In kasta
oo ka hadalka federaalka Soomaaliya ay dib ugu
laabaneyso
ka hor xornimadii dalka, kahadalka waqtigan
waxa
uu soo bilowday bilowgii 1990-kii. . Laakiin
federaalka
si rasmi ah looguma qorin dastuurka
Soomaaliya
ilaa 2004 xilligaas ee uu socday geeddisocodkii
nabadda
ee lagu qabtay Embagathi, Kenya
shirkaas
oo lagu sameeyay Dowladdii Federaalka
Kumeelgaarka
ahayd, taas oo waddada usii xaartay
dowladdan
federaalka ah ee Soomaaliya.
Waxaa
jira rabitaan xooggan oo ku qoran
Dastuurka
Ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, haddana
dowladihii
kala danbeeyay ilaa 2004-tii waxa ay ku
guuldareysteen
in ay dhaqan geliyaan federaalka sababta
oo
ah xukunkooda oo aan gaarsiisnayn meelaha
ka baxsan
caasimadda
Muqsdisho. Doorashadii Madaxweyne Xasan
Shiikh
Maxamuud ee dhacday Sebtembar 2012 kaddib
ayaa
la bilaabay dhaqan gelintii rasmiga ahayd. Laakiin
xitaa
xilligaas, habka dhaqangelinta waxa uu ahaa mid si ka
fiirsi
iyo qorshe la’aan ku dhacayay mar
kastana aan
waafaqsaneyn
dastuurka kumeelgaarka ah.
Dastuurka
kumeelgaarka ah waxa uu waajibinayaa labo
gobol
iyo wixii ka badan (kahor 1991) in ay isku biiri
karaan
si ay u sameystaan maamul/dowlad goboleed. Taa
waxaa
sii dheer, dastuurka waxa uu sheegayaa sameynta
Guddiga
Xuduudaha iyo Federaaleynta (GXF), oo ah
guddi
madax banaan loona idmaday in ay qiimeeyaan
sharci ahaanshaha iyo dhaqan gelinta
maamullada cusub
kahor
inta aan la ogolaanin. Labadan qodob oo uu
Dasturku
waajibiyay waa leyska indha tiray marka la
eego hannaanka hadda wax ku socdaan.
Marka
laga reebo Puntland, oo ka horreysay
maamulada
hadda la aqoonsaday. maadaama Iyada Waqooyi Bari
Soomaaliya
laga sameeyay 1998-dii, welina waxaa
loogu
tixgeliyaa in ay tahay dowlad goboleedkii
ugu
horeeyay ee sameysma. Waxa ay aheyd u doodaha
ugu
weyn ee hannaanka federaalka tan iyo markii la
sameeyay
2004-tii . sidoo kale Puntland waxa ay
ka ciyaartay door muhiim
ah
qorista Dastruur ka KMG ah ee hada lagu
dhaqmo
intii ay socdeen shirar kii Garowe I iyo Garowe II
ee qabsoomay 2012-kii.
Iskudaygii
labaad ee aadka u weynaa waxa uu ahaa
Jubbaland.
Bishii May 2013, siyaasi yiin ka socday
gobollada
Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo ayaa
isugu
yimid magaala xeebeedka waqtiga dhaw lala
wareegay
ee Kismaayo. Waxa ay si iskood ah ugu
dhawaaqeen
Jubbaland in ay tahay maamul/dowlad
goboleed
cusub taa oo ay aad u taageertay Kenya oo ilaa
4,000
ciidan ka joogaan magaalada Kismaayo. Wufuudda
ka
qeyb gashay shirka waxa ay ku dhawaaqeen in Axmed
Maxamed
Islaan (Madoobe) uu yahay maxadweynaha
Jubbaland.
Dowladda
Federaalka taa aad uma soo dhaweynin, waxa ayna si
degdeg
ah u diidday maamulka cusub iyada oo carrabka ku adkeysay
in
habka loo maray aanu ahayn mid dastuurka waafaqsan sababto ah
qabiillada
degan gobolladaas oo dhan kama qeybgalin, sidoo kale ma
ahayn
doorasho si cad u dhacday. Taa waxaa sii dheer, Dowladda
Federaalka
waxa ay ku eedeysay in doorkeedii dastuuriga ahaa ee
sameynta
dowlad goboleedyada aan la siinin.
Waxa
taa ka danbeeyay colaad dhimasho sababtay oo u dhexeysay
taageerayaasha
maamulka cusub iyo kuwa kasoo horjeeday oo ay
taageereysay
Dowladda Fedeaalka. Kadib shan bil oo qalalaaso ah,
Ethiopia
ayaa dhexdhigtay heshiis kaa oo loo arkay sameysanka
maamulka
kumeelgaarka ah ee Jubba mid kusoo celinaya dhabaha
waafaqsan
dastuurka si ay u noqoto xubin buuxda ee katirsan
Dowladda
Federaalka ah. Ku dhawaad sanad iyo bar, inta badan wixii
lagu
heshiiyay, oo ay ka mid ahaayeen in si wadajir ah loo maamulo
ilaha
muhiimka ah ee dhaqaalaha (Dekadda iyo Airport-ka) wali lama
fulinin.
Sidoo
kale waxaa jira Beela dhowr ah oo wax ka daga deegaanadaa oo si weyn u
saluugsan Hanaanka Dowlad Goboleedka Jubaland iyo Sida iminkaba loo soo xulay
Xubnaha
baarlamaanka ee dhawaan la dhaariyay, welina daawa looma helin arimahaa
DHANKA
KALE
bartamihii
2014. Siyaasiyiin sarsare ayaa isugu yeeray wufuud isugu
jirta
odayaasha dhaqanka gobollada Bay, Bakool iyo Shabeellaha
Hoose
iyadoo ujeedada ay ahayd sameynta Maamul/Dowlad
Goboleed
ay iyaga leeyihiin. Sidii maamulkii Jubba oo kale, natiijada
waxa
ay ahayd mid horey loo sii ogaa. Novembar 2014, wufuud dii
waxa
ay u doorteen Sharif Xasan Shiikh Aadan, oo ahaa xildhibaan
iyo
afhayeenkii hore ee baarlamaanka federaalka, in uu noqdo
madaxweynaha
maamulka KMG ah ee Koonfur Galbeed.balse waxaa
shaki
ku jirin in dhismaha maamulkan ay ka danbeysay dowladda
Ithopia
oo ay ciidameedu joogaan Goboladaasi,ugu danbeyntii Beesha
caalamka
oo iyadu maalgalisay shirka waxa ay si buuxda u amaantay
natiijada
kasoo baxday shirka in ay tahay guul weyn iyo tallaabo horey
loogu
qaaday hannaanka federaaleynta.
Waxaanse
la dafiri Karin in isla Odayaasha dhaqanka ee Gobolada Bay
Iyo
Bakool, Sh/hoose,Gedo.iyo Jubooyinku ay horay ugu dhawaaqeen Maamul Goboleedka
kooban 6 Gobol oo uu Madaxweyne u yahay Madoobe Nunow AUN,
Balse
caadaadis kaga yimi dhanka beesha caalamka iyo Dowlada dhexe ay fadhiid ka
dhigtay hirgalintiisa, aakhirkiina lagu qnciyay Madaxweynihii maamul kasi
Madoobe Nunow in ka mid noqdo Wasiirada Maamulka 3 Gobol ee uu hogaamiyo
Shariif Xasan Sh Aadan. Oo laga yaabo in dad badan oo ka soo jeeda
deegaanadaasi ay saluugsan yihiin
maamulkiisa.
Hadda Diyaar garow ayaa ka socda gobolada dhexe kaa oo lagu
sameynayo
maamul goboleed kale. Aragti ahaan, waxa uu ka
koobnaan
doonaa gobollada Galgaduud iyo Mudug, inkastoo
waqooyiga
Mudug ay u badan tahay in ay kasii mid ahaadaan
maamulka
Puntland oo ay katirsanaayeen ilaa 1998-dii. Gudddiga
farsamada
ee loo igmaday diyaarinta sameynta maamulkan waxa
ay
horay u caddeeyeen in degmada Cadaado ay
marti gelin doonto
shirka,sida
iminkaba ka muuqata oo muran dheer ka dib la dhigay
gogoshii
Cadaado oougu danbeyn laga rajeynayo in
laga soo saari doono
maamul
ay yeeshaan G/dhexe..lama oga in marka hore lagu dag dagi doono
Doorashada
madaxweynaha Maamulkaas iyada oo la dhisin gole Baarlamaan,
sida
maamuladii ka horeeyay ee Juba/land iyo K/galbeed oo hada cabashada
Xildhibaanadu
ka taagan tahay iyo in la hor marin doono Xulista Baarlamaankii
dooran
lahaa Madaxweynaha si hadhoow looga
baaqsado muran kale oo ka
dhasha
Qeybsiga Xildhibaanada,
Sidoo
kale weli lama cadeyn waxa laga yeeli
doono Maamulka Ehlu Sunna Waljameeca
Oo
ah urur hubeysan oo siyaasiya oo ka dhisan gobolada dhexe horayna u sheegay in aaney aqoon saneyn Shirka Cadaado
iyo wax ka soo baxaba,waana wax la filan karo hadii aan xal Siyaasadeed oo wada hadal ku yimaada aan loo helin in ay dagaal kala hortagi
doonaan maamulka looga dhawaaqi doono Gobolada dhexe.
Dhammaan
howlahan waxa ay dheceen iyada oo aanu jirin Guddigii
Xuduudaha
iyo Federaalka. Bishii Disember 2014, ayuu baarlamaanka
federaalka
ansixiyay sharciga sameynta Guddiga
Xuduudaha iyo
Federaalka,
inkastoo guddigii aan wali la magacaabin miisaaniyaddii
ay
ku shaqeyn lahaayeenna aan laysku waafaqin. Aragti ahaan,
guddigan
waxa uu dib u qiimeyn doonaa sharci ahaanshaha iyo
hirgelinta dowlad goboleedyada soo
ifbaxaya.waxaase dadka u dhuun daloola howlahaani is weydiinayaan sababta ay
Xildhibaanadu uga aamusan yihiin
waxa ka socda dalka iyo sida ay u
socdaan, maadaama ay iyagu yihiin wakiiladii loo igmaday ilaalinta sharciga,
waxaase ayaan daraa in taa badalkeeda Saxaafada lagu arko Xildhibaanada qaar iyaga
oo maamul goboleed mar hare farahooda ka
baxay ku dhaliilaya sida uu beeshooda u duudsiiyay qoonadadii ay ku lahaayeen
maamulka.inkastoo la leeyahay marka la dhameys tiro dhismaha maamul
Goboleedyada KMG ah ayey baarlamaanku
dib u eegi doonaan in maamuladu ay Sharciga waafaqsan yihiin iyo in kale.
Si kastaba ha
ahaatee, ma jirto aqoon iyo waayo-aragnimo ay Soomaalidu u
leedahay nidaamkan Federaalkaa. Sidoo kale, meesha ma taallo daraasad qoto
dheer oo sahmisay sida nidaamkani uu ugu habboon yahay Soomaalida ama sida
uu uga hirgeli karo. Waxaana arrinta sii murjinaya saamaynta uu dagaalka
sokeeye ku yeeshay fikirka dadka, iyo xaqiiqada dalka hadda ka jirta.
Dadka qaar waxay soo jeediyeen in federaalka Soomaalidu ka koobnaado Waqooyi iyo Koonfur ama Somaliland iyo Soomaaliya. Qaar kale waxay qabeen in dib loogu noqdo xilligii Kacaankii Oktoobar oo lagu saleeyo 18-kii gobol ee dowlad dii militariga ahayd ay ka tagtay. Kuwo kale ayaa iyaguna qabay inaan labadan hab sax ahayn oo nidaamka federaalka lagu saleeyo goboladii uu gumeysigu ka tagay oo ahaa siddeed Gobol. Waxaa iyaduna jirta in dadka qaar qabeen in waxaasoo dhan laga tago oo nidaamka federaalka lagu saleeyo xaqiiqada hadda jirta oo la dhihi karo waxay markaas tiradu noqonaysaa afar ilaa shan gobol (Puntland, Somaliland, Gobolada Dhexe, Koonfur-Galbeed iyo Jubooyinka). Mararka qaar waa la isku daraa labada danbe, waxaa iyaguna jira tira aad u badan oo dad ah oo qaba in uu yahay nidaam kan Federaalku mid Soomaalida lagu kala qeyb qeybiayo oo ay dabada ka riixayaan wadamada Dariska ah Sida Kenya iyo Ethiopia, sidaa daraadeed aan lagu gaari Karin daawada lala goobayo Soomaalida bukaanka ah.
*Soomaalidu weysku dhiig
*Medeb iyo weysku dhiin
*Dhaqan iyo weysku diin
*Markii federal la dhaho
*Dhantaalbaa lagu wadaa
*Ehelnima duu dhaqaa
*Wuxuu kala dheereeya xigaal
*Cadowbuu isaga dhigaa
*Xadbuu u kala dhigaa
*Dhulkoo lawada lahaa
*Nin walba dheh buu yiraa
*Dinicaan anigaa iska leh
*Dhankaan ha iigu imaan
*Haddii kale dhiig daata iyo
*Dhimashaba wey imaan.!!
=====================
-ABWAAN KOONGO
UGU DANBEYNTII…Federaalku waa hannaan maamul oo mug-weyn lehna dhowr heer
ee
maamul.
Haddana waa doorasho dastuuri ah iyo xaqiiq ka jirta dhulka oo uu si xawliya ugu fidayo
maanta.
Sidaa daraadeed waa in Siyaasiyiintu
tixgeliyaan
talooyinka soo socdo maaddaama hanaanka federaalaynta uu
dalku
la gebi-dhaclaynayo.
Kow,
Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka waa in la sameeyaa sida ugu
dhaqsiyaha
badan.
Labo,
Guddiga Isku-xirka Gobollada waa in sidoo kale la sameeyaa iyada
oo
aan laga dibdheceynin. Sida ku xusan hiigsiga 2016, guddigan waa in
uu
noqdaa madal lagu dhan yahay oo ay maamullada jira iyo kuwa
sameysmaya
uga doodaan arrimaha masiiriga ah si loo helo xal waara oo
loo dhan
yahay.
Saddex, Dib u heshiisiin bulsho waa muhiim. Boogihii colaaddii
sokeeye
wali
si fiican looma dhayin. Meelaha qaar, hanti sida guryo iyo beero
ayaa si
sharci darro ah lagula wareegay.
Afar,
Olole wacyi gelin bulsho oo aad u
ballaaran ayaa loo baahan yahay.
Maadaama
Federaalku si kala duwan loo fahansan
yahay. Xitaa inta badan
dadka
taageersan waxa ay ka heystaan turjumaad u gaar ah, oo ay ka mid
tahay
aragtida ah in uu federaalku yahay in qabiilkooda uu ka
madaxbannaanaayayo
qabiillada kale. Kuwa diiddan waxa ay u arkaan
in
uu yahay aalad lagu kala qeybinayo Soomaaliya dad shisheeyana ay
soo
abaabuleen. Labadaba waa in la fahansiiyaa aragtida ah in hanaanka
federaal ku
uu yahay mid midabyo badan si loo fahmaana
ay u baahan tahay MAAN DAGAN
IYO MASKAX LA WAASICIYO.
.
DH A M
A A D/=
FG.. TANI WAA ARAGTI DEYDA.
.
Abdulkadir
M Farah {Dulyar}
MUQDISHO.
No comments