QORMO:- NINNA AAKHIRO DAN LA’AAN UMA HURDO.!!!
Sida aan la wada socono Siyaasada Soomaaliya marka albaab la soo xiraba waxaa furanta Daaqad, marka daaqadda la soo xirana waxaa furma Albaab, waana nooca kaliya ee aan ka fahanay Siyaasada Dimoqraadiyada ku dhisan.
Halka mushkilada ugu weyni ka jirtana waa Sharciga Dalka oo noqday mid guur guura oo ay hadwalba kooxda shukaanta u heysa dalka ku abuurto khilaafaad destuuri ah oo aan jid & jiho laheyn balse ugudambeyn muranada siyaasadeed ee ka dhasha inta isagaba meel la iska dhigo lagu kala baxo Xoog & xoolo.
Hadda waxaan ladafirikarin in ay halabuurada Xukuumaddu ku mashquulinayaan Mudanayaasha Baarlamaanka kala aragti duwanaansho dhexdooda ah si aney ugu mashquulin iyada shaqadeeda, waana sidaan yeeli lahaa Aniguba hadaan iyaga indhahooda ka arko in eysan aheyn Wadanniyiin dhaartii ay ugu dhaarteen dalkooda & dadkooda ka runsheegaya, balse ay taa badelkeeda yihiin kuwa dalqada wax ka arka..
Hadaan u soo noqdo soo dhaweynta Gudoomiyaha baarlamaanka waxaan oran karaa waa soo dhaweyn siyaasadeed oo ka badbadis ah,saxna ilama aha in maalin dhan oo 01-December ah ay soo dhaweyn noqoto shaqadii dalka oo dhan , taana waxaa daliil u ah in Xildhibaano ku heshiin waayay Fadhiyadii iyo waajibaadkii Qaran ee loo igmaday inay saakay heshiis ku wada yihiin soo dhaweyn Taagni ah oo ay ku soo dhawaynayaan Gudoomiye hoodii oo arimo qoys ugu maqnaa dalka Turkiga.waana halkii uu hebel ka yiri "BAROORTU ORGIGA KA WEYN".
.
FIIRI SAWIRKA KOOWAAD:- Soo dhaweynta Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaa saakay siicir bararka ku riday waa wareysigii dhexdhexaadnimada ahaa ee uu shalay iska soo hormariyay waxaana isugu tagay Afar qeybood oo kala ujeedo ah:-
-Qeyb ladhacsaneyd hadalkiisa oo ka fileysa inuu Xeer hoosaadka Baarlamaanka ku go’aan qaato kuna tilmaamo Gudiyadii lakala diray Go'aan sharci daro ah.
-Qeyb u xusul duubeysa inay Software-ka saaran Odayga ka bedalaan oo uu kula go’aan qaato wixii ay go’aamiyeen mudadii uu dalka ka maqnaa.
-Qeyb ujeedkoodu uu yahay doorashada Koonfur Galbeed inay kala hadlaan maadaama ay ku tuhmayaan awoodo uu ku biirin karo Siyaasadooda ayna qoraxda in cabaar ah utaagnaayeen soo dhaweyn tiisa.
-Iyo qeyb rabta iney waxaas oo dhan ka soo qaado war ku saabsan waxa loo sheego oo kaliya Anagana raba in ay sidaas noogu sootabiyaan, balse aan odorosi karin Siyaasada socota,,,,!!!!
--------MAXAA YAAB ISDABAYAAL..!!!
====================================000================================
=TANI WAA ARAGTI DEYDA /=
WQ/- Abdulkadir Dulyar.
Muqdisho/=
QORMO:- NINNA AAKHIRO DAN LA’AAN UMA JIIFO.!!!WQ/- Abdulkadir Dulyar
Abdulkadir dulyar
Saturday, December 1, 2018