HALGAME SHEEKH BASHIIR {AUN,} Taariikhda Geesigii u Dhintey Difaaca Diinta,Ciida iyo Calanka Soomaaliyeed .!!!



Sheekh Bashiir Alaha u naxariistee Geesigii Soomaaliyeed ee la Dagaalamey Gumeysigii Ingiriiska ee markii Gumeysiga ay Dileen uu Gabyaagii Xaaji Aadan Af-Qalooc ugu Gabyey: Duhur baa Bashiir lagu Shannaday Daar Agtiinna ahe Damal la Har galaa bay Jebsheen Waqay Dulloobaane Dahriga iyo Laabtay Rasaas kaga Daloosheene Isagoo Dam iyo Dhiig leh oo maro ku Duuduuban Dadkii uu Nebcaa iyo Kufraa Daawasho u yimide.(Fadlan Walaal Akhri Taariikhda Geesigaas Soomaaliyeed ee u Dhintey Difaaca Diinta,Ciida iyo Calanka Soomaaliyeed )

Abdulkadir dulyar Sunday, August 30, 2015
WARBIXIN:-XAGEE NALOO WADAA.? @DULYAR 2011-kii



FARIIN BULSHO:- FADLAN HA QALIN XOOLAHA DHADIGA AH.!!




Xagee Naloo Wadaa? (Faallo)

11/19/2011 


Uma baahna  hadal dheer,sida uu dalkeenu  uga burburay dhan kasta, iyo sida ay uga faa'ideysteen dalalka shisheeye, waayoo markii uu xalku noqday nidaam la€™aan meeshana laga saaray dowladii dhexe, waxa ay wax walba noqdeen booba yaa Wadani, waxa uuna ruux kastaahi si xisaab la’aan ah shilimaad yar u siistay hantidii Umadda ka wada dhaxeysay, sidoo kale waxaa si indha  la’aan ah dibadda loogu dhofiyay dhamaan kheyradkii dalku lahaa.

Bad iyo Barinna waxaa ka dhacay wax aan la aqbali karin, waayo xatooyo iyo bareer nooc kastaa looga xamaashay oo lagu xaalufiyay, mana jirto cid la xisaabtami karta ama u soo jedda xilligaan in ay la xisabtanto kuwa waxaa falaya, welina waa loo kala xusul duubayaa sidii loo kala xadeysan lahaa xariiqda Soomaalidu dagto.

Abdulkadir dulyar Saturday, August 29, 2015
WARBIXIN:- MUQDISHO,IMINKA WAA MAGAALADII CABSIDA.!! 2009-kii


Muqdisho, Iminka waa Magaaladii Cabsida.

WQ:-2009-kii


Muqdisho iskuma diidanin in ay ahaan jirtay ama ay tahay weli  Caasimada Soomaaliya, waa Magaalo kulmisa dadka Soomaaliyeed oo lagu wada nool yahay, waxa ayna magaalooyinka kale kaga mudnaatay in lagu asteeyo Xarumaha Dowlada, Safaaraddo, Suuqyo waaweyn, Cisbitaallo, Iskoollo, Hoteello iyo inkaaniyaad kale oo fara badan, taasina waxa ay keentay in dadka Soomaaliyeed ay ku soo wada  uruuraan, iyaga oo ka dhistay daaro waaweyn iyo hanti kaloo ma guurta ah oo aad u bilicsan, balse marna talada laguma darin in sidaan wax u dhicidoonaan.

Dadwaynuhu waagii hore waxay ahaayeen kuwa kala meeleysan, oo aan isku soo xadgudbin, sida Shacab & Dowlad,  Arday & Macalin, Madax & Shaqaale, Janan & Deble, iyo tusaalooyin kale, mid walibana waxa uu higsanayay hadaf uu lahaa, isaga oo aan ka leexin jirin  kuna qanacsan qaannada uu ku jiro bulshada, Maantase arinku  arinkii maaha,

Abdulkadir dulyar Wednesday, August 26, 2015
DAAWO:- WARBIXINTA BOOBA YAA WADADNI.!!!@DULYAR




DAAWO:- WARBIXINTA BOOBA YAA WADADNI.!!!@DULYAR



======================================================================
HALKAN KA DAAWO WARBIXINTA OO MUUQAAL AH.


====================================================================
Waa arin ugub  ah tartamada doorasho ee maalmahaan Muqdisho la isla dhex qaadayo,40 sano ka hor ayey ahayd markii ay Soomaaliya   sidaan oo kale uga curteen loolano doorashooyin ah, waxaase muuqata in waqtigaas iyo waqtigan  uu farqi weyn u dhexeeyo,
Waayoo waqtigii 60 –kii waxa ay dadka soomaaliyeed ahaayeen wadaniyiin ay ku beeran tahay dal jaceyl,maadaama markaa un la iska tuuray heeryadii gumeysiga,tan kale tartamayaashu waxa ay ahaayeen kuwa kooban oo xisbiyo ku saleysan, maantase tartanku waa wajiya badan aan xisbiyo mucaarad iyo muxaafidba ku saleysneyn,waxaana ugu mashquul badan jagada Madaxweyne nimada  iyo tan Xil dhibaanimo, oo xeelad iyo dhaqaalaba loogu kala xusulduubayo.
Hada. xaalku sidii hore maaha dadkuna dadkii maaha, dalkuna sidii maaha,waxaa is badalay wax badan, waxaa is dhex socda xargo badan oo siyaasadeed oo is diidan, xamxamta iyo xodxodashaduna waa mid xowli ku socota,lamana  saadaalin karo sida ay wax noqon doonaan,
Waxaa maalmahaan saxmadda magaalada iyo musharixiinta boorsooyinkooda ka faa’ideystay oo dhaqaale ka sameeyay Madbacadaha wax daabaca, Saxaafadda, fanaaniinta , group mootooyin isku leexsaday oo maalinba musharax sawirkiisa ku wareejiya magaaladda, gaadiid  kiro ka helay iyo aqoonyahano badan oo yaqaana xeeladahaan oo kale sida looga faa’ideysto..
Qeyladii  yeertaa qoleysan uga darine, waxaa sidoo kale dhaqaale xoogan sameeyay salaadiinta beelaha ee loo xil saaray soo xulista xubnaha baarlamaanka, oo iyana maalmahaan laaluushkoodu gaaray guri iyo gaari ,cidii aan heysana si fudud  ugu suul jaawinaya,
Waa arin lala fajaco lacagaha boqolaalka kun ee doolar ah ee lagu raadinayo xildhibaanimada iyo madaxweynanimada soomaaliya waxa ka danbeeya, waxa ayse dadka ugu dhawi ku fasireen in madaxtinimada waxa lacagta loogu bixinayo ay tahay in hadhow lagu aruursado dhaqaale,sida aan horayba uga baranay madaxdeena.,xaalkuna yahay booba yaa wadani,
Dhanka kale, waxay murashixiintu maalmahaan si dhoolatus ah ugu kala hor marayaan wax u qabashada Qaxootiyada,Agoonta,Cuuryaamada, Bukaanada cusbitaalada iyo meelaha ay ku sugan yihiin bulshada jilicsan oo dhan, mana aha ainkani naxariis gaara oo ku jirta ragane waa mid ay ku doonayaa in kaga dhigtaan sallaan ay ku fuulaan halka ugu danbaysa ee uu damacoodu  yaallo,
Inkastoo ay hada tira beel yihiin Murashixiintu,hadana  waa kala ujeedo, qaar baa raba in ay beelahooda kaga helaan xildhibaanimo maadaama ay damac ka weyn  soo bandhigteen, kuwa ayaa ku doonaya oo qura in ay taariikhda u gasho, kuwa kalaa ku riixanaya xil wasiirnimo,kuwaa ku fikiraya in ay hadhoow codkooda ka iibsadaan kan ka tun roonaada, kuwana waxa ay ka tahay kal iyo laab ,waa ayse  sii kala ogyihiin murashxiintu kaalimaha ay  uga  kala jiraan  loolanka socda, sida shacab kaba ay ugu kala muuqato cida ku soo baxeysa.
Tan kale, musharax kasta waxa uu maalintiisa soo bandhigay dhiniciisa wanaagsan, ma jiro mid sheegay ama qirtay qalad uu ka galay qaranka ama mid uu si shaqsi ah u geystay, taariikh duna waa marqaati,waxaa sidoo kale la isugu faanayaa dhaqaale, oo nin waliba waxa uu balaqay boorsadiisa, waxa uuna aaminsan yahay in uu dhaqaale ku heli karo kursiga,hadhowna uu dhaqaale ka heli doono kursiga maadaama xaalku yahay booba yaa wadani.
Dhanka dowladda KMG  ah sadexdii odayba waa isi soo taageen oo nin waliba fagaaruu ka yiri anna waa ikan, lama odhan karo waa ay wada socdaan, marka la fiiriyo waxa ka dhacaya maalmahaan madaxtooyada dhexdeeda, la iskuma waji furna waxaana durba bilowday daandaansi iyo in shirarka la isku colaadiyo,soomaalidu waxay tiraahdaa [labo maroodi meeshey ku dirirto, cows baa ku gacan gala]  mar hadey odayaashii hoos iska haraatinayaan waxaa iyagana maalmahaan jahwareer ku yimi golihii wasiirada oo fadhigoodii ugu danbeeyay ku kala tagay buuq lana kala saftay madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha, waa arin kaloo lagu biirin karo saxmadda socota,
Dhanka Musharixiinta madax banana waxa ay soo saarayaan cabasho is daba jog ah oo ka dhana madaxda tfg-da kuwaasoo laga cabsi qabo in ay ku tartamaan dhaqaalihii dowladda,iyo in besha caalamku indhaha ku heyso waxa socda, sida faragalin salaadiintuba sheegeen in lagu hayo soo xulista baaerlamaanka,, maadaama waxa wax dooran doonaa ay yihiin 275 ta mudane oo ay odayaashu keenaan si kastaba ha ku yimaadaane,waxaa muuqata in faraha lagula jiro,waana sababtaa midda uu ruux waliba oo musharax ahi ka qeylinayo, tan kale ruux kasta waxa uu  hantidiisa raadinta kursiga baarlamaanka ugu quurayo waa   inaan daah ka saarneyn in uu hadhow u gadmi doono codkiisu,oo heli doono mid ka badan ta ka gashay 5-ta sano ee soo socota, maadaama xaalku yahay booba yaa wadani,
Shacabku xaalkan waxa uu ka yahay Marqaati Aamusan, oo uma banana boos ay ka  soo galaan doorkoodiina maaha, waxaa lagu gorgortamayaa dushooda waxeyna  u jeedaan lacago fara badan oo is dhaaf dhaafaya oo la doonayo in iyaga lagu xukumo biri, kama hadli karaan, waayoo horaa laagu cadeeyay in aaneey cod ku laheyn siyaasadan  xaalkuna uu hada yahay gacantaa ku garoorsi,
Dadka arimaha amaanka ka hadla waxa ay xaaladaan ka muujinayaa walaac, waayoo waxaa is dhex socda shacab kala taageersan musharixiinta, gaadiid sawiro kala midaba lagu xardhay dushana looga xiray cod baahiyayaal waaweyn, waxaa lagu kala tartamayaa gidaarada , taalooyinka iyo baalayaasha wadooyinka,waxa ayna ka cabsi qabaan in lagu soo dhex dhuunto oo laga faa’ideysto, qof waliba waxa uu kuu sheegayaa in uu musharax taageersan yahay, kuwaa  sii calaamadeedyay in hebel mooyee aaneey cid kale kursiga qaban doonin, hadii cid kale la doortana uu xaalku xumaan doono, ciidamadii ayaa iyagana maalmahaan xargo adag lagu hayaa oo cabsi weyn laga qabaa in ay la kala saftaan musharixiinta, durbana waxaa arinkaa qeyla dhaan kadiso ah ka muujiyay dowladda kmg ah oo aan awal sii qorsheysan, balse ku baraarugtay markii ay arkeen ciidamadii oo hoos gabran mid ka mid ah murashixiinta, oo ay horay usoo wada shaqeeyeen.
Sidoo kale Ciidamada Amisom, ayaa iyaguna maalmahaan wadnaha farta ku haya, waxa ayna isku dayayaan in ay xaalada xakameeyeen,durbana waxa ay bilaabeen qorshayaal ay booliska Soomaaliyeed kagala wareegayaan saldhigyada,waqtiguna  waa ciriiri oo waxa ay aheyd in ay Amisom howshaa ku fikirto waqti hore,sidoo kale waxaa socda kulamo ay   musharixiinta kala hadlaan arimaha amaanka. Iyo qodobo kale oo quseeya doorashooyinka,
Balse, marka la isku soo uruuriyo xaaladan waa arin u baahan in muhiimada koowaad la siiyo nabadgalyada dalka,murashixiintuna ay ka fogaadaan wax kasta oo abuuri kara khalalaase, tan labaad waa in howsha doorashada loo xilsaaro gudi madax banaan, oo ay wehliyaan kormeerayaal caalamiya, hadiise xaalku sidaan sii ahaado waxa ay u muuqataa inay dhici doonaan rabshado aan garwadeen laheyn, wax isdaba marin iyo xukun maroorsi aan lagu kala dawoobin iyo in looga daro xaalku sida uu hadda yahay,lagana dhaxlo xaaladaan natiijo aan wanaag saneyn iyo kala guur run ah.
Ugudanbeyn,  mar hadii Madaxweyne nimadii iyo Xildhibaan nimadiiba lagu kala iibsanayo lacago, laaluushkuna uu yahay midka ugu mudan maanta ee lagu kala hormarayo,cidda wax dooran toonta ee la sugayana ay tahay Xildhibaano waqti iyo maal fara badan ka soo baxay,dowladihii ugu danbeeyayna hogaamiyayaashoodii fagaare laga sheegay waxa ay faleen, sow raga madaxtinimada doonaya  xaalkooda  lama oran karo BOOBA YAA WADANI. halkii  ay markii  hore  ka ahayd   AXYAA WADANI.!!!
 =TANI WAA ARAGTI DEYDA/= 


W/Q: Cabduqaadir  {Dulyar} |
Dulyar23@Gmail.com

Abdulkadir dulyar
'DOODDA MAANTA' - Tackling Corruption. AMA MUSUQ MAASUQA SOOMAALIYA.2013




'DOODDA MAANTA' Today's Debate: A six-part political debate series focussing on key issues in Somalia. This series provides a platform for discussion between Somali politicians, Non-Governmental Organisations and civil society members. The programmes were produced by the AU/UN IST in collaboration with the United Nations Political Office for Somalia (UNPOS). This programme looks at government corruption, the misappropriation of international aid, and how this can all be tackled. 
Language: Somali 
Dur: 30:23
2013
@DULYAR



  'DOODA MAANTA' !! Tackling Corruption AMA MUSUQMAASUQA @DULYAR


HALKAN KA DAAWO DOODA OO MUUQAAL AH....

                                    https://www.youtube.com/watch?v=o8Dmfm7qxLA

Abdulkadir dulyar
'DOODDA MAANTA ' Today's Debate @ dhalinyarada iyo doorkooda Nabadda @Dulyar /2013



"DOODDA MAANTA' Today's Debate: A six-part political debate series focussing on key issues in Somalia. This series provides a platform for discussion between Somali politicians, Non-Governmental Organisations and civil society members. The programmes were produced by the AU/UN IST in collaboration with the United Nations Political Office for Somalia (UNPOS). This programme looks at the losses young people have suffered during the civil war, opportunities for education and improvement, and how they can participate in the reconstruction of their
2013



HALKAN KA DAAWO DOODA OO MUUQAAL AH 

Abdulkadir dulyar
'DOODDA MAANTA @ ** Peace and Reconciliation.** DIB U HISHIISIINTA IYO NABADDA @Dulyar .2013



'DOODDA MAANTA ' Today's Debate: A six-part political debate series focusing on key issues in Somalia. This series provides a platform for discussion between Somali politicians, Non-Governmental Organisations and civil society members. The program's were produced by the AU/UN IST in collaboration with the United Nations Political Office for Somalia (UNPOS). This program looks at justice, reconciliation, and how we can achieve a sustainable peace.
Language: Somali
2013






HALKAN KA DAAWO DOODA OO MUUQAAL AH....

Abdulkadir dulyar
'DOODDA MAANTA ' @ Institution Building@ dhismaha hey'adaha dowladda Somalia @ DULYAR.2013





'Doota Maanta' Today's Debate: A six-part political debate series focussing on key issues in Somalia. This series provides a platform for discussion between Somali politicians, Non-Governmental Organisations and civil society members. The programmes were produced by the AU/UN IST in collaboration with the United Nations Political Office for Somalia (UNPOS). This programme looks at the reconstruction and development of the institutions of Somalia, who will push this forward, and how it will be paid for....2013





Q-1AAD..HALKAN HOOSE KA DAAWO DOODA OO MUUQAAL AH...

                 


Q-2AAD HALKAN KA DAAWO....
https://www.youtube.com/watch?v=eu3UqsMHcFQ

Abdulkadir dulyar
DAAWO:- WAREYSI EX REYSAL WASAARE K/XIGEEN DKMG MD AXMED CABDI SALAAN@ DULYAR









DAAWO:- WAREYSI  EX REY/K/XIGEEN AHNA WASIIRKA WARFAAFINTA EE DOWLADA KMG EE SOOMAALIYA MD AXMED CABDI SALAAN@ DULYAR



HALKAN KA DAAWO WAREYSIGA OO MUUQAAL AH....

Abdulkadir dulyar
DAAWO:- WAREYSI KU SAABSAN NOLOSHA EX REYSAL WASAARE MD SAACID.!!@ DULYAR







DAAWO:- WAREYSI KU SAABSAN NOLOSHA EX REYSAL WASAARE MD SAACID.!!







HALKAN KA DAAWO WAREYSIGA OO MUUQAAL AH...

Abdulkadir dulyar
DAAWO:- WAREYSI KU SAABSAN NOLOSHA MADAXWEYNE XASAN SHEEKH.!!!






DAAWO:- WAREYSI KU SAABSAN NOLOSHA MADAXWEYNE XASAN SHEEKH.!!!










HALKAN KA DAAWO WAREYSIGA OO MUUQAAL AH...

Abdulkadir dulyar
DAAWO:- WAREYSI KU SAABSAN NOLOSHA HOBOLADDA HIBO NUURA.!!@ DULYAR



DAAWO:- WAREYSI KU SAABSAN NOLOSHA HOBOLADDA HIBO NUURA.!!


                                                           



                  HALKAN KA DAAWO WAREYSIGA OO MUUQAAL AH...
                  https://www.youtube.com/watch?v=NKxHk4rDcXc

Abdulkadir dulyar
WARBIXIN:- HA NOQON YARE..!!! .BY:- MJA



BY:- MJA

Aadmiga ama insaanka waa maqluuq uu illaah u sameeyay Suurad qurxoon & karaamo, waliba isugu daray Maskax & Qalbi oo keyd & hal-abuur xoogan leh, waxaase sida caadiga ah kala duwanaada Aragtida, Midabka, Jinsiga, Dabeecadaha & mabaadiida diimeed ee guud ahaan Insaanka, hayeeshee marka aan si toos ah u abaarayo dullucda & ujeedada Qormadan oo la xiriirta dad Wadaaga Diir, Diin & Deegaan Qudha, waxaan u kala qaadayaa sifooyinka dadka 3-nooc oo kala ah, 1- Same, 2- Xume & 3- Yare, waana hab lagu daraaseeyay cilmi-nafsiga oo tilmaamo durugsan ka bixiyay arinkan.

Abdulkadir dulyar
FAALLO :-AR YAA TANOO KALE ARKAY.?!!!




NB/= Waxaan diyaariyay July 12, 2011-kii

Labadii ruux ee ka sheekeysanaya afduubka siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa waxa ay ku kala tagaan aqirkii aryaa tanoo kale arkay.

Waa oraah la saari karo Caalamatul cajaaib !!! , muujineysa wax lala yaabay oo dhinac loo dhigo la waayay,  haatan Soomaaliya waxa ay mashquul ku tahay kala guur iyo dastuur waana labo xaajo oo aan la dhayalsan karin marka la barbar dhigo xaalada  guud aa ay iminka ku sugan tahay Soomaaliya.

Soomaalidu horey ayey u kala guurtay oo qabiilba xero u ootay waxa ayna ahayd daawada la doonayo in magaceeda loo bixiyo 'isku soo guur' si beeluhu u wadagaan dariskuna isugu soo hiloobo dabadeedna dowladnimo buuxda looga sii gudbo dowladihii taagta darnaa ee mid waliba maalin ku mayday meel cidla ah.

Abdulkadir dulyar Monday, August 24, 2015
DAAWO:- WARBIXINTA TABEELAYAAL SOCDA OO AAN IS OGAYN.!!!

HALKAAN KA DAAWO :-WARBIXINTA TABEELAYAAL SOCDA OO AAN IS OGAYN.!!!





                                                                                   WQ/=  December 28, 2012


     Dunidaan casriga ah ee aan ku dul noolnahay xiligaan waxa ay dhankii laga eegaba u dheereyneysaa sida shey cirka laga soo tuuray oo kale.waxaana la oran karaa rubuc qarnigii ugu danbeeyay waxaa Aduunka lagu soo kordhiyay adeegya tira beel ah iyo wax aan la qaban Qarniyadii tagay, taasina waxa ay keentay in la hindiso malaayiin Campany oo soo saara wax kastoo Dad iyo Duunyaba aas aas u noqon kara hurumarka noloshooda haba lagu sii kala horeeyee.

Waa hubanti in Campaniyada wax soo saara ay tartan ugu jiraan hanashada quluubta bulsha weynta caalamka si ay alaabahooda ugu qanciyaan una helaan macaamiil joogta ah,si ay guushaa u gaaraana waxa ay adeegsadaan farsamooyin kala duwan oo lagu kala tagsan yahay,haba ugu sii mudnaato dacaayadaha ay u sameeyaan alaabahooda iyo hurumarinta magacyadoodee.

Hadaba quburada qarnigan ganacsiga wadaahi waxa ay ogaadeen in dacaayadaha ama xeyeysiinadu ay door muhiima kaga jiraan horumarka ganacsiga,waxa ayna had walba jaangooyaan wax soo saar kooda,iibinta magaca Campaniga iyo cidda ay rabaan in ay gaarsiiyaan fariintooda,iyadoo halka ugu badan ee lagu dagaalamayana ay tahay da,da ka hooseysa 40 tan jirka oo 75% ah bulshada.

Tusaale ruuxa ka weyn da,da 50-ka ama ku dhow weli waxa uu xasuustaa noloshii hore oo aan la aqoon waxa hada la yaqaano,lamana qabsan karo casrigaan ciir ciiraya,bal u fiirso dhanka teleefoonada hadii ay isku dayaan qaadashadooda inta badan waxa ka fadhiistaan boosaska kuwa raqiiska ah, dantooduna waa ineey ku hadlaan oo qudha,balse jiilka maanta waa ay ka xanaaqaan ama ka xishoodaan qaadashada telefoon aan qaali aheyn,waayoo waxa ay ku jiraan halgan kale oo la yiraahdo Facaa iska dhici,tan kalena waxa ay awood u leeyihiin adeegsiga macluumaadka tirada badan ee ku jira.

Sidoo kale Campaniyada soo saara,Cumputarada,Gaadiidkaa noocyadiisa kala duwan,Softweerada,waxyaabaha la isku qurxiyo ama la isku carfiyo, qalabka digitalka oo malaayiin nooc ah,dharka, kabaha, saacadaha,Cabitaanada iyo dhamaan waxa kasta oo hadda la adeegsado, ninba taagtii waxa uu wax soo saarkiisa u sameeeyaa dacaayado maadaama uu tuhmayo in tartan lagula jiro.

Dhamaan Campaniyadani waxa ay u kala xusul duubayaan waxa ay tahay sidii ay shucuubta caalamka u isticmaali lahaayeen adeeg yadooda,waxaana iibinta magacyadooda kaga baxa Malaayiin Dollar, mana aha macnuhu in lacagahaas faraha badan aanuu Campanigu u baahnayn balse waxa uu maanka ku hayaa tartanka yaala suuqyada dunida.

Waxaa sidoo kale lagu kala hormarayaa shaqsiyaadka iyo goobaha caanka ah,sida Cayaartoyda, Fanaaniinta,Actarada,Naadiyada iyo meelaha kale ee ilqabadka leh,ujeedkuna waxa uu yahay in la kasbada taageerayaasha ay ku leeyihiin aduunka,iyo barashada magaca Campaniga ee shanta Qaaradood si isku mid ah looga arkayo.

Campaniyada Nike,Adi-das,Buuma,Kabo Fly Emarites,Ithihaad Airweys, Toyota,Samsung opec,iyo kuwa kaloo aan qoraal lagu soo koobi Karin waa kuwa dacaayadahooda si weyn uga faa,ideysta dhanka Sportiga noocyadiisa kala duwan,maadaama Sportigu uu yahay aalad xoog badan oo ay xiiseeyaan bulshadu ,waxa ayna iyaga oo bixinaya xuquuqda lagu yeesho sameeyaan Funaanado, koofiyado, iyo shey yaal kale oo magacyadoodu ay ku yaalaan,sidoo kale waxa ay boorar il qabad leh ku dhajiyaan garoomada cayaaraha iyo magaalooyinka dhexdooda, balse ogoow meel kasta oo ay isticmaalayaan waa hishiis laba geesood ah ama canshuur baa ku socota.

Soomaaliya hadaan u soo noqdo, tan iyo bur-burkii waxa ay ka mid aheyd dalalka dadkooda looga faa,ideystay sida tabeelayaasha oo kale,waayoo hadaad dhex marto suuqyada ama magaalada waxaad arkeysaa oo kaa hor imaanaya dad ku labisan Campaniyo isticmaalka magacyadooda ku bixiya lacago ama ay aheyd in ay ku bixiyaan lacago sida, Nike,Adi-das,Samsung,Cookacolla,Pepsi, Nokia,Sportsman,Toyota Fly Emarites, Boss, Cofee, Omega,Turkish Airweys,,National,Yahoo, Pansonic,Google,Facebook,Barcless,Shell,Vadafone iyo kuwa kaloo badan.

Sidoo kale waxaad arkeysaa magacyo shirkado Isgaarsiin Xawaalado,Carwooyin,Warbaahino,kuwa Duulimaad,Hotelo,magacyo Caano, Cabitaan iyo Sigaar,goobo la isku qurxiyo,iyo shirkado kale oo ganacsi oo dhamaantood si ay uga faa,ideystaan Tabeelayaashaan socda ee aan is ogeyn,si fudud ugu sameeyay Funaanado,koofiyayaal,Qalmaan,Dalado,Saacado iyo waxyaabo kale, dabadeedna u qeybiyay weliba bulshada intooda jilicsan ee duruuftu ku qasbeyso qaadashadooda,sidoo kale waxaad arkeysaa gaadiid muraayadaha looga dhajiyay calaamado shirkado ganacsi,oo laga yaabo in aaneey aqoon halka ay ku yaalaan,koofiyayaal,Qalimaan,Dalado,Saacado iyo waxyaabo kale, dabadeedna u qeybiyay weliba bulshada intooda jilicsan ee duruuftu ku qasbeyso qaadashadooda,sidoo kale waxaad arkeysaa gaadiid muraayadaha looga dhajiyay calaamado shirkado ganacsi,oo laga yaabo in aaneey aqoon halka ay ku yaalaan.

Mana jiro wax hishiis ah oo ka dhexeeya iyaga iyo Campaniyada ay magacyadooda ku wareejinayaan magaalada, halka ay Campaniyadani hishiisyo iyo lacago badan ku bixiyeen Tabeelayaasha aan socon ee ay hareeraha wadooyinka ku xardheen balse waa marag ma doonto in Campanigu uu ku helayo faa,ido badan xeyeysiinta lugeyneysa, marka sow lama oran karo dadka noocaas ah waa TABEELAYAAL SOCDA OO AAN IS OGEYN.

Dhamaad

 WQ/=  December 28, 2012 
Wariye :C/qaadir Maxa,med Faarax Dulyar.
dulyar23@Gmail.com 
Mogdisho-Somalia.

Abdulkadir dulyar Sunday, August 23, 2015
DAAWO WARBIXIN:- MARQAATIGA AAMUSAN.!!!



DAAWO WARBIXIN:- MARQAATIGA AAMUSAN.!!!





2013-ka
Xaqiiqdii Umada Soomaaliyeed waxay u soo joogeen waaya badan,waxaana dalka laga helayaa  rag iyo dumar cimriya oo wax badan ka og  wixii dalkaan ka soo dhacay,  marqaatina ka soo ahaa wanaag iyo xumaan na soo maray, hase yeeshee qaar badan oo waaya aragaan ka mid ah marka aad la sheekeysato waxa ay kuu sheegayaan dhacdooyin la yaab leh,kuwana waxa ay kuu sharaxayaan  xaalado farxadeed oo soo maray waqtidooda maragna ay ka soo ahaayeen, laakiin marka aad u dusiso in ay  sheekooyin kani ku wanaagsan yihiin si looga faa’ideysto in loo gudbiyo Warbaahinta, waxa ay  markiiba la soo boodayaan diidmo, waayoo halkii ay ka noqon lahaayeen marqaatiyaal  ka hadla wixii ay soo arkeen. waxa ay ka doorbidayaan inay noqdaan Marqaatiga aamusan,
Waxaan maqli jiray  ooraahda oraneysa, { Afkaaga heyso, ama Afweyne raac }  oo macnaheedu yahay, afkaaga xiro ama dowladda raac, taas oo ka turjumeysay  ad-adeyga xukuumada  Milatariga,iyo xakameynta  xanteeda suuqyada lagu hayo, balse markii uu nidaam kaasi  burburay ,waxaa furka iska tuuray dibno fara badan oo muda dheer isku heystay in ay   dabool naayeen,waxeyse kuwaasi  halkii laga filayay in ay ku daahfuri doonaan hadalo wanaagsan oo raxmad leh,  taa badalkeeda ku hadaaqeen erayo naxdin leh oo sabab u noqday marin habowga ku dhacay bulshada soomaaliyeed, sida in ay carabkooda ku dhiirigaliyaan colaadda dalkaan ka socota, is naceybka, isku baraarujin qabiil, xumaan ku difaacid,ku awood sheegasho,  iyo qodobo kale oo aan isla naqaano,
Dhanka kalese, waxaa jira dar kaloo fara badan oo  jeclaa wanaagga xiligaa  ilaa maantana jecel , wax badan oo xumaanana hortooda lagu falay,balse marxalada lagu jiray awgeed,halkii ay yac ka oran lahaayeen ama ay ku diidi lahayeen xumahaas aan soo sheegay, waxey taa badal keeda  dani ku qasabtay  inay noqdaan Marqaatiga aamusan,
Waxaa wax layaab leh lagu tilmaami karaa in ooraahda aan  kor soo xusay, lana sheeg sheego  in ay ka mid tahay qodobadii lagula   dagaalamay Rijiimkii hore, inay 20-sano ka dib markale  dalka dib ugu soo laabatay, waayoo waxaan isla wada qiri karnaa inay meelaha ay gacanta ku hayeen ama iminkaba  ay maamulaan Xarakada Al-shabaab, in shacabka ku hoos nool xaalkoodu yahay { shib dheh ama Shabaab raac} ,waayoo  waxaa goobahaasi ka dhaca falal laga naxo oo xadgudub ku ah xuquuqda aadanaha,qaar ka mid ah waxaa lagu fuliyay shacabka  hortooda,kuwaa lagu xubna tiray, kuwaa lagu fududaaday,kuwa kalaa loo daldalay hadalo ay ka sheegeen Rijiimkan, mana jiro qof si dhab ah uga hadli kara waxa hortiisa ka dhacaya, waxa uuna xaalkoodu ku soo uruuray inay noqdaan Marqaatiga aamusan,
Sidoo kale, Maanta Muqdisho waxaa ku soo barakacay qoysas fara badan  oo ay Abaari soo halakeysay, dadkaan inkastoo loo qeyla dhaamiyay waxna la soo gaarsiiyay, hadana waxa ay marqaati aamusan ka yihiin, milaayiin Dollar oo loogu deeqay, Madax fara badan oo soo booqatay oo hortooda wax uga balan qaaday, kuwaasoo ay  sii  xasuustaan  wajiyadooda markii  ay gacan qaadeen,laakiin  ay  weli  sugayaan wixii ay jeebka ugu wadeen,marka aad la sheekeysatana waxa qura oo ay kuu sheegi karaan waa in ay marqaati ka ahaayeen balanqaadyo fara badan,balse aaney  sheegi Karin halka ay mareen.
Si taas la mid ah, waxaa maalin walba marqaati looga dhigaa oo la soo dhoobaa hortooda raashin fara badan oo deeq ah,oo magacooda lagu keenay goobta, hase yeeshee  marka sawiro fara badan laga qaato khudbooyinna loo jeediyo  kadib, inta loo awood sheegto laga boobayo,waxaaba dhacda  mararka qaar in ay  marqaati ka noqdaan  rag hubeysan oo hortooda ku dilaya eheladooda ay kala soo nabad galeen Abaartii ku dhufatay,ama   laba dhinac oo hubeysan isku dilaya  quudka loo keenay, suurta galna ay tahay in ay waxyeello ka soo gaarto,waxa ayna  dadkani  in la sheeg sheego mooyee,markii ay waayeen cid wax ka qabaneysa cabashadooda  aad moodaa  in ay ku gaabsadeen  Marqaatiga Aamusan.
Tan ugu darani waa masuuliyiinta wadanka oo maalin kasta dhagahooda ay ku dhacayaan dhaqaale loogu deeqay Dowlada KMG ah, kuwa Soomaaliya loogu talagalay,qoonda Abaaraha ku socota,kuwa amniga quseeya,qarashaad la dagaalanka burcad badeeda ah, qeyb argagixisada lagu qoray, iyo kuwa kaloo magacyo badan lagu kala xusayo,  qaar ka mid  Madaxdeena waxaa hortooda laga sheegaa dhaqaalahaasi inta la isla soo simo  oo  shir wadajir ah lala  qabto,si marqaati looga dhigo caalamka iyo saxaafad daba,dabadeedna malaha ma dabagali karaane waxa ay ku qancaan  waa  in ay  madaxa u ruxaan, kana   marag-kacaan oo qura,sidoo kale waxaa jira ,Hey’ado gargaar oo gudaha wadanka ka wada samafal malaayiin doolar  ah, dhamaan dhaqaala haasi waxaa maamula Ajaanib guryo iyo gaadiid  kireystay mana jirto cid la xisaab tami karta  in loo marag furo mooyee, mararka qaar waxaaba dhacda inay madaxdeenu ka qeyb galaan  shirar caalamiya  oo aaneey ka hadlin  marka ay ka soo laabtaana  waxa ay sheeg sheegaan  waa wixii ay marqaatiga ka  soo ahaayeen, marka sow iyagana lama oran karo waa Marqaatiga aamusan,
Saxaafadda Qudheedu waxa ay baahisaa falal dhacay,dilal la geystay, madaafiic lagu hoobtay,qof dhibane ah,lacago fara badan oo Dowladdu lunsatay,, masul hanti gudoomay, mid mid kale eedeynaya iyo waxyaabo kale,kuwaasoo dhamaantood aan la raacin  wararka cida geysaneysa falalkaas  xataa hadii ay ogyihiin,iyo halka  dhaqaalahaasi uu ku danbeeyay oo aan meelna looga xusin wararka, iyo weliba dadka lunsatay toona,sow marka sow  laf ahaantooda lama oran karo waa Marqaatiyaal ka aamusan xaqiiqda dhacdooyinka soo mara warbaahinta &  daba galkooda.
Dhanka kale, anigoo og in ay jiraan dad fara badan oo marqaati ka soo ahaa wixii dhacay,kuwa ogsoon danbiilayaal falal geystay,  kuwa loo geystay falal oo weli aamusan,haween la kufsaday oo yaqaan cidda ku xadgudubtay,kuwa loo xoog sheegtay oo garanaya  dadkii sidaa yeelay, dad arkayay dableey   qof iyo ka badan ku dilaya suuq dhexdii,Madax dhacday hanfi shacab oo si  cad  daaro ugu dhistay,welina aan loo maxkamedeyn,dad la heysto mulkigoodii   oo aan  toos u  sheegan Karin, balse si hoose  u sheegi kara  in ay  iyagu leeyihiin, daris hadii wax laga weydiiyo guri  aan kala cadeyn Karin ,  xataa hadii uu yaqaano  oo ay reerka leh dab kala qaadan jireen,  kuwa isbaaro u taalo oo la yaqaan  loona shaxaad tago ,iyo kiisas  kaleba,in ay  xaqiiqo  tahay  iskadaa sharci lala fuulo'ee,  in aanuu   jirin qof si toos ah u oran karta waxaas hebal baa  sameeyay  ama hebal baa lahaa, si loo ciqaabo  ama loogula xisaab tamo,qof waliba wixii uu geystay. Waase hubanti in mar un laga bixi doono aamusnaanta oo ay  dulmanayaashu xisaabta Aakhiro  ka sokoow  heli doonaan cadaalad,
Bal u fiirso,  dhalinyaro deena Sportiga jecel oo maalin kasta  iyaguna marqaati ka ah, million dollar oo lagu kala iibsanayo  Cayaaryahano kaciyaara  Horyaalada Yurub iyo  America, kuwa la kala amaahanayo,hadlo ay is dhaafsadaan Cayaartooy daasi, kuwa abaal marino la gudoonsiinayo. Qarashaad naadiyo lagula kalawareegayo, Xeyeysiinada hantida ay ka helaan,ilaa dhaqaalaha ku baxa aroosyada cIyaartoyda, iyo waxyaabo kale oo aan iyaga  marna laga soo  oran waad ku mahadsan tihiin sida aad  dhaqaala heena iyo xaalada heena marqaatiga uga tihiin.

Mar hadii mid wax og iyo midaan wax ogeyn, mid  Danbi  dhacay goob joog u ahaa  iyo mid wax  loo geystay ba  lagu balamay in  si hoose aqalada loogu sheekeysto mooyee,  inaan marna  lala soo golle joogsan , sow dadka Soomaaliyeed   dhamaantood  lama  oran karo waa  MARQAATIYAAL  AAMUSAN, !!!!!!!.
                                              =  DH A M A A D =

= TANI WAA ARAGTI DEYDA/= 

W/Q:Cabdiqaadir  M. Faarax   {Dulyar}
Dulyar23@Gmail.com
Muqdisho| Somalia.

Abdulkadir dulyar
WARBIXIN:-SUXUFIGA IYO SAXAAFADDA.!! WQ:- Abwaan Hadraawi.



XIGASHO:- weedhsan.com              17 April, 2006

Warbaahinta, gaar ahaan Saxaafadda madaxa banaan meel ay joogto waa iftiin iyo ileys horsed ka ah  nolosha Umadi leedahay.majaraha ay ku socoto iyo abaarta ay ku jiheysan tahay Saxaafadda wax ku oolka ahi waxey sawirtaa eel qarsoon iyo lama aragta kowda ah, waa jeedal qac kulul oo ka qeylisiiya leyliga biyaha kashiisa ku jira ka didaya.arin kasta oo Saxaafadi soo bandhigeyso waxeey u soo bandhigeysaa hab iyo hanaan hubsiino,miyir iyo miisaan ku dheehan yahay, waxeey soo bandhigtaa waqtiga ku haboon, waxeyna raacisaa  talooyin iyo tusmooyin, waxeey ka digtaa waxyeelada ka imaan karta iyo saameyntiisa.

Abdulkadir dulyar Friday, August 21, 2015
WARBIXIN:- HIRGALINTA FEDERAALKA IYO HANAANKA UU KU SOCDO.!!!




HALKAAN KA DAAWO WARBIXINTA.
https://www.youtube.com/watch?v=tYlcs4hIcIo&t=485s

Abril,2015.

In kasta oo ka hadalka federaalka Soomaaliya ay dib ugu
laabaneyso ka hor xornimadii dalka, kahadalka waqtigan
waxa uu soo bilowday bilowgii 1990-kii. . Laakiin
federaalka si rasmi ah looguma qorin dastuurka
Soomaaliya ilaa 2004 xilligaas ee uu socday geeddisocodkii
nabadda ee lagu qabtay Embagathi, Kenya
shirkaas oo lagu sameeyay Dowladdii Federaalka
Kumeelgaarka ahayd, taas oo waddada usii xaartay
dowladdan federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxaa jira rabitaan xooggan oo ku qoran
Dastuurka Ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, haddana
dowladihii kala danbeeyay ilaa 2004-tii waxa ay ku
guuldareysteen in ay dhaqan geliyaan federaalka sababta
oo ah xukunkooda oo aan  gaarsiisnayn meelaha ka baxsan
caasimadda Muqsdisho. Doorashadii Madaxweyne Xasan
Shiikh Maxamuud ee dhacday Sebtembar 2012 kaddib
ayaa la bilaabay dhaqan gelintii rasmiga ahayd. Laakiin
xitaa xilligaas, habka dhaqangelinta waxa uu ahaa mid si ka
fiirsi iyo qorshe la’aan ku dhacayay  mar kastana aan
waafaqsaneyn dastuurka kumeelgaarka ah.

Abdulkadir dulyar
FAALLO:- AQOOL XUMADA GARGAARKA, IYO XEELADAHA BARAKACAYAASHA..ALLOOW UR U BIXI.!!!




12/07/2011-kii

Weedhan ama hadalkan waxay dibnaha qof ama bulsho soo dhaafaan marka hooyo ubadkeeda diidoo wax la quuto la waayo, ama naf nolol lagu ogyahay ay dabin u gasho wax halis ku ah, welina aan laga quusan, hadaba maanta dad badan oo Soomaaliyeed waxay halis ugu jiraan geeri, welina lagama quusanoo naftu way ku jirtaa, waayo inta cagahooda soo maashay ee Muqdisho lagu haraad tiray mooyee waxaa jira in badan oo looga soo tagay degmooyinkii iyo tuulooyinkii ay abaartu ku dhufatay.


Hadaad xooraansato qaar badan oo ka mid ah qoysas ka Muqdisho soo gaaray, iska daa calool xumo kugu dhalatee Allow yeysan ilin ku soo dhaafin, marka aad maqasho, Aabahay isagoo waayeel ah nafina ay ku jirto ayaan uga soo tagay aqal Soomaali madoow oo aan biyo iyo baad toona oolin, waxaana sidaas u yeelay markii uu igula taliyey intii reerku geeri isla barkan lahaa inaan la cid iyo ciirsi raadsado, kuwaan yaryar ee uu awowga u yahay, haddana waxa uu ku sugan yahay Allaa yaqaan!.

Abdulkadir dulyar Wednesday, August 19, 2015
FAALLO:- HUBKA HA LA GUREE, MAXAA KA HOREEYAY...!!!

                                                                                    
23-08-2014
Marka hore waa tilaabo wanaagsan oo in muda ah la rajeynayay in mar un la heli doono Dowlad ku dhiirata ururinta hubka sida sharci daradaa ugu jira gacmaha Shacabka,Siyaasiyiinta, iyo Ganacsatada, si loo yareeyo qataraha ay sababi karaan hubkaasi,maadaama lagu daalay wax ka qabashada Amniga Muqdisho oo ah halka ay Madaxda dowladda iyo hey’daha Caalamkuba ku shaqeeyaan.waana suurta gal in ay dad badani is weydiiyaan hadii aan hubka la gurin sidee nabad lagu helayaa, waa sax laakiin waxaa haboon in hubka lagu qaado hanaan dagan oo qorsheysan oo ka soo fulay Hey'adaha dajinta iyo dhowrista Sharciyada dalka.

Abdulkadir dulyar
WARBIXIN:-XUKUNKII MAXKAMADAHA ISLAAMKA SANAD KA DIB, MAXAA ISKA BADALAY MUQDISHO.!!




Hadhwanaag 2007-12-27 (Hadhwanaagnews) Sida aad la socotaan amaba aad maqasheen,waxaa bartamihii sanadkii hore ilaa dabayaaqadii bisha desembar ee sanadkii tagay M/muqdisho iyo qeybo ka mid goboladda dalka, gacanta ku hayay Golihii maxkamadaha islaamiga ah, kuwaasi oo dagaal culus iyo kacdoon dadweyne ka dib ku guuleystay in ay meesha ka saaraan awoodii Hogaamiye kooxeedyadda muqdisho oo xiligaa ku midoobay isbaheysi la magac baxay { la dagaalanka argagixiso la dirirka] marka laga reebo xil.Caato,iyo Xil.X.ceydiid, oo iyagu aan ka qeyb galin kana mid ahaa hogaamiye kooxeedya Muqdisho.


Xiligaa golaha maxkamaduhu waxa ay ku dhaqaaqeen talaabooyin rajo galiyay shacabka oo ay ugu horeyso soo celinta Amniga oo aheyd baahida ugu weyn ee ay qabeen reer muqdisho iyo inta ku teedsan,iyo soo celinta bilicdii caasimadda oo markaa aheyd bahalo galeen,waxa ay kaloo dhiseen gudi fulin iyo gole shuuro waxaana xilalkaa loo k ala dhiibay Sh. Shariif iyo Sh.Xasan Daahir,

Abdulkadir dulyar
WARBIXIN:- WAXAY NAGU HAYEEN,AYAY ISKU HAYAAN.!!!


July 11, 2012

Ma ahan wax la wada dafiri  karo in umad waliba oo meel ku wada nool ay u baahantay xeerar ay heshiis kuwada yihiin oo qoran isalmarkaana si cad u qeexi karaya wax kasta oo sababi kara in ay ka abuuraan dhexdooda muran siyaasadeed iyo mid bulshadeed labadaba, hadaba iminka waxaa horyaala Umadda Soomaaliyeed qabyo qoraaleedka Dastuurka   oo la galiyay waqti iyo maal farabadan soona maray gacmo kala duwan 6 sanadood ee la rogrogayay.

Mudadaasi dheer dastuurka KMG ah  waxaa faraha ku hayay gudi caalamiya oo magaciisa loo soo gaabiyay (IFCC) kaas oo isagu jira Soomaali iyo Ajaanib  lagu sheegay in yihiin dad  quburo ku ah hab diyaarinta dastuurka, dhanka kale dastuurkan waxaa tixraac looga sameeyay sida la sheegay  dastuur kii 60 kii , kii dowladii kacaanka iyo qodobada qaar oo la sheegay in lagaga soo biiriyay dastuurada caalamka qaar kood.

Abdulkadir dulyar
WARBIXIN:-AMNIGA MUQDISHO,MA DHAGAX BAA LAGU AAMINAY.!!!


WAXAAN QORAY:-August 13,2013.
Magaalada Muqdisho waa Caasimadda Soomaaliya,dadkeeda iyo deegaankeeduna waa mid sii kordhaya ama sii balaaranaya,maalinba maalinta ka danbeysa,taana waxaa sabab u ah dhowr qodob, aanse ka soo qaato labo qodob oo muhiimah,tan koowaad waa xarunta Dowlada Soomaaliya ku shaqeyso islamarkaana ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee dalka oo uu ruux waliba ha ahaado soomaali ama Ajnabiye soo tiigsanayo bal si uu wax uga ogaado ama  uu uga helo wax uu naftiisa ku madadaaliyo, tan labaad waa magaalo lagu tuhmayo in lagu aamini karo nafta,oo uu ka jiro nidaam iyo sharci haba tabar yaraadee,isla markaana deegaan ahaan iyo dad ahaanba laga abuuri karo dhaqaale iyo fursado ganacsi,qof kasta oo ku fikira arinkaana uu u heli karo marino uu isticmaalo sida Dakad iyo Aeraport caalamiya,

Abdulkadir dulyar
WARBIXIN:- MUDANAYAAL , LABADA OROD MID DAAYA.!!!


Nov 8, 2014 

Waa  dhacdo   goob joog loo  soo wada  ahaa sanado badan oo ina soo maray,   sidaa daraadeed  Shacab ku xiiso uma qabaan lamana  yaabana  xiligaan sida wax u socdaan  waayoo wey soo arki jireen weyna ka dharagesan yihiin ujeedka iyo halka loo socdo ama ay ku danbeyn doonto sheekadu,  balse waxa kaliya ee ay   is weysiinayaan  waa:- Maxaa Madax deena  isku dabeecad ka wada dhigay,? Miyaa marka hore  la isku soo qasbaa  wada shaqeyntooda.? Xagee laga soo magacaabaa Raysal-Wasaaraha.? Iyo Madaxdeenu la dirir mooyee la shaqee miyaaneey aqoon.? Dabcan Weli jawaabo la taaban karo looma hayo weydiimahaasi.

Abdulkadir dulyar
WARBIXIN KOOBAN:- SOOMAALIDU WAY KALA CABANEYSAA,.IYAGANA WAA LAGA CABANAYAA. !!!

May 21, 2014


Xil dhibaanadu Madaxwey naheey ka Cabanayaan, Madaxwey nuhuna Beesha Caalam kuu ka cabanayaa,Wasiiradu Mooshin bey ka cabanayaan,iyagana shaqaala hoodaa ka cabanaya,Dowladu Maamul Goboled yadey ka cabaneysaa,Maamul Goboled yaduna iyagaa kala cabanaya, Dableeydu Saraakii sheey ka cabanayaan, Saraakiishuna Janana deey ka cabanayan,Ciidamaduna mushaar la'aan bey ka cabanayaan..Gaadiidleyduna Isbaareey ka cabanayaan.isbaaroey duna Madaxda wadooyinka loo xirey ka cabanayan.

Abdulkadir dulyar