Soomaaliya waxa ay u muuqataa mid majaha kala sii baxeysa dhooqada dagaalada iyo dowlad la’aanta inakstoo ay wali dariga ku dhacayaan xargaha lagaga jiidayo maadaama aan la oran karin waa lagu guulaystay in la dhameeyo dagaaladii, Ururadii, Maamul xumadii dowlad la’aantii nasoo daashatay 21 sano ee lasoo dhaafay.
Mar kasta oo aad fiiriso sida ay wax u socdaan gaar ahaan caasimadii Soomaaliya ee Muqdisho oo bari ahayd Hooyadii Marti galin jirtay dagaalada iyo khilaafaadka waxaa la oran karaa dhinaca bulshada waxaa kasoo muuqanaya horumar iyo talaabo wanaagsan oo mudan in lasii laba jibaaro.
Muqdisho waxaa iminka ka socda dayactir iyo dhismooyin waa weyn oo la doonayo in looga faa’ideysto Mustaqbalka, waxaana sidoo kale madax lasoo kacaya ganacsi casri ah oo ganacsatada Soomaaliyeed ay ka horgalinayaan magaalada si taa la mid ah iyadoo laga faa’ideysanayo nabadda curdunka ah waxa ay ganacsatada iyaga oo mudan in lagu abaal mariyo ay dib usoo celiyeen in loo dabaal iyo salxiis tago xeebaha Jaziira iyo Liido ee magaalada Muqdisho, waxaana tani ay keentay in qurba joogta ay dib usoo laabtaa markii shaashadaha Tv-da ay ka arkeen muuqaalada quruxda badan ee xeebaheena inkastoo kaaf iyo kala dheeri ay tahay mar la is barbar dhigo sida ay haatan yihiin iyo sidii ay ahaan jireen.
Muuqaalada ay rajada ka muuqato ee Muqdisho ma aha kaliya ganacsiga, dhismooyinka iyo xeebaha balse waxaa jira qaar ka mid ah adeegyadii dadka ka wada dhaxeeyay oo uu wax ka qabtay Maamulka gobolka Banaadir waloow laga yaabo in dadka qaar ay dhaliilo ka keenaan oo ay jeclaan lahaayeen in shaqada laga qabtay wadada Maka Al Mukarama mid la mid ah laga qabto wadooyinka kale ee caasimada, waxaase dadka qalbiga wanaagsan leh mudan inay soo xasuustaan maahmaahdii ahayd Roma hal maalin laguma dhisin.
Tan kale waxaa dhawaan wadada Maka Al Mukarama laga taagay 50 Baale oo ifinaya wadada kuwaasi oo aan u baahneen Matoor, Fiilo iyo Shidaal oo aan ooga faa’ideysaneyno ileyskooda habeen qoroxdeena maalmeed, waaana talaabo wanaagsan oo uu u baahan yahay guud ahaan dalkeena.
Waxaa hadaba arinkaasi ka yimid dhibaatooyin kadib markii boolashii laga furay mid ka mid Baalayaashaasi sidoo kalana weerar bambaano lagu qaaday Baalo kale waxaa kaloo looga baqay in darawalada dhawaan galka ah ay dhinac u tuuraan qodobadaasi iyo qodobo kale ayaa Maamulka gobolka Banaadir waxa uu u arkay inay caqabad ku yihiin baalayaasha.
Mushkiladahaasi dhamaantooda waxa ay keeneen in Baalayaashii lagu wareejiyo darbi korna looga xiro Silig, qof kasta oo ka yimid dhul nabadeed waa mid uu kaga cabir qaadan karo marka uu arko sida loo dabray baalayaasha Ifinaya wadada gaaraadka bulshada Muqdisho iyo sida uu xaalka u cakiran yahay layaabna ay la noqoneyso marka looga sii sheekeeyo waxa sidaasi loo yeelay ay tahay in dadkii mugdiga ku jiray 20-kii sano ee lasoo dhaafay ee loo ifiyay magaalada ay jeclaan lahaayeen mugdigoodii hore.
Dhinaca kale waxqabadka Muqdisho ma aha 50 Baale oo kaliya balse waxa ay u baahan tahay Muqdisho in dib loo soo celiyo bilicdeedii hadii ay ahaan lahayd wado ama dhismo, waxa ay sidoo kale u baahan tahay in Ubaxyo lagu beero jerdiinooyinkii lagu nasan jiray iyo waliba in lagu taxo hareeraha wadooyinka.
Hadaba su’aasha isweydiinta mudan ayaa waxa ay tahay hadii baalayaashii u horeeyay ee tijaabada ahaa sida xaalkoodu yahay maxaa laga yeelayaa dhirtii iyo fiyoorayaashii Muqdisho lahaan jirtay Soomaalidase Ubax malagu aamini karaa.?
DHAMAAD/=
FG. TANI WAA ARAGTIDEYDA.
W/D:C/qaadir Max’ed Faarax (Dulyar)
No comments