QEYBTA 6AAD:- SHEEKO MALA'AWAAL AH IYO 2 WIIL OO AGOONTA BOOLISKA AH.! WQ/-Dulyar






PART 6:- SHEEKO MALA AWAAL AH OO DHEX MARTAY 2 WIIL OO AGOONTA BOOLISKA AH.!
-Sxb haye sheekadii aan shalay kulahaa waan sooxusuustay hadda ma kuusheegaa?
-Haa Wlhy ,,,ii sheeg Sxb waaba kaa sugayee...
-Horta waxaan ku weydiiyay Ciidanka Booliska oo aan Anagu ka mid nahay meeqa dhar buu leeyahay?
-Ciidanka Booliska hal dhar lee leeyahay oo lagu yaqaano, lkn waxaa jira kuwa Daraawiishta la dhaho oo dhar kale qaata.
-Lkn maxaa waaye hee Taliyayaashaan oo hada horteena fadhiya ma Ciidamo kaley ka tirsan yihiin ?
-Maya waa saraakiishii Booliska.
-Waaba yaabe Ani maa waalan marka , bal dharkooda si fiican fiiri meeqa nooc waaye.
-Iisug bal, waa Madow ,Kaaki, buluug, kafee Cadaan, xataa Kaakiga waa kala duwan yahay WAH WAH ..WAH.
-Haye waxaan kuu sheegaayo waxaas waaye.
-Haa hadaan gartay lkn Anaga maxey Kaaki bes iyo koofidaan dhuudhuubka ah noo siiyeen marka.?.
-Waxaan umaleynaa in iyagaba ay Dowladu haldhar siisay sida BOOLISKA oo KAAKI ah iyo DARAAWIISHTA OO MADOW AH. ee inta kale kuwaan iyagaa suuqa ka soo iibsaday,
-Oo ma suuqaa lagu iibiyaa dharka Ciidanka .!!!!!!
-Haa ma ogid miyaa , xataa Garaadaha Askariga marka la dalac siiyo suuqa ayuu ka soo gadanayaa..
-Hadey sidaa tahay Sxbow, hooya deey aan la hadlaa ,Adigana Hooyadaa la hadal, kuwaas Cml suuqa nooga soo iibi aan ku dhaheynaa, xataa Garaadaha Aabaheey ii soo iibi aan dhahaa, markey saraakiil shaan noo yimaadaan ha yaabaane.
-Iyaa Aniga maad dambi i galin rabaa Sxbow.
-Maxaan dambi ah iyagaba dharkaas oo kale waa wataane, garaadahana hadey na weydiiyaan waxaan ku dhaheynaa waa kuwii Aabayaasheen iyaga maa noodiidi kara.
-Waraa waxaas waa la iiga daran yahay ee, ma ogtahay in Agoon cusub nalaku soo dari rabo.
-Oo maxay yihiin kuwaas?
-Adiga ma ogid miyaa mar kasta oo Qarax dhaco waxaa ku geeriyooda Askar Boolis ah caruur tooda intee kaloo lageynaa.
-Haa waa runtaa Sxbow. lkn Anaga qolkeena waa buuxaaye mise Anagaa nalaku badeli rabaa kuwaas?.
-YAA OGHEE....Anagaba waa buuxaaye ....... lkn qofkii maqan lee lagu badelaa maahinoo.. Nabadeey sxb .
-Haa Sxb, sida kuwa badan oo aan ogahay oo aan xeredaba imaanin haye ....... Nabadeey hee ....Maanta walaac aadba igu abuurtaye ...!!!

.-NABADEEY .....!!!!


-NABADEEY......!!!!
===================000=================000=================000=======
FADLAN ..LANA SOCO QEYBTA XIGTA.


Waxaa mala awaalay sheekadaan
Abdulkadir Dulyar
M.U.Q.D.I.SH.O.



No comments