WARBIXIN:- ISBADALKA SIDEE BAAN U FAHAMNAY.?








Waa yaabe maxey aheyd sheekadan Soomaalidu bilowday ee ah.
In Qof xil haya oo aan laga qaadin ama aan  Dambi Qaranka ka galin oo Xabsiga la dhigin, in  isagoo Xaafiiskiisa fadhiya oo shaqadiisa in Jagadiisii la isku soo sharaxo.?

Dhawaan ayey aheyd markii Xilka laga qaaday Gudoomiyihii Gobolka Banaadir Md Madaale laguna badalay Gudoomiye cusub oo lagu magacaabo Thabit, balse  Afar cisho ka dib  magacaabis tiisa uu  Md Thabit   dhamaanba xilalkii ka xayuubiyay Gud/K/Xigeenadii Gobolka lanna yimid 5 Gud/K/Xigeen oo labo dumar tahay balse dhamaan tood ah Qurba Joog.

 Iminka  ayaa hadana la soo warinayaa in  Rag iyo Hablo  hor lihi  durbaba  bilabeen  iyadoo aan Madaxdii hore lagu sameyn shaqa joojin ineey   isku soo  sharaxaan Xilalka  Gudomiya yaashii Dag Mooyinka Gobolka B.naadir .Ma fahmin sheekadan ee hala iga daba geeyo dhaqankan.




Horta Xilku waa meerto waana la iska qaadi karaa .oo dowlad nimada ayaa  sidaa iska  ah .....Oh !! ..Hadaan gartay sababta Qurba joogta xilalka loogu dhiibo ..Waayoo Dal iyo Dad fowda iyo sharci la'aan 30 Sano ku soo jiray oo wax walba isku qasmeen  Wasiirkii , Taliyihii,  Gudoomiyihii Gobol ama Dagmo  ee xil ka qabta waxaa laga rabaa  sow maaha inuu dad badan qaladaad kooda ku xiro. Ku ganaaxo. Masuul xil gudan waayay darajada ka rifo shaqadana ka eryo,  Inuu Dad  Ka qaado dhul iyo hanti ay xoog ku heysteen muda dheer,  Dil toogasho ah dad ku xukumo. Qandaraasyo sharci daraa Ganacsato hubeysan ka burburiyo, oo tilaabooyinkaa iyo kuwa kaleba ku dhiirado si loo soo celiyo Dowlad nimadi. HAA HAA

Marka  hadiba Masuul ku  2 Sano iyo wax ka yar uu xilkiisa ku weynayo. Ama dowlada ka dambeysaa Masuul cusub u keensaneyso xilkiisa .isagana aan Meel kale ee dowladed loo badaleen  ama aan Xabsiga la dhigeyn sidii dowladii Kacaanku sameyn jirtay   oo hada  dibada  lagu  tuurayo oo kaliya ,  Kaaga darane maalinta xilka laga qaado ay ugu dambeyso Mushaar dowladeed iyo Staff Amnigiisa ilaaliya ileyn waxa uu Masulkani u eedoobay waa wajibaad dowladeed oo uu gudanayaye.

Sidee hadaba howshaas Halista ah uga shaqeyn karaa qof aan heysan meel uu u cararo ama ku noolaado .sow markaa xaalku noqon maayo marba hadaadan heysan Passport Shisheeye Dowlada ku dhex Nooloow waxna ha u qaban hana ka hor imaan sharci darada socota, Hana ku eedoobin Xilka sii heyn meyside.

Halka kuwa heysta Passpor-aduna ay ku fikirayaan oo kaliya  ka shaqeyso dowlada oo Boob hantida aad maamusho. Dabadeed iska tag marka lagu yiraahdana dib ula midoow Caruurtaadii maxaa kaa galay. Hadiiba  hadaad wax qabato oo dadaasho iyo hadaadan wax qaban oo Hoteelada Iskaga qaxweyso laba daraale xilka lagaa qaadayo hadii Madaxweynaha la badalo. Xukuumadaadu dhacdo, Wasiirkaaga xilka laga qaado oo mid cusub yimaado ama Gudoomiyaha Gobolka seeftu qaado.iyaduna la mid tahay oo aad meesha ka baxeyso , Maxaa ku waalay hadaba. MOOYI.

Waa in dhaqan kaas wax laga badalaa hadii kale wey sii socon doontaa in masuul kasta marka xil loo magacaabo in uu si Saf mar ah u wada badalo dadkii isaga shaqada dowlada uga soo  horeeyay  lana yimaado xer cusub oo ay isla jaan qaadi karaan. Balse aan wax aqoon ah u laheyn shaqada loo magacaabay iyo heerarka ay soo martay ama dhibka laga soo maray hortii iyo sida loo soo xaliyay. YAAB !!!

Fadlan ku dayda habka Naadi yadda Sportiga loo dhiso. Weli ma aragteen Naadi Macalin kii, Kaaliya yaashiisii, 26 kii ciyaar tooy, magacii Naadiga iyo dhul xaaqayaashii hal subax la wada  badalay ....MAYA SIDAAN FILAYO

Balse wey dhacdaa sow maaha  in la badalo macalinka dabadeedna uu Macalinka cusubi la yimaado kaliya yaal cusub iyo 2-3 Ciyaar tooy oo cusub uu Naadiga ku xoojinayo,   Taasinna waa caqliga saliimka ah iyo kalsoonida Macalinka.

Bal is weydiiya Aaway Madaxdii hore ee Dalka ama gobolka soo maray. Badan kood waa dhoofeen , kii aan awoodina ama waa uu ka tahriibay dalka ama waxeey dantu ku qasabtay inuu Qabiilkiisii dib ugu laabto oo ama xil ka raadsado ama ku dhex noolaado ama uu masuul kale oo ay Qaraabo yihiin Oo magaalada jooga kula daarto  oo ciidankiisa weheshado, Pls yaan la gaarsiinin Dowlad nimada in qofku Caruurtiisa ka cararo oo la noolaan waayo.  SUBXAANAKA YAA CADIIM.

Caqabadaas waxaa ka badbaaday sidaan filayo in yar oo markii hore xarfaan aheyd sal mugiina u fadhiyay Magaalka.

 =Waa gar inaad badankiinu ila yaabtaan waayoo waxaan ka hadlay waa mow duuc la wada og yahay la ii gana aqoon badan yahay balse ma laha  lagu wada  balamay inaan wax laga qaban oo lagu kala shaqaysto

Ugu dambeyntii , hadii la rabo in Dalka la hagaajiyo. Oo Shabaab lala dagaalo. Shaqada lagu eedoobo. Sharcigii la soo celiyo. Fadlan  ha laga daayo masuuliyada ciyaarta hana laga war hayo madaxda xilka laga qaado ee aan Passporada Ajnabigaa heysan  hadii aan xil kale oo dow ladeed loogu bada leyn mid ka laga qaaday
,
Sidoo kuwa heysta Passporada shisheeye balse jecel in  hadii xilka laga qaaday ay dal kooda iyo dad kooda  u sii shaqeeyan waxna ku biiri yaan dowlad nimada iyagoo aan markaa Jaga ka heyn, waa in iyagana lagu tixgaliyaa dareen kooda Soomaali nimo isal markana ay dowladu ka war heysaa..... . Hadii kale wax qabad yaan laga sugin Madaxda.

HADII KALE. ...

Ha iska daba wareegto,
Sida Owr dilaaladu .
Duhur seylad keeneen.
Diid  in jiha loo raro.

Mahadsanidiin.

TANI WAA ARAGTIDEYDA GAARKA AH. .

No comments