HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXINTA...
https://www.youtube.com/watch?v=AreDGCmrD9g
!! Hadii dibiga beer qoday,ubaxeeda daawado,ileyn kama ay daasheen, tuurtiisu dowliga,birta dabada ugu xiran,!!! Waa murti uu soomaalida u qotomiyay,Allaha ka saamaxo danbigiisee Abwaan C/qaadir Xirsi YamYam,si ay dhaxal ugu noqoto, isagoo ka eegay halka ay ku arooreyso oo ah.hadii howl kasta oo la qabanayo aaney jirin natiija wanaagsan oo ka dhalata,isla markaana ay kaga qancaan dadkii howshaas daalka iyo dayaca ka soo maray,xaal ku waa weel dabada ka duleela oo biyo lagu shubayo,balse hadeey arkaan bulshadoodii oo guranaya mirihii ka dhashay howshii hagar la’aaneed ee ay soo qabteen,waa hubanti in ay iloobayaan wixii habaas iyo haraad ay ka soo muteen hirgalinta howshooda,.....
https://www.youtube.com/watch?v=AreDGCmrD9g
!! Hadii dibiga beer qoday,ubaxeeda daawado,ileyn kama ay daasheen, tuurtiisu dowliga,birta dabada ugu xiran,!!! Waa murti uu soomaalida u qotomiyay,Allaha ka saamaxo danbigiisee Abwaan C/qaadir Xirsi YamYam,si ay dhaxal ugu noqoto, isagoo ka eegay halka ay ku arooreyso oo ah.hadii howl kasta oo la qabanayo aaney jirin natiija wanaagsan oo ka dhalata,isla markaana ay kaga qancaan dadkii howshaas daalka iyo dayaca ka soo maray,xaal ku waa weel dabada ka duleela oo biyo lagu shubayo,balse hadeey arkaan bulshadoodii oo guranaya mirihii ka dhashay howshii hagar la’aaneed ee ay soo qabteen,waa hubanti in ay iloobayaan wixii habaas iyo haraad ay ka soo muteen hirgalinta howshooda,.....
Hada Soomaaliya marka aad eegto dadaalada ka soconaya,waa howlo ad-adag oo loo hurayo naf,maal iyo waqtiba,hadana waa ay yar yihiin natiijoojinka qurxoon ee ka dhasha,marka laga reebo kuwa si dhaanta sidii hore u socda oo aan xiriir la laheynarima kale oo la doonayay in ay isku xiriir sanaadaan si loo higsado howlo wada qurxoon oo dadka qabtay looga mahadceliyo,marka la daawadana lagu wada qanci karo,hadiise maalin kasta howl la qabto lagana tago iyadoo aan la dhameystirin ama aan laheyn qurux la daawado,macnaheedu waxa ay tahay dibigii beerta qoday ee hadana ka sii durduriyay isaga oo aan daawan quruxda uu u diyaariyay howshii uu qabtay,
Hade weli ararta aan dumay,duluc deedi maangalin,waana faallo daba dheer,aanse ka eego doc kale,oo mudooyinkaan danbe la oran karo safka hore ayey kaga jirtaa hadal heynta iinta dowladu leedahay maadaama ay sanad jirsatay,lagana yaabo in dad badani wax iska weydiinayaan waxa ka hirgalay qodobadii madaxda dowlad deenu bilowgii horeba la soo gole joog sadeen in ay fulin doonaan mudada ay u qidmeynayaan shacabkooda,
Waan hubaa in guri kasta,geed kasta.iyo gole kasta oo tiro soomaaliyeed oo qaan gaar ahi isugu timaado in lagu xanto ama looga tooqo hadba dhaliisha ka muuqata dowlad kasta oo soomaaliya yeelato,iyadoo ay yar yihiin inta xigsata dhanka wanaaga iskuna xilqaama in ay dowladnimada ku darsadaan talooyin iyo fikrado laga yaabo in ay wax ka tari lahaayeen arimaha iminka cakiran ee la dhaqaajin la’yahay,iyagoo ku gororinaya maskaxdooda in dowladnimadu ay tahay wax la wada leeyahay oo aaneey gaar u laheyn inta markaa shukaanta u heysa,
Bal aan idiin dulgeeyo halka aan u dan leeyahay, oo ah mid ka mid ah caqabadaha ku hor gudban in soomaaliya yeelato dowlad awood leh,taasoo laga yaabo in ay dad badani ila dareemayaan, waayoo,maanta soomaaliya uma baahna in loo dhiso dhismayaal waaweyn hadana lagu wareejiyo dhagxaan amnigooda ilaaliya,!! uma baahna in warshado aan sii jiri doonin laga hirgaliyo,!! in ganacsi balaaran oo shaqsiyaad ku taajiraan loo abuuro,!! in jaakado,garfaatiyo iyo mobaillo tira badan loo soo qaato,!! in xeebaha Liido iyo Jaziira maalinba kooxi isku sawirto!!,in gaadiidka aan xabaduhu Karin loo soo daabulo,!! in aanan isku madadaalino xaflado iyo shirar aan mira dhal lahayn,!! anagoo awoodna in aan qabano howl muuqata oo mustaqbalka jiri karta,!! in qurba joogtu u soo aado indha indheyn iyo xaqiiqo raadin,!! hadana uu qof kasta naftiisa ku aamino hotel ama xaafad gaara,!! in idaacado ajnabiya iyo kuwa soomaaliyeed ba la iska soo xanto,!! in halkii laga shaqeyn lahaa dowladnimada loo soo shaqo tago,!! in dal iyo dibadba aan isku sheegno dhalanteed isla markaana aan daawano riwaayad ay hal abuureen abwaano ajaanib ah oo ma dhamaato ah,!! In,...In,...In...., Intaa iyo in badanba uma baahna.
Balse taa badalkeeda Soomaaliya,waxa ay u baahan tahay in la isku tanasulo oo la is cafiyo,!! in runta iyo dhagaha la isku furo !!, in si soomaali nimo ah oo ficil ah meel la isugu geeyo maal,muruq iyo maskax sidii mar qura looga gudbi lahaa mushkiladaha na heysta !!,in la fahmo in laga wanaagsan yahay iyadoo aan la isku gudbi Karin, in dhulka koox koox loo sheegto looguna kala noolaado Caro madow,Caro gaduud iyo Caro maanyo !!,in qof kasta fahmo in aaney wanaag saneyn howl uusan isaguba maalintiisa qaban Karin in uu maalin walba ku dhaliilo qof kale oo maanta masuuliyad haya !!,,in la iska daayo mashxaradaha beenta ah ee baroortu ka danbeyso,in la is aamino farahana laga qaado, fuulista faraska Federaalka ee aynaan maanta fahmsaneyn inta aan faraha looga guban !!, in taariikhdii la soo maray dib loo eego waxna laga barto !!,in si dhab ah loo wajaho furaha mushkiladda Soomaaliya sida loo xalin karo !!,iyo sida ay u kala horeeyaan caqabaduhu,taasoo ah in marka hore howsha laga bilaabo dhismaha ciidamada iyo sugida Aminiga, oo runtii hada aad moodo in si kala daad sanaani ka muuqto loogu daalayo wax ka qabashadeeda,marka Nabadgalyada la hantana loo gudbo qodobada kale ee na horyaala,sida hagaajinta sharciyada,Cadaalada iyo garsoorka,dib u dhiska dalka iyo maamul wanaaga iyo horumarka kale ee dalku uu u baahan yahay,
Mar hadiise, la wada qirayo waxa koowaad ee maanta qof kasta oo soomaaliya uu u baahanahay in ay tahay Amni iyo xasilooni welina ,laguna guuleysan la,yahay sanado badan oo dowlado KMG ahi shaqeynayeen ka dib haba tabar yaraadaane,xataa in la hanto amaanka caasimada oo qura, iyadoo aan ognahay in ciidankeenu waajibaadkiisa u guto hadba sida loo howl galiyo oo aaneey qaladaad kan iyagu wax ku laheyn,maadaama ay waqti hore mar noqdeen ciidanka 2-aad ee Africa ay ku faanto,looguna magac daray {LIBAAXYADA AFRICA} uguna awooda badnaa,hadana la heli karo kuwa higsada kuwii hore,balse su’aalaha mudan in la is weydiiyo ayaa waxey tahay , maxaa hor taagan iminka in si dhab la dhiso ciidamo Qaran oo tayo iyo tiro leh, oo ka mira dhalin kara howsha loo igmado? Xageese aadeen ciidamo dii 10-kii sano ee la soo dhaafay Dowladihii KMG ka ahaa loogu soo tababarayay,dalalka Jabuuti,Uganda,Kenya,Itoobiya,iyo xeryaha ku yaala gudaha dalkeena? xagee la aadeen hubkii loo qeybiyay? Maxaa cadeyma ah oo loo hayaa qof kasta oo ka mid ahaa ciidamadaa iyo hubkii la siiyay si loola xisaab tamo? Aaway kumanaankii sarkaal ee sida xisaab la’aanta ah loo siiyay darajo yinkii Qaranka,? xagee mareen saraakiishii maamuleysay ciidamo daas ama soo xulay markii horaba? Hadii la badaleyse ma jiraan dukumiinti tix raac leh oo xil wareejintoodala socday si loo daba galo hubkii iyo ciidamadii soomaaliya loo soo tababaray halka ay ku dambeeyeen? Yaa iska leh masuuliyadaas oo mudan in lagula xisaab tamo,?Maxaase dalkaan u diiday in mas’uul kasta in shaqadiisa lagula xisaab tamo, si loo kala xishoodo? Maxaa loo wada daawanayaa qaladaadka joogtada ah ee dhacaya,?Maxey tahay sababta qorshe la’aan weli kuwa kale loo sii tababarayo? Maxaa talada ciidamada loola wadaagi la’yahay saraakiishii iyo ciidamadii hore ee waaya araga ah,meel kasta ha joogaane,?maxaase laga bartay oo waaya aragnimo ah qaladaadkii ka soo baxay dib u dhiska ciidamada dalka,? shacabka mudo intee le’eg baa lagu sii qancin karaa iyadoo aan wax qabad muuqan in mar walba madaxda dalku ka hadlaan oo kaliya Amniga,saxaafadase war ma u tahay in ay maalin kasta noo sheegaan waqtina ku lumiyaan kulan looga hadlayay Amniga oo muqdisho lagu qabtay,? intaa iyo in kaloo ka badan waa su’aalaha laga yaabo hadii la is weydiiyo,in ay wax ka tari karaan Aminiga dalka, adiguna xaq baad u leedahay in aad qudhaadu is weydiiso hadii aad tahay ruux u damqanaya mustaqbalka dal kiisa,waayoo wax macnaa ma sameyneyso in waqtigeenu ku lumo dowlado aan noo qaban shaqo muuqata oo wax tar leh.
Yaananse ku sii fogaanin hadalkaas, waayo waxaa suurtagal ah in aad aniga ila yaaban tihiin,!!! ama aad jeclaan lahaydeen inaan ka aamuso arimahan,maxaa yeelay waxaan ka hadlayaa wax la wada og yahay oo lagu balamay in aan waxba laga qaban, balse jawaabta ugu macquulsan ee aad I siin kartaa waxa ay tahay,!! Ciidamo dii waa iska kala tageen markey daryeel iyo mushaar ba waayeen,ama ey arkeen iyaguba in aaney madax doodu diyaar u aheyn in ay ka faa’ideystaan xoogooda,ana waxaan intaa ku sii darayaa,in ay suurta gal tahay in ciidamadii u kala shaqo tageen,Ganacsatada,Maamul goboleedyada,Madax dooda xilalka ka haya dowlada,Hoteelada, Safaaradaha ,kuwa si gaar ah hey’ado u maamulaan iyo shirkado previte ah oo Un-ka iyo dowlad duba ruqsad u siiyeen sugida amnigooda cid kasta oo ay dhaqaale kula hishiiyaan,iyagoo ka madax banaan ciidamada dowlada kana hub iyo nolol fiican, inta soo hartayna waa inta yaree maanta ka dhaq dhaqaaqeysa ciidamada dowlada kuna mintidaya howshooda iyaga oo laga yaabo iney saluugsan yihiin sida ay wax u socdaan,
Mar hadii xaalku sidaa yahay,ciidamadiina cududoodii lakala qob qobay,amnigiina hadal mooyee si kale loo maareyn la’yahay,maxaa diidaya in cid kasta oo diidan dowlad nimada in ay dalka ka geysato falal amaan dara ah , weliba lagu cayaaro quruxdii nolosha,dhismayaasha,gaadiidka iyo baalayaashii wadooyinka lagu xardhay,ileyn waa tii la yiri :-HADII BISADDU TAGTO, JIIR KU WUU CIYAARAA. !!!
DH A M A A D
FG:- TANI WAA ARAGTIDETDA.
WQ:- C/qaadir M.Faarax { Dulyar}
Muqdisho/Soomaaliya.
No comments