July 11, 2012
Ma ahan wax la wada dafiri karo in
umad waliba oo meel ku wada nool ay u baahantay xeerar ay heshiis kuwada yihiin
oo qoran isalmarkaana si cad u qeexi karaya wax kasta oo sababi kara in ay ka
abuuraan dhexdooda muran siyaasadeed iyo mid bulshadeed labadaba, hadaba iminka
waxaa horyaala Umadda Soomaaliyeed qabyo qoraaleedka Dastuurka oo la galiyay waqti iyo maal farabadan
soona maray gacmo kala duwan 6 sanadood ee la rogrogayay.
Mudadaasi dheer dastuurka KMG ah waxaa
faraha ku hayay gudi caalamiya oo magaciisa loo soo gaabiyay (IFCC) kaas oo
isagu jira Soomaali iyo Ajaanib lagu sheegay in yihiin dad quburo ku ah hab diyaarinta dastuurka,
dhanka kale dastuurkan waxaa tixraac looga sameeyay sida la sheegay dastuur kii 60 kii , kii
dowladii kacaanka iyo qodobada qaar oo la sheegay in lagaga soo biiriyay
dastuurada caalamka qaar kood.
Gaar ahaan wadamada aan wadaagno
nidaam siyaasadeedka la doonayo in Soomaaliya lagu maamulo mustaqbalka dhow iyo
kan fogba kuwaas oo ah dowladaha muslimka ah si la isku waafajiyo qoraalka dastuurka
iyo isabadala bulsho iyo deegaan ee Soomaaliya waqtigan ka jira.
Tan kale waa hubanti in dad badani
ay layaab ku noqotay cadadka lacageed ee beesha caalamku ay ku bixisay
dastuurka qabyo qoraaleed ka ah oo ay iminka qolo waliba si uga qeylineyso walina
aan lagu kala qanacsaneyn, Dastuurkan oo sida ku xusan asal looga dhigay diinta
islaamka maadaama aanu nahay umad muslim ah 100%, hadana waxaa uu ka kooban yahay 77 qodob, ugu
horeyna qodobadaasi qaar ka mid ah waxaa ay la kulmeen mucaarado xoogan oo dal iyo
dibadba leh waxaana sidoo kale dhaliilo u jeediyay Culimada Soomaaliyeed oo sheegay in dastuurka qodobadiisa qaar ka mid ahi ay ku jiraan
qodobo ka hor imaanaya diinta islaamka, inkastoo beesha caalamka ay handaado
kala horyimaadeen dadkii ka cabanayay qodobo ku jira Dastuurka. .
Hadana waxaa cad in madaxda qaar ka mida dowlada KMG ah iyo beesha Caalamka ay handadaado ku sameeyeen dhinac yadii durayay
qabyo qoraalka dastuurka kuwaas oo si isdaba joog ah mudooyin kan Muqdisho ugu qabanayay shirar lagu diidan yahay qodobada qaar ku qoran dastuurka, haatan in ay ka hadlaan iskaba daaye waxaa
lagu amray hay'adaha Nabadsugida in ay kula xisaab tamaan Hoteeladii lagu qabto
shirar looga hadlayo isbadala dalka iminka ka soconaya.
Inkastoo soo bandhigista dastuurku
ay ku soo beegantay xilli aad u adag oo ay dalka ka jiraan qilaafyo siyaasadeed
iyo dagaalo ay dowlada KMG ahi ku dooneyso in ay kula wareegto labada Shabeelle
oo gacanta dowlada ka maqnaa intii lasoo doortayba, hadana lama dafiri karo in dowladan. waxyaabaha ugu muhiimsan ee horyaala ay ka mid yihiin dib u xoreynta gobolada koonfureed ee dalka oo ay
inbadan oo ka mid ah gacanta ku hayaan Al-shabab iyo turxaan bixintaqabyo qoraalka Dastuurka KMG ah,
Hadana sida saxda ah waxaa Dastuur waliba uu dhaqan gal noqon karaa marka baarlamaanku ansixiyo aftina looga qaado shacabka islamrkaana uu Madaxweynuhu saxiixo, hase yeeshee Somaliya maadama aysan waqtigan suurtagal ka ahayn in qof kastaa oo qaan gaar ah oo miyir qaba laga qeybgaliyo dooda Dastuurka, .Waxaa taas badal keeda loo igmaday Odayaal Dhaqameedyo aasaas looga dhigay xiliga loogu magac daray (Kala-Guurka) wallow qudhooda wax laga sheeg sheegayo sida cidda soo casuumtay ama maamuleysa, hadana ma ahan howlyar in meel la isugu keeno odey dhaqameedyo tira intaa la'eg ka kooban lana sheegay in laga kala keenay Gobolada Dalka.,
Si kastaba ha ku yimaadaane waxaa muuqata in odoyaal dhaqeedyadan la saaray masuuliyad ka weyn oo taariiqiya oo la oran karo waxaa ay la mid tahay tii Legadii oo kale, inkastoo waqtigu aanuu ahayn waqtigii oo kale hadana waxaa laga rabaa in ay masuuliyadooda u gutaan si Soomaalinimo ku dheeghan tahay kana muuqato Wadaniyad, iyo cadaalad, hadiise sida iminka xamxamtu ay sheegeyso ay yihiin odayaal dowladu KMG ah iyo wakiilka QM Ogestin-Mahiga ay meel kuwada xareysteen oo aan loo ogoleyn in ay dhageystaan talada Aqoonyahanada iyo tan bulshada rayidka ah kaga imaanaysa taasi waxaa ay u muuqaneysaa in ay yihiin odoyaal magac u yaal ah oo aan ka madaxbanaaneeyn amarada dowlada KMG ah..

Waa sax in mudooyinkii dambe ay is
gaabiyeen dad badan oo ka hadli jiray dastuurka iyo xaalada siyaasadeed uu dalku
iminka marayo iyo in ay yaraadeen shirarkii looga hadli jiray siyaasada dalka,
hadana inkastoo xaalku sidaa yahay lama oran karo maamulayaashii dastuurka
waxay ku adkeysteen sidii larabay.
Waayo, dhowaan waxaa la sheegay in odaayaal
dhaqameedyada loo qeybiyay dastuur la sheegay in wax laga soo badalay qodobadii
qaar ee la diidanaa, tan ugu daranise waxay ahayd markii ay gudiga dastuurku ku
tilmaameen xadgudub iyo faragalin markii dowlada KMG ahi ay qoraalka dastuurka
u qeybisay odaayaal dhaqameed yada islamarakaana ay sheegeen in loo gacan
dhaafay howshoodii, sidoo kale odayaal dhaqameed yada ayaa iyaguna sheegay in aaney u
madaxbanaaneyn dastuurka loo qeybiyay in ay turxaan bixiyaan oo aaney u
madaxbanaaneyn amaba ay ka dhiib taan fikir kooda.
Madaxda dowlada KMG ah oo iyana dhowaan ka
hadashay go’aanka ay sida wadajirka ah u soo wada saareen gudiga dastuurka iyo odoyaal dhaqamaadku ayaa
waxaa ay sheegtay in gudigu uusan xaq u lahayn in uu qaado talaabo ceynkaasi oo
kala ah maadamaama uu waqtigiisu dhamaaday.
Su aasha hadaba la isweydiinkaro
ayaa waxaa ay tahay sharci ahaan xil maka qaadi kartaa dowladu gudiga dastuurku
? taasi waxaan u deynayaa sharci yaqaanada iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed,
dhanka kale hadii shalay Culimaa’udiinka, Aqoonyahanada iyo Beelihii ka hadli
jiray qabya qoraalka dastuurka lagu tilmaamay in ay yihiin qaswadayaal,
Hadda maxaa loogu yeeri doonaa gudiga
dastuurka Soomaaliya maadaama ay cadeeyeen sida loo wado dastuurka, oo dowlada
KMG ay faragalin ku hasyo, taladoodana aysan u madaxbanaaneyn, markase aad
fiiriso sida ay wax u socdaan waa mid ku soo xasuusineysa sheekadii ahayd.:-
“Waxaa weel wax kuwada cuni jiray wiil iyo gabar wada dhashay, gabadhu wiilka wey ka boobi jiray cunada, markuu in mudda ah wiilku qarsanayay dhib kiisa ayuu maalin maalmaha ka mid waxaa uu Aabihii ka codsaday in maanta oo qudha gooni loo siiyo cuntadiisa.waana laga aqbalay.
Wiilkii oo faraxsan ayaa intuu isha ku xaday gabadhii oo meel halkaas ah cuntada labada gacmood ku cuneyso, markaas ayuu inta qoslay oo Aabihii soo jeediyay ku yiri Aabo eeg gabadhaadi waxay igu heysay ayey isku heysaa, halkaas ayuuna Abihii ka ogaaday in gabadhu dhib weyn ku heysay Wiilka,".
Hadda sow dadkii horay uga hadli jiray dastuurka ee la caburiyay xaq uma lahan in ay yiraahdaan, maadaama diyaariyaashi dastuurka iyo madaxdii dowlada KMG oo awalba is ku meel ahaa ay maanta is hayaan in ay qoladii hore tiraahdo WAXAY NAGU HAYEEN AYAY ISKU HAYAAN.!!
DHAMAAD/=
FG TANI WAA ARAGTIDEYDA.
Qalinkii C/qaadir Max’ed
Faarax Dulyar
No comments