TALOOYIN MUHIIM U AH NOLOSHA..!!!


Qoraaga caanka ah ee Richard Carlson ayaa Buugaagtiisa ku qoray dersigan iyo talooyinkan waxaana uu yiri: yaynaan waqti badan iyo dadaal ku lumin muhiimadsiinta arrimaha aadka u yaryar ama aan macnaha badan lahayn.
Noloshu saadaal ma’ laha: Weligaa noloshaada ha ku xirin arrimo saadaal ah iyo malo-awaalka sida uu xaalku noqon doono mustaqbalka. Iska jir in aad ku go’aan qaadato arrin la filayo in ay timaaddo. Waxaa iyaduna muhiim ah in shay kasta oo nolosha ku cusub aynu niyadsamaan ku soo dhoweyno, dhinaca san ama wanagsan aynu ka eegno.
Iska jir in aad naftaada uun wax la doonto: In arrin kasta oo aad wanaag u aragto aad jeclaysato in adiga laguugu horumariyaa waa nusqaanta ugu weyn ee nolosha qofka.
Naftaada ku kalsoonoow, laakiin taas macnaheedu ma’aha in aad naftaada ka sheekayso, iyo in aad dadka mar kasta uga warranto guulaha aad hore u soo gaartay, haddii kale waxa ay aakhirka kugu keenaysaa qab iyo in aad isu aragto ruux dadka kale ka sarreeya.
Weligaa naftaada ha u sheegin in aanay isbeddel diyaar u ahayn. Ma jiro qof dunida ku nool oo naftiisu ay boqolkiiba boqol dareento in ay is beddel u bisishahay, xitaa kuwa isbeddelka keena ama ka faa’idaysta, marka hore naftoodu ma cabsi la’a, markaa ku dhiirro.
Iska ilaali xiriirada sababta u noqon kara qaladka. Xiriir iyo saaxiibtinimo hore oo kaa fashilantay awgeed, ha u diidin in aad xiriiro cusub iyo saaxiibbo cusub samayso.
Weliga ha isku dayin in aad qof kasta la tartanto, cid kastana ha isku dhererin.
Iska jir in aad ka hinaasto wax qayrkaa haysto.
Ha is barin cabashada badan iyo in aad si joogto ah u qoomamayso qalad mar hore naftaadu gashay, halkii ay ka ahayd in aad ka dhigato uun dersi aad kaga taxaddarto in qaladkaas oo kale mar kale kugu soo noqdo.
Iska ilaali calool xumada iyo in qaladaadka dadka kale kaaga yimaaddaa ay ku guntamaan uurkaaga.
Qayrkaa ha u ogolaan in ay kugu riixaan halka ay doonayaan ama heerka ay ay dadka kale kula macaamilaan oo adigu aanad u arkayn in uu naftaada u qalmo.
Waqti ha iskaga lumin in aad dadka u sharraxdo una sababayso berinimada naftaada.
Weligaa ha ku celcelin hawl aad hore u samaysay natiijadeedana u aragtay oo aad og tahay in ay ku dhammaanayso isla natiijadeedii hore ee aanad doonayn oo kale.
Ha dhayalsan farxadda iyo in aad u muujisoo shucuurtaada baraaraha ah.
Ha isku mashquulin in hawl kasta oo aad qabataa ay ku dhammaato sida ugu dhamayska tiran, haddii kale aad ka joogto.

Xigasho..Abdulahi Nur Colombo

1 comment

  1. Su,aal adigoo mhdzn
    Macquul matahay in aad noloshaada ka dhaadhiciso wax kasta?
    Marka laga reebo wax aad diiradda saareyso!

    ReplyDelete