FARIIN BULSHO:- FADLAN HA QALIN XOOLAHA DHADIGA AH.!!
Xagee Naloo Wadaa? (Faallo)
11/19/2011
Uma
baahna hadal dheer,sida uu dalkeenu uga burburay dhan kasta, iyo sida ay uga
faa'ideysteen dalalka shisheeye, waayoo markii uu xalku noqday nidaam la€™aan
meeshana laga saaray dowladii dhexe, waxa ay wax walba noqdeen booba yaa Wadani, waxa uuna ruux kastaahi si xisaab la’aan ah shilimaad yar u siistay hantidii Umadda ka wada dhaxeysay, sidoo kale waxaa si indha la’aan ah dibadda loogu dhofiyay
dhamaan kheyradkii dalku lahaa.
Bad iyo Barinna waxaa ka dhacay wax aan la aqbali karin, waayo xatooyo iyo bareer nooc kastaa looga xamaashay oo lagu xaalufiyay, mana jirto cid la xisaabtami karta ama u soo jedda xilligaan in ay la xisabtanto kuwa waxaa falaya, welina waa loo kala xusul duubayaa sidii loo kala xadeysan lahaa xariiqda Soomaalidu dagto.
Waayo waxa ay dalaaliinta caalamku heleen dal dihan oo dowlad xoog lihi maamuli jirtay oo meel loo soo maro la waayay, markiise laga dumiyay inta lagu diray dowlad nimadii ay u soo hareen dad hubeysan oo dagaal mooyee aan nabad dooneyn, wixii la doonana laga fushan karo ama iyagaba loo dirsan karo.
Dad badan oo jir koodu diidayo waxa dhacaya markey in badan dibnaha ruugeen, waxa ey ugu dambeyn tii hadal ku daayaan, Dalkani wadani damqadaa uma harin, bal ufirso,!! dhirtii bey dubayaan oo xoolihii, Ugaartii iyo xataa dhadigoodii waa la diray, badii waa la daldalayaa, caradii dhoobeyda aheyd qaar baa diyaarado ku raray, khudrad iyo macadantii kale iyaga warkood iska daa , wax kastoo qandaraas loo helo oo yaala Soomaaliya, rag baa maanta la diyaara iney u diraan cidii ka soo dalbata.
Aan dib u celino dhacdooyin na soo maray oo tusaale u noqon kara sida ay dadkeenu diyaarka ula yihiin wixii loo diraba, Sida aan filayo arin ahayd mid aan raad leheyn, balse la arkay natiijadii ka dhalatay, waqtigu waxa uu ku beegnaa xiligii UNISOM, ay dalka soo galeen waxaa mar qura Muqdisho la isla dhex qaaday in Cidamada UNISOM oo saldhigooda ugu weyni ahaa Safaaradii hore ee Mareykanka in qofkii geeya dabacadeeye uu ku helayo qiimo fiican, waa la ogaa tan ka dhacday iyo sidii dabacadeeyayasha loo ugarsaday barigaa, ilaa ay dhacday in rag soo qabtay oo u waday safaaradii Mareykanka, lana soo racay bas dadweyne saaran yahay sabab u noqdaan dhimasho & dhaawac, kadib markii uu dabacadeeyihii ay wadeen kaga dhex baxsaday.
Nasiib darana marna la isma weydiin suurtagalnimada arinkan, waxaa sidoo kale muddo dhaxe la ii sheegay in dakadda lagu qabtay gaari weyn oo lagu soo raray Xayawaanka Diidiin ka ah oo la doonayay in la saaro markab dakadda ku xirnaa balse ay ku fashilmeen dadkii howshaa waday.
Dhamaan arimahani waxa ay daliil u yihiin sida ay Soomaalidu u xaalufineyso dalkeeda ulana diyaar tahay inay u dhoofiso wax kasta oo ay ka soo dalbadaan dalaalinta caalamka, maxaad moodeysaa hadii wax ka sii hodansan la soo heybiyo, waa hubanti iyaga oo aan hubsan inay dhiibi lahaayen sida kal horeba loo sariftay Taalooyinkii, Warshadihii, Maraakiibtii, Matooradii, Macdantii,Ugaartii iyo wixii uu Bir & Bool wadanku lahaa.
Malaha aniga unbaase daalaye, maxaa dibadda & dalkaba jooga rag badan oo weli ku haya maxaa haray dalkii, oo hadii ay helayaan wax ka iibsada, xaraashi lahaa gobolo ka mid ah Soomaaliya, tani waa heerkii ugu dambeeyay oo uu qof bani’aadam ahi ka gaaro damiir xumo, xagga mustaqbalkiisa iyo tan Ubadkiisa ah.
Inkastoo qisaba qiso keento oo uu qalinku ila fogaaday, waxaa xaqiiq ah qolo waliba wixii ay taqaanay ama loo dhiibay in ay maalin ku qaadeysay, hase yeeshee hadii aan u soo noqdo sababtii aan qalinka u qaatay, waa waxyaabo loo qaadan waa ah iyo qaladaad dhacay 3-dii maalmood ee Ciiddi Arafo.
Waxaa sanadkaan si weyn uga dhex muqday Ciiddi Hay’ado Turkiya oo ay gacan siinayaan kuwo Soomaaliyeed, waxaana oran karaa dowlada Turkiga iyo shacabkeedu waxa ey mudan yihiin amaan marka loo fiiriyo gurmadka & isgarbtaaga ay noo muujiyeen waxayna ku soo beegmeen xilli loo baahnaa oo ay Soomaaliya abaari ku dhufatay.
Balse waxaa ayaan daro noqotay in Hey’adaha Turkiga ahi xoolihii ay kaga qeybqaateen gowraca Ciidda Udxiyada ee loo qeybiyay dadka barakacayaasha ah, 60% in ay ahaayeen neefaf Dhadigga oo badankood ay Irmaanaayeen.
Xoolahaan oo isugu jiray Geel, Lo, Ari, iyo Ido, ayaad moodaa in loo soo soocay intii Irmaanayd, waxaana meel kasta lagu arkayay neef yar oo meyd ah oo laga soo riday xoolihii la qeybinayay haba u badnaadeen Arigee xilli la filaayay in dhulku daaq yeesho maadaama roob noo da’ay Sanadkaan xooluhuna ay dhalaan si dadkeygu ugu soo kabsado abaartii sanadkii hore ku dhufatay lamana garan karo in ay aqoon xumo ka ahayd iyo in ay ku sireen Soomaalida xoolaha ka iibsatay oo aan ku fikirin dabar go’a xoolaheena iyo in kale.
Waana suurtagal in dad badan oo ka quustay nolosha mustaqbal kooda in ay arinkan igula yaabaan waase arin uu xaq u leeyahay muwaadin kasta oo damiirkiisa soo jeedo in uu ka hadlo wax kasta oo xaalufin iyo dabar goyn u keenaya dalkiisa iyo dadkiisa, Anna waxaan maanta leeyahay xaalka waan u jeednaaye Soomaaliyeey, XAGEE NALOO WADAA.?
DHAMAAD/=
FG.TANI WAA ARAGTIDEYDA.!!
W/Q: C/Qaadir Maxamed Faarax Dulyar
dulyar23@gmail.com
Muqdisho/Soomaaliya
No comments