WARBIXIN:- MUQDISHO,IMINKA WAA MAGAALADII CABSIDA.!! 2009-kii


Muqdisho, Iminka waa Magaaladii Cabsida.

WQ:-2009-kii


Muqdisho iskuma diidanin in ay ahaan jirtay ama ay tahay weli  Caasimada Soomaaliya, waa Magaalo kulmisa dadka Soomaaliyeed oo lagu wada nool yahay, waxa ayna magaalooyinka kale kaga mudnaatay in lagu asteeyo Xarumaha Dowlada, Safaaraddo, Suuqyo waaweyn, Cisbitaallo, Iskoollo, Hoteello iyo inkaaniyaad kale oo fara badan, taasina waxa ay keentay in dadka Soomaaliyeed ay ku soo wada  uruuraan, iyaga oo ka dhistay daaro waaweyn iyo hanti kaloo ma guurta ah oo aad u bilicsan, balse marna talada laguma darin in sidaan wax u dhicidoonaan.

Dadwaynuhu waagii hore waxay ahaayeen kuwa kala meeleysan, oo aan isku soo xadgudbin, sida Shacab & Dowlad,  Arday & Macalin, Madax & Shaqaale, Janan & Deble, iyo tusaalooyin kale, mid walibana waxa uu higsanayay hadaf uu lahaa, isaga oo aan ka leexin jirin  kuna qanacsan qaannada uu ku jiro bulshada, Maantase arinku  arinkii maaha,


Hadaan wax yar dib u celiyo  aqriste xusuus taada, barisamaadkii Muqdisho waxaa ka dhici jiray  munaasabado waaweyn oo mid walba maalinteeda dharaar cad lagu xusi  jiray meel fagaare ah, dadwaynuhuna ay u daawasha tagi jireen, balse iminka Gudbe maalmahaasi.

Dadku waxay ahaayeen kuwa dantood yaqaana iskuna tixgeliya  ehelnimada, da’da, derisnimada, macalin kaaga  Qur’aanka ama iskoolka, iyo IWM, haddii mararka qaar la is qoomana waxaa jiray meelo loo dacwoodo, waxaana si fudud loo raaci jiray guulwade aan qori sidan, taasina waxay ku tusineysaa in sharcigu uu ahaa mid ay dadku ka baqaan, inkastoo waagaana wax la sheeg-sheegi jiray.

Muqdisho, xaafada heeda waxaa waabariga hore lagu arki jiray,calaamado ay caan ku aheyd  sida:- Canjeero ama laxoox la soo dubay oo la wareejiyo,  Nac- nac luubaani  garaaca saxanka lugu yiqiin, Bataati iyo basbaas suuqyada iyo Iskoollada hortooda lagu gado, loona yiqiin {Baar jilba jabsi}, Dameer afar tanagle ah oo qoysku Aashuunkooda mid ama labo iyo ka badan kaga shuban jiray, Dhalo yaa qabooy, oo cod gaara lagu yiqiin, Tinaarro haween koodu caan ka ahaayeen xaafadaha oo muufo ama qamiir lagu dubo, safafna loo galo, dadka dhaqaalahoodu hooseeyo iyo kuwa kaleba waxa ay wada raaci jireen Basaskii Minishiibiyo ama loo yiqiin {kuryeeri} iyo qodobo kaloo tira beel ah, waa xusuustii Muqdisho ee barisamaadkii, balse Maanta malaha wax kalaa noo badalay oo aan isla naqaano. ..

Dhanka ciyaaraha Caruurta aan ka soo qaato oo qudha, Cub & Cir oo bilowga ciyaarta lagu kala bixi jiray, Quful Quful ,  Abitey, Imbili, Bugle, Baliil, Garangar,Nacash-Nacash, Kuun Kuun,Gariir, Kadhimeey-Kaadhim, Dhuudhuumashoow,Kabey Bilataa,Yool Yool , Intee ka baxaa meel Allah, Darbi Saar,Cad & Madow, Xarash & Madax,Una kambiyo Duwe kalabax oo kubada cagta laguyaqaanay,  iyo kuwa kale an ka tagayba oo aqriste maskaxdaada ku soo dhaci kara, Maantase Caruurtu waa ka gudbeen heerkaas  oo marxalad kaley ku jiraan..

Muqdisho, tan iyo intii la riday  Dowladii Kacaanka oo loo tiriyo hooyada dhashay colaadaha Soomaaliya,  waxay soo martay dagaal Qabiil, isku dhacyo Hogaamiye kooxeed, Dowlado dibadaha lagu soo dhisay, aakhirkiina mid waliba maalinteeda  ku dhex mayday, maanta waxaa isku haya Wadaad dadii ay shalay  shacabku  sida weyn utaageereen wanaagii ay muujiyeen 6dii bilood darteed, waxaa socda dagaalo aan kala go’ laheyn, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac, Barakacuna waa tiro dhaaf, oo waxaad mooddaa in ku dhex noolaanshihii Muqdisho laga door biday in la dago daafaheeda [ CEELASHA BIYAHA}, dan baase malaha tidhi, welina laguma kala bixin.

Aan u soo noqdo Qormadeyda, Muqdisho waa Magaaladii Cabsida, waa dhab  qof walba oo maanta Muqdisho ku nool waxaa ku beeran cabsi, bal u fiirso, Daqaatiirtii, Aqoon yahankii, Siyaasigii, Waxgaradkii, Saraakiishii, Suxafiyiintii, Ganacsatadii, iyo dadkii caadiga ahaaba waxa ay xaaladu kuqasabtay iney Muqdisho  ka wada carareen, qofwalbana waxa uu ku leeyahay, waa la ii hanjabay, digniin baa la i siiyay,  meel la joogi karo maaha, No- Nambar baa la iga soo wacay, iyo erayo kale, cabsidana waxay haatan xaraaraddeedu gaartay in Teleefoonada gacanta la qaban waayo  iskaba daa Nambarkii aan la aqoone, sidoo kale Xaafadaha Muqdisho qofkii aan la aqoon durbadiiba waxa uu noqonayaa mid faraha lagu taagtaago.

Isku socodkii dadka waxaa ku yimi hakad weyn, oo dadku iskuma gudbo,waayoo wey kala cabsanayaan, ka dib markii dad badan loo dilay waan ka shakiyay, maxaa ii daba socotaa, waa jaajuus, waa Al-qaacido, wuu is qarxin rabay, maxaad iga fiirineysaa, qolada kale ayuu la shaqeeyaa, iyo erayo kale, markaa ayaa ruux kasta waxa uu digtoonoow ka galay in aan sidaa oo kale  lagu dilin, waxa uu ku adkeystay qof walba  in Mucaarad iyo Dowladba Degmada laga yaqaano in uusan soo dhaafin,waxaa yimi amakaag, iyo in xaalku noqdo, !! Caasimad kala shakisan.!!

Muqdisho dadkeedu waxa uu qabatimay haatan in ruux waliba  halka uu ku hoydo xaadiro 5-ta galabnimo, waa goronyooy gabal kuu dhac, waddo kastana waxaa xirta ciidamo iyaguba cabsanaya, ganacsi gana waxaa albaabada loo xiraa marka gadiid socda la waayo, Masaajidadii cibaadadda Allah loo dhisay waxa ay noqdeen kuwa laga cabsado oo ay dad badani soo xaadirin,kadib markii lagu ugaar saday dad  u soo cibaada doontay.

Si kastaba dadku waa wada cabsanayaa, hadana  lagama quusan nolosha iyo joogitaanka Muqdisho oo  dagaalada, Madaafiicda , Hanjabaadaha, shirqoolada dilalka ah, ee ka dhex socda  la oran karo  sabab ayay u yihiin, in min Madaxweyne ilaa qofka caadiga ah  uu noqdo cabsi ku nool, mana jiro sanku neefle Muqdisho jooga oo aaney dareenkiisa cabsiyi ku beernayn,  marka sow lama oran karo, Muqdisho Iminka waa magaaladii cabsida…..!!

                               DHAMAAD/=


FG;- TANI WAA ARAGTI DEYDA.



C/qaadir Max’ed Faarax {Dulyar}

Dulyar23@Gmail.com

 Nairobi,  Kenya
  
    2009-KII

No comments