-Sxboow hada sideeni hore iyo sidaan kee fcn
-Sidaanaa fiican
-Maxay ku fiican tahayna
-Hada Quraac,Qedo iyo Casho ayaa nala siiyaa,
Waxna waa nala baraa leyn qabow baan ku jirnaa.
-Lkn xoriyaddii aan horay u heysanay oo kale oo aan meelaha isaga warwareegi jirnay kulana dheeldheeli jirnay ciyaalka xaafada heena malaha sow maaha.
-Haa lkn waxaan ku weydiiyay horta maxaa meeshaan naloo kugu soo xareeyay?
-Wlhy dhowr jeer baan amba isweydiiyay taas,Lkn waxaan u maleynayaa xaqii Aabayaasheenii u geeriyooday Qaranka ayaa naloo gudayaa
-Hadey sidaas tahay maxaa dharka Booliska Galabta khamiista ah markaan xaafadaheena aadeyno nalookaga bixiyaa waxaan rabi lahaa inaan ciyaalka xaafad deena ugu soo booteeyee.
-War wax ma ogide ciyaalka xaafad diina xataa qaar baa tababar kale qaata ee iska jir,waana kuwa nalaka rabo Anagu inaan mustaqbalka hanuunimo hhh waad i fahamtay sow maaha?
- Ok , waayahaye horta ma soo arki karnaa Caruurta kale ee Agoonta Malatariga,NISA, Asluubta,Minishiibiyada,Ci
-War shib naga dheh kuwaas cidiba meel kuma xareyne yaan hadda inta la soo xasuusto nalaku soo darine Wlhy xerada dhan waa isla waalaneysaa hadeey kuwaas yimaadaan hhh
-Hayebo hhhh Lkn Anaga ma Ciidanka Booliska ayaan ka mid nahay hada?
-Haa sow uma jeedid dharka naloo xiray. waxaaba nalaka rabaa markaan weynaano inaan Qaranka u abaal gudno Anagana.
-Aad iyo aad waa ujeedaa lkn waxay ku fiicnaan laheyd in darajadii Aabaheyna la ii xiro oo la iigu daro si aan u kaabeeyo haye
-hhhhhh Adigoo saan u gaaban maad rabtaa inaad Xidigihii Aabahaa laguu xiro
-Haa maxaan u rabi waayay midkoo 2Xarigle ah oo subixii hurdada iyadoo noo macaan tahay na kiciya ma arkinoo kaasaanba ku baac baacsan lahaa Walaahay.
-hhhhh War ninyahow waxaas waa nalookaga daran yahaye waxaan ku weydiiyay dharkeena waa isku eg yihiin iyo Kabaheenee maxaa kuraas teena midabkooda kala badalay
-Wlhy Sxbow hada leenba arkooyaa lkn Adiga indha dheeridaa waxaadba kufiicnaan lahayd kuwa dambiyada baara in lagugu daro, ee na keen Aanaa sheeko xan ah kuu hayee
-Haye na keen hee
- Lkn sug !! sug !! Dhegta keen Ninkaan gadaasheena fadhiya asagoon ku fahmin gees gees u fiiri yaa adaa qosli doonee...ixx xii
-Haye Sxb.......hhhhhhhhhh
Waa socotaa............::LA SOCO QAYBTA LABAAD..........................
WQ:- Abdulkadir Dulyar
No comments