PART 5:- SHEEKO TAXANE AH.!!!
===========000=============
===========000=============
-Sxb haye Aniga maanta kor aa ley qaaday ma arkeynoo.
-Haa Lkn Adiga ayaa noogu yar ma ogid, saasaa laguu qaaday noo.
-Sax, waa ii dhacatay, Lkn Taliyaha madaxa Cadka ah oo ookiyaalaha wata waa ninkii xeredaan noo dhisay ma noo dedaalinoo.
-Waa runtaa, Lkn Anigana markii uu nooyimid kii Dheerka ahaa oo dharka madoowga ah watay waxaan dhexgalay Gaari giisa, kaalay iska arag qabow raaxo raaxo uu ahaa, waxaanba damcay inaan isaga dhexjiro, lkn kuwa ciidan kiisa ah ee isaga la socday aa iga soodejiyay, Ciil ay igu dileen kuwaas Wlhy hadaan weynaan lahaa feer aan ku bilaabi lahaa hhh
-Sxbow maxey dowladu u sameyn weysay wasiirka Agoonta oo weliba Aniga la iiga dhigi waayay aan Gaarigaas oo kale ku socdee, xataa habeenkii isagaan dhex seexan lahaa haye Sxb.
-hhhh War gaariga habeenkii lama dhex seexdo, maxaad u maleysay Madaxda guryahooda xataa saaneey u qabow yihiin.
-Hay.. Iyaga qabow lee may ku shaqeeyaan, waraa kuwaas waaba raaxeysteene, maxaa marka Anagana qolal keena kuleylka ka dhigay oo ay qabow nooga dhigi waayeen Sxb.
-Wah..Wah..Adiga maxaad isku maleysay Gurigiinaba jiingad lee ma aheynoo,maxaad isaga dhigeysaa kuwaas Cml.
-Haa laakiin hada gurigeena ma joogno oo Ciidanka Boolis kaan ka tirsan nahay ma ogidoo, marka sow xaq uma lihin in qolalkeena ay qabow noqdaan si aan ugu nasano maadaama aan maalintii oo dhan meelo kuleyl ah tababarka iyo casharada ku qaadano Sxb.
-War meeshaan axsaankaas ma yaalee, ma arkeysay markii safka la soo galay inaan Anigana ka qaatay Taliyaha Koofida ,
-Haa waa u jeeday.,!!
-Haye qatar ma ku aheynoo, waxaaba ley maleynaayay inaan Aniga taliyihiina ahay haye.
- Haa laakiin taliya markii dambe wuu kaa qaatay koofidee inuu kuu dhaafo maad rabtay hhhh.
-Haa Wlhy inaan isaga kaabeeyaan rabay hhhh,
-Anigana u fiirso maalinta kalaan ka qaadanaa ha igu qabsanin yaa.......
-hhhhh, Haye, laakiin Sxbow wax baan soo xusuustay ee ma kuu sheegaa.
-Maxaa waayana.!!
-Lkn iska dhaaf hada indhahaa badane biri aan kuu sheegaa ee Nabadeey.
-Haye Sxb Nabadeey Nabadeey.!!!!!
=================000=======================000==========================
FADLAN ...LA SOCO QEYBTA XIGTA INSHALLAH...............!!
Waxaa mala awaalay /- Abdulkadir Dulyar
M.U.Q.D.I.SH.O.
No comments