Soomaaliya,tan
iyo markii ay Xornimada qaadatay waxa ay
soo martay marxalado kala duwan,waxa ayse ugu aragti gaabnaayeen markii ay ku
noolaanshaha dowladnimada ka doorteen dowlad la,aan,taasoo sababtay in 21 kii
sano ee la soo dhaafay ay dalka ka dhacaan wixii dhici lahaa, waayoo markii Qabiil,Qoys,iyo qof qofba loo
dagaalamay waxa uu noqday macaashka soo baxay yaab iyo amakaag iyo in uu lumo
maamuuskii, iyo magacii Soomaalidu
laheyd.
Maalma
kastoo la soo maray waa mid ku daabacan qeyba ka mid ah qalbiyada nadiifka ah
ee ka soo samata baxay wixii ay u soo
joogeen,siyaasadda Soomaaliyana
sanadihii la soo maray waxa ay aheyd mid u diirmeysay sida basasha oo
kale, wax kastoo dhacayse waxaan isku heynay waxaa nooga darnaa sida naloo kugu soo moora duugay, khiyaanada
siyaasadeed iyo faragalinta dibadeed iyo
sida had walba nalakugu soo tijaabiyay dowlado KMG ah iyo daawooyin aan
dhameystir laheyn,
Maantase
marka aad fiiriso xaalku sida uu yahay iyo halka aan taaganahay, waxaa la oran
karaa kuwii na soo khiyaanayay khiyaanooyinka naga da,da weynaa waxaa khiyaanadoodii Ilaaheey ka dhigay,maah
maahdii aheyd {Xaaqin ma dhameeyo dhul} weli
waxaa nool oo ifka saaran umad ku abtirsata magaca Soomaaliyeed oo aan ka
quusan in ay dib u soo noqoto Dowladnimadii naga luntay,daganaanshihii iyo
sharaftii aan ku laheyn dunida.
Taana waxaa
daliil u ah, sida ay Soomaalidu u
aamintay gacmaheeda ugana fogaadeen in gacmo iyo dalal shisheeye lagu maamulo
howsha qarankooda,iyo sida ay tilaabooyinka taariikhiga ah ugu talaabsadeen
dabayaaqadii sanadkan 2012-ka,waa sanad ay umadda Soomaaliyeed ku dhiiratay
go,aano adadag oo xiriirsan in la fuliyo waqtigooduna koobnaa,oo in badan oo ka mid ah soo
diyaariyayaashii Qodobadani aaminsanaayeen
in bahda mad madoow ee dagan geeska Africa ay ku fashilmi
doonto,markaana noo sii diyaarsaday
khiyaana kale oo la inagu sii maamulo.
Rabi ma
qadarin,Mana aheyn howl yar iyo mid lagu helay haraad li,i isbadalka la hadal
hayo in uu ka dhacay Soomaaliya,ee waa qorshe ka soo bilowday shirweynihii
Britean ka dhacay horaantii sanadkan,
Waa run in
beesha caalamku ay ku daashay xal u helida arimaha Soomaaliya,dabadeedna ay
go.aansatay in la soo laabo howshii ma dhamaatada aheyd ee ka socotay, waxaana
doorkan la ogolaaday in soo nooleynta Qaranka laga soo bilaabo gunta, fursadna loo siiyo
odayaal dhaqameedyadu in ay aas aaska talada dowladnimada,seeska u dhigaan,waxa
ayna ku guuleysteen in ay ansaxiyaan Dastuurka soona doortaan Xildhibaano tayo ahaan iyo tiro ahaanba ka duwan kuwii hore,tilaabadii koowaad oo ay
qaadeena waxa ay noqotay in ay doortaan hogaan cusub oo ilaa iyo waqtigan si
taxadar leh u wata howlihiisa,
Tan kale 40
sano ka dib,inta la xasuusto waxaa ay dadaaladani suurta galiyeen in gudaha
Dalka ay ka dhacdo doorasho Madaxweynanimo,waxaana 2-dii bilood ee ugu
danbeysay Muqdisho ka soconayay loolano ay tiro musharixiin ahi ku soo bandhigayeen damacooda iyo wax
qabadkooda si ay u kasbadaan qalbiyada shacabka, waxa ayna sawiradooda ku xardheen wadooyinka iyo gaadiid
lagu xiray cod baahiyayaal ,dad badan waxa ay la aheyd dhalanteed iyo riwaayado
ay jilayaan siyaasiyiintani, marka la bar bar dhigo sida ay qabeen
Madaxweynihii hore MD,Shiikh Shariif oo isaga iyo Xukuumadihii la soo shaqeeyay
wax ka badaleen marxaladihii lagu sugnaa hortood, doorkaana aaneey jirin cid kaga
haboon isaga, xataa waxaa la oran karaa waa suurtagal in isaga qudhiisu aaminsanaa
in aan kursiga xiligan lagula loolami karin,
Nin walba oo
ka mid ahaa 25-kii hamiyay xilka Madaxweynanimada waxaa looga yeeray
Baarlamaanka,waxaana laga dhageystay qudbado iyo balnqaadyo ku aadan
waxqabadkooda mustaqbalka,lama oran karin arinku waxa uu taagnaa sida loo kala
cod karsanaa marka la fiiriyo khudbadihii ay la soo gole joogsadeen tartamayaasha oo
isugu jiray da,kasta,kuwaasoo soo buuxiyay shuridihii iyo dhaqaalihii la
hordhigay musharixiinta si ay u soo kala haraan ,
·
Maalmihii
ugu danbeeyay muqdisho mudnaanta koowaad waxaa la siinayay Xildhibaanada maadaama codkooda uu ku xiran yahay ku fadhiisashada
kursiga loo wada tartamayay,waxaa sidoo kale isi soo tarayay taageerayaasha
Musharixiinta oo dhigayay dibad baxyo is daba jooga inkastoo doorkoodii aanuu
aheyn hadana waxa ay muujinayeen Musharaxa ay la doonayaan madaxtinimada,waxaa
sidoo kale ciriiri noqday Hoteeladii oo ay buux dhaafiyeen marti fara badan oo
u yimi wax ka ogaanshaha xaaladaha socda iyo kuwa ku lug lehba,waxa ayna
adeegyadan iyo kuwa kaleba qeyb ka noqdeen faa,idada dhaqaale ee laga helay
doorashadii lagu qabtay dalka gudihiisa,maadaama waayadii hore dhaqaalahani ay gali jireen dalal kale,
Maalmaha iyo
saacaduhu waxa ay isguraanba waxaa la
gaaray subaxnimadii loo madlanaa in mudanayaashu ay doortaan Madaxweyne Soomaaliyeed,waxaana la
isugu tagay goobtii doorashada,musharax kasta waxa uu madasha yimid isaga oo
isku kalsoon aaminsana in ay saaxiibadii codka siin doonaan hadii uu waayana
yaqaana halka uu u wareejin doono codadkiisa, marka laga reebo Madaxweynihii
hore Sh.Shariif Sh Axmed, oo isagu ololihiisii galaangalka taageerada
Musharixiinta kale ka doorbiday
aaminaada saaxiibkii Xildhibaan Shariif Xasan Sh Aadan, oo ay meel fagaare ah ka
wada sheegeen in hadii la is muto leys bixin jiray maantana ay tahay
maalinteedii,hase yeeshee wareegii
koowaadba lagu baraarugay isaga oo ka
hooseeya halkii laga filayay inuu gaari
doono, inkastoo tartamaha ku xiga uu ka horeeyay 4 dhibcood oo qura,
La yaab beey
ku noqotay dadka Soomaaliyeed ee kala socday shaashadaha iyo Caalamkaba sida ay wax u socdaan waxa uuse xaalku faraha ka sii baxay wareegii 3-aad ka dib markii Musharax Xasan Sh. Maxamuud oo
aan saaxada Siyaasadda horey loogu aqoon, ay codadku si weyn dhankiisa ugu
bateen,uma baahna fasiraad dheeraad ah sababta,waayoo waa howl la wada qabtay oo ay ku mideysnaayeen
musharixiinta kale marka laga reebo musharaxa laga guuleystay oo isagu ahaa
budo gooni u tuman,
Si kastaba
ha ahaatee doorashadani, waxa ay u aheyd shacabka Soomaaliyeed, Baarlamaanka
iyo labada Madaxweyne ee is badalayba guul taariikhiya oo lagu xasuusan doono
sida geesinimada leh ee uu Madaxweynihii
hore u aqbalay natiijada tartanka una wareejiyay hey,adihii amniga iyo nasiibka
uu u helay Md Xasan sh.Maxamuud,in uu noqdo Madaxweynihii u horeeyay ee 40 sano
ka dib,ciidiisa korkeeda iyo calankiisa hoostiisa lagu doorto.hogaamiyana u
noqda Dowlad buuxda oo la xisaabtami karta asaageed,hadaba mudane Madaxweyne
shacabku waxa ay kaa sugayaan waa Dowlad noogu darta balse aan nooga darin.!!!!
DHAMAAD/=
FG TANI WAA ARAGTIDEYDA.
WQ.C/qaadir
Maxamed Faarax { Dulyar}
Muqdisho,
Soomaaliya.
No comments