Nov 8, 2014
Waa dhacdo goob
joog loo soo wada ahaa sanado badan oo ina soo maray, sidaa daraadeed Shacab ku xiiso uma qabaan lamana yaabana
xiligaan sida wax u socdaan waayoo wey soo arki jireen weyna ka dharagesan
yihiin ujeedka iyo halka loo socdo ama ay ku danbeyn doonto sheekadu, balse waxa kaliya ee ay is
weysiinayaan waa:- Maxaa Madax deena isku dabeecad ka wada dhigay,? Miyaa marka
hore la isku soo qasbaa wada shaqeyntooda.? Xagee laga soo magacaabaa
Raysal-Wasaaraha.? Iyo Madaxdeenu la dirir mooyee la shaqee miyaaneey aqoon.? Dabcan
Weli jawaabo la taaban karo looma hayo weydiimahaasi.
Tan kale Malaha hadii Madaxdeena dhiigooda la wada
baadhi lahaa waxaa suurtagal noqon lahayd
in ay isku nooc wada noqon lahaayen
balse nasiib daro lama baarin, mid
walibana waxa uu noola yimaadaa ama
nooga tagaa calaamado u eg raadadka
kii ka horeeyay, welina waa ay socotaa
dabeecadda ah MA WADA SHAQEYN KARNO.!!
Waxaase doorkan
Cajiib ah in ay bulshadu ka gudubtay ka hadalka waxa ay Madaxdu isku khilaaftay
ayna taa badalkeeda baararka iyo Maqaaxiyaha shaaha lagu cabo ku xisaabinayaan marka
Madaxweynuhu soo xulanayo Reysal
wasaare la shaqeeya iyo sanad ka dib
marka ay is qabtaan ama marka Reysal wasaaraha loo qabto Xaflad diisa Magacaabista, iyo marka uu sanad
jirsado ee la is qaniino, dhaqaalaha ay ku kala
bixiyaan Madaxdu labadaa marxaladood ee kala dareenka duwan kalana dadaalka badan, , iyo weliba waqtiga qaaliga ah ee ay ku lumiyaan, inkastoo
qiyaas ahaan ay aad u kala sareeyaan hadana waxaa la isku raacsan yahay in tan
danbe lagu lumiyo dhaqaale aad u fara badan oo aan markii hore laga fikirin
baajintiisa.
Hadiise waqtiyadii
hore marka la maqlo khilaafka ka dhex
jira Madaxda Sare ee dalka durbadiiba loo kala fasiran jiray siyaabo kala duwan taasi hada meesha waa ay ka baxday ka dib markii uu Xildhibaan xog ogaal ah oo ka mid ahaa aqoon yahanadii wax ka soo
diyaariyay Dastuurka KMG ah, uu dhawaan
si cad u sheegay in markii horeba diyaarinta Dastuurka loogu talagalay in ay is qabtaan Madaxda Sare ee dalku waayoo ayuu yiri waxaa laga cabsaday in ay yimaadaan
Madax is fahamsan oo boobta hantida iyo awoodda dalka xiliga KMG ah.sheekadaana
wey socon doontaa Inta laga gaarayo
Doorasho xor ah oo dalka ka dhacda oo lagu soo doorto Madaxda Dalka. Runtii markii
aan maqlay hadalkaa qudheyda wax badan
oo ku aadan khilaafka Madaxda Sare ayaa iska key badalay .
Haa, waan garowsaday hadal kaa waayoo waxaan xasuustay in hadaba iyagoo Madaxdeenu aaney aqoon badan isku laheyn lagana yaabo in ay kala baqayaan in hadana markasta la sheeg sheego in la musuq maasuqo deeqaha iyo dhaqaalaha Caalamku noogu yabooho, maxaad u maleyn laheyd marka hadii koox istaqaana ama is fahamsani ay gacanta ku dhigi laheyd talada dalka xiliyadan KMG ah,waxaa hubanti ah in ay na soo gaari lahayd jug ka culus midda hada na gaartay.Dhanka kalese waa fariin ayaan dara ah oo muujinaysa in waqtigii ku haboona Madaxda Soomaaliyed lagu aamini waayay samata bixinta dadkooda iyo dalkooda burburay.
Inkastoo
hada la hadalhayo in uu khilaaf ku faraha la galay qorshaha loo sameeyay in lagu gaaro Siyaasada 2016-ka taasoo
labada oday ay isku fahmi waayeen maadaama aaneey isku meel u wada socon, hadana
Siyaasad ahaan waxa ay Madaxweynaha ku noqon doontaa wajigabax iyo in uu laba
Sano gudahood la shaqeyn waayay labo Raysal Wasaare, waxaaba suurtagal ah in ay
beesha Caalamku gabi ahaanba ka aamin baxaan
Madaxda Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa iminka talada dalka haya,sidaas oo
ay tahayna waxaa la leeyahay hadana waa
uu ku qasban yahay in uu is dhaafiyo
Raysal Wasaaraha iyada oo sida muuqata loo
mari doono codka Baarlamaanka, si ay
isaga iyo saaxiibo dii sameyn weyn ugu
yeeshaan talada dalka wixii ka dambeeyay
2016-ka, waxanse la dafiri Karin in uu halkaa ku lumi doono waqti badan oo la qaban lahaa howlo muhiim u ah
dalka iyo dad kaba.
Ugu
dambayntii, iyadoo doorkan laga
faa’ideysanayo waaya aragnimadii la soo maray miyaney ku habooneyn
in ay Madax deenu labada orod mid
daayaan, sida orodka iyo xiisaha ay marka hore isugu soo xushaan xilalka sar
sare ee dalka oo marka farxadooda la arko lagu wada maqsuudo in ay
si dhow oo hufan u wada shaqeeyn doonaan iyo orodka danbe oo ah in Sanad ka dib la maqlo gafuur tuur iyo xanaaq
xarga gowys ah oo dhex yaala Xaafiis yada
Madaxda Sare, Waayoo Ma aha labo is
qabata ama la jeclaan
karo in sanad walba la caadaysto muran Madaxeed joogta ah oo ka bilowdo dano gaar ahaneed kuna dhamaada codka
Baarlamaanka iyo cadaadis shisheeye.
DH A M A A D./=
FG TANI WAA ARAGTI DEYDA.
W/Q:- Abdulkadir Dulyar
dulyar23@gmail.com
Mogadishu/Somalia
No comments