PART 2 - SHEEKO TIME :0
-hhhh Haa ishaan ku xaday Sxbow lkn Ninka Anaguuba na soo fiirinooyaaye.
-Haa waa waxa aan la yaabay Aniguba hh
-Lkn sidee qof shacab ah Anagoo Ciidan ah oo xeradeena joogna noo kuur kuuri karaa?
-Armuu Wariye yahay oo uu war lee naga qaadi rabaa ma ogi,
balse intey doodaas ku jireen ayay soo galeen Hool kii hanuuninta oo ay ka shidan tahay Heestan....
HEES:- QABYAALADA !! KOOXDA HEEGAN
-Qabyaalada waa lagu cuuryaamaa,
-Qabyaaladda waa lagu coloobaa
-Cilad weeye baasoo waaba
-Waaba cudur la neceb yahay...........
-Horta Heeskaan maxaa maalin walba Anaga nalookugu shidaa?
-War sow ma ogid Heeskan in uu Qabyaalada iyo qudhunkeeda ka hadlayo maadaama aan nahay Ciidan Qaranna loo baahan yahay inaan ka fogaano.
-Haa lkn Sxbow Aniga Hooyadey maadaama uu Aabahey dhintay Anigoo yar waxay mar walba i xafid siisaa Qabiilka aan ahay si aan hadhow ugu abtirsado, xItaa khamiis kasta marka aan guriga tago sida loox Qur'aankii Cml ay i leedahay ka soo bax hee ............Turururururxii
-War horta Anigaba waan kaa qarinayee Ilmaha Agoonta ah oo dhan maxaa Qabiil kooda looga daba wadaa iney bartaan, ma iney hadhow ku qaraabtaan baa la rabaa , Anigaba kuwa adeeradeey ah oo aan Jimco yaasha qaar u tago waxaas leey ii sheegaan ..MA OGTAHAY INAAD REER QUFUL TAHAY ... OO FURE KA SII TAHAY ..BALAA BALAA YAAB.Anigana shaxaad leen ka rabaaye HAA HAA leen iska dhahaa waana ka soo tagaa hhhh
-Ar Anaa sheeko kuu haya Adeeradaa Jimcaha dambe markaad u tagto waxaad weydiisaa ADEERYAAL AABAHEEY ISAGA OO QARANKA DIFAACAYA AYUU DHINTAY ANIGANA HADA QARANKA AYAA IDARYEELA EE , IDINKA HORTA AGOONTII AABAYAASHOOD AY DHINTEEN IYAGA OO QABIIL KEENA DIFAACAYA MEEL MA KU XAREYSEEN?. car intaas lee weydii
-Haaaaa Sax ....Aad iyo aad mahadsanid Sxb su'aal cajiib ah ayaad maanta ii keentay runtii, Jimacahaan aan soo weydiinaa waa balan.
-Waayahay Sxb waxeey ku soo dhahaana ii soo sheeg yaa.
-Haye Lkn Adigana hadaad maskax daan heyso maxaad Maama daadana su'aal mariid ah ugu diyaarin weysay horta hhhhhh
-Iyaa in lay bac dhabo maad rabtaa Adiga Adeeryaashaa waaye ma ku dilaayaan .......war Agoonka dhaafa ay ku dhahaayaan, hadey u badatana waa kugu qosqoslayaan lee lkn Aniga hadaan Su'aal Aakhiraad kaan cml ula tago Maamada maba iga yeeleyso lkn iisug Adi basar basar aan u galinaa u fiirso hhh
-Haye sxb Qedadii waa la gaaray yaa fakatax kamaa fatuura
-Lkn ha ilaawin yaa Su'aasha waa inoo Sabtida aniga safkeygaan aadaahe ,
-haye By By By
WAA SOCOTAA .................... LA SOCO QAYBTA 3AAD ..........
WQ/- Abdulkadir Dulyar
No comments