{warbixin ka hadleysa isbadalka Muqdisho}
12.6,2011
M/Muqdisho, oo soo martay maalmo
murugo iyo murano colaadeed xanbaarsan,oo aad u xanuun badan,wararka hawada
laga mariyaana ay ahaayeen, Rasaas diririg leh, Dagaal dhacay, Madfac dig yiri, Guri dumay,Dhaawac daba yaal, Daaduun qaxaya,Dad la laayay,Qof la
dal-dalay,Miino daadsan, Diryan qarax,Dilal habeysan,Siyaasaddo is
diidan,Afkaaro diimeed,Dakad xiran,Sun la duugay,Dowladdo taag daran,Ciidamo dalxiis ah, Caalam aan
daneyneyn,Doodo halis ah,Dareen cabsi leh,Dad kala
shakisan,Dariiqyo kala xidhan,Maata dayacan,Dacaayado raqiisa, iyo qodobo kale
oo maqalka u daran,haatanse gudbe maal mahaasi oo xaalku sidii hore maaha,
Inkastoo ay dhamaan raadadkaasi weli
ka muuqdaan Muqdisho,,hadana marka la eego isbadalka dag-daga ah ee ku dhacay
wixii looga bartay,waxaa la oran karaa waxaa ka soo muuqanaya isbadal iyo saan
saan Caasimadeed,waloow weli xaalku yahay faanoonle fari kama qodna,
Dad badan oo Soomaali iyo Ajnabi leh
ayay filan waa ku noqotay markii ay soo baxday in Al-shabaab oo dagaal lagu
hoobtay sanado kala soo horjeeday Dowlada,si sahal ahna aan la fileyn in lagu
saari doono, in laga riixay ama ay iyaguba isaga baxeen furumihii dagaalka
sabab kasta ha ku timaadee,balse waxaa hubanti ah in arinkani wax weyn ka
badalay sawirkii laga heystay Muqdisho, iyo cabsidii laga qabay amaankaba,
Waayoo, markii ay Dowladda KMG ahi
shaacisay in ay iska fogeeyeen ciidamdii Al-shabaab ee kulaalayay Madaxtooyada
iyo marinada dowlada,waxaa durbaba Caasimadda soo beegsaday oo ka soo dagay
masuuliyiin dhowr ah oo madaw iyo cadaanba leh kuna asteysan heer kasta oo
darajo dowladi leedahay, sida Madaxweyne, Reysal-wasaare,Wasiiro, Xubno
Q.midoobay ah,kuwa urur goboleed,wakiilo hey’adeed,Safiiro.iyo wufuud kale oo
caalami ah,
Waxaa markii ugu horeysay xiliyadaan
danbe, garoonka diyaaradaha lagu garaacay muusig ka turjumaya astaamaha
Calamada wafuud dowladeed oo na soo booqday,waxaa loo goglay roog gaduudan oo
gaaarsiiya kuud alwaax ah oo meel dhexe la dhigay si ay madaxdu ugu sugaan
dhageysiga astaanka qarankooda, waloow dhamaantood ay ahaayeen socdaaladoodu
kuwa isku ujeedda ah, sida in ay u soo gurmadeen abaarta iyo macluusha ka
dhacday Soomaaliya, hadana
dhanka kale waxa ay muqdisho u aheyd dareen soo xasuusin
kara sidii ay ahaan jirtay bari samaadkii,waxaa naga maqnaa oo qura caruurtii
ubaxa , ardaydii,shaqaalihii,hooyooyinkii dagmooyonka ee hareeraha wadooyinka
la safi jiray ee kala midabka ahaa, iyo mootooyinkii iyo taraafikadii loo
carbiyay in ay wafuudda dalka timaada hor socdaan,iyaguna nagama foga hadii la
muujiyo laguna wada howl galo dareen wadaninimo iyo isku duubni wada jir ah.
Sidoo kale, markii ay madax sar-sare
si nabad ah ku yimaadeen kagana laabteen waxaa Muqdisho, loo waayay
mar-marsiyihii loogu meereysan jiray magaalada Neyrobi, waxaana markii ugu
horeysay lagu qabtay shir caalamiya oo looga hadlayay amaanka Soomaaliya,
kaasoo 20-kii sano ee ugu danbeysan hadba lagu maamuusay Caasimad
kale,malafyada ka soo baxana lagu maamulayay magaalo madoow oo ay kala
maamulaan maamulo kala maan ah oo aan marna lagu sugeyn in ku hishiiyaan wax ay
ku mideysan yihiin.
Waxaa sidoo kale, dib boorka looga
jafay gaadiid mudda dheer darbaalnaa oo dhaqaaq iyo beecba laga quustay,
kuwaasoo maalmahaan lagu arko wadooyinka iyagoo u socda raxan raxan iyo kali
kali,laguna xardhay calaamado hey’adeed islamrkaana ay ka soo muuqdaan
daaqadahooda rag iyo dumar cadaana oo wakiilo ka ah hey’adahaasi,waxaa sidoo
kale xarakaad ka muuqdaa Hotelo awal cidla ahaa oo u soo samray macaamiishii
soo martay deyn iyo deeqba,sidoo kale waxaa dayactir lagu sameeyay nalal
waaweyna la shiday dabaqyo horay u dansanaa oo ninkii lahaa quus ka joogay kuna
fikirayay siduu isaga xaraashi lahaa.
Waxaa sidoo kale is badal ku yimi
qalabka warbaahinta oo maalmahaan u batay hadal heynta,wafuud dalka soo
gaaray,kuwa ka duulaya,diyaarado soo dagay, shirar is daba joog ah,gar gaar is
daba socda, deeqo lakala gudoomayo, nadaafad iyo dib u furid wadooyin,iyo
qodobo kale oo muujinaya horumar,sidoo kale dad badan oo ku caajisay ku
noq-noqoshada 1-KMitir, oo ay naftooda ku aaminineen marxaladda jirtay awgeed
ayaa maalmahaan ku luga baxsaday xaafado ay muddo dheer ugu danbeysay,inkastoo
ay mararka qaar la yaab ku noqoto sida ay meelaha qaar noqdeen iyo sidii ay aheyd
markii ugu arag danbeysay.
Dhanka kale, madaxda Qaranka oo
mudooyinkii hore fadhiid ku ahaa aqalka Madaxtooyada,ayaa maalmahaan bilaabay
dhaq-dhaqaaq iyo booqashooyin iyo weliba in ay ka hadlaan fagaarayaal ay ku soo
banana-baxeen shacabka Muqdisho, taasina waa ifafaale kale oo muujinya
isbadalka curdunka ah ee ka bilowday caasimadda.
Inkastoo ay kala nasiib iyo hooda
wacan yihiin wadooyinka Muqdisho, hadana wadada Maka-al-mukarama.waxa ruuxii
magaalada ku cusubi dareemayaa rajo,marka uu arko nalalka wadada ku
xiran,dayactirka ka soconaya iyo isu socodka habeeenimo ee gadiidka,waxaa
suurta gal ah in ay wax weyn iska badalaan argtidii hore ee uu ka qabay
Muqdisho,balse waxaa hubanti ah hadii uu mar qura jaleeci lahaa wadooyinkii
saaxiibada la ahaa wadadaan sida wadada wadnaha,Baar ubax,warshadaha,iyo kuwa
kaleba,in mar kaliya maankiisu ku soo noqon lahaa fikirkii hore ee uu
aaminsanaa,howsha wadadaan ka muuqatana uu ku qiyaasi lahaa dhoolatus
siyaasadeed.
Balse, Muqdisho, maanta waxa ay
tabeysaa Nabad ka tisqaada oo dhibada loo adkeeyo, dib u dhis baahsan oo lagu
cirib tiro raadadkii ay dagaaladu ku reebeen,dad iyo duunyo wixii ka qaxay oo
dib ugu soo laabta, in loo furo suuqyadeedii ganacsiga,in loo helo maamul hanan
kara oo sugi kara amaanka shacabka,iyo in ay bulshadu ugu wada noolaato sidii
ay ugu noolaan jirtay xiligii tagay,hadiise la waayoo maamul iyo siyaasad ka
faa’ideysta iftiinkan waxaa hubanti ah in aanuu qofna dhowreyn xiligan
dheereynaya, oo ay ka faa’deysan doonaan qolyo cusub oo aan hada qalbiga lagu
heyn,mar uu waqtigu dhamaadayna laga daba qeylin doono,iyadoo markaana qofka
ugu liitaahi uu oran doono, Alloow maxaan ka digay ineey waxaani dhici doonaan
!!!!
Sidoo kale,Muqdisho waxa ay mahdin
doontaa hadii ay Dowladu si miyir qab leh uga faa’ideysto,baraaruga beesha
caalamka iyo taag darida ku timid kooxihii ka soo horjeeday,si dib loogu soo
celiyo sharaftii iyo Dowladnimadii naga luntay, dabadeedna loo wada howl galo
sidii looga gudbi lahaa KMG-ka na dilooday ee nalaku soo maamulayay mudada dheer,nalakuna
moora duugay, looguna gudbi lahaa Dowladnimo buuxda oo hanata maamulka Dalka,si
ay dadkayagu u diidaan qaxootinimada daashatay uguna noolaadaan dalkooda sida
ay dadyowga caalamku u nool yihiin,Muqdishana u noqoto mid ka mid ah Caasimadaha Aduunka.
DHAMAAD/=
FG TANI WAA ARAGTIDEYDA.!1
WQ.C/qaadir Maxamed Faarax {Dulyar}
No comments