DAAWO WARBIXIN:-INKAARTA DHULKEENA.!!! {Faalo Dulyar} 2013








                      
             DAAWO Warbixinta Inkaarta Dhulkeenna.!!



Dhulka Soomaalida Alle ku beeray,Waa dhul laga helayo  nooc walba oo Nimacada Alle ka mid ah kuwaasoo aaney la wadaagin dhulal kaloo badan oo ay ku nool yiihiin Adooma kale oo Ilaahay abuur tay. marka hore waxa uu ku abuuray  Umad wada Muslim ah 100%, marka xiga, waxaa mara 2 Wabi oo waaweyn oo waraabiya dhul beereed aad u baaxad weyn, sidoo kale waxaa ku dhirersan mid ka mid ah badaha ugu dheer Qaarada Africa.

Waxaa kale oo uu  leeyahay Cimilo macaan iyo ciidsan oo ay wax walba ku bixi karaan.Kama marna Xoolaha la daaqsado iyo ugaarta ku camiran korka sare, Dhanka hoosana waxaa jiifa kayd aad u fara badan,inkastoo aan waayadii hore  xaga nolosha aan kala sineyn wadamo badan oo dhaca Qaarada Africa, hadana nasiib daro Sanadahaan burburka mar walba waddankeenu  wuxuu galayay meesha ugu hoosaysa ee liiska lagu muujiyo Saboolnimada,Macluusha,iyo Colaadaha.


Waayoo, waa Dhul lagu dagaalamayay muddo Rubuc Qarni ah oo la isku dilay "DIIN BAA GOD GORAY GALAY IYO GORAY BAA GOD DIIN GALAY".welina lagu dul dagaalamayo, taasina waa mida sababtay in dadkii lahaa Dhulkaani ay dibadaha Qaxooti ku noqdaan,dabadeedna ku aaminaan naftooda iyo maalkoodaba  dhul aaney u dhalan,oo had walba lagu dhibaateeynayo magacii ay isku dileen ee ahaa  Soomaali,,iyadoo taa badalkeedana  dhulkii ay ka tageen ay u soo shaqo tageen Askar iyo Rayid ka kala yimid 16 wadan oo shisheeya ah,oo Maanta gees walba u carara sida carsaanyadii,waxa ay ka qabtaana aaney ciddi hoodi oran karin.



Marka aad maqasho. Catowga iyo cabaadka ka soo baxaya Soomali  meel kasta oo ay joogaan waa mid murugadeeda leh,iyaga oo xiliyada ay dhibka ku jiraan weheshada oo isku madadaaliya Heestii aheyd HEYBAD WAXAAD KU LEEDAHAY DHULKAAGA HOOYO"  Marka ay doogasadaana ka sii durduriya oo huwada Calama shisheeye.sow marka  suurta gal maaha in waxa na heystaaba ay yihiin Inkaarta Dhulkeena, maadaama la dayacay oo laga faa’ideysan waayay Kheyraadka Ilaahey ku maneystay,isla markaana daganaashihii uu u baahnaa aan ugu badalnay Colaad iyo in lagu daadiyo dhiiga dad aan waxba galabsan, korkiisana la isugu xoog sheegtay sanado badan,sidoo kale la xafidi waayay oo  Xuduuda hiisa uu Cadow kastaa ka soo galay.


Dulmiga iyo fasahaadka ka dhacay dhulka Somalida Ilaahay ku abuuray, ma aha wax faraha lagu tirin karo,waayoo goor kasta waxaad maqleysaa dumar la kufsaday,dilal,Qaraxyo,Cadaalad daro  iyo Barkacayaal,oo intuba ah xad  gudubyo ay geysanayeen Soomaali kale oo isku kala qeybiyay Mucaarad iyo Siyaasi yiin taajiriin ah, waxaa sidoo kale dhankaad u qaadaba dhulka Somalida   la kulmeysaa dad Rayid ah oo  maskax ahaan  ay wax u dhibeen dagaalada ka dhacay dalka, dhulkuna hada waa Marqaati, mar buuse Alle SWC ka hadshiin doonaa oo uu soo fatihi doonaa wixii dushiisa lagu falay.

Abwaan Yam Yam {AUN} oo u hadlay dhulka ayaa Gabay uu tiriyay waxaa ka mid ahaa:- "KUWAAN IS BEER BAARTIGA IGA DHIGAY, DHUL KALE II SII FUR FURAY, INTAAN KA DHURSUGI LAHAA ,WAXAA II DHAAMI LAHEYD, ANIGOO LA IGA DHIGO, SUUGGA DAMEERAHA LAGU DHAQO,AMA TUDUC KALE OO UU  ABWAANKU KU SOO GABABEYNAYO “WAR I DHAAFA ASAAGIIN HA I DHEEFSADEE".Taas oo kuu muujineysa in dhulka hadii noolaha ku dul nooli ka faa’ideysan waayo,uu ka door bidi lahaa malaha in loogu soo badalo nafle kale oo manaafacaadsada nimcooyinkiisa Allana ku caabuda.


Dhul beereedka Soomaalida oo ah mid dherersan cirif ilaa cirif marna loogama faa’ideysan si wax tar ah,xataa xiliyadii Dowladnimadu awooda lahaayd waxaa loo tabcayay si gaabis ah,waqtiyada burburku dhacayna waxaa Ilaaheey qadaray in dadkii beeraleyda ahaa ay noqdaan kuwa ugu macluusha iyo gaajada badnaa dalka,


Waxaa sidoo kale lagu qamaamay Dhirtii Ilaaheey Dhulka ku beeray oo ka mid ah nimcooyinkiisa, oo inta xabadda iyo madaafiicda lala helay mooyoo intii kale dab lagu ololiyay si dhuxul ahaan loogu iib geeyo wadamada Carabta oo iyagu indhawaalaba  u soo shaqa tagay Kheyraad keena,waxaana sanada badan qarashaadka laga helo dhoofinta Dhuxusha lagu tuhmayaa in dib dalka looga abuura yay dagaalo iyo xasilooni daro.


Wabiyada mara dhulkeena oo aan la socono inta nooc ee loo adeegsan  karo Nimcooyinkooda,waxa ay iyaguna ahaayeen sanado badan kuwa markii laga faa’ideysan waayay sababay fatahaado joogta ah oo waxyeelo u geysta dad iyo duunyaba,nasiib darana aad had iyo goor maqleyso dhulkii wax soosaarka dalka looga fadhiyay oo Galey cagaartooy    laga soo dhoofiyay dalal kale ay dadkii ku noolaa hareeraha Wabiyada  hey’do shisheeye ku quudinayaan,Halkaa sow  kama arki karno mid ka mid ah  calaamadaha Inkaarta kheyraadka dhulkeena.


DHANKA BADDA,  hadaan eegno  Ilaahey waxa uu  ku dhereriyay dhulkeena bad aad u dheer,waxaana la soconaa sida aan looga faa’deysan hor iyo gadaalba,ma foga dadka Soomaaliyeed waqtigii Dowladii kacaanku ay qasab uga dhigtay in la cuno wax soo saarka Badda, waxeyna  ka muuqaneysaa aqoon darada naga heysatay barigaa  heestii Abwaan Sugaal C/lle ee aheyd  “WAA SHEY MACAANE CUNA MALAAYGA” markaas oo maalmaha qaar la jideeyay in la cuno Kaluunka lana joojiyo qalista Xoolaha,halkaa waxaa ku jiray macno weyn oo ah in aan wax ka barano Nimcooyinka Alle ee badeena dhex ceegaaga, inkastoo aan si buuxda looga faa’ideysan waqtigaa kheyraadka Badda,hadana  markii uu bur burku dhacay waxa ay noolaha iyo nimcooyinkii kale ee biyaheenu beylah u noqdeen dalal shesheeye oo xatooyo iyo badheedh nooc kastay ahaataba  kaga xamaashay.

Ilaa markii danbe  lagu soo xoomay biyaheena,  Wiilalshii dhalinyarada ahaa ee ka carooday  markii loogu yimi shabaagihii ay kaga jilaabanayeen Xeebahanana  lagu tilmaamay  BURCAD BADEED, dabadeedna si dalalka qaar looga hor istaago dhurashada kheyraadkeena,la soo saaray qaraar dhigaya in Ciidamo ilaaliya biyaha Soomaaliya la soo sharciyeeyo,kuwaasoo wliba ka kooban dalal gaar ah si ay badeena ugu sii xamaashaan iyagoo huwan magaca biya ilaalinta Soomaaliya.


Waxaase ayaan daro ah in sababta ka hortaga hororkii boobayay Nimcooyinkeena  ay Maanta ugu xiran yihiin Xabsiyo shisheeye boqolaal dhalinyaro ah oo burcadii kheyraadkeena dhuraneysay  ku tilmaamtay Burcad qafaalata Maraakiibta, oo aan heysan cid u dooda,sow taana maaha  qeyb kaloo ka mid ah Inkaarta Nimcooyinkeena.

DHALINYARADA, iyaguna waa qeyb ka mid ah qeyraadka uu dhulkaan Ilaaheey ku abuuray,dal walabana waxaa horumaraya.dhisa ama difaaca dhalinyaradiisa hadeey helaan hogaan wanaagsan oo ka fikira mustaqbalkooda ama u jeexa dhaba wanaagsan oo ay kaga daydaan,
Dhalinyarada Soomaaliyeed  inkastoo  ay ahaayeen kuwa xilligii Gumeystaha cudud iyo fikir mideysan ku dhaliyay Gobonimada Soomaaliya,hadana waqtiyadii Dowladnimada ma aaney helin fursado badan oo ay u baahnaayeen,taasina waxeey dhaxal siisay  in  lagu jiheeyo burburinta Dalkooda,wixii markaa ka danbeeyayna waxa ay ahaayeen kuwa lagu inkaarayay xoogaada iyo ficilkoodaba maadaama uu  xarko goys noqday,  ayna koox kasta oo dan lihi u adeegsatay dhankeey doonto, waxa uuna marayaa maanta magaca dhalinyaro ama shabaabnimada Soomaalidu  mid had walba lala xiriiriyo fal  dambiyeedyo.

Bal u fiirso, maanta Hooyo kasta oo wiil dhalinyaro ah  uu u joogo guriga  waxa ay farta ku heysaa wadnaha,waayoo kooxaha Mucaaradka ku ah Dowlada Soomaaliya waxa ay bartilmaameed sadaan waa dhalinyarada,Ciidamada Dowladu howlgaladoodu waxa ay ku beegsadaan waa dhalinyaro,  dalalka qurbaha ee Soomaalidu dagtay waxa  isha lagu wadahayaa waa dhalinyarada, waxa xabsiyada ka buuxaa waa dhalinyaro,waxa dagaalamaya,dadka dilaya ama iyagu is dilaya  waa dhalinyaro,sow marka halkaana nagama heysato mid ka mid ah Inkaarta  Nimcooyinka Alle.



Ugu danbeytii, Waxaa waajib ah in Soomaalidu ay ogaadaan inay faqiir ka yihiin Maamulka dowladnimo iyo dhismaheedaba, sidoo kale in inkaarta laga dhaxlo kheyraadka dabiiciga ah  looga bixi karo oo kaliya biseyl, ilbaxnimada, dowladnimo,sharci,amar  iyo kala dambeyn iyo   in ay Soomaalidu Allahii abuurtay u toobad keenaan, xagiisana ay u soo noqdaan,kuna xamdiyaan Nimcooyinka uu siiyay oo aad moodo in waayadaan danbe lagu shukrin waayay dabadeedna aan dhadhaminay  INKAARTA KHEYRAADKA DHULKEENA.!!


DHAMAAD.///


FG:- TANI WAA ARAGTIDETDA.

Qalinkii:-
           Abdukadir M.Farah {Dulyar}
           Senior Somali Journalist
            Mugadishu/Somalia

No comments