HALGAME SHEEKH BASHIIR {AUN,} Taariikhda Geesigii u Dhintey Difaaca Diinta,Ciida iyo Calanka Soomaaliyeed .!!!



Sheekh Bashiir Alaha u naxariistee Geesigii Soomaaliyeed ee la Dagaalamey Gumeysigii Ingiriiska ee markii Gumeysiga ay Dileen uu Gabyaagii Xaaji Aadan Af-Qalooc ugu Gabyey: Duhur baa Bashiir lagu Shannaday Daar Agtiinna ahe Damal la Har galaa bay Jebsheen Waqay Dulloobaane Dahriga iyo Laabtay Rasaas kaga Daloosheene Isagoo Dam iyo Dhiig leh oo maro ku Duuduuban Dadkii uu Nebcaa iyo Kufraa Daawasho u yimide.(Fadlan Walaal Akhri Taariikhda Geesigaas Soomaaliyeed ee u Dhintey Difaaca Diinta,Ciida iyo Calanka Soomaaliyeed )

============================================================
Umadda Soomaaliyeed waxay leedahay taariikh hodan ah oo aad u qiimo badan waxaana loo baahan yahay in qofka Soomaaliga ahi ee waqtigan jooga wax badan uu ka ogaado taariikhahaas iyadoo muhiimaduna ay tahay in Jiilasha dambena aannu u gudbino.
Hadaba marka hore hadii aynu diirada saarno Gumaystayaashii u badnaa Reer yurub ee ku soo duuley dalalka ku yaala khaarada afrika Caadooyinka ay lahaayeen inta aysan si buuxda gacanta ugu dhigin dalalkaas waxaa ka mid ahaa waxay marka hore diri jireen sahamiye soo darsa oo warbixin buuxda ka keena goobta la doonayo in la qabsado.
Sida taariikhdu ay werineyso waqti ku beegan Sanadkii 1823,kii ayey aheyd markii boqortooyada ingiriisku soomaaliya u soo dirsadeen nin sahamiye ah oo la oran jiray W.F.OWEN waxaana meelaha uu sahminayey ka mid ahaa: Saylac, Bulaxaar, Berbera, Mayr, Xiis iyo Laasqoray.
Mr W.F.OWEN sahmiyahaa ka socdey gumeysigii Ingiriiska ayaa waqtigaas uu soomaaliya soo galayey waxuu iska dhigey inuu yahay nin ganacsade ah , oo doonaya inuu alaab ka iibsado magaalooyinka ku teedsan badda cas. Ka dibna markii uu wadankiisa ku noqday ayuu warbixin dheer ka siiyay boqortooyadii ingiriskii waxyaabihii uu ku soo arkey dhulkii uu booqdey.
Boqortooyadii Ingiriiska oo ka shidaal qaadanaysa warbixintii ninkaas ayaa Sanadka markuu ahaa 1825,kii waxey magaalada Ber-Bera u soo direen markab magaciisu ahaa Mary Ann oo ay saarnaayeen dad u dhashey dalka Ingiriiska.
Markii dadkaas markabka la socdey oo cadaan ahaa ay ka soo degeen xeebta Ber-Bera ayaa dadkii soomaaliyeed ee halkaas ku noolaa ay markiiba ka biyo diideen waxaana dhacdey in dagaal uu dhex maro dadkii markabka kasoo degey ee Ingiriiska ahaa iyo dadkii soomaaliyeed ee xiligaas ku noolaa magaalada ber bera waxaana soomaalidu ay diidanayaan nimanka cadaanka ahaa ee iska soo galey dhulkooda iyadoo aakhirkiina markabkii iyo kooxdii la socotay ay iska laabteen taasina waxay ku tusinasaa sida ay dadka soomaaliyeed ay u necbanaayeen dadka shisheeyaha ah ee wadankooda iska soo gala.
Mudo dhawr sanadood ah ka dib waxaa gumeysigii Ingiriiska u suurta gashey inuu qabsado dhulka soomaaliyeed waxaana isla markiiba u bilaabmey umadda soomaaliyeed ee gumeysiga necbaa iney arintaas ka hor yimaadeen waxaana halgamdii ugu horeeyey ee gumeysi diidka ahaa ragii geesiyiinta ahaa ee horseedka ka noqdey ka mid ahaa naxariistii jano alaha siiyee Sheekh Bashiir Sheekh Yusuf wuxuuna sheekhu ahaa geesi, caan baxay oo si cad oo bareer ah uga soo horjeestay maamulkii Ingiriiska.
Alaha u naxariistee Sheekh Bashiir oo ahaa nin culumo ah aadna u aragti dheeraa ayaa waxuu halgankiisii gumeysi diidkaa ahaa ku bilaabey inuu abaabulo ciidan u badnaa dhalinyaro soomaaliyeed isagoo si cad u diiday gumeysigii Ingiriiska ee ku soo duuley dhulka soomaaliyeed waxaana ciidanka uu hogaaminayey sheekh bashiir ay dagaal ku soo qaadi jireen ciidamadii ingiriiska ee fadhiyey magaalada Burco horraantii sanadihii afartamaadkii waxaana sheekhu uu saldhig ka dhigtay meel aan ka durugsanayn magaalada Caynabo.
Geesigii soomaaliyeed ee ku caan baxey gumeysi diidka alaha u naxariistee Sheekh Bashiir Sheekh Yusuf marka isaga iyo ciidanka uu hogaamin jirey ee u badnaa dhalinyarada soomaaliyeed ay la dagaalamayaan gumeysigii ingiriiska waxa halhays u ahayd “BISINKA XOOG HA LAGU DARO” waxaa kaloo guubaabadii uu siin jirey umadda soomaaliyeed ee gumeysiga necbaa ka mid ahaa "DADKEYGA SOOMAALIYEEDOW KA KACA OO U DAGAALAMA DIINTEENA ISLAAMKA IYO DALKEENA HOOYO, DALKIINA IDINKAA MAAMULAN KARA OO IDINKAA ISKA LEH EE ISKA ERYA SAANCADAALAHA GUMEYSIGA INGIRIISKA.
Markii gumeysigii Ingiriisku ee joogey magaalada Burco khaatiyaan istaagay ee uu harsan waayey, jiifi waayey ayuu go’aansaday inuu weerar ku qaado sanadkii 1947,kii ciidankii uu hogaaminayey naxariistii jano alaha siiyee geesigii soomaaliyeed Sheekh Bashiir iyadoo ay u suura gashey Ingiriisku iney dilaan alaha u naxariistee Sheekh Bashiir waxaana gumeysigii Ingiriiska isagoo doonaya iney ku quus qaataan wadaniyiintii soomaaliyeed ee halganka kaga soo horjeedey uu meydkii sheekh Bashiir keenay bartamaha magaalada burco.
Hadaba gabyaagii wadaniga ahaa alaha u naxariistee Xaaji Aadan Axmed”Afqalooc” oo aad uga tiiraanyooday geerida halgamaagii qiimaha badnaa alaha u naxariistee Sheekh Bashiir, kana xumaaday qaabkii loo dilay geesigaas u dhashey ummadda Somaliyeed ayaa gabay ka tiriyey,wuxuuna Abwaan Afqalooc alaha u naxariistee canaan dusha ka saarayaa dadka oo uu leeyahay idinka ayaa la idinka arkay, ee waxay ahayd inaad ka dagaallantaan.Gabaygaas oo aad u caan baxey ayaa waxuu ahaa sidan.
Duhur baa Bashiir lagu shannaday daar agtiinna ahe
Damal la har galaa bay jebsheen waqay dulloobaane
Dahriga iyo laabtay rasaas kaga daloosheene
Isagoo dam iyo dhiig leh oo maro ku duuduuban
Dadkii uu nebcaa iyo kufraa daawasho u yimide
Dacdarriyo dihaan iyo cag baa loogu sii daraye
Meydkiisa daahira markii dibedda loo jiidey
Nimankii dilkiisii qirtiyo idinka duunkiinna
Kolkii aaska loo diidey waad wada dul joogteene
Ma damqane jirkiinnii markaa waad ku digateene
Nasab haddaad duriyaddii tihiin kama dareerteene.
Gobannimo daleel lagama helo daar adoo galaye
Haddaad doono leedahay naftaa diiq la geliyaaye
Waa mur iyo deebaaq waxaad dib ugu aydaaye
Marse haddaan waxaan doonayiyo dawladnimo waayey
Dantay weeye inaan aammusaa eeggan dabadeede
Dulligaa ku jira noloshu waa idinku deelqaafe.



XIGASHO:- ABDULLAHI NUR COLOMBO...

No comments