WARBIXIN DHEER:- SOOMAALIDU WAA UMAD KHILAAFKA JECEL.!!!


August 07, 2009-kii                                 FIKRAD                                          


 DAAWO QEYBTA 1-AAD WARBIXINTA LINKIGAN GUJJI :-
https://www.youtube.com/watch?v=R9yOs9krSZQ&t=159s
=================================================================
DAAWO QEYBTA 2-AAD EE WARBIXINTA
https://www.youtube.com/watch?v=kzqpE9HulmI
==================================================================
Waa run dalka soomaaliya tan iyo 1991-dii bur-burkii dowladii hore ka dib, in ay jireen dhowr isku day oo la doonayay in lagu daweeyo xanuunkiisa, waloow mararka qaar dhaqaatiirta wax daweyneysay ay ahaayeen kuwa dadka soomaaliyeed aaneey ku bogsoon gacantooda,

Dalalka dariska la ah soomaaliya ayaa inta badan ahaa sheybaarada ugu waaweyn ee lagu baarayay xaaladda soomaaliya si loogu helo daawo, inkastoo ay fashilmeen dhowr isku day oo hore, hadana 5-sano ka hor ayay aheyd markii dalka Kenya lagu soo dhisay Dowladda K.M.G. ah ee iminka waqtigeedu dhamaaday, iyadoo ay shirkaasina ka qeyb galeen dhamaan hogaamiye kooxeedyadii soomaaliya, siyaasiyiin, iyo horjoogayaashii Qabaa,ilka,

Dowladan oo lagu macneeyay dowlad dib-u-hishiisiin ah oo dalka gaarsiineysa nidaamka federaalka ah iyo doorashooyin, ayaa dhamaanba waxaa loo dhameystiray tiirarkeedii sida, Madaxweyne, Gole wasiiro, Xildhibaano, iyo Dastuurkii ama Axdigii K.M.G. ahaa, ka dib 2-sano ku dhawaad markii Neyrobi la isku hor fadhiyay,

Waqtiga oo is gurarayay awgii waxaa dowladii lagu dhisay Neyrobi, loo diyaariyay in ay gudaha dalka u guuraan, kuna shaqeeyaan, durbana waxaa ay isku maan dhaafeen halka ay dowladu ku shaqeynayso, aakhirkiina M/jowhar oo uu xiligaa gacanta ku hayay hogaamiye kooxeedka M/dheere, waxaa ka dagay xubno ay hogaaminayaan Madaxweynaha iyo Reysal-wasaaraha, halka ay M/muqdisho oo ah Caasimadda Soomaaliyana  ay salka soo dhigteen tiro Xildhibaano u badan oo uu horkacayo Gudoomiyihii Baarlamaanka ee xiligaa Md,Shariif Xasan, koox waliba ha sheeg sheegto sababata keentay in ay Jowhar iyo Muqdisho uga dagtay, balse nuxurku waxaa weeye in uu bilowday Khilaaf.


M/muqdisho, oo inta badan u kala xirxirneyd hogaamiye kooxeedyo haatan loo soo galiyay shaarar xildhibaan, hase ahaatee iskala weynaa darajooyinka ay ka soo heleen shirkii neyrobi, isla markaana doonayay in ay dowlada ku majaxaabiyaan marka muqdisho la sigu yimaado, ayaa la oran karaa waa midda keentay in Madaxweyne, C/laahi oo qabiir ku ah xeeladahaa in uu Muqdisho ka door bido Jowhar,

Odayaashii Muqdisho, waxaa laf ku noqday waxeey baruur moodayeen, ka dib markii  iyagoo Xildhibaana ah ay horaantii 2006-da hoyga Maxamed Qanyare kaga dhawaaqeeyn Isbaheysi Argagixiso la dirir ah,waxaana dhacay wixii dhici lahaa, waxaa soo baxay wadaado fursad u helay aragtidoodii, oo lagu daray kacdoon dadweyne dagaal kooban ka dibna waxaa muqdisho la wareegay Maxkamado Islaami ah , oo u socda sida dabeysha oo kale, waxa ay ku baaheen gobolada u dhow dhow caasimadda ilaa ay kaabiga u fadhiisteen M/beydhabo oo markaa dowladu kaga soo diga rogatay M/jowhar,

Runtii waxaa dhacay isbadal soo jiitay indhaha caalamka iyo Soomaalidaba, waxaana xataa cabsiyi soo wajahday dalalka dariska ah , Dowladda K.M.G. ah oo aad u taagdarneyd barigaa iyana waxaa u soo iftiimay rajo xumo, waxa ayna aakhirkii u qeyla dhaansatay Dowladda Ithopia,durbana M/beydhaba iyo hareeraheeda waxaa soo buux dhaafiyay Ciidamo Ithopiyaana oo fasax ka helay Baarlamaaka Soomaaliya,

Sida ay qireen saraakiil sarsare oo Maxkamadaha ka tirsani, inkastoo ay qalad aheyd in Maxkamaduhu ay weeraraan Beydhabo oo ah halka qura ee ay Dowladda KMG ahi dalka ka joogtay, hadana qorshuhu waxa uu ahaa mid naga weyne, waxaa dhacay in mar kaliya foodda la is daro, oo ay dagaalo ka curtaan G/bay iyo bakool,

Uma baahna sheeko dheer wixii dhacay, balse waxaa xusid mudan in 6-bilood ka dib, inkastoo dalka qeybo ka mid ah uu ka dhacay isbadal loo oomanaa, in ay meesha ka baxeen maxkamadihii, taa badalkeedana ay caasimada soo gaareen markii ugu horeysat taariikhda Ciidamo Ithopiyaana oo garbaha haya Dowladii KMG aheyd ee soomaaliya,

Wax badan oo dowladda laga sugayay in ay ku dhaqaaqdo ma aaney u qabsoomin, waayoo, waxaa biyo hoostood iska arkay Madaxweynihii iyo Reysal-wasaarihii barigaa Cali Geedi, waxaana isqabadkooda lagu macneeyay, Arimo dhaqaale, iyo hishiisyo shirkado shihseeye lagula galayay in ay dalka ka baaraan Shidaal, Dowladda Ithopia oo marjac u aheyd Dowladda KMG ah ayaa 2 jeer sameysay isku day ay xaaladda ku qaboojineyso , hase yeeshee kuma aaney guuleysan,

Madaxweyne Yuusuf, oo ay ka go'neyd in uu is dhaafiyo Geedi,ayaa waxa uu cayaaray doorkiisa, waxa uu xabsiga dhigay Gudoomiyihii Maxkamadda sare iyo labo garsoore , iyaga oo ku eedeysan hanti lunsasho, maadaama garsoorku yahay hey'ad awood u leh go'aan ka gaarista arimaha dastuuriga ah ee la isku qabto,

Dabadeedna Madaxweynuhu waxa uu kubadii geeyay Baarlamaanka dhexdiisa, Maxeey Sameeyeen ?

Waxeey sameeyeen baarlamaaku buuq iyo walaac, ugu danbeyntiina waxa ay lakala safteen labada Oday, iyadoo xaaladu cakiran tahay, ayaa waxaa Adis-apapa ka soo yeeray in uu meel maray fikirkii Madaxweynaha, oo xiligaa isaga iyo Resal-wasaaruhu ay u gogol fadhiyeen dowladda Ithopia in ay wax kala tiraahdo,

Dabayaaqadii sanadkii 2007-da , ayuu Reysla-wasaare Cali M, Geedi, tareenka dowladda ka dagay, una sheegay inta baarlamaanka hor tagay in uu Istiqaaldaii u gudbiyay Madaxweynaha, si kastaba ha ku timaadee, waxaase sidaa ku lumay 2 sano iyo bar, waqtigii jiritaanka Dowladda KMG ah,

Madaxweyne Yuusuf oo aad u faraxsanaa waxa uu subaxaa hoolka baarlamaanka KMG ah ee M/beydhabo, kula kaftamayxubnihii isaga sida weyn uga soo horjeeday sidda Qanyare, Muuse suudi, C/laahi sh,Ismaaciil iyo kuwa kale, Maxaase ka danbeeyay ?

Waxa uu Madaxweynuhu u xushay Reysal wasaare Md Nuur Xasan Xuseen [Nuur cadde} oo ah Corneyl ay da' ahaan iska daba dhow yihiin, waxaana Nuur Cadde loo igmaday in uu la yimaado isbadal iyo waxqabad, waxa uuna qaaday talaabooyin furfuran, sida:- isagoo qiray in ay dowladiisu wada hadal la galeyso mucaaradka oo markaa soo xoogeysanayay, waxa uu xabsiyadda ka sii daayay dad badan oo rayida ah oo u xir xirnaa fikirkooda oo ay ka mid ahaayeen xubno ka tirsan Golaha dhaqanka iyo midnimadda Hawiye,waxa uu yara qaboojiyay xiisado ka dhex oognaa Ciidamada dowladda kmg ah iyo ganacsatadda Bakaaraha iyo Saxaafadda,waxa uu warbaahinta ka sheegay in ciidamadda dowladu ay boob iyo dhac u geysteen hantida suuqa bakaaraha iyo qodobo kale,oo dhamaantood u muuqday mid uu Reysal-wasaaruhu kaga argti duwanaa Madaxweynaha, oo awalba tuhunsanaa in mudadii uu Nuur cadde xukuumadiisu ay jirtay ay mucaaradku la wareegeen gobolo badan oo ay horay dowladu gacanta ugu heysay,

Gudoomiyaha G/banaadir M/dheere,oo uu Reysal-wasaaruhu u arkay in uu caqabad ku yahay dadaaladiisa, ayuu ka dhawaajiyay in uu xilkii ka qaaday, markaas ayuuna si toos ah u soo if baxay khilaafku , ka dib markii uu Madaxweynaha ka goys adeygay in uu aqbalo, xiligaa wixii ka danbeeyayna waxa ay labadda Corneyl isku kaba gashadeen kabihii dagaalka, in ka badan 10 Wasiir iyo K/xigeeno ka tirsanaa xukuumadda Nuur Cadde, oo u muuqda in ay dagaalka ku soo biireen, ayaa durba is casilay, Reysal-wasaaraha oo ka aqbalay, iyo Madaxweynaha oo aan aqbalin , ayaa Nuur Cadde waxa uu buuxiyay Boosaskii ay baneeyeen, si uu uga gaashaanto in kooramka Golaha Wasiiradu uu u buuxsami waayo, intaa ka dib Maxkamadda sare oo uu Gudoomiyihii ka xaniban yahay , ayaa sharci daro ku tilmaantay talaabooyinka Reysal-wasaaraha, waxa ayna sheegtay in Wasiiradii is casilay ay sharci yihiin maadaama madaxweynuhu aqbalin, xaalkiina waxa uu u muuqday far far ku taag.

Dhanka kale, Baarlamaanka oo fursadan oo kale gaada waxa ay cod aqlabiyad leh kalsoonidii kala laabteen Wasiiradii is casilay, hase yeeshee ma aaneey sheegin in ay aqbaleen Wasiiradda cusub, sababtuna waxa ay aheyd labada Masuul oo aan isku waafaqsaneyn, wixii markaa ka danbeeyayna xaalku waxa uu ahaa Gacantaa ku garoorsi,

Waxaa la sameyay isku dayo badan oo labada Duq la isugu soo dhaweynayo, waase lagu guul dareystay,

Urur Goboleedka IGAD, ayaa mar kale gogol dhigay Neyrobi waxaana la isgu yeeray dhamaanba qeybaha ay Dowladu ka kooban tahay, wax ayse uga sii dareen xaaladii markaa jirtay, hogaanka sare ee Dowladu waxa ay halkaa kala kulmeen waji gabax, iyo in ay yihiin karti laawayaal aan dalkooda iyo dadkooda wax u qaban waqtigiina ku lumiyay is qabqabsi iyo khilaaf joogta ah, dad badanoo indhaha ka daawanayay xaaladda dalka ayaa hoosta Bagga ka yiri,

Raysal-wasaaraha oo waxoogaa talooyin ah oo isaga raali galiyay ay ka soo baxeen madashii IGAD, sidda in laraaco go'aandii baarlamaanka ay ku diideen wasiiradaii is casilay, in xukuumad 15 maalmood lagu soo dhiso, iyo in la daddajiyo dhismaha maamulka G/banaadir,ayaa waxa uu guda galay howlihiisii, waxa uuna Madaxweynaha oo Londan C/fimaad u jooga u gudbiyay liiska golihiisa wasiiradda cusub, taana Madaxweynuhu waa uu diiday,

Waxaa looga yeeray mar kale Ithopia waana la isku mari waayay, iyadoo markaana Ithopia muujisay in madaxweynuhu wax diidan yahay, isla markaana ku hanjabtay in ay soomaaliya ciidamadeeda kala soo baxeyso, hadalkanina waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay maalmo kooban ka harsan yihiin waqtigii Dowladda iyo Isbaheysugu ay Jabuuti ku wada gaareen in ciidamadda Ithopia ay uga guuraan goobaha rayidka ah,

Dowladda Ithopia, qudheeda waxaa jahwareer kaga yimi dhinacyo badan , sidda qilaafka had iyo goor ka dhex oogan madaxdda dowladii ay soo dhiseen, wax qabad la'aantooda, iyo dagaalo aan kala go' a laheyn ee Ciidamadooda ku heysta gudaha soomaaliya, tiiyoo ay u sii dheer tahay cadaadisyadda kaga imaanaya beesha caalamka , intooda u argta in Ithopia ay fara galin ku heyso arimaha soomaaliya,

Khilaafkii madaxda sare oo gaaray heer faraha laga qaad ah, waxa uu dhalay in nin waliba uu afkiisa furto, si uu uga samato baxo eedaha dhacaya wax ayna saxaafadda siiyeen warar is mud- mudaya, waxaa talo la'aan kala shaqeeyay qalinkii Dowladda, Reysal-wasaaruhu waxa uu ku dhawaaqay Xukuumad cusub, Madaxweynuhuna waxa uu isticmaalay awoodiisa, oo awal diidmeey aheyde, waxa uu cod dheer ku yiri, Xukuumadi dalka kama jirto,, waxaa yimi Amakaag !!!! waxaa ninba gooni ugu yeertay oo qedo u sameeyay Baarlamaankii, hase yeeshee waa caadadoodiiye bacdal qedo waxa ay u kala sacbiyeen mid waliba qudbadii uu hortooda ka jeediyay,madaxa wey u ruxeen taasoo muujineysa in ay la dhacsan yihiin ,halkii ay wax kala oran lahaayeen,

Tartanka awoodda ah ee u dhexeeya labada masuul, ma muuqato cid dowladda dhexdeeda ah oo isku howleysa dhexdhexaadinteeda , taas badalkeedana waxa ay xildhibaanada iyo hey'adaha kale ee sharcigu ka door bideen, ama u arkaan intooda badan fursad lacago ay ku kasban karaan, taas ayaana keeneysa in dowladu u ekaato is barbaryaac,

Madaxweynaha, Reysalwasaaraha, Golaha wasiiradda, kuwa is casilay iyo kuwa la magacaabay. mudanayaasha Baarlamaanka , iyo Maxkamadda sare, dhamaantood waxa ay si kala goono gooni ah u sheegayaan in sharciga lagu tumanayo, mid walibana waxa uu kan kale ku eedeeyay in uu sharciga ku xadgudbay, markaa ayaa dad badani waxa ay ku jahwareereen in ay ugu yaraan saadaaliyaan dhanka saxan, waxa ayse dadka ugu dhawi marka ay rogrogeen xaajadaa ku soo jeesteen Sharciga laf ahaantiisa, oo ay sheegeen in uu isagu waxa dhacaya masuul ka yahay, oo markii horeba aan si cad Axdiga KMG ah loogu qeexin awoodaha madaxda sare, iyo hadeey is qabtaan waxa laga yeelayo , iyo weliba qodobada qaar oo aan laga bixin fasiraad dheeri ah, kuwaasoo haatan noqday {la jiifiyaana banaan, la joojiyaana banaan}

Labadda Corneyl, waa niman hal adag oo aad moodo in aysan isku tanasuleynin, sidaa daraadeed dad badani jaceyl uma hayaan sii jiritaanka dowladan , oo waxa ay xiiseynayaan in ay kala tagaan oo la raadsho cid kale oo hogaamisa dalkan,

Madaxweyne Yuusuf, oo ay soo wajahday Kud ka guur oo Qanjo u guur, dhowr jeerna ahaa laacib ku guuleystay tartamadda dowladda dhexdeeda ah,ayaa iminka u muuqda in uu ka qoomameynayo magacaabistii Nuur Cadde,waxa uuna bartanka kaga jiraa xaalad adag, oo ah waqtigii oo ka dhamaanaya, Baarlamaanka oo uusan si cad u oran karin Nuur ha la i dhaafiyo, maadaama shalay Geedi ha la iga badalo xaalku ahaa. iyo taageeradii Ithopia oo sii luntay, xaalkiisuna waa labo daran mid dooro,

Docda kale Nuuer Cadde , waxa uu horay ugu bareeray in tareen socda oo  ay darawalo badan oo aan xirfad laheyni wadaan uu raaco, isla markaana waxa uu isku heystaa in uu wax badan ka qabtay sidii loo bad baadin lahaa rakaabka saarnaa tareenkaas, waxa uuna arinkii ka dhigay ninba taagtii ha talaabsado, si uu isaga rogo eedaha Fadhiidnimadaa ee xukuumadiisa heysta, waxa uuna khilaafka ka dib qaaday talaaboooyin dag dag ah, sidda Maamul u sameynta G/banaadir iyo dib u hishiisiinta Jabuuti, waana qeyb ka mid ah dagaalka labada oday, oo waxa uu Raseyl wasaaruhu uga gon leeyahay, in uu mucaaradka iyo shacabka G/banaadir ku kasbado, ugana helo taageero is qabadka isaga iyo madaxweynaha, marka uu ka caroodo madaxweynuhu kuna tilmaamo qorshaha Nuur cadde mid aan sharci aheyn, Xukuumad aan kalsooni heysana aysan hishiisyo iyo magacaabis ku dhaqaaqi karin,

Markase hoos loo daadago lana fasiro calaamadaha muuqda iyo ficilada labada masuul , waxaa kuu soo baxaya in markan labadaba siyaasadu la gashay Habra wacasho, waxaana tusaale dhow noqon kara, marka aad fiiriso , sidda ay Baarlamaanku ula kala safan yihiin, Wasiiradu u kal garab taagan yihiin, iyo socdaaladda Muqdisho iyo Garoowe ay ku tageen iyadoo khilaaf xasaasi ahi jiro,

  • HADIISE AAD  SOOMAALIDA TAARIIKHDEEDA HOR IYO GADAALBA  U FIIRISO WAA UMAD KHILAAFKA EHEL U AH:-
 BAL U FIIRSO,, Xornimo doonkii Soomaalidu waa isku qilaafsaneyd, dowladihii Rayidka kadaalika,oo waxaaba khilaaf lagu dilay Madaxweyne AUN C/rishiid Cali Sharma'arke, tii ugu danbeysay ee KACAANKA waxaa lagu riday qilaaf uu Qorigu wehliyo, Burburkii ka dib, waxaa is qilaafay Jan. Caydiid iyo Cali Mahdi, Caato iyo Caydiid , Cali Mahdi iyo Muuse Suudi, .Dowladii Jabuuti ee 2002-dii waxaa is khabtay Madaxweyne C/qaasim iyo Raysal-Wasaare yaahiisii Dr Cali Khaliif Galeyr & Xasan Abshir, Dowladii KMG aheyd ee  2006-dii Nairobi lagu soo dhisay, laguna soo doortay Madaxweyne, AUN C/laahi Yuusuf Dhamaanteed waxa ay waqtigeedii ku dhameysatay qilaaf,ka dib markii ay wada shaqeyn waayeen 2-dii Reysal Wasaare  ee Odaygu soo xushay ee kala ahaa  Md Cali M.Geedi iyo Md Nuur Cadde, dhanka kale , labadii dad isugu dhawaa {SH.XASAN DAAHIR IYO SH.SHARIIF,} oo 2006-dii Muqdisho ku wada dhisay Maxkamadihii Islaamka ee Diinta ku hishiiyay  ayaa qilaaf ku  kala tagay oo  xiligaa midba koox Jabuuti iyo Asmara la fadhiystay, 

Xoogaa murana ka dib, 2009-dii waxaa Dalka Jabuuti  lagu soo dhisay Dowlad KMG ah oo Madaxweyne  loogu  doortay Mudane Sh.Shariif, hase yeeshee  2 sano gudahood  waxa ay Madaxweynaha  is qaniineen 2 Reysal Wasaare oo kala ahaa Md Cumar C/rishiid iyo Md Farmaajo,iyadoo weliba la xasuusto  in khilaafkii Farmaajo  aakhir kii lagu soo afjaray ""Kampala Accord"" waxaana la hubaa in Md C/Wali Gaas oo ahaa Reysal Wasaarihii 3-aad  oo ay wada shaqeeyeen Madaxweyne Shariif , in  ay isla dhaceen iyaga oo is qilaafsan.kadib markii waqtigu ka idlaaday.

=2012-kii,waxaa markii ugu horeysay Dalka gudihiisa lagu soo dhisay Dowlad aan KMG ahayn,oo ka tabar roon Dowlad dihii hore ee KMG ahaa,waxaana Madaxweyne loogu doortay Md Xasan Sheekh, oo la rumeysnaa in uu yahay Madaxweyne la imaan doona is badal waxna ka soo bartay hab dhaqanka khilaafka ku dhisan ee lagu soo arkay Madaxdii kaga horeysay Kursiga, weliba waxa uu xiligii la doortay noo sheegay in Dowladiisu ay khilaafka ka fogaan doonto, hase yeeshee Sanadkii koowaad ba waxaa dhankiisa ka soo yeertay Aniga iyo Raysal wasaare Saacid ShirDoon ma wada shaqeyn karno,Sanadkii xigayna waxaa la maqlay Khilaaf faraha laga qaad ah oo ka dhex shidan Madaxweynaha iyo Raysal Wasaarihii 2-aad Md C/Wali Sheekh,markii uu hardankaa ku soo guuleystayna waxa uu soo magacaabay Md Cumar C/rashiid oo noqday Raysal Wasaarihii  3-aad oo ay wada shaqeeyaan mudadda 4-ta Sano ah ee loo doortay Xilka Madaxweyne nimo..

Hade ogoow intaas oo Dowladood, waxa ay ahaayeen Baarlamaanadoodu  kuwa is Qilaafsan oo mararka qaar qilaafkoodu uu gaari jiray ineey kuraasta isla dhacaan ama ay dagaal gacan qaad ah iskula xeyd xeyd-taan, iyadoo ay Camarooyinka Saxaafadu ku foorarto, Mooshinkii ay barigaa soo bilaabeena ilaa maantadaan la joogo waa socdaa,waxaaba la dhihi karaa wey sii casriyeeyeen Xildhibaanadu oo haatan  wuxuuba marayaa in Mooshin kii qudhiisa Xildhibaan nadu Mooshin ka keenaan.""YAAB.!! 

=Bal xataa hoos u sii daadagoo , waxaa jira Jabhado Islaamiya oo ka farcamay Maxkamadihii Islaamka , mid walibana uu yahay budo gooni u tuman,walow markii danbe si awood sheegashaa ay isugu soo urureen hal magac oo ah AL-SHABAAB, hase yeeshee  markii uu dagaalka ay kula jiraan Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM, aad ugu daba dheeraatay  dhaqaale darana soo wajahday ay xaaladoodu ka fursan weyday  in ay Hogaan koodii sar sare isku khilaafaan hadafkoodii,dabadeedna maadaama aaneey iyagu sida Madaxda Dowladda Soomaaliya afka ka wada hadlin iskuna buula xuufteen ,intii lagu dilay khilaafkaa mooyee  intii kale waxa ay u kala baxsadeen jihooyin badan oo ay ilaa iyo maanta ku kala maqan yihiin,qaar baa waxa ay dani ku qasabtay in ay la hishiiyaan Dowladii ay shalay Rideynayeen,qaar kalena  markii ay naftooda la soo baxsadeen waxa ay muteen Xabsi, ,halka kuwa kalena ay weli duurka ku jiraan iyagoo labada dhinacba iska waardiyeynaya.

=FACEBOOKA bal daalaco, Soomaalida isticmaaleysa ma jirto waxay isku raacsan yihiin,dhamaan Doodahooduna waa qilaaf,,oo waxeey isku heystaan SIYAASAD DII, DIIN TII, DALKII,FIKIR KII,CALAN KII, GOBOLO DII,XAFLAD DIHII, SAWIRO DII,mid kastaana midka kaluu  eedeynayaa ama ka dacwoonayaa cid gartooda gali kartana  ma jirto,malaha hadii uu Facebooku lahaan lahaa meel RASAASTU ka dhacdo waxaaba suurtagal noqon  lahayd in lagu arki lahaa Soomaali badan oo hadal kii isku qilaaftay oo isku dhex  xabadeyneysa.""AMAKAAG.!!

=Dhanka Maamul Goboleedyada, Ma aha iyaguna qaado qabow marka aad eegto muranka iyo qilaaf ka hadwalba ka dhasha doodaha federaalka ah ee u dhexeeya Dowlada dhexe iyo faracyadeeda, oo mararka qaar u muuqda imaarado yar yar oo kala madax banaan oo murmaya..YAAB

=Aan u leexdo dhanka Saxaafadda Muqdisho,, waxaa 15-kii sano ee ugu danbeysay oo  ay soo hana qaaday Saxaafadda madaxa banaan la sheegaa in laga quustay in meel la isugu keeno ama ay iyaguba ku midoobaan hal hogaan, bal eeg Muqdisho oo qura waxaa ka jira:- NUSOJ 1, NUSOJ 2, SIMA, SIMHA, NETWORK 13, URURKA REPORTARADA SOOMAALIYEED,GOLAHA BADBAADADA SUXUFIYIINTA. iyo qaar kaloo badan, intaa waxaa sii dheer Hablaha Suxufiyiinta ah  oo  iyaguna sameystay  URURKA SUXUFIYIINTA HAWEENKA SOOMAALIYEED, URURKA  SUXUFIYIINTA GABDHAHA DA'DA YAR,iyo qaar kaloo aan ka tagay, sidaas oo ay tahay ma jiro Urur la hishiisa Urur kale,intaana wey is hiifayaan ama waa ay murmayaan., FAJAC.!!

Sidaa iyo si ka daran ayaa Dal, Gobol, Dagmo, iyo Tuulo Soomaalidu dabada isku wada  heysataa , khilaaf kastana waxaa daba taagan Bur bur, wax qabad la'aan, iyo dagaal ay ku naf waayaan kumanaan rayid ah oo aan waxba galabsan, kuwa kalena wey ku dhaawacmaan, halka tiro kale oo qoysas ihina ay ku bara kacaan si ay uga nabad galaan xabadaha ka dhex firdhanaya mid la khilaafay iyo mid wax khilaafsan , oo aan labadaba looga baran in ay dadka iyo dalka u sidaan fariin nabadeed oo kama danbeys ah. Balse aan ka war sugno, Madaxda Dowladda dhalan doonta 2016-ka bal waxey  iyaguna falaan.BALSE MA AHA WAX LA DAFIRI KARO IN SOOMAALIDU QILAAFKA EHEL U TAHAY.!!

Hadda, waxaa is haya Madaxdii sarsare ee Dowladii la soo dhisay 2017-kii, waxaana  isku dhagan Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof Jawaari & Raysal wasaare Kheyre,  waxaana qilaaf kaas ku kala qeyb samay Mudanayasha Baarlamaanka, ..............Weli  faanoole fari kama qodna mana dhawa sheekadu Sow maaha ...


,


                                                                           ..... WAA SOCOTAA..............
                            


                             

FG.TANI WAA ARAGTIDEYDA.


 
Clqaadir M. Faarax [ Dulyar}
dulyar23@Gmail.com
Nairobi--- Kenya


No comments