KAFTAN TIME:- MASHRUUCA XAAQXAAQOW.!!!. WQ/- Abdulkadir Dulyar




KAFTAN TIME:- MASHRUUCA XAAQXAAQOW.!!!.
==============000========000=============
Maal mahaan sida aan la wada socono waxaa beledka ka socda sheeko la yiraahdo XAAQXAAQOW. waxaa Alifay F&KH waxaa maalgaliyay W/Maaliyada , waxaa Laxanka saaray G/Banaadir & Wasaaradaha, waxaa isku dubariday Abwaan Guure, waxaa ka heesa Fanaaniinta Hobolada Waaberi, waxaa faafiya oo na soo gaarsiiya Warbaahinta Dowlada & tan madaxa banaan..
Hadaba sida ay dadka qaarkood  weli xusuus taan   Mowduucii kan ka horeeyay {Xiligii Dowlada Kacaanka} ee 70-meeyadii socday lana oran jiray 'ISKAA WAX U QABSO' waxaan lagu   dhisay dalka intiisa badan sida Dugsiyo waxbarasho, Cisbitaallo, Hoteello, Waddooyin, Wasaarado, ilaa bacaad celinta Shalambood, dhamaan howlahaasina waxay ahaayeen kuwa  muuqday welina muuqda  lana wada ogsoon yahay dhaxalkii & mirahii laga gurtay.
Aan u soo noqdo Mawduuc ceenii XAAQXAAQOW, horta waa mid ku kooban gudaha Tiyaatarka oo sida aan la socono waxaa halkaas taga maalinba koox, sida Koox madax ah, kuwa shaqaale ah, Kooxda gaagaaban, kuwa dhaadheer, kuwa aqoonta leh, kuwa jaahiliinta,kuwa kuuskuusan, kuwa qafiifka ah, kuwa Sawirada jecel iyo qaar kaloo badan, waxay kooxahaani isku bedbedalaan 14-Jaakad, 12, Badiil, 13 Sakeello, 8 Koofiyadood iyo labo kaariko oo caro ah oo ay  W/Maaliyadu halkaas geysay, kooxiba maalin bey  meel ka qaadaa oo  meel kale oo isla Tiyaatarka dhexdiisa ah geysaa,
Hadaba MUUDEY IYO MACALOW oo ka mid ah Odayaashii berisamaadka Tiyaatarka ku daawan jiray Riwaayadaha ayaa maalin dhaweyd isku helay maqaayad waxayna ka wada sheekeysteen arinta Tiyaatarka & XAAQXAAQOW, waxaana hadalka bilaabaya Oday Mudey .
=MUUDEY:- Sxbow maal mahaan beledka xaaqxaaqoow aa ka socdee unuka goormaan ka qeyb galeynaa hadaan nahay Odayasha Xaafada.
-MACALOW:- Horta aan kaqeybgalno maxumee lkn howshaan matahay tii aan arki jirnay ee ISKAA WAX U QABSO oo kale?
=MUUDEY:- Oday macalow adina waxaan kaaga yaabi aduun yadaba war ma uheysid.
-MACALOW:- runtaa waaye Sxbow Wlhy XAAQXAAQOW gaan oo Tiyaatarka lee soodhaafeyn sida kaltankii Farmashiyayaasha  aanba fahmi la'ahay Aniga .
=MUUDEY:- aan ku fahamsiiyo widaayow, Horta Aniga & Adiga intii aan  lakala haadin Tiyaatarka oo dhisan oo qurxoon ma ku fiirsaninoo Riwaayado badan sida, IF & AAKHIRO, oo hal habeen lee anagoo dhex fadhina tiyaatarka manalageyninoo Aduunyo & Aakhiro dhexdooda .
-MACALOW;- haa Nacam runtaada waaye .
=MUUDEY:- hadana habeen kaleeto ma ku fiirsaninoo Riwaayadii WAA MAADEYS ADUUNYADU DADKUNA WAY MATALAYAAN iyo tii kaleeto oo la dhahaayi SHARAXII LATUMAY SHEEKO AA KA DAMBEYSAY & kuwa kaloo badan.
-MACALOW:- haa nacam waa xasuustaa weliba Aduunyo oo dhan aa hal habeen naloo sawiray lkn markiin ka soo baxnay tiyaatarka waxaas oo dhan sheeko ley isku badeli jireen maahinoo. .
-MUUDEY:- Sax waa i fahamti, hadana sidii cml lee waaye, waayoo 3 bilood aa Tiyaatarka la xaaqxaaqooyaa waxaana lagu dhexdhisay 19-ka degmo ee Gobolka Banaadir, hadana waxaa la sii marooyaa intana G/Sh/Hoose dhankaan kalena waxaa la sii dhaafooyoo Buulaburde, marka qorshahaan wuxuu ku dhamaan doonaa sida aan u jedo iyada oo dalka oo dhan lagu dhexdhisay Tiyaatarka gudihiisa.
=MACALOW:- oo hada ma waxaad i leedahay XAAQXAAQOW waa Riwaayad dadka lagu hanuuninaayo laguna barayo sida ay dalkooda u dhisan lahaayeen mustaqbalka ee ma aha mid hada wax lagu dhisaayo saas Cml miyaa .
-MUUDEY:- Adi Oday maclow warka badan iska dhaaf dadkaaga dhinac ka raac .
=MACALOW:- lkn mafiicneynoo in xaaq xaaqow-gaan oo iska socda Almiino lagu bedalo wado dhisow.Iskool dhisow, Hospitaal dhisow, Ceel qodow, IWM
-MUUDEY:- Shib iska dheh dhismo waxaa ka horeeya Daacadnimo, Cadaalad , Amni  iyo waxyaabo kale ee yaan adi lee lagu weydiinine  Oday Maclow majoogtidoo.
=MACALOW:- haye wedaayow warkaas waa cad yahay, waana ku mahadsantahay Sxbow  sida fudud ee aad ii fahamsiisay arinkaaneyto oo dalkeena lagu dhisaayo.
-MUUDEY:- waa koo hee Nabadaa gal.
=MACALOW:- haye saas hanoo ahaato Sxb Nabadeey mana is arkin labadeena yaa........!!!.
===============000==============000=============
FG/- Qoraal keygu ma aha mid xumaan xambarsan, waxa uuse macna weyn u sameynayaa qofka garan kara duluc deyda ama halka uu ku aroorayo, balse waxaa si qaldan u fahmi doona kuwa iyagu dhawaangalka ah ee xuurtaysan.!!

=SOOMAALIYA HA NOOLAATO=

NB/- WAA ARAGTI DEYDA GAARKA AH.=

=Mahad Sanidiin/=
WQ/- Abdulkadir Dulyar
Muqdisho

2 comments