Alaha u wada
naxariistee waxaa sanadkan waqtiyo is xig xiga geeriyooday dad bulshada
Soomaaliyeed magac iyo maamuus ku lahaa Sida resalwasaarihii hore Marxuum
C/risaaq X. Xuseen oo ku geeriyooday Dalka Mareykanka,hase yeeshee geeridiisu
noqotay mid dowlad iyo shacaba si isku
mid ah u taabatay,
Dhanka
kalena, iyadoo la dhowrayo dardaarankii Marxuumka, loona muujinayo heerka uu ka
taagnaa bulshada Soomaaliyeed ayaa waxaa Aas wadajir ah oo si weyn loo
agaasimay oo ay ka qeybgaleen Madaxda Dowlada dhexe,kuwa Maamul
goboleedyada,Siyaasiyiin.Aqoonyahano,iyo dadweyne aad u tira badan loogu
sameeyay Magaalada Muqdisho,waxaana leeyahay Allaha u naxariisto Marxuumka.
Sidoo kale
waxaa dalka Jarmalka ku geeriyooday Maexuum Maxamed Saleeban Tubeec,oo ahaa
fanaan Soomaaliyeed oo in badan ku soo jiray fanka kuna muteystay magac iyo
maamuus,taana waxaa daliil u ah in aan
marnaba muran lagalin noloshiisa iyo
geeridiisa ka diba in uu yahay boqorka codka oo ah darajo uu ku muteysatay
luuqdiisa iyo sida uu fanka hormuudka ugu ahaa.
Marxuum
M.S.Tubeec Alaha u naxariistee qudhiisu waxa uu ka dardaarmay intii uu noolaa
in lagu aaso Barbara oo ay waalidiintii ku aasnaayeen ama magaalada Muqdisho oo
ah halkii uu ku koriyay fankiisa kuna muteystay magaca uu uu la god galay ee
Boqorka codka,ayaa Alle u qadaray in
Dowlad iyo shacaba iyadoo aan loo kala harin in Muqdisho loogu sameeyo aas aas
wadajir ah oo taariikhiya,oo dareensiiyay dhamaan fanaaniintii la heerka aheyd
ee nolosha lagu dayacay in ay leeyihiin dad aasa iyo dal lagu aaso,Waxaana
leeyahay Allaha u naraxariisto Marxuumka,
Waxaa sidoo
kale weerkii Madaxtooyada lagu qaaday maalintii Jimcaha oo ay taariikhdu aheyd
21.02.2014, ku geeriyooday dad dhowra oo
ay ka mid ahaayeen Ex Jan Nuur Shirboow oo ka mid ahaa Saraakiisha dalka xilal
kala duwana ka soo qabtay mudadii uu shaqeynayay,nasiib daro Jan Shirboow ma
aanuu helin maamuuskii uu mudnaa oo waxaa loo aasay si hoose iyadoo aaney jirin
masuuliyiin dowlada ah oo ka qeyb gashay Aaska marxuumka,Allaha u naxariistee,
Hase yeeshee
dhacdadaasi waxaa sidoo kale ku geeriyooday Xoghayihii joogtada ee Xaafiiska
Resal wasaaraha, Marxuum Maxamud Xirsi {Indha-case} ……, oo ay isku goob ku geriyoodeen Janaraalka,
Waxaa xusid mudan in aaska Marxuumka ay ka qeybgaleen Reysalwasaare C/wali
sheikh,Reysalwasaarihii hore Dr Saacid, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka
tirsan Xukuumadda,
Wey fiicnaan
laheyd in Jan Nuur Shirboowna si la mid
ah sida loo agaasimay aaska Xoghayihii hore ee X/Reysalwasaaraha loo maamuuso
ama si ka heer sareysa maadaama uu ahaa nin ka gaaray Ciidamada darajada Janaraal oo ah darajo aad u sareysa,waxaase laga
yaabaa in Madaxda dowladu iyaga oo doonaya in aaney muujin qasaaraha ka soo
gaaray weerarkaa in ay ogolaadeen in si shanqar la’aan ah loo aaso Marxuum Ex
Janaraal Nuur shirboow,Alaha u naxariistee isaga iyo intii kale ee ku
geeriyootay weerarkaase.
Sidoo kale
Alaha u naxariistee Marxuum Shariif
salax Maxamed Cali, ayaa maanta ku geeriyooday M/Muqdisho,marxuumku waxa uu
ahaa Gudoomiyihii Gudiga qorista farta Soomaaliga 1972 -dii sidoo kale waxa uu
dawladii kacaanka soo noqday Wasiirkii tacliinta sare,marna waxa uu ahaa Gudoomiyahii
jaamacadda Umadda,sidoo kale waxa uu xili ahaa diblomaasi ka shaqeynayay
safaaradihii Soomaalida ee wadamada
China, Uk, Italy iyo Masar, Sidoo kale
waxa uu ahaa Qoraa qoray dhowr buug iyo weliba shaqsi ururiya dhaqanka iyo
suugaanta Soomaalida,waxaa bilo ka hor
qaliin dhanka wadnaha ah loogu soo sameeyay Dalka Turkiga,sida ay sheegeen
eheladiisuna waxa uu shalay u
geeriyooday dhiig uga furmay madaxa.
Marxuun
Shariif Saalax,waxaa isla maanta oo Jimca aheyd lagu aasay deegaanka Calamada
ee duleedka Muqdisho,geeridu waa xaq oo qof waliba maalintiisa ayuu
dhadhaminayaa,laakiin dad badani waxa ay is weydiinayaan maxaa loo waayay
masuul ka socda dhanka Dowlada oo ka qeyb qaadanaya aaska Shariif Saalax oo ka
mid ahaa hormuudka iyo astaanta Umadda,maadaama uu ka mid ahaa dadka fara ku tiriska ah ee waqtigooda u soo
huray sidii ay soomaalidu u yeelan laheyd far ama qoraal afkooda hooyo ku
qoran.
Waan hubaa
Qoraa Xuseen Sh.Axmed [kadare] oo ka mid ahaa gudigaa in isaga iyo inta maanta
ifka kaga danbeeysa Marxuum Shaeiif Saalax, aaney jecleysaneyn sida loo iloobay geerida Marxuum
Shariif Saalah oo ay aheyd in ay madaxda dowladu ka qeyb qaataan Aaskiisa kana
sheekeeyaan wax qabadkiisa, waxaase suurtagal ah in aaney madaxda maanta
aqoonba u laheyn wax qabadkii Marxuum Shariif Saalax.Alaha u naxariistee.
Ugu
Dnabeyntii anigoo ugu hambalyeynaya dadaalkii iyo waqtigii ay galiyeen Madaxda
dowladu sidii ay u gudan lahaayeen wajibaadkooda ku aadanaa ka qeyb qaadashada
Aaska shaqsiyaadka nagu weynaa ee geeriyooday, kuna dhaliilaya kuwa kale ee la
iloobay, ayaan talo ahaan waxaan ugu soo jeedinayaa, in ay Madaxda Qaranku
marka hore si fiican ula socdaan ka war qabka nolol iyo geeriba Shaqsiyaadka
astaanta u ah dadka iyo dalkaba, sidoo kalena
in ay had iyo goor maskaxda ku hayaan maalmaha Taariikhiga ah.ee lama
taabtaanka ah.
=DH
A M A A D/=
FG.TANI WAA ARAGTIDEYDA.
A/kadir
Dular
Muqdisho//-
No comments