FAALLO:- AQOOL XUMADA GARGAARKA, IYO XEELADAHA BARAKACAYAASHA..ALLOOW UR U BIXI.!!!




12/07/2011-kii

Weedhan ama hadalkan waxay dibnaha qof ama bulsho soo dhaafaan marka hooyo ubadkeeda diidoo wax la quuto la waayo, ama naf nolol lagu ogyahay ay dabin u gasho wax halis ku ah, welina aan laga quusan, hadaba maanta dad badan oo Soomaaliyeed waxay halis ugu jiraan geeri, welina lagama quusanoo naftu way ku jirtaa, waayo inta cagahooda soo maashay ee Muqdisho lagu haraad tiray mooyee waxaa jira in badan oo looga soo tagay degmooyinkii iyo tuulooyinkii ay abaartu ku dhufatay.


Hadaad xooraansato qaar badan oo ka mid ah qoysas ka Muqdisho soo gaaray, iska daa calool xumo kugu dhalatee Allow yeysan ilin ku soo dhaafin, marka aad maqasho, Aabahay isagoo waayeel ah nafina ay ku jirto ayaan uga soo tagay aqal Soomaali madoow oo aan biyo iyo baad toona oolin, waxaana sidaas u yeelay markii uu igula taliyey intii reerku geeri isla barkan lahaa inaan la cid iyo ciirsi raadsado, kuwaan yaryar ee uu awowga u yahay, haddana waxa uu ku sugan yahay Allaa yaqaan!.


Bal ka waran marka ay dhegtaada ku soo dhibicdo, waxaan wadada uga soo tagay intaan geed hoos fadhiisiyey ilmahan Hooyadood ka dib markii hayaanka oo dheeraa awgii iyo haraad iyo gaajo na haleelay dartii ay labo saamood is daba dhigi weyday, haddana inay nooshahay u maleyn mayo!.
Kaba sii darane ka waran marka lagaaga sheekeeyo in Hooyo ilma yar oo ay dhashay intay maro ku duuduub tay ay geed wadada hareertiisa ku yaal intay hoos dhigtay, kagana soo dhaqaajisay halkaas, iyadoo moodda in uu geeriyooday kadib markii ay juuq iyo jaaq ka weysay, nasiib wanaagse duul kaloo wadada soo maray ay horay u soo qaadeen markii ay arkeen nuuxnuuxsiga marada, maalmo ka dibna xeradii hooyadu tagtay dad ugu warameen in laga dhex baafinayo ilmo yar oo hadda la keenay, dabadeedna waa hooyee intay haw soo tiri baadi goob ugu dhaqaaqday, mise waxa la baafinayo waa wiilkii ay 4 aqoolood ka hor geerida uga soo tagtay, sidaasina ay markale kula midow day wiilkeedii , MAXAA YAAB IS DABA YAAL.!!.

Dadka wax tacliiqiya waxay abaarta qadar Alla ka sokoow eedeeda dusha ka saaraan colaadda daba dheeraatay ee ka jirta Soomaaliya, taas oo noqotay madhamaato, waayo markii ay qolo daashaba waxaa qoryaha qaata qoom cusub oo ku xaragooda iyagoo huwan xirfad cusub, markaas ayey qolyihii hore waxay wax ka sheegsheegaan oo la yaabaan qolyahaan cusub iyo xirfadooda, waayo haddii aysan colaadi jirin waxaa jiri lahaa nidaam dowladeed, haddii dowladi jirtana waxaa la heli lahaa maamul iyo nabad, dabadeedna waxaa sare u kici lahaa wax soo saarka iyo tabaca beeraha markaana dadkeena waxa uu gaari lahaa isku filnaan.


Bal u fiirso sow ayaan daro ma aha in loo dawarsado hodwalba gobolada koofureed oo ah halkii dhulbeereedka Soomaaliya iyo wabiyadu marayeen, marka xaajo xumaatana la filayey in lagu baxsado, taas badalkeedana ay hadda dadka goboladaasi u soo dareeraan, iyagoo faramaran gobolo aan wax ka soo dega mooyee wax ay u dhidideen weligood laga dhoofin.
20-kii sano ee u dambeysay marka laga reebo abaaro kooban iyo fatahaado, waa markii 2-aad oo ay Soomaaliya macluuli ka dilaacdo, waxaana xusid mudan in sanadkii 1993-dii ay ahayd markii gobolada Bay iyo Bakool lagu tilmaamay magaalooyin ki dhimashada, waxaa waqti gaas loo sameeyay gurmad bini’aadanimo, waxaa xal loo helay caqabado jiray sida dhaca maleeshiyaadku u geysan jireen gaadiidka shixnadaha wada, kuwa afduuban jiray shisheeyaha gargaarka sida, iyo qodobo kale, waxaa xilli gaas tilaabo miyir qab leh ku dhaqaaqay ergeygii Qaramada Midoobay u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya Ambassador Maxamed Sahnuuni, waxa uu ergaygaas ahaa maskax dii ka dambeysay in gargaar ku si nabad ah isaga kala goosho gobolada dalka, waxa uu Saxnuuni gaar siiyey loorka bariiska ah ama burka inuu beec ahaan gaaro wax ka yar 6,000 oo Shilin So ah, taas oo ka xishoodsiisay maleeshiyaadkii dhaca u geysan jiray gargaarka.

Hadda QM markii ay abaartu ku dhufatay Soomaaliya, waxay calaamadeysay gobolada Bakool iyo Sh/hoose, iyadoo la rumeysan yahay inay gobolo kalena abaari ka jirto, dad baa qaba in la siyaasad eeyay xaqiiqda abaarta, waxaase suurtagal ah inay Qaramada Midoobay sidaas u yeeshay in la qorshay nayo in gargaarka xoog malatari lagu gaarsiiyo meelaha la calaamadeeyay oo ay hadda ku xukumaan Xarakada Al-shabaab, balse tan iyo markii lagu baraarugay qulqul ka barkaca yaasha soo gaaraya magaalada Muqdisho waxayna dadka ku dhaqan Muqdisho si kala madaxbabaan u caawiyeen walaalahooda, sida dowladda, Ciidanka, Ardayda, Maamulka Gobolka Banaadir, Haweenka, Ganacsatada, Saxaafadda iyo si shaqsi shaqsi ahba, looma kala harin xittaa curyamadii ku naafoobay dagaalkii 1977-kii ayaa waxay gacan ka geysteen gurmadka, waxaa sidoo kale xusid mudan qurba joogta oo si weyn uga dhex muuqday dhiig joojinta loo sameynayo dadka ay abaartu soo barakicisay.

Dadka soo barakacay markii ay soo gaareen magaalada Muqdisho waxay saldhigteen xarumihii waa weynaa ee dowladdii dhexe ee Soomaaliya ee ku yaalay bartamaha caasimadda, waxaa loo hindisay in loo raro xero ku taala dacalka koonfureed ee degmada dharkeynlay, taas oo loo bixiyey Badbaado, hadaba xeradaasi maxaa kaga horeeyay oo loogu diyaariyey, tiro intee la’eg bey qaadi kartaa, maxaase laga yeelayaa boqolaalka kaam ee weli ku harsan degmooyinka G/banaadir, kuwaas oo isugu jira kuwa horay ugu sugnaa iyo kuwo cusub, midna la isma weydiin, tan kale, dadkan looma sameyn qorshe, lama tirakoobin, kaarar lagu aqoonsado ma heystaan, mid wax helay iyo mid qaday lama kala yaqaan, habac badan baa ka muuqda halkaas, waxaadse moodaa in arrinku ahaa mar un magaalada dhinac ha u dhaafaan.

Waxaa dhacday inay dadkaas sidii maxaabiistii marwalba ka soo baxsadaan dhibaatada ay kala kulmeen xerada lagu ooday, sida dhaca raashinkooda, dilka, kufsiga iyo musuqmaasuqa lagu hayo, tiiyoo aysan jirin cid wax ka qabaneysa hadal mooyee, marka ay magaalada soo galaana loogama haree waxaa qasab loogu celiyaa markale inta baabuur lagu guro xero baastii ay ka soo carareen ee dhibka loogu geysanayey, welina xal looma helin xaaladooda, kaaga sii darane xerada Badbaado waxayba u muuqataa hadda meel ay dowladda KMG ugu dawarsato caalamka, waayo madax kasta oo timaada dalka ugu horeyn waa halka lagu beerlaxawsado oo loola cararo si ay u soo arkaan macluusha Soomaaliya ka jirta, haddana bal iska daa xerooyin kalee waxaa caalamku baahi tiri la’yahay xerada Badbaado oo qur ah, dhibkiina weli waa ka jiraa,waa yaab!.

Waxaa Soomaaliya loogu deeqay malaayiin dolar, waxna hadda waa laga gudbay oo la xisaabin maayo, waxna weli waa harsan yihiin,waloow siyaabo kala duwan loo qoondeeyay sida xeryaha xuduuda heena ka baxsan, kuwa gudaha ku yaala, tabaca beeraha, Caafimaadka iyo dib u dejin guud, hadana dhaqaalahaa balaaran ee loogu yaboohay abaaraha Geeska Afrika, Allow yaraa !! inta soo gaarta dadka loogu tala galay.

Marka gacma badani soo dalaalaan waxaa aqool-xumada jirta ka sii daran rag iyo dumar horjoogayaal kaamam ah oo aan la dooran oo horboodaya kaamamka iyo dadka barakacayaasha ah eek u jira, kuwaas oo meelaha araajida maalmahan soo buuxiyey si ay u sii dalaalaan inta farahooda ka soo sibxatay dalaaliinta caalamka ee sheegta hay’adaha gargarka bixiya iyo saraakiisha dowladda KMG, alloow iyana dhibka lagu qabo badanaa, taas waxaaba ka sii daran ciidamo hubeysan oo la maqlayey maalmahan inay dhac iyo boob u geystaan barakacayaasha, kuwaas oo iyana maanta u baahan in loo hindiso fikrad la mid ah tii Maxamed Sahnuuni si looga samata bixiyo cunada gargaarka loogu tala galay dadka tabaaleysan ee ay markasta dhacayaan.

Waa suurtagal markii ay dad badani maqleen yabooha dhaqaale ama gargaar ee loogu talagalay Soomaaliya inay si weyn u soo dhaweeyeen, iyagoo markaas rajeynayey bal iska daa kuwa soo barakacaye in xittaa uu hoos u dhac weyn ku imaan doono qiimaha maciishadda ay ku iibsadaan dadka caadiga ah, isla markaasna filanaayey in raashin fara badan oo gargaar ah lagu soo fatahi doono dalka, balse taasi ma dhicin oo iska daa barakacayaashiye waxaa haatan qaati jooga dadkii caadiga ahaa meel kasta ha joogaane, waayo abaarta ka hor halkii uu joogay qiimaha raashinka hadda waxa uu sare uga kacay %15, waxaase la ogaaday inay 3 arrimood sabab u yihiin waxaas oo dhan, kuwaas oo kala ah:-

1. Ganacsatadii oo xanibtay badeecadahoodii iyagoo ka cabsi qabay in dalka la keeni doono raashin gargaar ah oo ka jaban kuwa ay keenaan, balse taas badalkeeda faa’ido badan ka hela keydkoodii hore iyo raashiinka gargaarka ah ee dadka masaakiinta ah loogu talogalay.

2. Hay’adaha sheegta inay bixiyaan gargaarka kala duwan oo markan hindisay sababo jira awgood inay raashinka gargaarka ah ka iibiyaan suuqyada dalka gudihiisa ah, lana soo galay dalka lacago fara badan, marka laga reebo wadamo carbeed oo wax xoogaa cuno ah duulimaad iyo maraakiib ku keenay, kuwaas oo qudhooda dad badani is weydiinayaan halkii ay ku dambeeyeen, mana jirto cid la xisaabtanta ama dabagal ku sameysa Hay’adaha dhaqaalahooda iyo halka ay ku bixiyaan.

3. Tan ugu daran oo ah raashinkii barakacayaasha subixii loo qeybiyo oo galabtii dib ugu soo laabta suuqyada, isla mrkaasna ay mar kale isla raashinkaasi dib uga soo iibiyaan suuqyada Hay’aduhu, NGO-yada iyo qandaraasleyda oo iyaguna aan musuqmaasuqa ka marneyn, taas oo runtii xaaladda ka dhigtay mid lagu jahwareero iyo weliba in la kala garan waayo cidda barakaca ah iyo cidda lagu soo barakacay, waayo dadkii oo dhan waxay noqdeen kuwo maanta ay wada saameysay dhibaatadu inyar mooyee, marka sow la isma weydiin karo su’aasha ah, caalamku ma waxbuu noogu daray wixii aan horay u heysanay, mise waa nooga daray?, jawaabta oo sax ahna waxay noqoneysaa wuu nooga daray ee nooma dhaamin tii horay u jirtay.

Dad badan baa aaminsan in haddii Soomaalida oo looga bartay isgacan qabashada ay dal iyo dibad isku qeyladhaansadaan sidii horayba u dhacday, loona daayo xaaladda in arrinku dhaami lahaa sida uu maanta yahay, haba iska tabar yaraadaane, xaqiiqduse waa Soomaalidu haddii ay horey u sheegsheegi jireen in lagu hayo faragelin Diineed, Siyaasadeed, Mellatari iyo mid Maskaxeed, in waxa hadda socodaahi marka aad dhab u fiiriso lagu tilmaami karo faragelin dhaqaale.

Horaa loo yiri qeyladii yeertaa qoom bay dani uga jirtaa, waxaa jira kuwo qaxootiga intay xero ku ooteen u qeybiya raashin kulul, {Karsan} inta nacfiga lehna ka soocda, markaas ayey barakacayaashuna dhankooda hindiseen inay cunadaas ka iibiyaan dadka Arriga, Lo.da iyo Dameeraha leh, si ay u helaan sunuud yar oo ay kala soo baxaan wax ay liqi karaan, waxaa sidoo kale xeryaha barakacayaasha qaati looga taaganyahay dalaaliin iyo ganacsato sicirkay doonaan kaga fara marooqsada deeqaha la siiyo dadka dhibanayaasha ah, waxayna barakacayaashu sidaas u yeelayaan oo iibinyaan wixii la siiyaba cabsida ay ka qabaan in guura habeen madow la yiraahdo iyo in qori caaradii looga qaato wixii gacantooda ku habeensada.

Hadaba sow ma haboona in Xukuumadda, Maamulka G/banaadir  Ganacsatada iyo Guddiga dowladda KMG u magacow day abaarahaba inay wax ka qabtaan xaalada haas aan soo sheegay oo dhan, ayna la yimaadaan qaab habeysan oo hoos loogu dhigi karo sicirka cunada, isla markaasna ay hayadaha gargaar ku wax ku gaarsiiyaan dadka dhibaateysan si hufan, amaan koodana lagu sugo, mise xaalku waa booba yaa wadani!, waayo hadda waxaa la soo sheegayaa barakacayaal markii laga dhacay wixii la siiyey la dilay, kuwo loo diiday markii ay damceen inay isaga soo tagaan xeryaha lagu aanfeeyay, kuwo aan barakac ahayn oo safaf dhaadheer ugu jira raashinkii gargaarka ee loogu taligalay dadka masaakiinta ah, qaarkoodna ayba hubeysanyihiin iyo arrimo kale oo isbarbar yaac u muuqda, marka sow xaalka barakacayaasha ma haboona inaan niraahno, Alloow ur u bixi.!!.
                             =DH A M A A D/=

Waxaa qoray:- Abdulkadir {Dulyar}

 Email:- Dulyar23@gmail.com

No comments