WARBIXIN:-SUXUFIGA IYO SAXAAFADDA.!! WQ:- Abwaan Hadraawi.



XIGASHO:- weedhsan.com              17 April, 2006

Warbaahinta, gaar ahaan Saxaafadda madaxa banaan meel ay joogto waa iftiin iyo ileys horsed ka ah  nolosha Umadi leedahay.majaraha ay ku socoto iyo abaarta ay ku jiheysan tahay Saxaafadda wax ku oolka ahi waxey sawirtaa eel qarsoon iyo lama aragta kowda ah, waa jeedal qac kulul oo ka qeylisiiya leyliga biyaha kashiisa ku jira ka didaya.arin kasta oo Saxaafadi soo bandhigeyso waxeey u soo bandhigeysaa hab iyo hanaan hubsiino,miyir iyo miisaan ku dheehan yahay, waxeey soo bandhigtaa waqtiga ku haboon, waxeyna raacisaa  talooyin iyo tusmooyin, waxeey ka digtaa waxyeelada ka imaan karta iyo saameyntiisa.


Meel kasta oo maamul jiraba waxeey u qeybsan tahay ineey isha ku heyso,waajibaadkaa halista ah Saxaafaddu waxey ku heshaa sumcad, Magac iyo maamuus, waxaa kordha miisaanka ay leedahay iyo tixgalinta loo hayo,waxeey hoysataa kalgacalka umadda taasina waxeey dhalisaa iney hesho cudud miigan oo dhan walba ah =oo ay ku tiirsato oo isku kalsoonideeda xoojiya,waa qalab feejigan oo lafaha hoose oo xaajo dabool adagi saran yahay qaawisa.waa qalab cid walba ku tola iney dhabaha toosan raacdo oo la iska ilaaliyo, hadana Saxaafaddu mar walba ma aha sidaa,  ee  sidaas  iney noqotaa waxeey ku xiran tahay  shuruudo badan iyo iney arima badan oo aasaasi ahi jiraan.

Suxufigu waa kuma.!!
*Wuxuu leeyahay  aragti sugan,avaar sugan, mabd’a, aqoon guud,iyo aqoon gaar ah oo uu ku jiheysan yahay,
*Cid walba waxuu kaga adag yahay ku dhac iyo badheedhe.
*Wuxuu hey’ada shaqada tooska ah ku leh la ilaaliyaa Mabaadiida iyo shuruucda dalka u taal, wuxuu ilaaliyaa dhaqanka suuban ,anashaxa iyo asluubta umadi leedahay
*Waa in uu leeyahay miyir iyo miisaan ilaaliya howlihiisa.
*Waa in aanuu mabd’a ka dhigan xasaradda,xeerjajabka iyo dhinac u janjeerka  guracan ee dhabbada sugan ka leexinaya.
*Waa in uu ka fiyoow yahay oo  ka madax banaan yahay Balwooyin camalka dhaawaca ama dib u dhiga.
*Waa in uu leeyahay hibooyin qurxisa howshida sida aftahanimada iyo farshaxanimada.
*Waa in uu asturan yahay dhinaca hayiga iyo heynta.
*Waa inuu ka nabad qabaa qarqarsiga iyo qafaalashada xasiloonida qaadda.
*Waa in uu ku tiirsan yahay meelo xaqiisa ilaaliya oo ku gudban ama gaadh haye ka ah.

Maxeynu ka nidhi Saxaafadda.!!
*Marka horaba waa in ay Saxaafadu ka soo jeedaa Umadda iyo waayaheeda.
*Waa in Saxaafadu tahay sawirkii umadda oo dib loo tusayo si ay isku daawato.
*Waa inay ilaaliso  Midnimada iyo maslaxadda umadi leedahay.
*Waa in xilka saxaafadu yahay  toosin iyo talabixin.
*Waa inay xambaarsan tahay nuxur iyo mug marba marka ka danbeysa isi soo taraya.
*Waa iney tahay macalin “Laqan” ah oo dadka wax bara waxna ka barta.
*Waa iney tahay mid keydisa dhacdooyinka maalmaha.
*Waa iney isku xidho dalka iyo beesha Caalamka.
*Waa iney yeelataa cadow fara badan oo colaadiisu ka soo jeedo dano gaar ahaaneed iyo  gurac wax ku doon.
*Laakiin waa ineey ku tiirsan tahay Shacbiyad  Cudud iyo Ciidan  ka fara badan cadowgeeda.
*Waa ineey difaacdo xoriyada iyo xuquuqda muwaadinka.
*Waa in dadku hiil iyo hoo la garab taagan yahay.
*Waa in dowladu  ixtiraam iyo xoojin la garab taagan tahay.
*Waa iney ka madax banaan tahay masalooyinka reeban.
*Waa ineey leedahay sharciyad Urur iyo Ururo ilaaliya.
Intaasoo dhan iyo in kaloo ka badan waa Suxufiga iyo Saxaafadda is waafaqsan oo ka jira meela badan oo dunida ah.

Balse hadaan u soo noqdo Suxufiga iyo Saxaafadeena, suurta gal noqon meyso ineynu teena barbar dhigno suxfi iyo saxaafad soo jireen ah,dhismay oo dhan walba dhidibada aastay,ka gudbay heerarka caqabadaha ku ah oo dhan,oo aynu si walba iyo dhan loo dayaba ku kala duwan nahay.

Teenu marka hore waa saxaafad da’yar oo socod barad ah,oo weli aan gacanta ku dhigin qodoba badan oo aasaasi ah,waxaa dhacay bur-bur  guud oo laastay naf iyo maal,dhur iyo dhaqan, anshax iyo asluub,burburkaasi weli waa socdaa maalin walba maalinta ka danbeysa dalka iyo dadka waaxbaa  sii dageya,waxna waa soo hagaagayaan,taasna astaamaha cadeynaya waxaa ka mid ah barkaca iyo sibiq dhaqaaqa dalka ka socda,geediga iyo suudalka taxanaha ah,ama isbadalada  nafwaaga ah-ee ka muuqda  dhismayaasha, Ganacsiga, Waxbarashada IWM, xaaladaas ayey saxafadeenu dhex taagan tahay,waxeey salka ku heysaa waayaha ka jira dalka iyo dadka,umaddu kuma biirin karto arin aqoon AMA  aduun midna.

Ragga iyo dumarka saxaafadu  badi waa  dhalinyaro ah  ay u dhiman tahay aqoon iyo waaya aragnimo,waxeey sameeyeen dadaal aan dadaal kale ku tiirsaneyn,waxaa heysta qorshe la’aan iyo qalab la’aan,waxaa heysta fadqalalo iyo fara marnaan,waxaa heysta cadaadis iyo caga jugleyn dhinac walba kaga imaaneysa,weli ma saldhigin oo uma saahidin xilka iyo masuuliyadda hortaal ee ay kaliga ku yihiin,cid hundo og oo ka warheysaa ma jirto,cideey nabagalyo ahaan ku tiirsan yihiin ma jirto,

Marar badan bey dhacday in badan oo iyaga ka mid ah in la dilo,la dhaawaco ama xabsi loo taxaabo oo aan laba cali is weydiin,oo weliba habka iyo hanaanka loo soo qabto marka la xirayo ay dadnimada ka baxsan tahay,mudana ay iska xirnaadaan iyadoo aneey jirin danbi lagu soo oogay oo maxkamadi ku cadeysay,hadeey dhaliilo leeyihiin waa dhaliilo ka muuqda dalka iyo dadka,sideey wax ku dhaliyaana waa rag ka rooni iyo dadaal  ay kali ku yihiin.

WABILAAHI TOWFIIQ.


No comments