WARBIXIN:- CAGA LA'AANTEEY CIIDDU IGU ARAGTAY..!!!




Nov 17, 2013 


Waa Maah maah  malaheyga mar sii fog iyo waayaheeda la isticmaalay, kadib  markii la arkay xaalad ama sheeko dhacday oo lala mataaneyn karo macna ahaan,maantase si taa la mid ah waa mid u taabaneysa marxaladda aan ku jirno iyo muranada mar kasta soo dhex gala madaxda sarsare ee hogaamineysay  dowladihii  na soo maray mudadaan  bur burka ah mid hore iyo mid danbaba,markaanse  ma aheyn dhawaqa muragada leh ee la maqlay mid loo fadhiyay,ama laga sugayay  raga majaraha u haya  Dowladdan,

Shakina kuma jiro  in muwaadiniin badan oo soomaaliyeed meel kasta ha joogaane, ay muranka  madaxdeena soo dhex galay   ka qaadeen muraara dilaac iyo niyad xumo, mase aha arinkani mid ugub ah, marka dib loo eego  dowladihii na soo maray xiliyadan danbe, oo mid waliba markii ay is qabteen sadexda masuul ee ugu sareysa la og yahay halka ay ku meyday, iyadoo aan la is weydiin wixii mood iyo maal ku baxay iyo halka uu salka ku hayo murankoodana,la xasuusto sida  maalmo dabadeed loo soo dhisayay mid kale oo hor leh,



Dowladanse  waxa ay aheyd dowladii ugu  horeysay ee hogaankeeda lagu doortay dalka gudihiisa,  nasiibna u yeelatay in ay ka maamuus wanaagsaanaato kuwii hore ee KMG ahaa,oo dadku u kala arkayeen siyaabo kala duwan,had walbana taageerada iyo soo dhaweynta ay ka helayeen shacabka  lagu cabirayay halbeega qabiilka,taasoo ay u sii dheereeyd  tabar daro Maamul, faragalin shisheeye iyo Mucaarado xoogan  oo  tira beel ah oo  kaga imaanayay  gudaha dalka,


Markse aad milicsato, sidii ay shacabka soomaaliyeed u soo dhaweeyeen in markaan nabadi ka curato dalka,, sidii ay ula socdeen doorashadii dalka lagu qabtay, laga soo bilaabo xulashadii gudoonka Baarlamaanka  iyo sidii isku midka aheyd  ee loogu wada farxay musharixii ku guuleystay xilka ugu sareeya dalka,,sida loola ayiday Reysal wasaarihii uu u soo xushay in uu ka xigsado shaqada,, sida  aqoonyahanada na horkacay  loogu hanweynaa, sida loo rumeystay hadaladoodii macaanaa iyo balan qaadyadoodii  ugu horeyay ee ahaa in ay la imaan doonaan is badal iyo khilaaf la,aan,sida beesha caalamku ugu heelan tahay soomaaliya,sida loo dhaqan galiyay  go’aano adag oo  ka soo fulay,   iyadoo laga eegayo danta guud iyo in horey loo socdo,sida loogu riyaaqayay dhismaha iyo dayactirka ka soconaya Caasimadda  sida loo filanayay rajada iyo muuqaalka qurxoon ee  soo ifayo,sida loo mucaaradayay ruux kasta oo dhaliil u soo jeediya Dowladda,taasoo daliil u ah  sida ay dadkeenu  ugu baahan yihiin dowladnimada, sida qurbajoogtu ugu soo qul qulayeen dalka, iyo qodoba kaloo muhiimaba,waxaa marag ma doonta  ah  in  maalmahaan  hadal heyntaasi lagu badalay muranka ka soo if baxay maalin aan loo baahneyn   madaxda sare ee dalka,

Dad badanise waxa ay rumeysan yihiin in xaaladani ay aheyd mid la sugayay  maadaama la gaaray waqtigii ay madaxdeenu xusi lahaayeen sanag guuradii khilaafkooda, sida looga soo bartay    madaxdii na soo martay  oo  aaney jirin  sanad ama labo  Madaxweyne iyo Reysal wasaare shanqar la,aan   ku dhameystay shaqadooda, iyagoo dhanka kale doodooda cuskinaya    in  khilaafkani uu wax ka badali doono   shaqada  madaxda sare,  halka  siyaasiyiinta qaarna  ay awlba u  arkayeen shaqada dowladaani  qabaneysay mid hal  dhinac un ka socotay oo aan laheyn  isla xisaabtan dhab ah,sidaa daraadeed uu murankani  sababi karo  in hogaanka sare  uu masuul kasta isku tashado lana yimaado wax qabad u gooniya,iyadoo la isku xaq dhowrayo  kala  gudashada waajibaadkooda, inkastoo  isqabadkani  uu ahaa mid la iska soo dhaxlayay mudadooyinkaan danababa,

 Bal u fiirso,,  Dowladii Jabuuti waxaa is khabtay Madaxweyne C/qaasim iyo reysal-wasaarayaashiisii  Dr Cali Khaliif Galeyr,oo markii danbe xeer jajab meesha looga saaray iyo Xasan Abshir Farax, Dowladii Neyrobi Marxuum C/laahi Yuusuf iyo reysal wasaarayaashii la shaqeeynayay Md Cali Maxamed Geedi oo  isna xaar jajab looga saaray meesha iyo Md Nuur Cadde,   , Dowladii Madaxweyne  Sh Shariif, dhamaan waxa ay is qabteen Reysla wasaarayaashiisii  uu soo xushay,Md,C/rishiid Cali Sharmaake, iyo Md, Farmaajo, oo la xasuusto in   xeer jajab meesha looga saaray iyo  iyo Md, C/wali Gaas oo ahaa reysal wasaarihii 3-aad, oo  ay 4 sano gudahood ay is qabtaan, oo sida muuqatay qudhiisa  maamihii danbe aaney isku fiicneyn, intaa waxaa sii dheeraa khilaafka iyo qaniinyada ama taageerada  had walba   kaga imaanaysay raga is haya  Gudoomiyayaashii  gudoonka baarlamaanka, iyo Wasiiradii lakala shaqeynayay iyo weliba Xildhibaanada qudhooda   oo aan marnaba nasiib u yeelan in aaney ku milmin khilaafka iyo muranka soo dhex gala hogaanka sare,


Shacabka soomaaliyeed oo aan weli la gaarin doorkoodii ahaa in ay  iyagu soo xushaan madaxdooda. Waxa kaliya oo  ay warbaahinta ka maqli jireen  waa  in is qabadka madaxdoodu  uu salka ku hayo, mid lagu eedeynayo in uu  ku xad gudbay qodob dastuuriya iyo mid  kale oo ku doodaya  in  la  dhowro Dastuurkii  lagu soo dhisay dowladdnimada, waloow ay jireen dadyow kale oo qaba  in waxa la sheegayo iyo waxa la isku qabtay ay yihiin kaaf iyo kala dheeri,hadana ma jirin mid ka mid ah khilaafyadaa oo lagu xaliyay dalka gudihiisa ee waxaa  hadana dibada ka soo yeeri jiray  in wixii jiray lagu xaliayay xeer jajab, islamarkaana meesha laga saaray mid ka mid ah madaxdii is heysay,hase yeeshee waxaa is weydiin mudan waxa ay tahay mar hadii madaxdii is heysay lakala saaray ,sababta  weli aan u maqleyno  in  khilaafka madaxdeenu  in salka ku hayo ilaalinta dastuurka  aanuu aheyn waa mid  siyaasadeed, looguna heli waayay  xal   sabata  had walba dhalisa   khilaafka  oo sida muuqata ah  qodobada dastuurka oo aaney ku  kala cadeyn  wada shaqeynta iyo awoowdaha 
madaxda sare,

Dhanka kale,inkastoo la moodayay in laga soo gudbay dhaqankii KMG-ka hadana  waxaa weli noo muuqanaya qaar ka mid ah caalamdihii lagu yaqaanay wasiiradii hore, Waxaana wax  lala  yaabo noqotay   in Wasiirro aan xilalkoodii iska casilin ay  ka baaqsadaan fadhigii Golaha Wasiirrada  ee ugu danbeeyay ,ka dib markii ay ogaadeen in aan Madaxweynuhu kalsooni badan   ku qabin Ra’iisal 

Wasaaraha,si ay u ilaashadaan xilalkooda,iyaga oo  siyaasad ahaan is xijinaya midda ay aaminsan yihiin in ay reerka u soo hari doonto
Waase arin u muuqata ineey sii xoojineyso muranka muuqda,inkastoo  dabcigani aanuu aheyn mid ay   bilaabayaan  wasiirada Dowladan   balse  uu ahaa mid horey noo soo maray,hadana si loo adkeeyo dowladnimada  waxaa haboon in la calaamadeeyo wasiirada xiligaan sidaa ku fikiray maadaama aan lagu aamini karin xil Qaran,

Arimaha kale ee u baahan is weydiinta ayaa noqonaya, sida caalamku ku aamini doono madaxda Soomaaliya, mar hadii ku meel gaar iyo ku meel gaar la’aanba khilaafkoodu joogta noqday, iyo sida Umadda soomaaliyeed ee ku qalbi jabay marxaladaan mar kale looga dhaadhicin doono  taageerada dowladooda,iyo  in  ay madaxdoodu u wadaan fariimo  kama danbeys ah,iyadoo aan la qalad sixin qodobada dastuurka ee  kala cadeynaya  awoodaha madaxda sare.

Ugu danbeyntii, dad badani ma jecla  inuu sii jiitamo muranka u dhaxeeya Madaxda Dowlada, oo taa badalkeeda waxey jeclaan lahaayeen in aaney maqalba ereyga khilaaf, hadiise ay maqleen  waa in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu soo afjaro,laguna xaliyo dalka gudihiisa  maadaama markii horaba lagu dhex doortay Dalka, waxa kaloo ay jeclaan lahaayeen mar hadii  ay  dalka ka jiraan dhibaatooyin kale oo u baahan wax ka qabasho, sida dagaalo,Barakac , gaajo,iyo weliba masiibooyin dabiici ah oo wata duufaano iyo dabeylo  ay  ku waxyeeloobeen dad iyo duunyo  aan war u heyn  is qabadka madaxdooda oo taa badalkeeda  filayay gurmad iyo wax u qabasho.in aan waqti badan lagu lumin khilaaf iyadoo la eegayo danta dadka iyo dalka.waayoo sida la hadal hayo  iminka hadii  reysl wasaaraha laga daadajiyo tareenkan, shaki kuma jiro in dib u dhac hor leh ay   soo wajahi doonto siyaasadda Soomaaliya,maadaama  waxaa xigi doonaa ay yihiin  dhowr bilood oo lagu mashquulo soo dhisidda Xukuumad cusub iyo  u  shukaaminta baarlamaanka  .

Markase sidaan oo kale ay ku sifowdo madaxdu, lana waayo hogaan si hufan u wada shaqeeya, waxaa laga yaabaa in la is weydiiyo halka ay ku maqan tahay  awoowdii shacabka ku nool dal kaan, lana  soo hadal qaado waxa ay   u daawanayaan filimkan aan dhamaadka lahayn ee ay jilayaan actarada is qilaafsan,ugana  soo banana bixi la’yihiin ka hadalka danahooda iyo mustaqbal kooda, mise madaxdu waxey ogaatay in aanuu dalkani laheyn shacab damiir leh oo ka damqanaya  waxa lagu hayo,   xaalkuna   waa  !! Caga la’aan tey ciidu igu aragtay.!!!
                                              
                             DH A M A A D/=



FG.TANI WAA ARAGTIDEYDA.



W/Q:- C/qaadir M. Farax { Dulyar }
            Dulyar23@Gmail.com            

           Muqdisho/Soomaaliya

No comments