December
4, 2011
Waa arin sax ah in Masuul kasta oo maanta Soomaaliya ku nool
waxa ugu horeeya ee uu ka fikiro in ay noqoto amaankiisa,marxaladda lagu jiro
awgeed, dhanka kalese waa dabeecad lala qabsaday sanadahaan colaadaha in ruux
kasta oo masuuliyad haya ama rajeynaya in loo magacaabi doono in uu yeesho ilaalo isaga gaar u ah,shacabkuna waa ay la qabsadeen taa, waayoo hadii ay arkaan qof
lugeynaya oo qoryo lala dabo socdo durbaba waxa ay u qaadanayaan in uu yahay
nin Madax ah, xataa hadii aanu wax xil ah heyn ee uu yahay ruux dakano galay oo
la waardiyeynayo,
Marka aad Muqdisho u fiirsato,Xaafiisyada Dowladda,Hoteelada,guryaha madaxdu dagan tahay,wadooyinka,suuqyada laga dukaameysto,iyo goobaha ciriiriga ahba, waxaa maalintii oo dhan is dhaafaya ama hor dhooban ciidamo ilaalo u kala ah masuuliyiinta dowladda mid walibana waxa uu wataa hub maalin dagaal ah iyo ilaalo ka badan nabadgalyadiisa, ma jiro labis gaar u ah oo lagu garto ilaalada madaxda iyo ciidamada kale,mid walibana waxa uu ciidankiisa ugu labisay astaan ciidan noocii ay doonto ha noqotee,waxaana mararka qaar is leedahay arinkani waa bandhig hubeed.
Dhanka kale, inta badan ilaaladda masuuliyiintu markii ay geeyaan madaxda ay la kala socdaan fadhiyadooda,waxa ay dib ugu soo faafaan suuqyadda iyo wadooyinka iyaga oo wata labiskii iyo qoryahoodii si ay qudhoodu u soo adeegtaan,mar hadii ay suuqyada isugu yimaadaan ciidamo hubeysan oo aan is aqoon waxa laga filan karaa waa isku dhacyo dhexdooda ah sida marar badan dhacday,kuwaasoo sababa dhimasho iyo dhaawac, welina madaxdu kama fikirin dhacdooyinka ay sababaan hubka ay ugu tala galeen nabadgalyadooda, mar hadiise masuul kasta isaga oo awoodi karo in uu hubkiisa u sameeyo goob lagu xafido xiliga aaney shaqo jirin,taa badalkeeda lagu soo fasaxo suuqyadda sow lama oran karo xaalku waa bandhig hubeed,
Bal u fiirso xarumaha dowlada waxaa meel kasta loo sameeyay baro koortarool oo lagu baaro gaadiidka iyo dadka, hadana ruux kasta oo masuul ahi waxa uu la galaa gaadiid dagaal iyo ciidamo isaga gaar u ah,marka gudaha la isugu tagana xataa koox gaara looma xulo amaankee, waxaa nin walba daba socda ilaaladiisa,marka aad indhaha la raacdana waxaadba is leedahay malaha ilaalada madaxda ayaaba ku filan in ay dal dhan xoreeyaan,balse waxaa muuqata in ay madaxdu ka door bideen in fagaarayaasha iyo wadooyinka ku soo bandhigaan hubkooda.
Dhanka Xildhibaanada waa isku darajo waana isku mushaar,hal cadow bey sheegaan in ay wada leeyihiin.hadana qaar badan oo ka mid ah waxaa la socda ilaalo hubeysan qaarna si caadiya ayey u dhex lugeeyaan bulshada una dukaameystaan mana jirto wax hub ah oo muuqda oo ay wataan,dad badan baa is weydiiya marka ay arkaan arimahaan farqiga u dhexeeya Xildhibaanadda, waa su’aal adag in laga jawaabo balse waxaa la oran karaa waa qeyb ka mid ah bandhig hubeedka masuuliyiinta muqdisho,
Aan soo qaato qaato tusaale kale, Xaafiisyadda Maamulaka G/banaadir waa xarun si aada loo ilaaliyo amaankeeda oo ay joogaan ciidamo waaya araga ah oo ku filan aminiga, hadana waxa uu masuul kastaa wataa oo weliba uu gudaha la galaa ciidamo isaga gaar u ah,haba kala hub badnaadaane,waxaase la yaab leh in hadana masuul kasta xaafiiskiisa aad ugu tagto ilaalo qoryo kula jirta,marka mid mid kale howli ka gashana aad ku aragto labadii ilaalo oo si kala madax banaan u kala xigsanaya madaxdii gobolka,hal xaafiisna ku wada jira,waa ay jiraan siyaabo kaloo ka habaan nidaamkan oo lagu sugi karo amaanka masuuliyiinta, hadana waxaa la oran karaa waa arin u muuqata bandhig hubeedka ka jira muqdisho,
Waxaaba suurta gala ah in Wasaaradaha qaarkood Madax waaxeedyadu ay ka hub badan yihiin Wasiirka ,lagana yaabo in aanuu Wasiir ku xigeenku wadan wax ilaalo ah,hadana waxaa ka wada dhexeeya masuuliyad Wasaaradeed oo la doonayo in ay uga wada shaqeeyaan nidaam iyo kala danbeyn,balse waxaa hubanti ah in halkaa ay ka jirto xaalad Bandhig Hubeed hadana la rabo iyadoo lakala hub badan yahay in la is amro oo la wada shaqeeyo,
Arimahanina waxa ay ku soo xasuusinayaan xiligii Hogaamiye kooxeedyadda Muqdisho oo ahaa xili la xiiseynayay bandhig hubeedka, waayoo waxaan u soo joognay in ay ragaasi marka ay isi soo booqanayaan ama ay yeelanayaan shir wada jir ah in uu mid waliba horey u soo kaxeysan jiray waxa uu heysto ee huba,si uu u soo badhigo hubkiisa. ama uu ugu yaraan u cabsi galiyo inta aan raacsaneyn hadafkiisa,waxaana markii ay shirayaan oo ay ciidamdoodu goob isugu keenaan laga cabsan jiray in ay isku dhacaan ,sidoo kale waxaa aad looga dareemi jiray marka ay wadooyinka marayaan waayoo waxa ay isku dari jireen guux ,xawli,iyo xabado cabsi galin ah, balse waqtigu waa cajiibe ragaasi qaarkood waxaa maanta ilaalo u ah labo wiil,waxa ayna si siman baaqyo isula soo jeediyaan Xildhibaano kale iyaga oo ka wada cabanaya cadaalad daro,halka kuwa kalena ay faraha la sinmeen oo aad ku arkeyso iyagoo dhex fadhiya shirar oo cod dheer ku soo jeedinaya { NABADU WAA SHEY QAALIYA,WAANA INAAN KA WADA SHAQEYNAA}waa tii shalay isaga iyo qeyrkii looga caalwaayay, maantase waqtigu waqtigii maaha, sanadkuna sanadkii maaha madaxduna madaxdii maaha,waxaana la filayay isbadal iyo in laga gudbay wixii hore,balse waxaad moodaa in weli xaalka masuuliyiinta muqdisho uu yahay BANDHIG HUBEED....
=DH A M A A D=
FG. TANI WAA ARAGTIDEYDA.
WQ/-C/qaadir M Faarax { Dulyar}
Dulyar23@gmail.com
Mogadishu
No comments