xasuustaa,waligeeyna kuma
fikirin inaan sidaas u fool xumaan doono Aniga iyo Adigu, Lkn hada aniga aad
baa la ii maalgaliyay waxaana ka mid noqday mid ka mid ah dhismayaasha ugu
qurxoon muqdisho, marka Sxb iska samir adiga awalba dowlad baa ku dhistay
hadana iyadaa ku dhisi doontee.
= Dowlad kulahaa, !! Sxboow Soomaalidu waxay tiraahdaa {Bowdyo Rageed maalinba mid baa qaawane,} maanta waa maalin teydii mana filayo in dowladi i dhisi doonto waqtigaan iyo waqti u dhow oo taas waan ka quustaye, waxaan kaloo la yaabanahay dhismo yaashii kale ee Dowladu lahayd dad baa boobay oo dhistay,lkn Aniga iyo Sxb keey HOTEL CURUBO, xataa waxa na dhaca oo na dhista waan la’nahay malaha Degmada aan ka dhisanahay baa noogu wacan nasiib darada, ee widaayoow madaxda kuu soo qaxwo tagta bal na soo xasuusi intaas axsaan noogu samee.
= Dowlad kulahaa, !! Sxboow Soomaalidu waxay tiraahdaa {Bowdyo Rageed maalinba mid baa qaawane,} maanta waa maalin teydii mana filayo in dowladi i dhisi doonto waqtigaan iyo waqti u dhow oo taas waan ka quustaye, waxaan kaloo la yaabanahay dhismo yaashii kale ee Dowladu lahayd dad baa boobay oo dhistay,lkn Aniga iyo Sxb keey HOTEL CURUBO, xataa waxa na dhaca oo na dhista waan la’nahay malaha Degmada aan ka dhisanahay baa noogu wacan nasiib darada, ee widaayoow madaxda kuu soo qaxwo tagta bal na soo xasuusi intaas axsaan noogu samee.
= kkkkkkkk , na
soo xasuusi madaxda aa,!!! Sxb maxey
kaa yaqaanaan madaxdaan ma waxaad mooday
madaxdii ku taqaanay, kuwaaba hada marka ay i soo Cofe tagaan i kaa weydiiya oo igu yiraahda !!! Maxaa la oran jiray dhismahaan kaa soo
horjeeda,?
= Allow Alle Hadey, ! sidaas tahay bal waxaan iska sii dugaashan doonaa uduga raashin kaaga iyo
iftiinka nalal kaaga inta aan nasiib keena
ka heli doono Aniga iyo Sxbkey
HOTEL CURUBO ee Nabad galyo.
HOTEL CURUBO |
= Waa yahay Sxb, lkn Sug ! Sug ! Sug !! mid aan ku weydiiye malaga
yaabaa Adiga iyo Sxbkaa HOTEL CURUBO in nasiib darada idinku habsatay ay sabab u tahay in aad mar kiinii hore aheydeen
Dhismayaal loo soo Tumasho tago oo ay sidaa Carada Alle idin kugu dhacday.
= YAAH !! YAAH !!, maxaad
tiri !! ma adigii Sxbkeey ahaa baa sidaa iila hadlaya , maxaan anigu dhisma ahaan galabsanay, hadii cidi
danbi leedahay dadkii nagu dhex sameeyaa
ilaaheey kula xisaab tamayaaye, War ha
igu dharag dhacsane saaxiibow hadaad
sidaas aaminsan tahay Telefoon ka iiga bax.
=Maya Maya !! Aniga mar walba Sxbkey baad tahay, waana i dhibeysaa fool xumadaadu ee hadaad
hadal kayga ka xanaaqday ka raali noqo Anigaba hada shaqaan ka daahayaa
oo castomar keygaa i sugayee waa inoo maalin kale.
= Anigaaba waalnaa markaan wacay nin sidaa u kibirsan,... Tumasho ku lahaa.......tag dheh..........
=DH A M A A D=
============================================================
= Anigaaba waalnaa markaan wacay nin sidaa u kibirsan,... Tumasho ku lahaa.......tag dheh..........
=DH A M A A D=
============================================================
= HAL KAANA HA INOO JOOGTO WARBIXINTII WADA SHEEKEY SIGA
DHISMAYAASHA OO AAN 7-AADKAN KU SOO QAATAY LABADA DHISME EE ISKA SOO HOR JEEDA
WAA HOTEL JUBA IYO EX BAAR FIAT OO HADA LOO BIXIYAY DOORBIN HOTEL.
==============================================================
==============================================================
Qalinkii"- Abdulkadir Dulyar
dulyar23@Gmail.Com
Muqdisho/Soomaaliya
No comments