December, 03.2016.
Dalka
Soomaaliya waxa uu ahaa Sanadihii dowlad nimada dal awood ahaan, dhismo ahaan
iyo Bulsha ahaanba u soo korayay,marka
loo fiiriyo dalalka asaageen ah, dad kuna waxa ay ahaayeen dad dhawaan gumeysi ka xoroobay oo si weyn u xasuusta Halgankii
loo soo maray Xoriyadda iyo Gobanimada iyo weliba iskuduubnidii lagu dhaliyay Midnimadii iyo
wadajirkii Soomaali weyn ,xaqiiq diina waxa ay ahayd taariikh daasi mida
suurtagalisay in shacabka Soomaaliyeed isku tashado oo uu dalkiisa ku dhisto
Iskaa wax u qabso , dhamaan Iskoolada,Isbitaalada,Wadooyinka, iyo dhismayasha
Dowlada ee maanta dalka ka jira intooda
badan waxaa gacan tooda ku dhisay iyagoo weliba ku faraxsan Waalidiinteen, mana
jirin wax lacag ah oo lagu siinayay shaqadaas balse waxaa jiray waqti gaas dareen Wadaninimo iyo
mid Dal jaceyl oo ku abuurnaa qof kasta oo Soomaaliya oo xiligaas joogay.
Dowladii Kacaanka
oo howshaan iskaa wax u qabsada ah ka hirgalisay Soomaaliya kuna dhistay dhismayaal aad u fara badan 0o qeyb weyn ka qaadanaya ilaa iyo maanta bilicda
dalka iyo nolosha Dadkaba, waxa ay ku dhiiratay howshaas iyadoo fulineysa mabda’eedii koowaad ee ahaa HOWL
IYO HANTI WADAAG inkastoo aan barigaa aqoon badan loo laheyn balse waqtiyadaan dambe gadaal laga ogaaday in Hantiwadaagu uu ahaa nidaam Shuuciya oo aan Dalalka Islaamka ku wanaag saneyn ayna noo soo waarideen Kaadiriyiin ka yimid
Midowgii Sofiyeeti , si bulshada Soomaaliyeed loo jecleysiiyana waxaa loogu abaal guday dhidid kii waalidiin teenii ku shaqeeyay ISKAA WAX UQABSADA in ubadkooda iyo iyaguba ay wax ku bartaan laguna daweeyo si lacag
la’aan ah Iskooladi iyo Cisbitaaladdi Dalka laga hirgaliyay.
Waxaa la ahaa waagaas bulsha han iyo himilo
leh oo garaafkoodu kor u socday, bulsho isku xiran oo dhan kastoo laga eegaba isku qadarisa, marka laga soo tago Waalid,Walaal
iyo Qaraabo waxaa xurma weyn loo hayay
qof kasta oo kaa Da’ weyn, Dariska, Macalinka,Xididka, Saaxiibka iyo
wixii soo raaca, Iska daa Martida iyo socotada oo qoyskii ka seexda lagu dhaleceyn
jiraye waxaa xataa si xushmad leh loola hadli jiray dadka Masaakiinta ah ee Dawarsada, oo erayada loo adeegsan jiray ay ka mid ahaayeen “”ADEEG ALLA ,ALLAHA NOO SAHLO & Erayo kale oo naxariisi ka muuqato ”” ama hadii la awoodo si
Ubadka loogu tarbiyadeeyo wanaaga sadaqadu leedahay inta wax loogu dhiibo lagu oran jiray
“MAANDHOOW U GEE MISKIINKA”, mana dhici
jirin in gaadiidka dadweynaha qof weyn oo taagan in uu qof yari kursiga ku fadhiyo waana tarbiyat
ay bulshadu ka wada sinayd,
Sidoo kale dadku
waxa ay ahaayeen kuwa xumaha wadajir ula dagaalama oo iska daa dharaarta cade hadii ay saqda
dhexe dariska qeylo ka yeerto sida TUUG
TUUG ama dagaal qoyska dhexdiisa ah qof walba oo maqla halkiisa ayuu uga soo
gurman jiray weyna adkeyd in tuugada habeen socod ka ahí ay si fudud uga
murad sadaan xaafadaha dhexdooda, sidoo kale inkastoo aysan badneyn oo la
ceebsan jiray muranka qoys ee Habeenimo
hadana hadii la is qabto xili dambe oo
lagu soo kaco Diryaan kooda waa lagu soo bixi jiray loomana kala tagi jirin ilaa xal laga gaaro
reerkaas,MAANTANA LA ISKUMA SOO GALO OO XAAL
ALLAA OG.
Dhanka kale
waalidiintu Ubadkooda walwal badan kama qabin, waayoo iska daa xumaan kalee hadii la arko Gabadhooda oo Wiil wadada la taagan ama gurigiisa la joogta ama Wiilkoodii oo fal
xun sameynaya inta aaney ogaanba waalidkood
waxaa markiiba canaan iyo dagaal ku qaadi jiray waalidiinta kale ee
dariska la ah ,hadii markale lagu arko falkii oo kalena waxaaba loo gudbin jiray Waalidka dhalay oo isaguna ahaa mid ay adag tahay inaad ka
nabad gasho,waxaana la oran karaa dhaqan kaas ayaa sabab u ahaa in ay caruurtu ku barbaaraan nolol
dagan oo ixtiraam iyo kala dambeyn leh, sidoo kale barigaas hadii ay caruurtu is dagaasho waxaa kala canaanan
jiray hadba waalidkii ama qof kastoo weyn
oo ku soo hor mara iyadoo markaana ay sugeyso canaantii waalid kiis iyo tii macalinka Dugsiga oo barbaarinta
ubadka door weyn ku lahaa marka ma sahlaneyn in dagaal dariseedka lagu dag dago, MAANTANA MACALIMIINTA WAABA LALA DAGAAL LAMAA.”Subhanallah”
Dadku Miyiga mooyee Magaalooyinka Qabyaalada kuma
dhaqmi jirin ee waxa ay taa badalkeeda yaqaaneen Qaran
iyo Soomaalinimo, waxa ayna laheyd Soomaalidu Qab ay kaga duwaneyd bulshada kale oo Rabaaniya, bal u fiirso,
Dadyowga kale hadii Ruux Hooyo ah oo ilma
yar sidata ay Buska ama Tareenka soo raacdo Ilmaha ay sidato qof kasta waa ay u dhiiban kartaa si
uu u caawiyo mana diidayo ilmuhu qofka kale ee qabtay, balse Caruurta Soomaalidu
way adag tahay in qof aan Hooyadood ahayn ama aaney bar
garaneyn ay qabato waayoo durba waa ay
jir diidayaan oo waxaa ku jira Qab Alla ku abuuray hadii
lagu qasbana waxa ay dareenkooda ku
muujiyaan oohin, tan kale iska daa qof aysan aqoone yaraanka reerku ma
ogola in dhabta Hooyadiis ilmaha kale ee
la dhashay ay ku fadhiistaan oo waa uu ka dagaalamaa arinkaa tabari meel ay dhig taba.
Tan kale, Qab ka Soomaalida Alle uu ku beeray ma aheyn mid
Caruurta oo kaliya ku koobneyd ee wuxuu
ahaa mid ka muuqday Qof kastoo Soomaaliya aan soo qaato sheekadaan oo uu buugiisa DHAQANKA SOOMAALIDA ku qoray Dr
Saadaq Eenoow, taas oo dhacday xiligii Gumeys taha Ingiriisku uu ka talinayay Gobolada waqooyi ee Soomaaliya;- ”Jeneral Douglas Jordin , oo ahaa ninkii
jebiyay Daraawiishta, buugiisa The Mad
Mullah, wuxuu ku qoray mar uu Sarkaal Ingiriis ahi uu su'aal weydiiyay Nin Miyiga geel ku raacda oo magaalada Berbera yimid :-
Sarkaalkii : Dadka dunida ku nool yaa ugu sareeya ? .
Geel-jirkii : Soomaalida iyo Ingiriiska.
Sarkaalkii : Yaa ku xiga ?.
Geel-jirki : Carabta.
Sarkaalkii : Haddii idinka iyo Annaga aanu simanahay, sidee bay u suuragashay in aanu idiin imaano oo aanu maamul idiin samayno.
Geel-jirkii : Fursad ayaad hesheen oo keliya. Haddaan annagu fursaddaa heli lahayn, Annaga ayaa idiin iman lahayn,””..
= Han weynida { Qab ka} Soomaalida=
Geel-jirkii : Soomaalida iyo Ingiriiska.
Sarkaalkii : Yaa ku xiga ?.
Geel-jirki : Carabta.
Sarkaalkii : Haddii idinka iyo Annaga aanu simanahay, sidee bay u suuragashay in aanu idiin imaano oo aanu maamul idiin samayno.
Geel-jirkii : Fursad ayaad hesheen oo keliya. Haddaan annagu fursaddaa heli lahayn, Annaga ayaa idiin iman lahayn,””..
= Han weynida { Qab ka} Soomaalida=
TUSAALE LABAAD:-Aduunyo gadaal u xun. !!!
Sir.John Kirka oo isticmaarka Ingiriiska Zanzibar u joogay sannadkii 1870, ayaa yiri: waxaan tagay Somalia,miyiga aniga oo marayo ayaa Oday Somalia oo geel wato isoo ag maray, markaa ayuu sanka qabsaday,turjubaankii ayaa weeydiiyay sababta.
Wuxuuna yiri: Gaalkan maqaarka cad oo uraya ayaan sanka ka qabsaday.
Sir.John ayaa qoraalkiisii Ku yiri, Somalidu waa dad qab weeyn,diintoodana Ku ad adag.Anniga oo isku heeysto in aan ka socdo dalka aduunka ugu xooga weyn ayuu iskala key weeynaa, yaab,qabkooda &hankooda ayaa ah, in dad ka sareeya ayna jirin.
Sir.John ayaa qoraalkiisii Ku yiri, Somalidu waa dad qab weeyn,diintoodana Ku ad adag.Anniga oo isku heeysto in aan ka socdo dalka aduunka ugu xooga weyn ayuu iskala key weeynaa, yaab,qabkooda &hankooda ayaa ah, in dad ka sareeya ayna jirin.
Maanta,kuwii uu John awoowe u ahaa oo gaboobay,ayay kuwii geel jiruhu awoowe u ahaa ay musqulaha ugu dhaqayaan Yurub & America, iyaga oo weliba Ku faraxsan . Yaana inkaaray?. Sideense uga baxnaa?..Jawaabtu waa xagaaga.
Qoraa: Yahya Amir.
= Sir.John Kirka=
Sifahaas
iyo tusaalooyinka kaloo aan u soo qaatay Qormadeyda iyo kuwa kaloo ka
dhacay dagalkeenaba waxay noo muujinayaan Qabkii ay laheyd Soomaalidu iyo sida ay iskala
weynaayeen dadyowga kale ee dunida, xaalad kastooy ku jireena Soomaalidu waxa
ay aheyd kuwa neceb Gumeysiga iyo baryada shisheeyaha kuna faana Soomaalinimada
Sida laga dhadhansan karo Suugaanta AUN Abwaan
YamYam:-
” Ninkaan teydu soli Karin, Uma yeelo siduu
rabo, Sida dunida qaarkeed , Sanduleynta ma ogoli,Nina kabaha uma sido,Ninka
iga sad roonoow, Siintaada magaca leh, Ogoow kaama sugayee, Hana oran sasabo
baddow, Dareen seexda ma lihiye, SOOMAALI BAAN AHAY.”
=Masjidka Deg/Cabdi Casiis.=
=Masjidka Deg/Cabdi Casiis.=
= Hadda halkaa yaanan ku faagaan waayoo gudbe maal mahaasi iyo wixii la soo ahaaba ee aan u leexdo docda
kale.=
Wixii ka danbeeyay Sanadkii 1991-dii ayuu si muuqata u soo shaac baxay Burburka
Soomaaliya, inkastoo lagu kala aragti duwan yahay Sababaha keenay burburka ku
dhacay Soomaaliya si kastaba haku yimaadee , waxa uu xaalku faraha ka sii baxay markii Colaadii Miyiga loo soo raray
magaalooyinka, dagaalkiina uu noqday dagaal Siyaasadeed ay Qabyaaladdu garwadeen u tahay, markaasna waxaa dhacay wixii dhici lahaa, oo ah Dhimasho, Dhaawac, barakac iyo in Dowladdii
meesha ka baxdo, sidoo kale in hubkii iyo goobiihii dowladu u gacangalaan
shacabka , inkeydkii iyo Taariikhdii
Umaddu lunto iyo in la burburiyo dhismayaashii iyo bilicdii Magaalooyinka, wixii markaa ka dambeeyay Dalku wuxuu noqday mid dhex muquurtay colaado aan dhamaad
lahayn oo taxane ah..
Halkaa
markeey taagan tahay runtii Qaran jabkii nagu dhacay waxaa nooga darán Qab
jabka nagu dhacay, waayoo wixii markaa ka danbeeyay waxaan ahayn
HILBO HAADA U WARAN, waxaana markii aan is wada dubanay oo
cududeenii is cuntay gees walbana colaadu gaartay uu noqday waxa aan ka
dhaxalnay wixii laga dhaxlay oo ahaa in dalkii iyo
dad kiiba islaburburaan, markase labadaa burbur aan isbarbar dhigno waxaan shaki ku jirin
in dal burburay dib loo dhisi karo hadii nabad yar la helo balse ey adag tahay
sida dib loogu dhiso Bulsho dhaqan ahaan
Diin ahaan,akhlaaq ahaan,Qiyam ahaan iyo
nolol ahaanba u burburtay, oo magan u noqotay cadow goodii markey iyagu is aamini waayen dabadeedna uu u helay
fursad uu ku kala qeybiyo kuna sii kala fogeeyo.
Qoraagii
geeriyooday AUN Cabdulqaadir Oromo,
ayaa qeyb uu kaga hadlayo Buugiisa SABABAHA BURBURKA SOOMAALIDA, waxa ay u qorneyd sidan:- “ Kutubta
lagu keydiyo taariikhdii dunidu soo martay waxaa ku qoran Umado baab’ay ama
Umado kale ku milmay kuwaasoo hayb qarameed-koodii {identity} ay luntay,
waayadii hore dhulkii ay deganaayeenna ummaddo kale ka dhaxleen, sidaasna ku
tirtirmay. Alle oo samatabixiya iyo iyadoo isdaba qabata mooyee, Soomaalida
maanta in magaceedu lumo oo ay umaddo kale ku dhex milanto ayaa laga baqayaa."" Hadalka Qoraaga waa walwal jira balse RABI NOOMA RUMEEYO,Aamiin.
Bal u fiirso Soomaaliya dhib kasta oo ay soo martay waxa maanta noo dhisan dowlad caalamku aqoonsan yahay waxaa laga soo kabanayaa noloshii dagaalada sokeeye, meelaha nabada ah waxaa xowli uga socda Ganacsi balaaran, waxaa dib loo dayac tirayaa Dhismo yaashii colaadaha ku burburay, sidoo kale waxaa la dhisayaa kuwa kale oo hor leh oo casriya, waxaa meel walba laga bilaabay goobo Waxbarasho, kuwa Caafimaad,Tiknoolajiyad,
iyo dhaqdhaqaqyo kaloo fara badan oo ku cajab galinaya, weliba qofkii kaga cabir qaata quruxda dhismayaasha badan ee laga dhisayo Soomaaliya waxa uu rumaysanayaa inay Soomaaliya dib u soo
noqotay,
Balse hadii aad Maskax fog ku eegto dhanka bulshada oo aaney jirin cid u taagan dib u soo dhisiddeeda halka maanta aan ka taagan nahay…iyo Sida Xurmadii Diinteena Suuban ay qaarna uga baxeen qaarna isugu dilayaan, Sida loo dayacay Soomaali nimadii, Sida loogu kala tagay Midnimadii dalka, Sida Dhaqankii iyo Is-aaminkiiba u lumay,Sida Damiirkii iyo Dadnimadi aan uga dhimanay, Sida Wadaniyaddii,Qabkii iyo Dal jaceylkii aan u xoornay, Sida loo sii kala fogaanayo, Sida shisheeyaha loo daba socdo, Sida Cadowgeenu noo bahdilayo, Sida Naxariistii looga tagay, Sida,Xishoodkii,iyo Ixtiraam kiiba looga aradan yahay, Sida Gaalada loogu kala tartamayo, la isuguna jaajuusayo ,Sida dadkeenu dunida ugu dayacan yahay, iyo Sida wax kasta oo aan aheyn Colaadda ka hor looga dheelmaday waxaad oran laheyd……
"DAKHARADA KA MUUQDA GURYAHA, WAXAA NOOGA DARAN KUWA KU YAALLA DADKEENA.”!!
Balse hadii aad Maskax fog ku eegto dhanka bulshada oo aaney jirin cid u taagan dib u soo dhisiddeeda halka maanta aan ka taagan nahay…iyo Sida Xurmadii Diinteena Suuban ay qaarna uga baxeen qaarna isugu dilayaan, Sida loo dayacay Soomaali nimadii, Sida loogu kala tagay Midnimadii dalka, Sida Dhaqankii iyo Is-aaminkiiba u lumay,Sida Damiirkii iyo Dadnimadi aan uga dhimanay, Sida Wadaniyaddii,Qabkii iyo Dal jaceylkii aan u xoornay, Sida loo sii kala fogaanayo, Sida shisheeyaha loo daba socdo, Sida Cadowgeenu noo bahdilayo, Sida Naxariistii looga tagay, Sida,Xishoodkii,iyo Ixtiraam kiiba looga aradan yahay, Sida Gaalada loogu kala tartamayo, la isuguna jaajuusayo ,Sida dadkeenu dunida ugu dayacan yahay, iyo Sida wax kasta oo aan aheyn Colaadda ka hor looga dheelmaday waxaad oran laheyd……
"DAKHARADA KA MUUQDA GURYAHA, WAXAA NOOGA DARAN KUWA KU YAALLA DADKEENA.”!!
WQ/=
Abdulkadir Dulyar
Soomaaliya/Muqdisho
No comments