MONDAY OCTOBER 26,2009 ,
Soomaaliya, waa dal ka
mid ah dalalka caalamka oo xor ah, gaar ahaan kuwa dhaca Qaarada Africa,
hadana dowlad la,aan ah in ka badan 20-sano, kadib markii ay gacmahooda iyo maskax shisheeye oo is kaashaday ay si miyir la'aan ah u
dumiyeen dowladii kacaanka ee 21-kii sano ee ugu dambeysay dalka maamuleysay.
Ha jiraan eedo iyo qaladaad loo
tiriyo inay geysteen maamulayaashii dowladii Kacaanka, sababna ha looga dhigo
waxyaabaha dhaliyay in Aqoon yahano, Saraakiil,Siyaasiyiin, Ganacsato, iyo Ciidamo, ka gadooday maamulka ay mucaarad hubeysan kala hor yimaadan dowladii, iyaga oo ka faa'ideysanaya Taageerada shisheeye iyo cadhada
shacabka Soomaaliyeed, waxa uu hardankaasi soo geed fadhiis taba Degmo
iyo Tuulo waxa uu aakhirkii ka fursan waayay in si fowda ah xididada loogu siibo Taliskii
Milatariga ahaa,
Inkastoo wixii ka dambeeyay 1980-kii waxa uu dalku lugaha la sii galayay marxalad colaadeed oo ka soo bilaabatay gobolada gaar ahaan kuwa Gobolada Dhexe & kuwa Waqooyi Galbeed, hadana dabayaaqadii
janaayo, 1991-dii, ayey ahayd markii ay Caasimada isku milmeen dhawaqa rasaasta iyo
alalaaska dumarka, iyadoo loogu dabaal dagayo dumistii xukuumadda iyo bixitaankii
Madaxweyne talada dalka hayay ee S/Gaas Maxamed Siyaad Barre inkastoo uu dib ka geeriyooday isaga oo ku sugan Magaalada lagos ee Wadanka Nigeria,
=Maxaa dhacay bixintiisii ka dib., !!!
=Maxaa dhacay bixintiisii ka dib., !!!
Waxaa
dhacay wixii dhici lahaa !! waayoo waxaa fursad isku helay wax kasta oo kala caaganaa
iyadoo aaney jirin sharci kala hagaya, waxay dadweyne careysani ku qamaameen
xarumihii dowladda ilaa laga boobo Iskuuladii iyo Cusbitaaladii, mana jirin qof
qofka kale ka qabanayey qaladaadka uu gelayo, waayo loomaba arakeyn xumaan oo marna
la isma weydiin, Maxaa imaan, !! Maxaa dhici,!! maxaa xigi doona toona !! maalmo
kooban ayaa lagu bur-buriyay bilic dii dalka tii gobolada iyo tii Caasimad daba,
Waxaa yimi hangal- taag iyo anaa mudan & anaa kaa mudan,muruq weyni maadaama jabhaddihii wada socday iyo kooxo kale oo tareenka gadaal ka soo raacayba aaney jirin nidaam iyo qorshe ay heshiis ku wada ahaayeen oo lagu badalayo waxa la wada duminayey,marka laga reebo in la wada rido mooyee, maalmo kale kadib mid walba kan kale ayuu kula soo jeestay hubkii, markale ayey huguntay, waxaa yimi yaab iyo amakaag !!!
-Halkaasna aan u daayo taa una gudbo marxalad kale.
Iskuma diidanin, dadka soomaaliyeed in ay is wada dileen, Qaran, Qabiil ilaa Qoys, dal kana ay ka dhaceen dagaallo aan ujeeddo iyo ka jeeda lahayn oo cirif walba gaadhay, su'aashuse waxa ay tahay maxay salka ku hayaan dagaaladan iyo isbadaladan aan dhamaadka lahayn ? yaase iska kaashanaya mushkulidda Soomaaliya ka aloosan bur-burkii dowladda ka dib ?
Aan u kala qado labo qeybood 1:- Beesha caalamka, 2:- Soomaali sheeganeysa siyasi yiin iyo wadaad do aan wadaniyiin aheyn, ayaa la oran karaa waxa ay iska kaashadeen dhibaatada Soomaaliya lugaha kula jirto maanta,
1:- Beesha Caalamka, oo muraayad ka daawan neysay waxa ka dhacaya soomaaliya ridis tii xukuumadda ka dib, ayaa bilowday dadaallo iyo isku dayo la sheegay in soomaaliya loogu raadin nayo dowlad iyo kala danbeyn afka baarkiisa ah, hase yeeshe maadama ay ahaayeen kuwa aan ku imaan rabitaanka shacabka soomaaliyeed, balse ay ahaayeen qorshe yaal ay soo waarideen maskax shisheeye, laguna qabana yay dalka dibaddiisa dhamaantood waxa ay ku soo idlaadeen natiijo la'aan iyo in ay uga sii daraan marxaladii markaa la taag naa,
Tusaale ahaan:-Dowladii Madaxweyne, Cali Mahdi, oo aheyd tii ugu horeysay laguna soo dhisay jabuuti, Janaraal Ceydiid oo hogaamiye awood ciidan leh ahaa lagama qeybgalin, weyna muuqatay in uu dagaal kala hor imaanayo, waxaa dabadeed laga dhaxlay dagaalo iyo bur-bur, iyo inuu dhaco dagaalkii la magac baxay 4-biloodka,waana dowladii soojeedisay in ciidamada xooga dalku ay iskudhiibaan hubkana ku wareejiyaan jabhadihii oo barigaa u abaabulnaa qaab qabiil,

Markaas kadib, dhibaatada guud ahaan dalka kadhacday waxay si xoog leh u saameysay dhamaan dalka
gaar ahaan gobolada koonfur reed, oo dadka ku dhaqan ay ku noolaayeen dalaga beeraha, waxaana sabab looga dhigay colaadaha oo ka hor istaagay beerashada tacabka & abaaro ku dhuftay, oo marka ay iskaashadeen sababay inay deegaanadaa ka dilaacaan cudurro iyo macluul xoog leh ilaa magaalada Baydhabo ee G/bay loobaxshay magaalada dhimashada,markale
ayayna beesha caalamku waxay go'aansadeen in wax laga qabto dhibaatada
bini-aadanimo ee Soomaaliya ka jirta, waxaase jiray dano kale oo lagu hoos
waday, inkasta oo wax laga qabtay macluushii iyo gaajadii markaas ka jirtay
deegaanada koonfur,hadana waxaa ka mug weynaa dhibaatada ay beesha caalamka
gaar ahaan Mareykanku, uu ka geystay ama ku abuuray Soomaaliya.
Waa taariikh la wada xasuusto, umana baahna qalin dheer, balse bixitaankoodii 1995-tii, waxaa dalka ka soo ifbaxay hogaamiye kooxeedyo uu damacoodu kala fogaa, islamarkaana uu mid walba ka tala qaadanayay gacan shisheeye, oo aan Soomaali danaheeda ka shaqeyneyn si uu isagu u fushado danihiisa gaarka ah, aakhirkiina waxaan ka dhaxalnay in masiirkii dalka iyo tii umadaba in la hoos geeyo Dowlada Ethiopia oo bur-burka Soomaaliya ku dhacay u aragta falaar ka fuqday wadna heeda.
Qoraa Soomaaliyeed oo goconaya sanadihii tagay iyo sanadaahan danbe isbadalka ku yimi Soomaaliya iyo Ethiopia, iyo waxa uu rag ahaa iyo sida uu maanta yahay ayaa waxa uu yiri, { Soomaaliya waa qaran la qabjabiyay} dulucda sheekadan oo aad u dheereyd, ayaa tusaalaha ugu yar ee aan ka soo qaada nayo waxa ay tahay sidan:- In 1993-dii ay Janano Soomaaliyeed oo ka mid ahaa ragii wax ka hogaaminayay dagaalkii taarii khiga ahaa 1977-dii, ay magaalada godey kula kulmen saraakiil hoose oo Ethiopian ah waxna ugu yeeri yeen, bal eeg sida loo bahdilay Soomaalidii islaweynayd, lama qadarin meel ku ah munaasib kooda ahna laguma qaabilin, mana aaney la kulmin saraakiil la daraja ah, kaaga darane halkii ay geesinimadooda iyo aqoon tooda ku xoreeyeen, ayaa laga soo siiyay hub iyo rasaas, iyadoo waliba la soo faray inay ku gumaadaan shacabkoodi ay shalay cadowga ka difaacayeen, taasi miyaaneey muujineyn in Soomaalida la qabjabiyay.
Aan u soo noqdo sheekadaydii, Hogaamiye kooxeedyadii muda ayaa la daba cararayay dagaal mooyee waxay dadka u diideen nabad, marna ma aaney dhicin inay wax ku heshiiyaan,xataa qab-qab layashii muqdisho waxay ku dhici waayeen inay hal maamul u unkaan Gobolka Banaadir, waxaa jiray dhowr isku day haseyeshee aakhirkii waa lagu hungoobay, sababtoo ah mid ama labo ayaa cod dheer ku lahaa, [Looma dhama] waayoo waxaa ku kala dhex jiray oo u diidanaa inay caqligooda nabad ku maareeyaan, waa ay iska cadeyd waa gacmihii shisheeye ee ay ka kala amar qaadanayeen.>
Markii muddo marxaladaa lagu soo jiray, ayaa hadaba si loo dardar galiyo sii fogaanshaha xaalada soomaaliya, maadaama lagu daalay dhaqankii Qab-qab layaasha dagaalka,waxaa la abaabulay shirkii Jabuuti, iyadoo door la cayaarsiinayo bulshada rayidka ah,si aqoon yahan nadii iyo ugaas yadii tiirar ka u ahaa iyo iyaga loo kala reebo la isagana hor keeno, iyadoo markana la takooray hogaamiye kooxeed yadii,

Waxaa la
isugu tagay jabuuti, waxaana lagu soo dhisay Dawladii Carta, way iska muuqatay
wixii lagu soo dhab dhabo halkaa in ay ka hor imaana yaan qabqablayaasha
dagaal ku, waxa ayse ahayd siyaasad naga weyn, bal u fiirso iyadoo go'aanada ka
soo baxay shirkaas ay ka mid ahaayeen, in la cunaqabateeyo safarada iyo
dhaqdhaqaaqa hogaamiye kooxeed yada, ayaa markii uu soo dhamaaday shirkii Carta, waxaa hogaamiye kooxeed yadii iyo in kale oo lagu biiriyayba
isbaheysi loogu soo dhisay Soodare, aan kuu daayo akhriste dedaal ladaas shisheeye
ee is bar-bar socda.
Qorshihi Jabuuti, bilo iyo sanado wax loo tiriyaba waqtigii waxa uu kaga dhamaaday wax
qabad la'aan, Caalam ku sheegu markale ayey iclaamiyeen
dib-u-heshiisiin in loo qabto soomaalida,waxaa la isugu tagay Nairobi,waxaana
ku xaadiray intii dhibaatada Soomaaliya ka waday iyo intii jabuuti loogu soo
indha fiiqay, 2-sano ka dibna waxaa la soo maleegay guntin kale oo mushkilad ah
oo loogu talagalay inay Soomaaliya ku qaraxdo,maadaama wax la isugu soo daray
umad aan heshiis ahayn, balse Caalamku heshiis ku yahay in aanay weligood heshiin.
Bal u
fiirso, hogaamiye kooxeed yadi wax ka soo saxiix ay heshiis kaas, islamarkana
wasiiro iyo xildhibaano ka ah dowladii lagu dhisay Empaghati,ayaa waxa ay maalmo kadib Muqdisho kaga dhawaaqeyn isbahaysiga la magac baxay !!!Argagixiso la
dirir,!!!oo uu Mareykan ku maalgalinayay, su 'aashu waxa ay tahay marka,!!!
maxaa 2-sano loo fadhiyay Kenya, maxaa loo bixiyay dhaqaalaha intaa le'eg,maxaa
odayaasha iyo habraha waqtiga looga lumiyay, maxaase loo waayay in soomaalidu
ay fahamto qaab cayaareedka caalam ku la ciyaarayo,!!!
Waa yaab!!! Soomaalidu waxay tiraahdaa [hunguri wax ka weyn baa wadkiisa ah] saaxiibo dii Muqdisho dharaar bey kudhawaaqeyn Isbahaysi goodii, waxaana dhacay isku dhac dhex maray iyaga iyo wadaad dadii oo helay taageerada shacabka kadib markii ay layimaadeen iyaguna boor uu ku qoran yahay !!!Ashahaada la dirir!!!,taasina ay keentay in maalmo dabadeed Muqdisho laga waayo hogaamiye kooxeedyadii, ayna ka qoomameeyaan wixii ay ku dhiseen ka fiirsasha la'aanta,balse Mareykanka oo dhaqalaha ku bixiyay isaga waxay ka aheyd [ xashka bab dheh waxa ku jira ha ka soo baxeene] durbana waxa uu u calaamadeeyay sidii uu rabay oo aheyd in Soomaaliya ay Gabaad u tahay waxa uu ugu yeero Argagixisada.
-Aan u gudbo marxalad kale.
Wadaad dadii sida filan waaga ah ugu soo booday masraxa siyaasada,waxaa la oran karaa waxaa ka tan badiyay howsha hor timi, sida ku dhacday 1991-dii ururkii USC,damacooda iyo talaabadooda oo kala dheereyay awgeedna waxa ay si talo la'aan ah isugu fidiyeen gobolo badan oo dalka ah,ilaa ay kaabiga u fadhiisteen magaalada kaliya oo ay dowladdu daganeyd oo aheyd baydhabo,waxaa timi kaalintii beesha caalamka, waana sidii la rabay inay wax u dhacaane, waxaa loo soo jeestay Baarlamaankii oo markaas lagu hareereysan yahay, waxayna si naf lacaarinimo ah u meel mariyeen, in ciidamada darisku ay gudaha dalka u soo galaan si ay u gacan siiyaan dowlada taagta daran.

Maalmo
kama soo wareegin go'aanka baarlamaanaka, markii ay gobolka Bay,iyo deegaano kaleba ay soo buux dhaafiyeen guutooyin ciidamada Ethiopia ah, balse
su'aashu waxa ay tahay, maxaa dowlada Ethopia oo qura u dhaga fududeeyay
yaboohaasi, oo ay uga dhaga adeygeen dalalkii kale hadii aneey, baroortu orgiga
ka weyneyn,
Nasiibdaro, awoodii wadaad dadu meesha ayay ka baxday, sabab ay soomaalidu leedahay awgeedna waxaa taariikhda markii ugu horeysay ay ciidamada Ethiopia soo taabteen caasimada Muqdisho,waxaana dhacay wixii dhici lahaa !!! balse markale ayuu shisheeyuhu la yimi qiyaanadiisii,waxuuna u kala saaray wadaadadii isku hadafka ahaa, oo qaxaya, Xag jir iyo Qunyar socod,
-Bal u fiirso sida ay wax u dhacayaan:-
Si hadana door loo ciyaar siiyo wadaadada qunyar socodka lagu calaamadiyay, waxaa la iska horkeenay dowladii, waxaana dhimasho, dhaawac, barakac, iyo burbur 2-sano iyo bar ah ka dib, iyadoo loo qiildayayo bixitaanka ciidamada Ethopia, ayaa la istusay labadii oday ee wadaadada hor kacayay, mid ka mid ah iyo xulufadiisa waxaa lagu casuumay in uu wax la qabsado dowladii jirtay oo qudheeda siyaasad ahaan la jehawareeriyay,waxqabad la,aan iyo is qabqabsina uu waqtigii uga dhamaaday, halka midkii kale ee lagu calaamad deeyay xag jirka iyo saaxiiba diina laga horeeyay saaxadda siyaasada, si inta uu u xanaaqo uu birito uga horyimaado wixii halkaas lagu soo dhiso, bal eeg waxa yaab isdabayaal !!! oo hadba marxalad lagu tijaabanayo dadka Soomaaliyeed,
Dowladii la kala dir, Baarlamaanki shalay xaalkiisa la ogaana lagu soo kordhi intiiyoo kale oo aaney isku siyaasad iyo isku hadaf aheyn,loona sacaba tum codeyn ay muuqatay cida ku soo baxeysa, waxna lagu soo dhis Jabuuti mar 3-aad,nin waliba si ha u arkee, hadana la soo guryanoqoy, waa sidii awalba la qorsheeyaye waxaa durna curtay mucaarad uu qeyb ka mid ah horkacayo Odaygii shalay laga careysiiyay, arinkuna waxa uu noqday ka dar oo dibi dhal !!!! tiiyoo ay u sii dheer tahay kooxda Al-shabaab oo ka farcantay bur-burka wadaadada iyo is qabadka hogaan koodii, ilaa iyo hadana aan la garanneyn waxa ay dadka iyo dalka ka damacsan yihiin, marka laga reebo xukun islaamiya,ayna muuqato in qudhooda lagu tuhmayo inay shisheeye ku xiran yihiin,
Iminka saadaasha laga bixin nayo dagaalada socda waxaa weeye, hadii ay dowladu guuleysato, waxaan dhamaan doonin dilalka qorshey san, qarax yada iyo cabsida la kala qabo,hadii mucaarad ku guuleystana waxaa faltami doona Alshabaab iyo Xisbul-islaam sida hadaba noo muuqata ,Caalam kuna tilaabuu qaadi doonaa,iyadoo markaasna Ahlusunna ay kursiga keydka fadhido, balse waa hubanti in tii Allana ay gaar tahay.
Marka xaal sidaa yahay ayna kuu muuq daan ifafa layaal badan oo is daba yaal, isla markana aan dadka iyo dalka u soo sidin horumar iyo dowlad kama danbeys ah, koox waliba na ay sida ciyaarta orodka ah ee qori isku dhiibka, sanado kadib intey lunsadaan deeqda shacabka ay udhiibayso koox kale oo ka daran, adna aad ka mid tahay marqaatiga aamusan oo ah shacabka, sow kugu soo dhici mayso sheekadii aheyd:-
=Nin baa bari jeclaaday inan aad u qurxoon oo cid u joogta, xaafadna wey wada daganaa yeen, ninku xoolo ma heysan uu gabadha reer kooda kaga doonto, markuu iyada gaar ula hadlayna wey ka diiday inay Sabool nimo ku raacdo, muduu dusha ka daawanayay ileyn daniba tiriye,Maalin bey aragtay isagoo meel taagan markaasey ku tiri.Walaal la soco Nin baa Reerka iga soo doontay ee hadaadan ka soo hormarina Aniga ha igu eedine Adigu is eed, Talaa ku cadaatay Ninkii maalmo ayuu or-orday waxse uma suurta galin ,markii danbuu inta is heyn waayay ayuu iyadoo Suuqa u socota inta horteeda istagay ku yiri:- !!!Allow la arkaa anoo ku qaba !!!!

Marka
hadda maadaama ay Soomaalidu dowlad la'dahay ku dhawaad 20-sano, welina aan la
heyn wadadii lagu gaari lahaa,inta wadani yiinta ah ee misana dowlad ku nool ka
ah, una muuq daan sida ay wax u dhaca yaan, iyagana aaney jirin cid wax ka weydiineysa talada Dalka, sow xaq uma laha intay meel fadhiis taan oo gacmaha kor u
taagaan inay wada yiraahdaan !!Allow la
arkaa Soomaaliya oo dowlad Qudha leh !!!..
DHAMAAD/=
FG:- TANI WAA ARAGTIDEYDA.
C/qaadir Maxamed Faarax [dulyar]
dulyar21@hotmail.com
Neyrobi, Kenya.
DHAMAAD/=
FG:- TANI WAA ARAGTIDEYDA.
C/qaadir Maxamed Faarax [dulyar]
dulyar21@hotmail.com
Neyrobi, Kenya.
No comments