QEYBTA 3AAD:- SHEEKO MALA'AWAAL AH IYO 2 WIIL OO AGOONTA BOOLISKA AH@WQ/-Abdulkadir dulya





QEYBTA 3AAD SHEEKO TIME:-
---------------------------------------------//=
-Sxb galabta Qaraxyo ayaa dhacay ee intii ku dhimatay Allaha u naxariisto,
-Aamiin Sxb, lkn Saaxiibo deen qaar wax ku gaareen ma maqashay ?
-Maya Sxb ma maqal wax dhib ah dhamaan toodna waa soo wada xeroodeen galabta,
-Waa Allah mahadsiis .
-Haa Allah ayaa naga badbaadshay, runtii waxaaba fiican inaan dhahno Mocalimiinteena Anaga khamiis dambe guryaheena ma aadeyno xeradaan iska joogeynaa haye Sxb..
-hhhh Yaah fulay waa cabsatay haye......
-Haa maxaan u cabsan waayay lamiyadaan qatar waayee.
-War waxaas iska daaye ii waran hee Su’aashii Adeer yaashaa ma weydiisay ?
-Waraa war ma kuu sheegaa aan kaa casheeyo yaa
-Maya intaan casheyneyno ii sheeg noo....
-Sxbow waan weydiiyay lkn maxaa iga raacay ma taqaanaa hee.....
-Hee maxay ku dhaheen.!!
-Wlhy horta Aniga ayaaba su’aalo laygu wareeriyay, oo inta lay qabtay baa leysku key dhii-dhiibay baa leygu yiri.....Horta Adeer  xerada maxaa leydinku baraa? .... Yaa wax idin bara.?........Madaxweynaha iyo RW iyo ma idiin yimaadaan.?....Maxaa leydiin sheegaa..... Cunto fiican ma cuntiin?......Ma Gaardisiin..... Mid baaba iska dhahaaya war Wiil kan armuu xeradaas ku halaabaa oo ay fiican tahay inaan ka deyno oo aan waxbarasho kale u raadino .......,,,,Yaab...!!!!! xataa su'aashiiba mala iiga jawaabin.
-Maxaa waaye lkn Adeeryaashaa waaba kugu dhooreeyeene
-Waraa Adeeryaasheey wax haka sheegin yaa... walaahay waan kaa xanaaqaa......
-Haye bes bes Sxb waa kula kaftamaayay lee...
-Adi waxaan ku weydiiyay hadaad weynaato maxaad rabtaa inaad noqoto?
-Aniga waxaan rabaa inaan noqdo sida ma arkinoo Taliyaha madowga ah oo dheer oo noo yimaada galbihiii sidaas oo kale inaan labo baabuur ku socdo ,Bastooladna inta ku xirto, oo marka aan soconaayo ay ciidama daydu horteyda iyo gadaasheydaba socdaan oo intaan Halow Halowga gacanta kuqabsado aan qatar qatar iska dhigo , weliba ma arkinoo ciyaalka Bajaj-Ta ku daba dhega oo dhan aan soo xirxiro.
- hhhhhhh Aniga waxaan rabaa inaan Sida Madaxweynaha aan 24 Saac Suud xirnaado oo isjaaka jaakeeyo oo weliba meelo qurux badan fadhiisto oo dadka dhan xitaa gaalada ey iyaga lee gurigeyga iigu yimaadaan , Adiga xataa madax aan  kuu noqdo makaa reyninoo mac Sonkor dheh hhh
-Haa lkn Anagga Ciidan leen ka hadleynaye Adiga maxaa waaye Madaxweyne iyo wax kalaad nala aadee.
-Hakugu taagnaato hee Sxb hhhhhh
-Xalaacaleyk waan kaa aarsan doonaa Anna ..
-Lkn Fiiri...Fiiri sxb horta Anaga Wiilal baan nahaye maxaa Gabdho haan oo buuqa badan leh oo meeshaan loogu soo xereeyay?
-Waraa sheeko daas waa dheer tahay yaa Galass kiina waa la gaaray ee nabadeey..
-Haye By By waa inoo biri Sxb .
..
 .......LA SOCO QEYBTA 4AAD INSHALLAH....

WQ/- Abdulkadir Dulyar

No comments