Dunidaan
casriga ah ee aan ku dul noolnahay xiligaan waxa ay dhankii laga eegaba u
dheereyneysaa sida shey cirka laga soo tuuray oo kale.waxaana la oran karaa
rubuc qarnigii ugu danbeeyay waxaa Aduunka lagu soo kordhiyay adeegya tira beel
ah iyo wax aan la qaban Qarniyadii
tagay, taasina waxa ay keentay in la hindiso malaayiin Campany oo soo saara wax
kastoo Dad iyo Duunyaba aas aas u noqon kara hurumarka noloshooda haba lagu sii
kala horeeyee,
Waa hubanti
in Campaniyada wax soo saara ay tartan ugu jiraan hanashada quluubta bulsha
weynta caalamka,si ay alaabahooda ugu qanciyaan una helaan macaamiil joogta
ah,si ay guushaa u gaaraana waxa ay adeegsadaan farsamooyin kala duwan oo lagu
kala tagsan yahay,haba ugu sii mudnaato dacaayadaha ay u sameeyaan alaabahooda
iyo hurumarinta magacyadoodee,
Hadaba
quburada qarnigan ganacsiga wadaahi waxa ay ogaadeen in dacaayadaha ama
xeyeysiinadu ay door muhiima kaga jiraan horumarka ganacsiga,waxa ayna had walba
jaangooyaan wax soo saarkooda,iibinta magaca Campaniga iyo cidda ay rabaan in
ay gaarsiiyaan fariintooda,iyadoo halka ugu badan ee lagu dagaalamayana ay
tahay da,da ka hooseysa 40 tan jirka oo 75% ah bulshada,...
Tusaale,ruuxa
ka weyn da,da 50-ka ama ku dhow weli waxa uu xasuustaa noloshii hore oo aan la
aqoon waxa hada la yaqaano,lamana qabsan karo casrigaan ciir ciiraya,bal u
fiirso dhanka teleefoonada hadii ay isku dayaan qaadashadooda inta badan waxa
ka fadhiistaan boosaska kuwa raqiiska ah, dantooduna waa ineey ku hadlaan oo
qudha,balse jiilka maanta waa ay ka xanaaqaan ama ka xishoodaan qaadashada
telefoon aan qaali aheyn,waayoo waxa ay ku jiraan halgan kale oo la yiraahdo Facaa iska dhici,tan kalena
waxa ay awood u leeyihiin adeegsiga macluumaadka tirada badan ee ku jira,
Sidoo kale
Campaniyada soo saara,Cumputarada,Gaadiidkaa noocyadiisa kala
duwan,Softweerada,waxyaabaha la isku qurxiyo ama la isku carfiyo, qalabka
digitalka oo malaayiin nooc ah,dharka, kabaha, saacadaha,Cabitaanada iyo
dhamaan waxa kasta oo hadda la adeegsado, ninba taagtii waxa uu wax soo
saarkiisa u sameeeyaa dacaayado maadaama uu tuhmayo in tartan lagula jiro,
Dhamaan
Campaniyadani waxa ay u kala xusul duubayaan waxa ay tahay sidii ay shucuubta
caalamka u isticmaali lahaayeen adeegyadooda,waxaana iibinta magacyadooda kaga
baxa Malaayiin dollar, ma aha macnuhu in lacagahaa faraha badan aanuu Campanigu
u baahneyn balse waxa uu maanka ku hayaa tartanka yaala suuqyada dunida,
Waxaa
sidoo kale lagu kala hormarayaa shaqsiyaadka iyo goobaha caanka ah,sida
Cayaartoyda, Fanaaniinta,Actarada,Naadiyada iyo meelaha kale ee ilqabadka
leh,ujeedkuna waxa uu yahay in la kasbada taageerayaasha ay ku leeyihiin
aduunka,iyo barashada magaca Campaniga ee shanta Qaaradood si isku mid ah looga
arkayo,
Campaniyada
Nike,Adi-das,Buuma,Kabo Fly Emarites,Ithihaad Airweys, Toyota,Samsung opec,iyo
kuwa kaloo aan qoraal lagu soo koobi Karin waa kuwa dacaayadahooda si weyn uga
faa,ideysta dhanka Sportiga noocyadiisa kala duwan,maadaama Sportigu uu yahay
aalad xoog badan oo ay xiiseeyaan bulshadu, waxa ayna iyaga oo bixinaya
xuquuqda lagu yeesho sameeyaan Funaanado, koofiyado, iyo shey yaal kale oo
magacyadoodu ay ku yaalaan,sidoo kale waxa ay boorar il qabad leh ku dhajiyaan
garoomada cayaaraha iyo magaalooyinka dhexdooda, balse ogoow meel kasta oo ay
isticmaalayaan waa hishiis laba geesood ah ama canshuur baa ku socota,
Soomaaliya
hadaan u soo noqdo, tan iyo bur-burkii waxa ay ka mid aheyd dalalka dadkooda
looga faa,ideystay sida tabeelayaasha oo kale,waayoo hadaad dhex marto suuqyada
ama magaalada waxaad arkeysaa oo kaa hor imaanaya dad ku labisan Campaniyo
isticmaalka magacyadooda ku bixiya lacago ama ay aheyd in ay ku bixiyaan lacago
sida, Nike,Adi-das,Samsung,Cookacolla,Pepsi, Nokia,Sportsman,Toyota Fly
Emarites, Boss, Cofee, Omega,Turkish Airweys,,National,Yahoo, Pansonic,Google,Facebook,Barcless,Shell,Vadafone
iyo kuwa kaloo badan,
Sidoo kale
waxaad arkeysaa magacyo shirkado Isgaarsiin, Xawaalado,Carwooyin,Warbaahino,kuwa
Duulimaad,Hotelo,magacyo Caano, Cabitaan iyo Sigaar,goobo la isku qurxiyo,iyo
shirkado kale oo ganacsi oo dhamaantood
si ay uga faa,ideystaan Tabeelayaashaan socda ee aan is ogeyn,si fudud ugu
sameeyay Funaanado, koofiyayaal,Qalmaan,Dalado,Saacado iyo waxyaabo kale,
dabadeedna u qeybiyay weliba bulshada intooda
jilicsan ee duruuftu ku qasbeyso qaadashadooda,sidoo kale waxaad arkeysaa
gaadiid muraayadaha looga dhajiyay calaamado shirkado ganacsi,oo laga yaabo in
aaneey aqoon halka ay ku yaalaan,
Mana jiro
wax hishiis ah oo ka dhexeeya iyaga iyo Campaniyada ay magacyadooda ku wareejinayaan magaalada,
halka ay Campaniyadani hishiisyo iyo lacago badan ku bixiyeen Tabeelayaasha aan
socon ee ay hareeraha wadooyinka ku xardheen, balse waa marag ma doonto in Campanigu uu ku helayo faa,ido badan xeyeysiinta lugeyneysa, marka
sow lama oran karo dadka noocaas ah waa TABEELAYAAL SOCDA OO AAN IS OGEYN.
=dh a m a
a d =
FG:-TANI WAA ARAGTIDEYDA.!!
No comments