FARIIN WAALID OO AAN U DIRAY AROOSKA WIIL KEYGA QORANE DULYAR & LAMAANIHIISA










FARIIN WAALID:-  LINKIGAN  KA DAAWO
https://www.youtube.com/watch?v=BVQZVV8xYzY&t=20s


FARIIN WAALID.

Alhamdu Lillah, Hadaan Maanta nasiib u yeeshay inaan goob joog u noqdo Arooska Wiilkeyga Qorane Dulyar iyo Gabadhayda Khadiijo abdullahi,oo maanta oo ay taariikhdu tahay  04.11,2017-da uu   Aroos koodu ka dhacayo ESPOO FINLAND.
Marka xiga ma aamin sani in Kaliya Wiil keygu guur sanayo ee waxa aan aamin sanahay in uu saaxiib key Guur sanayo, waayo maanta  labo nin oo is le’eg baan nahay sow maaha,kkk
TAN KALE :- 

- Ugu horayn baba waxaan ku farayaa inaad ku dadaasho Cibaadada allah iyo Sunada Nabi geena Muxamed CSW,  islamarkaana aad gurigaaga ka dhigto guri uu ka muuqdo Diin,Akhlaaq iyo dhowrsanaan
– “ Marka xiga Sxb, Baro in qofka aad is khilaafi kartaan, kalana aragtina noqon kartaan iyada oo aanay colaad shakhsi ahi idin dhex marin, nacaybna uusan idinku dhex abuurin” ogoowna in wax walba  ay ku dambeyn doonaan hadba sida aad Adinku  u xalisataan.
– Sxb “Weligaa ha ogolaan in qof kale kuu fikiro, adduunyada maanta waxaa jira dad aad u badan oo jecel in qofka ay maskaxdiisa ku shubaan aragtida ay iyagu qabaan. Aaminsiiyaanna waxa ay aaminsan yihiin”
– “Sxb keyoow, weligaa ha iska raaxaysan, iyada oo xaaskaagu hawl adag ku jirto, xitaa haddii ay kugu celceliso in ay iyadu ku filantahay hawshaas, ha ka yeelin ee wax uun ka caawi”
– “Ha isku dhejin illaa xadka aad aaminsan tahay aragti daada ama go’aan ka aad qaadatay, hana isku mash quulin illaa heerka aad ku qanacsan tahay saxnimadiisa, waa inaad ogaataa in si kasta oo aad isula quman tahay ay haddana suurtagal tahay in aad qaldan tahay”

-Wiil keygiyoow Haweenka waxaa laga abuuray feer qaloocan,waxaana ogaataa in abuurta Allah aaney ceeb aheyn,hadii ay Xaaskaagu qalad aad u daran oo kaa fajiciya sameyso fadlan ku dadaal in aad hadal dabacsan ku toosiso qalooca jira,adigoo iska ilaalinaya inaad jabiso qaloocii jiray,jabkuna waxa uu noqonayaa furiin, tan kale ha adadkaan hana jiljilic sanaan si aad xal ugu hesho in uu qaladkii soo laabo ama sii  socdo.
1-  
– “Sxb keyow, weligaa naxariista iyo calool-dabaca ha ka tegin, kuna dadaal in aad mar kasta naftaada dhigto halka qofka aad la macaamilaysaa  oo Xaas kaaga ah ay taagan yahay”

– “Sxb keyoow, Marka ay noqoto in aad xaas doorato, Noloshaada waxaa ku soo korortay 3 difaac adag kaaga baahan,1- waa xaaskaaga, 2 -waalid kaas oo labada dhinac ah iyo 3- oo ah Waqtiga iyo Dulqaada shadiisa, waayoo hadaad shalay kaligaa aheyd maanta waxaad heshay wehel nolosha kula wadaagga,hadaad kaligaa  raashin cuni jirtay maanta wixii ka dambeeya waxaad ku cuni doontaan labo qof,biri hadii alla idin siiyana waxaad ku cuni doontaan 3- iyo ka badan Waxana ka rajeynayaa inaad si adag uga soo bixi doonto masuuliyadaas  una ilaalin doonto gudashada waajibaad yadaas kala duwan. waan hubaa in aad kartideeda leedahay.
KAFTAN:- Dhinaca kale,Arooska Sxbkey Qorane waxa aan u qaadanayaa  Fariin uu Espoo iiga soo diray iguna leeyahay Duqa Ciyaaraha dumarka ka fadhiiso, mar hadaan Anigu Aqal galay, taana waxaan leeyahay inkastoo aad igu soo kadisay sxb weli garoomada waan kugula jiraa oo 4-3-3 ayaan ku wada ciyaari doonaa Insha Allah,  fariin taadana waad ku  mahadsantahay.  kkkkk
Ugu dambeyn waxaan u Mahad Celinayaa Hooyo Bilan Salad Jama, oo ah hooyada ku soo dadashay Qorane iyo Caruurta kale xili adag oo ay qurba ku noolaayeen, waliba Aaabe la'aan ku howshootay Tarbiyadooda,Aqoontooda iyo korintoodaba,sidoo kale  waan hooyada suurta galisay iney maanta Curad keena aqal geyso waana uga mahad celinayaa Karti daas iyo garasho daas,

=Waan jeclaan lahaa Caawa inaan xaflad diina  goobjoog ka ahaado oo aan farxaddaada kugu garab galo weliba aan ka boodo ama dhaanta ka ciyaaro,balse iima suurtagelin waxaanse Muqdisho idinka soo leeyahay Hambalyo! Hambalyo! Congratulation Your Wedding My Son & My Daughter 
                                ==============
Mahadsanid Aabo.
Aabo Abdulkadir Dulyar
Muqdisho/Soomaaliya


No comments