-------------------000---------------------
.
Waa Jenaraal hore oo iminka howlgab ah kuna sugan JIGJIGA, haseyeeshee waxbadan ka og wixii la soo maray, sidoo kalena mudo dheer u soo taagnaa inuu baraarujiyo bushadiisa oo ah bulsho dhan walba ka burburtay oo ay dagaalo iyo Hogaan xumo ragaadisay iyaduna aan dhexdeeda isogoleyn oo aan israbin
Hadaba maalin maalmaha ka mid ah ayaa isaga oo meel fagaare ah ka khudbeynaya waxaa mecrafoon kii ku qabsatay qof dumar ah oo goobta joogtay kuna tiri. ADEER NASII MICROFONKA MAALIN WALBA HA HEYSANE ...
-Odaygii wuxuu ku yiri ..HEBLAAY .SEED ODHAN ?
=Waxey ku tiri :- WAAN KU HADLEYNAA..
Intaa kadib, Madashii baa durba guux xoog lihi ka dhex bilowday oo hablo Odayga ku reer ah ayaa u nuux nuux saday inay Inanta wax yiraahdaan ..
Balse Odayga oo waayo arag ah ayaa durba dareemay sida wax u socdaan, wuxuuna dumarkii ku reerka ahaa ku yiri HABLOOW DHAQDHAQAAQA DAAYA HEBLA ANIGAA ISAGA FILANE .
Dabdeed dadkii golaha fadhiyay ayuu ku yiri halkaas maxaa taagan ,?
=Waxey yiraahdeen Baabuur.
-Wuxuu ku yiri baabuur kaas hadeynu wada furfurno oo aan birba meel dhigno mid yar iyo mid weynba oo aan meelo kala duwan geyno miyuu soconayaa?
-MAYA ayey yiraahdeen.
=Hadaba Inantani waa bir ka mid ah gaariga kamana maarano oo waynu u baahan nahay ee sidaas u ogaada., Inantiina wuxuu ku yiri HEBLAAY BIR BAAD TAHAYE MEESHAADI.GAL.... oo uu ulajeedo halkii aad ka soo kacday fadhiiso oo door kaaga sugo..".....CAJIIB"
Wuxuu markale dadkii golaha fadhiyay ku yiri, Ogaada Qof walba waa noo muhiim kamana maarano lkn qofku meel buu ku fiican yahay oo uu ku firfircoon yahay hadiise qofku intuu meeshiisa ka soo baxo oo uu meel kale galo ma socon karno waana waxa aan asaageen uga harnay, ee Bir yahay meeshadi gal markaas ayaan socon karnaaye, ....... ka baxa Siyaasada aad is wada dultubteen, joojiya isdiidada dhexdiina ah oo is ogolaada, diida wixii eydnaan rabin, Madaxdiinana ixtiraama, lkn Madaxda beenta halaga daayo oo runta ha loo sheego, si aan horumar u wada gaarno..!!!
Dabadeed Odaygi markii uu gurigiisa ku laabtay waxa uu dhacdadan ka tiriyay Gabay dheer oo ay Tixahaani ka mid yihiin.:-
-Hadaan midba halkeedi lagalin, Matoorka birihiisa,
-Inkastoo makaaniku ku rogo, gaariga muftaaxa,
-Waa maya in uu dhaqaaqo, oo kaco matoorkuye..!!!
Dabadeed Odaygi markii uu gurigiisa ku laabtay waxa uu dhacdadan ka tiriyay Gabay dheer oo ay Tixahaani ka mid yihiin.:-
-Hadaan midba halkeedi lagalin, Matoorka birihiisa,
-Inkastoo makaaniku ku rogo, gaariga muftaaxa,
-Waa maya in uu dhaqaaqo, oo kaco matoorkuye..!!!
Hadalka uu Waayo aragaasi kula hadlay dadkiisa, Aniga wuxuu igu reebay saameyn weyn waayo ciladda iyo cudurka heysta bulshadeyda, ayaa ah qof meeshii uu ku fiicnaa ka soo baxay oo meel kale oo uusan ku fiicneyn dhex taagan, sida Umad wada Siyaasi ah, Umad wada Falanqeeyayaal ah, Umad wada Doctor ah, Umad wada Suxufiya , Umad wada jeneraal ah, Umad wada Culimo ah, Umad.........Umad..........Umad...........sidaa daraadeed waxaan oran lahaa BIR YAHAY MEESHAADI .GAL ,si aan horay ugu socono.!!!
============DH.A.M.A.A.D.=============
============DH.A.M.A.A.D.=============
WQ/- Abdulkadir Dulyar
Muqdisho
QORMO:- BIR YAHAY MEESHAADI GAL..!!! WQ/- Abdulkadir Dulyar
Abdulkadir dulyar
Monday, November 26, 2018