Saakay waxaa ka dhacay Magaalada wixii ka dhici jiray oo ah Qarax, jugtiisana intii u dhaweyd iyo intii u dhega fududeyba waa la wada maqlay, waxa uu sababay qasaaro nafeed iyo mid hanti, weliba sida aan maqlay Masaajid & Arday dugsi Quraan iyo Macalimiin toodii ayaa waxyeelo ka soo gaartay, inta ku dhimatay AUN inta ku dhaawacantayba Allah-ha bogsiiyo Aamiin
Intaas kadib, Halkii lala imaan lahaa ficil looga wada hortagayo dhibaata dan joogtada noqotay ama sidii nalaku yaqaanay aan Hay’adaha ku shaqada leh wax ka saari lahayn, ama hadii aan labadaasba la awoodin inta shib laga yiraahdo laga Alla baryi lahaa,waxaaba lala yimid riwaayad kaloo cusub.
Bal eeg Sxbadii Facebook wax soo dhigi jiray waxa ay ku kala qeybsameen Qaraxii saakay dhacday, ogow ma aha muranku sabata iyo qasaaraha ama tirada dadka ku waayeeloobay ee waa ged kaloo cusub, horta qeybi waxa ay la soo degdegtay Fiiri Sawirka 1-aad ee Qaraxa, …..halka qeybta kalena ay jawaab uga dhigtay Sawiro qurqurxoon oo Muqdisho ah Fiiri Sawirka 2-aad . Mana aqaan sababta iyo ujeedada ka dambeysa sheekadaan cusub iyo cida loogu kala daneynayo..
-HORTA ANIGU YAABAYE Dadka Muqdisho amaanta beenta ah ka sheega iyo kuwa Muqdisho xumaanta aan ka jirin ka sheega yey u shaqeeyaan labadaas kooxood ? …..MOOYI
Ugu dambayn, Ma u malayneysaan Dadka dhib dhacay soo warintiisa ku kala qeybsamay in ay nabad iyo wax wanaagsan isku raacayaan WAA MAYA …Fadlan Dhibka qudhiisa & Muqdisho ciyaarta halaga daayo .
MAXAA YAAB IS DABA YAAL………..
Mahad Sanidiin /=
Abdulqadir Farah Dulyar
M.U.Q.D.I.SH.O./=
No comments