QEYBTA 7AAD:-
-Sxb haye shalay adigoo walaacsan baad iga tagtay ee ii waran,
-Haa Sxb Wlhy waxaan ka walaac sanahay Agoonta Ciidanka Booliska oo maalin walba ku soo badaneysa xeradeena.
-Sxb inta ay Qaraxyada & Argagixisadu ka jirto dalkeena Agoontu meel walba waa ku badaneysaa ma aha mid ku kooban Ciidanka Booliska oo kaliya.
-Waa runtaa balse Inshallah mar unbaan ka bixi doonaa, ee Sxb waxaan ku weydiiyay Aniga Saakay waxaa layga rabaa Hees guubaabo ah in aan ardayda usoojeediye sxbow ila tali maxaan sameeyaa ?.
-Taas maa dhib leh Waxaad u qaadaa noo Heeskii Wadaniga ahaa ee AUN Abwaan cabdi bashiir IndhaBuur ee ARLIGAYGOW ,...In aan kuu adeegoon,.... Cadow kaa ilaalshoo, ,,,,,Aayaha ka taliyaan, .....Axdi kuugu marayaa Arligaygow..
-Sxbow Aniga Heesaha iskuma fiicnine shib iga dheh, lkn iskadhaaf waxaan u qaadaa Mid Carabi ah oo College-ka hada ka hor la iigu soo dhigay.
-Carabi aa !!! war yaan lagaa maqlin !!!!!
-Hee maxaa jirana !!!.
-Waxba,.... balse Askartaan Carabi mayaqaanaan ee armeey u maleyaan Nashiidooyin-ka ay qaadaan een..een..kuwa kale iska faham.!!!
-hhhhhh Haa waan fahmay waana macquul lkn Af Soomaali-gana waan ugu siifasiraa haye .-Waa OK markaas , haye hade is diyaari hee waa la soo gaaray Safkiiye, meeshana naga tiiri adiga lee waaye ,,,.
-WIILKII:- WAXA UUQAADAA HEES AF CARABI AH..
-WAAAW .........waad ka baxsatay Saaxiib .
-Mahadsanid, lkn Heeskan waa mid ka hortagaya ka Been sheegida Diinta iyo dadka aan waxba galabsan oo la halaagayo.
-Haa sax Aniga waan fahmay, .....Haye ardayda saaxibayaal waad fahanteen sow maaha
-ARDAYDII ;- HAAAA HAAA
-ha loosacbiyo hee Sxbkeey.......
-ASKARI AGTAAGNAA ARDAYDA AYAA KU YIRI :- Aamusa !! Aamusa,!! waa maxay Wiilkaan waxa uu qaadayay ma Anagaad noola timaadeen wxii ay kooxaha kale bari jirtay caruurta, Istaaga kuligiin.
-WAA LA WADA ISTAAGAY.!!!
-ASKARI:- Waxaan idiin sheegayaa maanta kadib Carabi idinka oo ku heesaya la idinma arki karo ogaada hadaba.
-ARDAY AYAA FARTA TAAGAY- Lkn Taliye Heeska hadii Carabi lagu qaado iyo hadii Af Soomaali lagu qaado ama Af Engilish lagu qaado waa isku mid ma ogid miyaa.
-ASKARI;- Waan ogahay lkn halkaani waa Xero Ciidan idinkuna waxaad tihiin Agoontii Ciidanka marka hadii nalaku arko idinka oo carabi ku Heesaya waxaa suurtagal ah in nalamoodo Anaga Iyo kuwa kale inaan si isku mid ah caruurta wax u barno, marka waxaas halkaan lagama ogala hadana kala taga waxaa la gaaray Qedadiiye.
-Haye Sxbow ka waran hee maxaan hadaatay kuu sheegay Askartaan carabiga ma yaqaan naan ma ku dhihinoo.
-Walaahay yaab waaye, Sxb qedo xataa ma doonan kari maanta waan iska seexanaa ee Nabadeey.
-Alla Sxb ha seexan Adiga oo aan qadeyn, meeshaan Hooyo-na makuu joogto wax kaa naxaayana malaha ma ogidoo, walba Aniga ayaa kuu soo qaadaya ee qolka sii tag.
-Haye Sxb Mahadsanid. Nabadeey ......
..................LA SOCO QAYBTA XIGTA INSHALLAH ...........................
=================000=============================000=====================
NB/- Sheekadan waa mala'awaal
WQ/- Abdulkadir Dulyar
M.U.Q.D.I.SH.O.
No comments