Oct 6,2014,
Shaki kuma
jiro in ay shalay Soomaalidu is wada dishay oo kala qaxday,is wada xumeysay oo hadana is nacday, iyadoo badankoodu
aaneey ogeyn sababta dadkii is jeclaa oo wada daganaa waqtiga dheer ey sidaa u sameynayaan ama isku gumeynayaan, qaar bayse la fogaatay waagaa cuqdadda laga dhex abuuray bulshada oo waxey rumeysteen in sidii loo dirirayay waligeed loo coleysnaan doono, kuwana inta
badan waa ka fogaadeen wixii fool xuma ahaa ee dalka ka dhacayay,oo waxaaba la oran karaa taa
badalkeeda wey ka xumaayeen wixii
hareerahooda lagu falayay waxna kama qaban karin.
Maantana dib beey
isugu soo laabatay Iyadoo aaney jirin meel si dhab ah looga wada
hishiisiiyay wixii kala gaaray ama cid
u kala balan qaaday in ay daawo u heshay xumaantoodii oo aaney dib dambe u soo laaban doonin, iminka
wey wada ganacsadaan oo is dhexqaadaan, dhibka wey isaga damqadaan,weyna
is gargaaraan, sidii bey isu guursadaan oo ubad isugu dhalaan,amaba u wada
sheekeystaan una kaftamaan, dabcan dun baa jirta u diidan si kastooy isu dishay ama u kala hayaantay ineey kala
maqnaadaan.
Waxaaba la
oran karaa waqtigaan Xig yar baa ka soo laabtay damiirkii iyo
Dadnimadii ay dharaarta cad ka dheelmatay bulshadaani
kuna xambaartay sameynta wax kasta oo
aan wanaagsaneyn, waase goor ay dhaceen
wixii dhici lahaa goorta la soo baraarugay oo la is weydiiyay waxa ay Soomaalidu isku qoonsatay iskuna leysay ama ku kala
tagtay.
Wey fiicnaan
laheyd in maalmo hore sidaa loo fikiro oo la is weydiiyo Su’aalo badan oo iminka jawaabahooda la hayo,balse aan
u daayo Qadarta iyo in ay si qunyar qunyar ah dadku u soo fahmayeen waxa isku diray ama
kala geeyay in ay tahay oo qudha SIYAASADDA,
oo Koox waliba ku
dooneysay si ka duwan sida ay ku doonayeen kuwii kaga horeeyay, QABIIL,
AWOOD CIIDAN, ISBAHEYSI SIYAASADEED, DIIN, DANO SHISHEEYE,MAAMUL XAAFADEED, iyo
weliba wajiya kaloo badan oo midba
maalintiisa lagu soo muraadsaday. ogoowna intaas oo isku day marna looma
daneyneyn shacabka ee waxaa had walba la iska ciideynayay Cadka la isku heystay,
marka been bey aheyd wixii marar badan
lagu howlgaliyay Beel hebel ama Koox hebel looguna dhiibay hubka si ay
Reer hebel ama Koox hebel uga doontaan xaqoodda.
Hadiise ,
wax-xoogaa laga soo gudbay ama garaad ahaan laga koray wixii awal la rumeysnaa ama la isku
heystay,weli waxaa jira qatara kale oo u
muuqanaya kuwaa oo ay waqtigaan bulsha badani u heelan tahay ama aaminsan
tahay in lagu kala nabad gali karo, waa Sun nooga timid dalalka dariska ah oo
mar hore lagu talaalay Gobolo dhowr ah kuwa kalena hada lagu qalqaalinyo in
lagu mudo si ay Madaxweynayaal uga noqdaan kuwooda ugu xukunka jecel
misana aan kala jecleyn danta guud iyo wadajirka Umadda.
Kuwaa i oran doona “oo ma waxaad diidan tahay in Qabiil walba
uu gobolkiisa ama deegaankiisa u sameysto Maamul
iyo Madaxweyne ”, HAA, waa midaas midda aan diidanahay
waayoo nidaamkaa Goboleysigaa ma aha wax aan Anagu dooranaye waa wax naloo dooray oo
aynaan aqoon ahaanba wax badan ka fahamsaneyn waana mid dib danbe noo dhaxal siin kara dagaalo cusub oo mar kale ka dilaaca dagalo iminka nabdoon waana hubanti hadii lagu sii adkeysto in ay furmi doonaan albaabo ay ku qoran
yihiin DAGAALADII GOBOLEYSIGA AMA DAGAALADII MURAN DHULEEDKA.
Hase yeeshee,Soomaalidu waa Ilama Adeer, waa
Wiil iyo Abtigii, Gabar iyo Sodohdeed.waana Xidid iyo Xigaalo kalamana
maarmaan, Rajada iminka iiga muuqata
shacabkana,Waan hubaa si kastoo loo kala qobqobo in uu weli nool yahay dareenkii wada dhalashoo dhiiranaan jiray,Waan hubaa markeey dhanaan
tahay iney dhexda isku xiran doonaan, Waan
hubaa hadeey is mutaan in eysan kala dhuuman doonin, Waan hubaa marka uu dhamaado
xiisaha Madaxtinimo iyo Cadka ay isku
hayaan in ay Caanaha isugu jira wada dhami doonaan insha Alaah.
FG:- TANI WAA ARAGTIDETDA.
DHAMAAD//=
W/Q:-
C/qaadir M,Faarax {Dulyar}
Miqdisho/Soomaaliya
No comments